Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): MAXAA LOOGA TAGAY DHAQANKII SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kuluc

Unrecorded Date
A salaamu calaykum.
Walaalayaal idinkoo iga raali ah maadaamoo aynu wadankii badankeenu ka maqanahay sidee ayaynu dhaqankeenii asliga ahaa ugu dhaqmi karnaa inagoo joogna wadamo dhaqamo kala duwan ku sugan.Sida

Salaanta,Dharka,Haasaawaha,Cuntada,Madadaalooyinka/maaweelada,kulamada guud,
iyo dhamaanba guud ahaan astaamaha uu dhaqan yeelan karo.
Maxaa yeelay waxaa arkaysaa dhaqamo ay soomaalidii qaateen gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka dibadiisa.Tusaale ahaan hadaad tagto carabaha,hindiya,Pakistan,iyo Asia oo dhan badankeeda waxaad arkaysaa gabdhihii iyo wiilashii is yaqaanay markay guryahooda joogeen oo aan suuqa hadii laysaga soo horbaxo laysa salaamayn,hadii laysa salaamana waa asalaamu calaykum,sida dadka dhaqanka dalkaa ay joogan leh.
Hadii aad tagto yurub,canada,Australia,Maraykan,iyo meelo badan oo kale badankeeda soomaali waa
HI HI !!!!!!
Hadaba maxaa inoo diiday dhaqankeenii haboonaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Waxeey ila tahay weli waan ku dhaqanna qeybo ka tirsan dhaqankeenna sida cuntada, haasawaha, madadaalada iyo marmar salaanta.

waxaan ka qeyb galnaa aroosyada oo aad arkeyso haweenkii oo buraanbur iyo gebley shinbir boodayo hase yeeshee weli ma aan arag ragga Soomaaliyeed oo ciyaar Soomaali tumanayo. Waxaan tagnaa riwaayado ay fannaaniinta joogto qurbaha ay inoo dhigaan...inkasta oo ayna aheyn riwaayadihii aan niqiin haddana weli waan tagnaa si aan u dhageysano uguna ciyaarno heesaha Soomaaliyeed. Cunto badan oo aan dhaqan u leenahay ayaaba iska yar haddana waxii magaalo lagu cuni jiray halkan weynu ku sameysanaa (bariis iyo hilib, baast, canjeero, muufo,soor iyo xitaa canbuulo) Arrinta salaantu waxeey ila tahay in tiradenna qurbaha ay sii badaneyso, waxaan xasuustaa 15 sano ka hor waan garanayey qof walba oo Soomaaliyeed ee deggan Washington iyo agaarkeeda oo haddii qof sameysto party qof walbaa ka soo qeyb geli jiray. Hadda salaantaba leyskama qaadoo waa runtaa arrintaa iyada ah. Suaasheydu waxey tahay sidee baa loogu gudbiyaa dhaqanka carruurta qurbaha ku koreysa? luqadda, heesaha, gabayada, cuntada, dharka, sheekooyinkii iyo mahmaahyadii, iwm.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waad salaaman tihiin marka hore, marka xiga su'aasha ah sidee baa loogu gudbiyaa dhaqanka caruurta ku koreysa qurbaha? Anigu waxaan oran lahaa sida kaliya ee aanu oogu gudbin karno waa iyadoo ay waalidiinta xil adag iska saaraan caruurtooda iyagoo isku dayaya inay hagaajiyaan cidhibta iyo aqlaaqda caruurtoodam, isla markaana baraan, ama ooga sheekeeyeen dhaqanka iyo caadooyinka soomaaliyeed. Waxa jirta in waalidiinta ay iyagaba lunsan yihiin oo ay caruurtooda kula hadlaan marka ay soo korayaan luqado qalaad. Tusaale ahaan marka ay ilmuhu hadal baradka yihiin, hadii ay hooyada ama aabaha reerka oogu yeero cunuga "Come here" halka ay/uu ka odhan lahaa/lahayd "kaalay halkan" waxaa halkaa ka cad inaanu cunuga yar baran doonin luqad iyo dhaqan toona. Aasaaska guriga waa inuu marka hore hagaagsanaadaa oo uu reerku ahaadaa reer ku hadla luqada soomaaliyeed waqtina caruurtooda ay baraan dhaqanka, hidaha iyo luqada soomaaliyeed kuna ababiyaan diinta islaamka waqtina ay ku caawiyaan tacliinta kale ee ay baranayaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
QABYAALADDA SI DEEBAA SOMALIDDDA LOO GA GELIDOONAA? XAGEEBAY SE KU DANBAYNAYSAA? SI HADDA LA ISUGU COLAADIYOSE SAMALIYI MA UGU KALA TEGIDOONTAA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MohamedSweden

Unrecorded Date
Waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka ee ah ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU.
salaantaa sharafta mudan ka dib waxaan isku dayi lahaa ama aan ka sheegi lahaa waxa aan ka qabo su'aashan ah:-QABYAALADDA SI DEEBAA SOMALIDDDA LOO GA GELIDOONAA? XAGEEBAY SE KU DANBAYNAYSAA? SI HADDA LA ISUGU COLAADIYOSE SAMALIYI MA UGU KALA TEGIDOONTAA?

Qabyaalada soomaalida wax ka dawayn karaa ma jiro oo aan Illaahay ahayn...
su'aasha labaad hadii aan u galo anigoo ku hadlaya magaca S/land wazxaan odhan lahaa xaga s/land ´qabyaalad ilaa hada ma laha oo rag ayaa ka shaqeeyey.
Laakiin xagan koonfureed aad ayay uga socotaa qabyaaladu.. markaa waxay u baahan yihiin qof kala hora oo sida adhiga kala celiya ilayn waa kuwan oo caqli yeelan waayee...
Hadii ay maskax iyo caqli ay ku socdaan leeyihiin maanta heerkaa may joogeen,, oo qayrkood kamay hadheen,,,
Dhaka-xuneey ka soo tashada
Wasalaamu calaykum.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MohamedSWEDEN

kuku man

Unrecorded Date
Dhaqan soomaaliyeed hadii uu faaiido leeyahay, soomaali isma gawracdeen toban sano waxaana qabaa in burburka soomaaliya kadhacay uu dhaqanku masuul kayahay ee walaalayaalow dhaqanka diinteena ayaa faaiido lehe maan u noqono.