    Anonymous | Unrecorded Date waxan filaaya in dad badani ayna xitaa ay ka war heynin qiimaha iyo sharafta ay leedahay maanta oo ay tahay 01.07.1999 oo weli wexeey maskaxda ku haystaan 21 oktoobar maskaxda allaha tiree. Sidaas awgeed inta illa ciideysa waxaan oran CIID WANAGSAN inta kalana illah ayaa u maqan. |
    Anonymous | Unrecorded Date Waxaan oran lahaa inta bugta oo qabta cudurka la yiraahdo QABIIL iska daaweeya oo iska saara cuqdada oo SOMAALINIMO raadiya sidaas oo keliya ayaan waddankeena ku dhisi kareeyna mise waxaan weligeen dhex joogeynaa QURBO si kastoo aad uugu fiican tahayna weligaa wax kuu dhaama heli maaysid waddankaaga hooyo siiba ilmahaaga ku kori qurbo dhib weyn ayeey leedahay oo maanta loo jeedin oo wexeey soo bixi doontaa goor aan laga qaban karin. Hadalkeeyga waxaan ku soo xiraayaa DOQONI GOOR DAMBE AYEEY SHALAYSAA. NABADEEY WAXAAN KA SOO HADLAYAA YURUB. |
    Indho | Unrecorded Date waxaa mahadleh ALLAHA naabuuray waxaan oranayaa dhaan ummadda soomaaliyeed malkastaba ha joogaane inay ku xafladeeyaan maalinta sharafta badan ee kowda luulyo habkii ay diinta islamku qabto kuna dheehantahay farxid iyo niyad wanaag iyo rayn rayn sidaas iyo dabaaldeg wanaagsan by indhoos finland |
    Run sheeg | Unrecorded Date Walaal ma xuman waxaad tiri waa Kowdii Luuliyo aad ayaan u faraxsanahay,waa kugu keligaa intee boqol oo kun ayaa ku rafaadsan Kismaayo maanta oo ay tahay kowdii Luuliyo, dadkaas maxay ku garanyaan qiimaha xoriyadii, gumaysigii cadaa waxaa u bedelay gumaysi Jaahil ah oo Neegar ah oo aan Cilmi aduun iyo mid Aakhiro midna aan lahayn banaanaystayna Dhiigii umadaas Mislimka ah, welibana ay kuu taageersan yihiin Malaayiin Soomali ah, Cumar jees waa reer Itoobiya Alle umada ha ka qabtee Caydiidna waa reer Hobyo maalinaba meel ayay ku duulayaan, Allaw calaamad nimankaas iyo wixii taageersanba ka soo saar, kuwaas waxaa ka daran Haraagii Siyaad bare oo weli banaysanaya dhiigii umada, waxay xasuuqeen sanadihii 1977-1985 majeerteen iyo 1988 Isaaq, maantana waxay sii banaaysanyaan dhiigii umada intay is qarin lahaayeen, Allow nimankan umada ka qabo |
    Muslim | Unrecorded Date Ciideenu waa Ciidu-fidri iyo Adxaa. Ciid aan ku waas ahayn malehin. Maxaa yeelay ilaah baa Soomaalida isku daray asagaana siiyey Laba Ciidood oo kaliya. Salaamu calaykum. |
    kuku man | Unrecorded Date cidii 21ka oktoobar udabaal degi jitay iyo ciddii 1da luulyo udabaal degi jitayba, waxaa ILaahay in siiyey laba iidood oo kaqayr badan ee aynu u dabaal degno. |
    sooma | Unrecorded Date Waad salaaman tihiin dhammaantiinba walaaladey kukuman iyo muslim baa helay jawaabtii. waad mahadsantihiin. |