Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Soomaali Galbeed: Soomaali Galbeed (Current): Waxaan ahay Soomaali!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jabad

Wednesday, April 11, 2001 - 12:42 pm
Waa baa waxaa jiri jiray dad madmadow oo maariin dhalaalaya ah oo dhuudhuuban oo dhaadheer oo dhulka geeska afrika degi jiroo aniga ii eg.

Waxay ahaayeen xoolo raacato iyo caano dhaqato aan ciil qaban. Qofkii u yimaadana waxay ku dhihi jireen baa la yiri "soo maal" ama liso caanaha adigaa og cirtaadee.

Siday qofkii u yimaadda ugu dhihi jireen "soo maal" ayaa iyagii lagu dhejiyay ereygii oo magac looga dhigay SOOMAALI.

Waxaan ahay Soomaali.

Ciddii ciil ka qabtooy yeelkadaada.

Ciddii magac kale la baxdaay yeelkadaada.

Ciddii muran ka qabtana Dhoodaan baan ka adeejin!

Waxaan ahay Soomaali!