Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): NSYL- Waa urur cusub ee Soomaali, una jira si "dahsoon"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Ku soo dhawaada kuligiin...
NSYL- New Somali Youth League
NSYL- Wuxuu u jiraa si dahsoon or in other word xubnaha ururka qof qof yaqaan ma jiro, sababta ey ku dhacdey sidaas, waxeey tahay ururka NSYL waxaa aasaasay qof adoo kale ah, oo soo booqday web-ka (SomaliNet.com).
Qof kasta ee Soomaali ah, qabyaalad diid ah, danta guud Soomaali, in uu wax u qabto diyaar ah waa ka mid noqon karaa.

WELCOME- gacmo furan ku soo dhowow.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirashid

Unrecorded Date
anigoo ah C/rashid Sh.Biixi deggan waddanka Sweden waxaan diyaar u ahay iyadoo ayna qabiil iyo nin jeclaysi igu jirin jeclahay inaan wax u qabto wadankayga hooyo. Haddaba idinkoon is qarinin intaa aad sheegteen baannu idinku raacaynaaye noo sheega halka aad joogtaan iyo sida aad jeceshihiin inaad wax ugu qabataan, midina waa iga talee ninkii soomaalinimo ku jirto ee jecel waddankiisa inuu wax u qabto, ha la yimaado wax qabad ee yuuna la imaain wax dumis. Waxaan uga jeedaa dadkeennu maanta waxay u baahan yihiin Schools,hospitals and all basic lives laakiin uma baahna in qori loo qaato oo inta hadhay lagusii gumaado, Markaa kolley taa waan idiinka digayaa. Waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanbeeye

Unrecorded Date
Aad ayaad u mahadsan tahay abdirashiid sh. biixi, Anigu waax ahay yuusuf max,ed geele(Hanbeeye)waxaa deganahay Norway waxaan doonayaa sidaas aad sheegteen haday tahay inaan idinka qaybqaato laakiin is cadeeya waa maxay(SUUBAN,SHARAF,AAXOW,WALAALKIIN,BADGAL,atc.
iyo meelaha aad joogtaan hadii kale wax lkaqariyo qurunbaa ku jira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato.

Soo dhawaada Abdirashid iyo Hanbeeye gambar qaata oo ha is martiyaynina.

Walaal haddii ummadda Soomaaliyeed noqotay tusbax go'ay. Haddii dadka Soomaaliyeed diideen in ay is-maqlaan. Haddii tuhun iyo shaki qalbigeena wada galay. Haddii taladeenu noqotay "yaad tahay" oo la diiday "maxaad taqaan ama qaban kartaa. Haddii dalkeenii dad qalato iyo Sanaawi dhiigga cabayaan. Haddii murugo iyo dar xumo aan la daalnay.

Ayaan la yiri amay sidan dhaantaa.
Amay dad wax garad ihi hadaaqaan!
Amay wax lagu soo hiran karo curiyaan!
Amay xog iyo xeelad isu keenaan!
Amay noqotaa ceel laga wado cabo!
Amay caqligu dararaa iyo maskax fuunto noqotay godlataa!
Amaa la dhagaystaa "akhristaa" waayo arag Soomaaliyeed iyo mid hindsaada.

Walaalayaal waxay naga tahay "amaan sidan dhaami karnaa!"

Soo dhawaado Xog iyo Xeelad wixii Ilaahay idin baray nala qaybsada. suban1@hotmail.com

Waan u Kacnay ee Eebow Noo Kici.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Unrecorded Date
Waa idin salaamay...
Halkaan waxaan ugu tala galay oo kaliya in aan ogeysiis ku sheego ee ururka ah.
Qofkii diyaar u noqon karana ha ku soo dhawaado ururka NSYL. Ujeedadana waa danta iyo daryeelka Soomaaliyeed sideen xal aan "qabyaalad" ku dhisneyn ugu raadinaa ee barasho qof meel uu ku nool yahay kuma mashquul sanin una maleen maayo in aan dan ka leenayahay. SomaliNet waxaa isugu yimaada dad meelo badan kala degan ee Internet-ka access u leh sidaa ogtihiinba, marka waxaan kala degenahay meel kala duwan.
ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmine

Unrecorded Date
Aqyaarta waan idin Salaamey

Waxan wax ka dhihi lahaa tuhunka amase shakiga ay ka qabaan walaalaheena soomaaliyeed uruka cusub ,
sida ay shegeen dhalinta kale Badgal iyo Walaalkiin ayaan waxaan ku dari lahaa in aysan marnaba is dhihin ururka waxa uu la dahsoon yahay xumaan amase laqdabo waxeydnaan sidaa u orana , maxaa yeeley nin nin qasbey ma jiraan oo qof walbo talo uu qof keeney oo inoo dan ah ayaan isugu wada nimid oo guud ahaan naa saameyso . Maadaama oo uu qof weliba magaca iyo meesha uu ka hadlayo la aqoon maaha in qofkaa u tirsaneyn amase u is qarinaayo umana maleynaayo in qof waqti isaga dhuminaayo wax uusan natiijo ka rajeyneynin .Hadalkii oo kooban waxaan ku soo gabagabeynayaa in walaalheena soomaaliyeed ay arrinta la wato faa'idadeeda arkaan oo aysan dhanka xun amase shaki abuur aysan ku bilaabin wax waliba dantana waamid soomaaliyeed , oo lama dhihin yaa reer hebel ehee kaaley.
Abdirishiid iyo Hanbeeye I hope u have the right idea instead of the wrong one and that was just to clear the air of any misconception .
Thanx 4 your time n attention
Yaasmine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NSYL

Unrecorded Date
Waxaan Salaamay walaalah isku dayay N.S.Y.L
waxaana jecelahay in aan kudarsado taladayda waxaan anigu ku noolahay wadanka canada waxaan jecelahay in lahelo qafyiraada waxaan ka soo horjeedaa qabiilka. Waxaan wadankii sa soo ma qanahay 12 SANO waxaase aniga iigu danbaysay dhalinyaro aan qabiil aqoon laakiin waxaa qurbaha nooku yimid qolo qabiilka quudata dhar iyo guri u yahay marka walaalayaal shabaqada INTERNETKA wax ma ku xalin karaa aniga oo waxa badan u leh qibrad
Mase laga yaabaa in hadalka hawl loo badalo.

Anonymous

Unrecorded Date
WAR WANAAGSAN OO LAGU FARAX HADDAY RUNTAHAY OO AAD QABYAALADA DIIDANTAHAY LAAKIN FILIMAAYO IN AY RUNTA TAHYA SOOMALI BAA QABAYAALADA KA ILA BAXAYSA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

N S Y L

Unrecorded Date
BY.Anonymous
baa iska leh jawaabtan waxaa waligaa la fiiriyaa qaka waxa uu kuu sheegay laakiin waxaa fiican in aad qaadatid ama aad diidid lakii kuuma fiicna in aad tiraahdid warkaas waa hadii aadan ogeen, laakiin saaxiibow hadii aan adiga iyo aniga aan isku waafaqsanahay in qabiilka laga maarmo maxaad u soo dhaweenladahay figradaa hadii aadan qabiiladii ka imaan ka dhacay soomaaliya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iimaan

Unrecorded Date
Asalaama caleykum!

Aniga oo ah Iimaan Ahmed Jama degenah wadanka Sweden ayaan jecelahay inaan kamid noqdo ururka NSYL oo mid diyaar u ah inuu wadankiisa hooyo wax u qabto, wixii kale oo warfaahfaahin intaas hdeer walaalayaal hanaloo soo diro aniga iyo intii kale dooneysa danah ummadda Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
War wali ma waxii qorunkaad wadiin (NSYL). Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii iska cayaarayey markii la asaasayey urur ku sheegan ay ciyaal alfiska madaxda iyo qab qablayaasha ka yihiin. Dhamaantiin waxaa tihiin Surwaalbalaq. Waxaad oktihiina wuu yar yahay. War waxaan idinleeyahay Allaha idin soo hanuuniyo.

Somali diyaar u ma aha urur kale oo way ka daaleen ururo. Iskaba dhaaf kuwa ay naago wataane. Waxa kaliya ee la isugu imaan karo waad Diinta. Otherwise you have nothing to contribute except new "jabhad"

Dhagax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suban

Unrecorded Date
Annonymous/Dhagax,
Haddaad xal heeyso soo bandhiigay.
Aad iyo aad bay uu sahlantahay in farta la isku fiiqo.
For you information NSYL naagi uma taliso, ee fadlan iska ilaali dadka aad ku xad gudbeeyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hanaa

Unrecorded Date
asalaamu allaykum waraxmatulaahi wa barakaat
runtii aad iyo aadbaan ugu farax sanahay in ayjiraan dad somaliyeed oo isugu imanaya talo iyo
waxtar wadankooda iyagoon eegayn qabiil.
NSYL is the dream,waxaan rajaynayaa inuu rumoobo
aniga ahaan runtii waxaan u awoodo inaan wadanka u qabto diyaarbaan u ahay,so please give more information about how, so count me as one of you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Unrecorded Date
Asalaama caleykum Hanaa.
Hanaa marka hore iga gudoon salaan walaaltinimo.

Waa xaqiiq inay weli jiraan dad soomaaliyeed oo badan oo quloobtoodu ka maran tahay qabiil iyo qurun, isu-tagooda iyo wanaag ka tashigooduna uu noqon karo mid wax ku ool ah, xalna uheli kara dhibaatooyinka ka jira soomaaliya.

Fikrada ah in wadankaaga aad wax uqabatona waan kula aaminsanahay, laakiin weli waxaan raadineynynaa dariiqadii iyo habkii wax loogu qaban lahaa.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan ururka waxaad booqataa NSYL forum. There are FAQ and answers. Waxaad kaloo email udirtaa Suban si ay kuu diiwaan geliso, kala xiriir Suban1@hotmail.com

Sidaa iyo nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

.maxamuud

Unrecorded Date
asalamu calaykum waa maxamuud aadan oo deggan magaalada las vegas ee state-ka nevada ee maraykanka waddankii waxaan kasoo maqnaa 14 sano waan ku faraxsanahay dhalinyarada fikraddooda oo kasoo horjeedda qabyaaladda weligeey qabiil qof kuma kuma raacin oo la iguma soo barbaarin sidaa xaqa yaan indhaha laga qabsane runta ma isu sheegnaa soomaaliya xaq darro weyn ayaa ka dhacday oo uu ilaah ka caroodo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan oo qof kasto leh baa dhiiggoda si xaq darro ah dhulka loogu daadiyey kuwii daadiyey kuwii lasaftay xataa hadday wax dilin eebbaha casiis ka ah ayaa la xisaabtamaya qiyaamaha warka yaanan idiinku dheeraynine soomalia kitaabka uumbaa lagu xumi karaa xukunka kitaabkana nacas uumbaa ka baqa ee qof xaqa yaqaan waa u sahlantah. mahad-sanidiin eebbe xaqa hana garadsiiyo, dhaliyarada fikraddaan la timidna shaq wanaagsan. aslamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hajiin

Unrecorded Date
According to certain reliable sources SYL was corrupt and abusive organization that misruled Somalia. Some of it's high ranking former members are still part and the parcel of Somalia top trouble makers. There is plenty of evidence to support this allegation who ever is interested and many of Somalia current troubles can be traced back to the days of SYL. Why would new organization with clean sheet adapt such name?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AKHYAAR

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN DHALIN YARADA SHARAFTA LEH EE FIKRADOODA KA DHHIBATAY URURKAN SHEEGAYA IN UU KA TALINAYO WANAAGA UMMADDA SOOMALIYEED.
BAL HADDABA WAXAAN HALKAN KA DHHIBAN LAHAA FIKRADAYDA ,AQBALAADEEDA IYO FALANQAYNTEEDUNA WAA MID U TAALA INTA AKHRISATA,
NWAA MARKA KOOWAADE HADDII UU QOF WADO WANAAG AMA URURBA MA TAHAY IN UU IS QARIYO.WAXAAN TUSAALE U SOO QAADAN KARAA IN ILAAHAY MARKA UU UMMAD U SOO DIRAYO RASUUL AMA NABI UU CADDEYO RASUULKAAS SI UU UGU BADHEEDHO WIXII DHIBAATO IYO WANAAG UU KAL KULMO UMAADAA.
WAA TA LABAADE WAX ALLA WAXAAD WADAAN AJENDIHIINU WUXUU YAHAY CID ALLA CID GARANAYSAA MA JIRTO MARKAA DADKA MA WAXAAD LEEDIHIIN INDHO LA'AAN NAGU SOO RAACA TAASINA MACQUUL MAAHA.
WAA TA SADEXAADE HADDII AAD WANAAG UMADEED WADAAN IDINKUBA ISMAYDAAN QARISEEN WAABA HADDII AAD WAX JIRA TIHIINE.
TA AFRAAD DADKA MA WAXAAD MOODEEN INAY YIHIIN HUGUN RAAC TAASI WAA TI KHARIBTAY SOMALIA
GABAGABA AHAAN HA KA DHIGINA HUGUNKU WAA HUGUNKAA.......
MARKAA BAL IS CADDEEYA HADDII AAD WANAAG WADAAN WAA LA IDINKU RAACI HADDII KALANA WAA LA IDINKU GARAN WAXAAD U JEEDAAN.

Baraale

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum
waxaaan u malaynayaa dhamaan wixii la dhihi lahaa waa la sheegay marka, waxaan qabaa in ururkan laga war sugaa bal wax qabadkiisa intaan seef la bood lagu noqon, maxaa wax qarsoon naga galay wax qabad ayaaba cinwaan u ahe!, anigu shaqsi ahaan xubin kama ihi laakiin waxaan qaqbaa in lasoo dhaweeyaa loona fiirsadaaa kaalinta wax qabadkiisa inta aan la xagxaganin ka hor.taa waxaan ka wadaa dadka soomaalida ah oo lumiyey akhlaaqdii dhaqanka iyo Islaamka oo mucaaradnimo kasoo hartaqy!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GOLALEY

Unrecorded Date
SALAAMU CALEYKUM
WAXAA HUBAAL AH IN SOOMALI AYSAN KA BAXEYNIN KANA GUDBEYNIN ARIMO KHABIIL ;; MAXAA JIRO WAABA KU DHASHEEN KA SOO BILOW CARO JABUUTI ILAA NFD KU GEE WAXAAN U DEGANAHAY QABIIL QABIIL ,SIDEE NOOGU
SHEEGEYSAAN WAALA LIIBAANAY IYO URUR BAAN SAMEYNAY OO KA BAXSAN QABIILKA ',KIINASE MAXUU KA GA GEDISAN YAHAY;;SDM-SNF-SSRS-SNM-USP-7 USC-BRS -SLM-NSA-WSON-MID MAGACA SOOMALI KA MAQAN YAHAY MA KU ARAKTAA?KULIGOOD WAXEY LEE YIHIIN KAABO QABIILO KAA CAANSAN ADIGA SIDA HEBAL HAASHI,HEBAL
YUUSUF HEBAL MAHDI,HEBAL CEYDIID,HEBAL MASALE,HEBAL SUUDI,HEBAL GABYOW IYO WELIBA HEBAL
GADUUD.HADE ADEER URUR WAREERKIISA NAGA DAA SAA TIMIRTI HORE DAB LOO WAAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bam bam

Unrecorded Date
Wax idin Wasa ma u baahan tihiin Qudhun yahaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bam bam

Unrecorded Date
Horta u malayn maayo inuu nin reer waqooyi ahi waxanoo kale yeeli doono.Waar Hayaay,waa kuwii hadana

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bam bam

Unrecorded Date
Wax idin Wasa ma u baahan tihiin Qudhun yahaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahmoudmfarah

Tuesday, September 12, 2000 - 12:30 am
Waad salaaman tihiin aqyaarta sharafta leh ee doonayo in ay ay dib u soo nooleeyaan NSYL oo ah urur taariihk ugu fadhiyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed. Aniga waxaan diyaar u ahay in aan qeybteeda ka qaato, waxaana idiin hayaa fikrado aan qiimo u leh, anigoo ka soo jeedo reer ka mid ahaan jiray ururkaas, wax badana waan kala socdaa.
* Ma kulanaa?
* Ma ka wada hadalnaa siddii ficil loo sameyn lahaan
Ila soo xiriira gaar ahaan e-mailkeega oo ah sidatan:
mahmoudmfarah @ hotmail.