Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): HALGAN IYO HAAN MARAN!:(
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Midnimo Absame

Thursday, April 05, 2001 - 07:09 am
HALGAN IYO HAAN MARAN

Halganku wuxuu bilawday markii Ilaahay Aabaheen Adam abuuray oo uu ugu hibeeyay ikhtiyaar oo ku kala doorta waxa san iyo xumaan. Halgan naftu waa mid joogta ah oo u baahan had iyo goor in lagu booriyo oo la xusuusiyo waxa san.

Toobiyaha Toosan ee Rabigeen noo baneeyay ciddii ku dhacda waxaa hubaal ah in uusan anbanayn aakhiriyo adduun toona. Waxaase Tootiyaha Toosan bar bar yaal wadiiqoonyin faro badan oo kuu ballan qaaday in aad si dhib yar guul iyo gobanimo ku gaari karto. Halgan naftu waa mid joogta ah oo u baahan had iyo goor in loo dab qaado si loo xusuusto dhankuu jiro Toobiyaha Toosan.

Marse haddii aad u kacdo oo aad cagta saar is tiraah Toobiyaha Toosan waxaa kaa bar bar kici kuwo caano iyo malab kuu ballan qaadi haddii aad wadiiqooyinkooda raacdo. Yuhuud iyo gaal oo dhan weligood raali ka noqon mayaan kumana farxayaan in aad ku carawdo Toobiyaha Toosan. Goor iyo ayaan waxaad u baahan tahay in aad shuxnad xusuus ah qaadato si aadan uga marin habaabin Toobiyaha Toosan.

HALGAN IYO HAAN MARAN

Hadda Halganku wuxuu bilowday waa aan dhawayn iyo xil naf iyo shaydaan is hardi ku jiraan oo loo baratamayo guul iyo gobanimo. Ciddii Toobiyaha Toosan Ilaahay Solansiiyo ayaan guusha iyo gobanimada hantin.

Halganka maanta ee haantiisu maran tahay wuxuu bilawday isna muddo aad u fog. Abrahii Tigree ayaa damcay in Kacbada oo ah Gurigii Ilaahay dumay. Maroodi iyo ciidan aan horay loo arag ayuu dumay oo dagaal geliyay. Bilawguna halkaa buu ahaa. Tigree waxay ku qaadatay wadiiqo boholo cadaabeed kuu gayn ilaa iyo haddan way ku taagan tahay. Halganka maantu waa dhankuu jiro Toobiyaha Toosan.

Qarnigii 15aad bay Xabashi qaylo af labadii yeertay oo gaal u dhawaaqatay. Waxaan nahay bay ku booyeen jasiirad gaal ah oo Ilaahay ka furatay waxaan dhexda uga jirnaa Muslimiin Alla Aamintoo oo ku taagan Toobiyaha Toosan.

Halgankii Axmad Guray ayaa wali taagan lix qarni ka dibna dal iyo duunyo waxaa hafiyay jasiiraddii yarayd oo ciid iyo camuud ku aastay bad weyntii Muslimiinta markii ay wadiiqooyin ku caraabeen oo ka leexdeen Toobiyihii Toosnaa.

HALGAN IYO HAAN MARAN

Halganku waa ganacsi. Waa kala bedelasho. Waa beecshiro iyo kam yagul!

Haa! Ilaahay Wuxuu Ku Tilmaayay kuwa naftooda iyo maalkooda hura in ay iibsadeen Jano Aakhiro iyo Raalinimo Ilaahay.

Haa! Haddii aad ku dhacdo Toobiyaha Toosan oo halgan adag naf iyo shaydaan la gasho abaal kaagu ama AJARKAAGU ama faa'ida aad gaartay waa Ilaahay oo kaa Raali Noqda iyo Janaatul Firdawsa oo ku nasato daa'im abidkaa.

HALGAN IYO HAAN MARAN

Hadaba halgankii Aabaheen Adam bilaabay oo ku salaysan in naf iyo maal loo huro Toobiyaha Toosan ayaa maanta inaga na horyaal isagoo ka rafaad badan agoon abaar joogta.

Halganka maanta waa madi, waa marti, waa mariil, waa maxas, waa maciin la'yahay!

Halganka maanta wuxuu ku hawl galaa HAAN MARAN.

Halganka maanta naf iyo shaydaan baa ka adkaaday oo wadiiqooyin mas iyo good fadhiyaan ku caraabiyay.

Lix qarni ka hor halgankii bilowday ayaa maanta oo aynu qarnigii 21aad joogno marin habaabay ee ma laga yaabaa in uu nagu jiro mid ka raadsho HAAMAHA aaburan gudahooda.

HALGAN IYO HAAN MARAN

Halganka maanta ugu culus ee cadaw ka nixin ciil tirana noqon waa MIDNIMO ABSAME.

Markay awlaaddii Absame iyo Adoorkood isu calool xaartaan. Markay is qadariyaan. Markay xushmad u si muujiyaan. Markay garab iyo gaashaan isu noqdaan. Markay ul iyo diirkeed noqodaan oo ay reerku Toobiyaha Toosan cagta u saaraan bay ciidda iyo camuudda dib u celin doonaan Eebahay Amarkiis.

MIDNIMO ABSAME ayaa lagu gaari guul iyo gabanimo.

Intase HAANTU maran tahay HALGAN meelna gaari mayo. Hadaba sideen Haanta u buuxinaa. MIDNIMO ABSAME.

midnimo_absame@hotmail.com