We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, April 04, 2001 - 11:23 am Hadaba iyadoo fudud shirkii reer Yurub ku qaybsadeen qaaradaha adduunka gaar ahaan Afrika wuxuu ahaa mid looga gol leeyahay in la dhurto khayraadkooda. Sida keli ah ee reer Yurub ku boobi karaan khayraadkaasina waxay ahayd habka loo yaqaan QAYBI OO XUKUN. Waa sheekadii dibayadii kala midabka ahaa iyo bahalkii rabay in uu cuno. QAYBI OO XUKUN! Hadaba dhulka ama gayiga ay degaan dadka Soomaalida loo yaqaan ee geeska Afrika midiyihii lagu qashay qaaradda Afrika dhib weyn baa ka soo gaaray oo saddex doofaar iyo eey ay wataan baa qaybsaday. Ciise iyo Cafar bay qayb u baxsheen. Somalialand ama Somalida Ingiriisku gumaysto ayay qaby ugu yeereer. Hawd iyo Dhulka Kaydsan baa Soomaaliland laga gooyay. Hararge ayaa lagu dhawaaqay. Somalia ama Somalida Talyaanigu gumaysto ayaa qaar kale loo baxshay. NFD iyo Juba la yiri. QAYBI OO XUKUN! Waxaase oo shiddo iyo kharash ah wuxuu gaalku u galay in ayna wada baryin oo aanay iska war qabin labo wada dhalatay. Sidee Alla kuu galay miyaadan waxba garanayn buu ku oran soo adiga fogaaday ma ahan. War arrimaha QAYBAHA kala duwan ha isku darin! Sideed u hadlaysaa ma arrinta Waamo iyo Ogadenia ayaad meel uga wada hadli kartaa? Bal horta tan Ogadenia sug waxba kaama gelin tan Juba? QAYBI OO XUKUN! Si aad u gaarto guul iyo gobanimo waa in aad qalbi iyo maanba aad ka gudubto XUDUUDDA GADAAMAN EE GAALKU SAMAYSTAY! OAU sharcigeedu wuxuu dhigayaa Qadaafina maanta wataa waa ha taaban, ha ka hadlin XUDUUDDA GADAAMAN EE GAALKU SAMAYSTAY. Qaybi oo Xukun ilaa aan garano micnaheeda oo aan ka gadoodno oo aan gudubno Xuduudda Gadaaman oo aan gaarno MIDNIMO ABSAME ogoobeey gobanimo iyo guul inaga dheer. midnimo_absame@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, April 04, 2001 - 10:57 pm Colonel To Midnimo Absame Bacda salaan sxb qoraalkagi aad baa markii hore ula dhacey,lakin markaad qabiil mideyntis ku soo koobtan ka biyo diidey. Dadka la kala qeybiyey ma ahayn Absame,somali,carab,turki... ee walaalow waxay ahaayen MUSLIMIIN 70sano ka hor hal wadan bey ahaayen min Idonisa illaa Maqrib,min kazakhistaan illaa tanzania, maantana cid og ma jirto in ey dad hal ah ey ahaayen waa laga tirey maskaxdooda ilaa la yiri adi absame....adi Isaaq...adi hawiye ...carab daarod.. Allow Dariiqa toosan na tus. Daliil waxa kuugu filan waxa caalamka ka dhacaya hadaad maanta ka adkaato Amxaaro iyo Tigree waxa u soo gurman Nato iyo UN adna illeyn qabiil baad ahayde waa lagaa takhalusi ilayn walaalo kuuma joogan caalamka ee,lakin maalintuu Axmed Gurey la dagaalameyey amxaarada markuu ka adkaadey oy u soo gurmadeen Boortaqiisku waxa u hiileyey Dowladdii Islaamka oo halkasa lagu takhlusey ciidankii sheydaanka marka walaalayaal indhaha kor u taaga oo Taariikhda dib u raaca. Halgankan Xoreyta Caalamka Islaamu wuu socdaa waadna ka dareemeysaan sey habeen iyo maalin Gaalo uga walaacsantey marka iska daaya Qabiilka iyo waxad la wareegeysan ee midnimo iyo Xariga ALLe oo la qabsado la imada. Wabillaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 05:53 am Colonel salaanta lagaa gudoon ee mid qaali ah iyo halkoo qaxwo ah iga qaad. Fadhiga noo hagaaji si sheekadu noogu baxdo. Marka hore aad baad ugu mahadsan tahay ammaanta aad ii soo jeedisay, hadana waxaan isku dayi doonaa Boqorka Idamkiisa in aan kaa shaafiyo dhaliisha aad sheegtay. Waa runtaayoo gaaladu dawladdii Islaamka ee bad ilaa iyo bad fidsanayd bay midda la dhex galeen oo cadba meel ku tuureen. Dhiig bixii maalinta Muslimiintu dhiig baxeen baa weli dhaawaceen la qurmayaa. Bosniya, Kosovo, Sheshniya, Kashmir, Afghanistan, Ciraaq, Falastiin iyo weliba teena Alla TEENA Soomaaliyeed maxaa ka ur iyo qarmuun badan. Hadana khayraadkii boqol sano ka hor Barliin lagu gu'aamiyay sidii loo boobi lahaa weli tuubo dheer ayaa lagu dhuranayaa. Aniga iyo adna warkeeda moog. Hubaal MIDNIMO MUSLIMIINTA maanta ayaa u baahan. Hadana aniga MIDNIMO ABSAME waxaan isu arkaa in aan ka sii liito xaaladdii ay ku sugnaayeen Muslimiintii rumaysay Rasuulkii Ilaahay Calayhi Salaatulaahi Wassalaam waagii ay Makkah joogeen ee Quraysh dhibaysay. Xaaladda aan maanta jooga aniga MIDNIMO ABSAME ah ee liidasho meeshii ugu dambaysay iyo LAA XAWL WALAA QUWATA ILLAA BILLAH. Haddaba haddaan Colonel ogahay xaaladaydu sida ay talahay dulli iyo ihaano Muslimiinta maanta u sugnaatay waxaan doortay in aad xusuusiyo dad oo dhan in MIDNIMO tahay marinka lagu gaari karo NASRIGA Ilaahay. Colonel Ilaahay wuxuu na faray markay xaaladdu sidaa tahay in aan u digno JIFADAADA oo Ilaahay baa Rasuulkiisii Suubanaa Calayhi Salaatulaahi Wassalaam ku yiri sidaa darteedna inaga na faray "Wandir Cashiiratika Al-Aqrabiin!" Hadaba sxb Colonel waxaan oran karaa oo kali ah-- ileen Soomaali iga yeeli mayso Muslimiinta maantana warkooda daa AMA run ahaa ma awoodo in aan wada gaarsiiyo MIDNIMO--reerka aan ka dhashayow si aad silica iyo darxumada uga baxdaan raadsha MIDNIMO ABSAME. MIDNIMO ABSAME ayaa guul iyo gobanimo lagu gaari karaa. midnimo_absame@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 10:41 am walaalow ogaadeenkaaga u dood waxba absame uma qabin kartide.wax aad jaahwareeriso rabi hakuu sahlo.absame wax la yiraahdo oo kaligii xornimo rabaa ma jiro.somali oo idil ayaa wadanka leh,horeyna ugu dagaalantey.midnimo absame waa midnimo agaadeen.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 10:57 am Jabhadow jana gala maxaad ku diidi MIDNIMO ABSAME waaba dahab e! Haddii Ogaadeen is raaco oo raaci geliyo walaalihii Jidwaaq, Baalcad iyo Weyteen oo garka qabsado adeerkii Gelimays soo gacal is raacay ma aha maxaad ku diidi waaba dahab e! Haddiise Absame Midoobe soo wanaag Soomaaliyeed ma aha mise Jabhadow waxaad ka baqaysaa in ay dulmi iyo duudsi galaan oo Soomaalinimo dafiraan oo dadka boobaan. MIDNIMO ABSAME maxaad ku diidi waaba dahab e! Guul iyo gobanimo jidka loo maraa waa MIDNIMO ABSAME iyo Soomaali oo israacda ee maxaad ku diidi waaba dahab e! MIDNIMO ABSAME! midnimo_absame@hotmail.com
|