Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Qof walba Qumanihiisaa Qoorta ugu jira!:)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Midnimo_Absame

Tuesday, April 03, 2001 - 06:44 am
Hakad geli halkan,

Waa maxay MIDNIMO?

Ilaahayga Boqorka ayaa qof walba qumanihiisa qoorta u geliyay. Markuu Aabaheen Adam abuuray, inagoo weli dhabarkiisa ku jirna, Ayuu Ilaahay Naga Sugay in Uu Yahay Rabigeen. Ka dib wuxuu na faray in aan tubta toosan raacno si aan u liibaanno, wuxuu nooga digay in aan qaadno wadiiqooyinka ka leexday toobiyaha toosan kuwaas oo hoog iyo ba' noo gayn. Qof leexda oo suryo dhaw ka dus yiraahda habaw baa u dambayn.

Hadaba MIDNIMO waa urursanaa iyo wadajir. Waa garab iyo gaashaan isu noqosho. Waa gacal iyo wanaag hayn.

MIDNIMO ma aha in dadkoo dhan isku rayi noqdo! Qof walba rayi iyo garaad u gooni ah ayuu Eebaheen siiyay.

MIDNIMO ma aha in sidii awr dhaan ah aynu isu dabo galno inagoo gar iyo gafuurba ka xiran!

MIDNIMO waa qadarin rayiga qofka kale!:)

MIDNIMO waa qaadasho rayiga wanaagsan!:)

MIDNIMO waa uruurin talada habboon!:)

MIDNIMO waa tix gelin yar iyo weyn!:)

MIDNIMO ma aha anaa quman iyo isla weyni!:(

MIDNIMO ma aha tayda ha la qaato ama waan ciidayn!:(

MIDNIMO waa xushmo iyo xaal marin!:)

MIDNIMO waa walaalo wada jira!:)

MIDNIMO Absame ayaa lagu gaari guul iyo gobanimo waarta!:)

Waxaan raadinayaa 2:):) oo qof, rag iyo dumar, oo awladdii Absame iyo Adeerkood ah oo ila baadi goobta MIDNIMO ABSAME. Haddii aad tahay qofkaas igala soo xiriir:

midnimo_absame@hotmail.com