We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date altawakal@hotmail.com waxaan kunoolayay wadanka canada waxaan dalkii iigu danbaysay 12 SANO. Marka waxaan beejkaan u sameeyay in ay akhyaarta isgu dhaafsadaan wixii talooyina CABDEWALI XASAN TORONTO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal ma balan ayaad waydinaysaa, waxaan u maleen qabar maafish ayaad tahay. somali waxey balan ka dhigteen been ay u been shaygayaan galada intii ay soo gubeen wadankood, beena waa tii Alle naga xarantimeyay. Ee walaalow balan warkeed iska dhaaf waxeynu noqonay umad urtay, xitaa magicii Islamka waynu ku dhaylnay si aad u xun, intee lagu arkay naag laqabo oo oranayso ciyaalka boyfriend ayaa iga dhalay, intee kale hee somali & mangabkeeda. Ee macalin balan iska dhaaf waynu qurunee.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO:QANCISO Waxaad ku mahad san tahay sida aad isku xilqaantay oo aad u dhiibatay figradaada waxaanse anigu ku leeyahay waan kugu raacsanahay waxa jira oo aad sheegtay laakiin waxaa ula jeedada tahay warsidaa miyaan kutashanaa mase waxbaan ka badalnaa arimaheena oo waxaan u fakarnaa sidii aan u badali laheen xaalada uu ku jiro wadankeenii adig oo ogsoonaanaya in aana laheen wadamadaan quruxda badan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date walaalow aniga ma garanaayo sidii wax loogu badali lahaa xaalka aan ku jirno, hadii qof yiraahno aan badalno waa adigoo yiri bada aan macaneyno, aqlina ma galaayo. wuxuu Alle simin mala wada simi karo umadaan waxna maloo shaygi karo. waxaad firisaa qeybta Somali womens forum boga SOMAALI WAAN URNAY OO BAL BALNAY {AAN ISKU XISHOONO INTAAN WAXDOON KA BADANEE}CEEB CALAYKUM waxey walasheyn waayo aragto ku soo ban dhigtay xaqiiqiyan sida dadkeeni yihiin. for almost 2 days ayuu furanyahay qof ka hadaa wala layahay except walaakiin. hee see wax la sameenaa? waa in loo duceyaa un, sikale ma leh. wadankii xag Alle ku daa mooryaan & qurankeeda sacadaan ma fara gashan karnee. Alle ayaa u maqan, intaas anagana qurbo ayaan sii jogenaa oo beentii ayaa lagu tashan (waa iga kaftan) been tii hore Alle hanaga cafiyo. hee Aniga i have no idea, qof siyaaso ku dhaxjirtana ma ihi. so sorry.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Qanciso: Asalaamu calaykum marka hore waxaad ku mahad santahay sida aad u dareen san tahay waxa maanta ka jira wadankeenii, laakiin waxaan rabaa in aan inyar kaaga sheego waxaad waligaa ogaataa in ilaahay yir qoom(dad)ilaahay mabadalo xataa iyagu iska badalaan xaalada ay ku sugan yihiin,marka waxaa maanta halkaan na keenay dhibaatadii ka dhacday dalkeenii hooyo. sida taariikhda lagu qoro majita dad dhamaantood isku raacay wanaag ama xumaan taasna waa suno rabaaniya. Taasina waxay ku tusaysaa waxa ka jira maanta soomaaliya in aniga iyo adigaba iyo dadbadanba aynan kuraacsaneen. marka waxaa loo baahanyahay in waxkasta oo dhaca lagu cibro qaato si aysan mardanbe u dhicin sida quraanka aad ugu arkaysid in badan in laga sheekeeto qoomamkii hore marka waxaa loo baahanyahay hadii aan ka nimid wadankii ma waxaan ku laabanaa anaga oo wali xanbaarsan wixii naga soo saaray mase waxbaan iska ba dalnaa,ceeybaynta iyo quusashaba waalaga fiican yahay waxaasa loo baahan yahay isi sixid iyo is baraarujin adaga oo waligaa isticmaalaya hadalada wanaagsan waayo dadbadan wali kama buskoon cudurkii qabiilka ahaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaama caleykum Akhyaarta sharafta leh. Atawakal iyo Qanciso: Waxaan aad iyo aad ugu faraxasanahay iney weli jiraan dad damiir leh oo ka damqanaaya ayaan-darada ku habsatey dadkeena iyo dalkeena. Dadow dalkii ka nimidee maxaa noo balan ah? Jawaabtu waa cadahay. Ilaahey ka sokow cid kale maanta uma maqna dalkii oo aan ka aheyn soomaalideena dibada ku nool. Sidaa daraadeed waxaan idinka codsanayaa inaad booqataan bageka NSYL, oo ku soo biirtaan ka wadahadalka iyo lafagurida doodaha ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa dalkii. Hadii aad u baahataan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Ururka NSYL, la xiriira suban1@hotmail.com Wasalaama Caleykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:by yusuf Walaale waxaan kaa gudoonay salaanta islaamka oo qiimaha gaarka leh. waadna ku mahad santahay sida qiimaha leh ee aad uga murugoonaysid dhibaatada ku dhacday wadankeenii hooyo waana ka mid noqonaynaa kana midnayah NSYL hadii uu yahay mid ka maran qabiilka iyo qabiil raacyada ogoowna wax kasta oo laysku dayo waa laga guulgaaraa hadaba waxaa loo baahan yahay in aysan arintu naga noqon xiiso ama waqti dhumis oo la isyiraado qof qofyaqaan naguma jiro ee aan halan kuwada shaykaysano hadaba waxaa noo balana wadahadal iyo isisixid uu ku jiro xikmad.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waan idin salaamay dhamaan waxaan ahay nin somaliyeed oo degan VIRGINA agagaarka DC waxaan idiin sheegayaa in aan tegay somaliya bishii march ee sanadkan wadanku sidaad moodan waa ka fiican yahay lagama yaabo in qabiil owgiis la guu dilo laakiin tuugo ayaa joogta kamase dara washington DC waxaan tegay bosaso waxaan baabur ku soo maray barri ilaa xamar halkaas oo aan joogay mudo 23 cisho ah dadka qaarkood kaa dharqurxoon kaana lacag badan kaana muuqal fiican qaarna aad ayay u liitan marka wadanka ku laabta dhibaato kama jirtee inta qof oo reer canada iyo reer yurub aan ku arkay ilaah baa xisaabi kara haddii aydan qurbaha wax ku hayna wadan kiina waa fiican yahay idaacada hoog sheeg run ha moodina aniga waxaan labana yaa oktobar in sha,allah haddii aad iraacaysan ina keena
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: Altawakal Walaal xal Alle subxaana waqaadir ayaa haya. Sidii aad sheygtay wax walbo sabab rabaani ayee u dhacaan, wadan aan rafaad & dhibaato aan so marina majirto. Dhibatoyinka way kala ronyihiin, cudurkaan waa kan ugu xun, wax ka xuna majirto in ay isdilaan labo qof oo walaalo ah, waana tan naheysata anaga. Diin, & wadan toona iskuma heysano, Runtii hadii aad rabtid caro rabi ayaa naheysata oo ah afcaashi xumeed ay dadkeeni ku hayeen wadankii. Alle subxaana waqadir qabiil wuxuu nogu sameyay in aan isku garano darteed, ma uusan nogu sameen in aan is ugarano. Sida aan uga buskonana way adagtahay (xag Alle wax ku ma aha), sidee wax layeeli hadii aan jogno dibada? Ma kuula tahay in laga dawenkaro dadka dhiigoodu uu ku shaqeyo sidii blood cells oo kale? Inteena wax laga bilaabi? Sidee wax logu sheygi duqoshinka qabyalist ah? Sidee loo daweyn nin qori wato oo oranaayo qabilkeyga ayaan difaaci? Walaal boqolaalo su'alod ayaa jira, mana u maleynaayo in laga jawaabi karo si dacad nimo 100%. {waana ogahay xag Alle in ay meel taalo}. Marka ma garanaayo sidii wax layeelayo, Alle ayaa no maqan asagaana ka war sugenaa. TO: Yusuf Walaal waad mahadsantahay wana ku faraxsanahay in aad dalkii xal u radinaysid. Runta ayaa fican Walaal NSYL in badan ayaan dorbin u heystay mana I qancin waxa ay wadaan. Xumaan ha iga qaadan, HADAL HAAN MA BUXSHO FICIL & DHAQAAQ AYAA BUXSHO. dadka xalka radinaya waa in ay wadankii sal dhig ka dhigtaan, ay ka tagaan qurbaha ay jogaan waayo meesha xal u bahan waa wadanka. Waa in ay yihiin dad dacad ah 100%, aysan ku shaqeen qabiil, wayna adag tahay somali sidii ay iskaga dhowraan cudurkaan. Waa in ay yihiin dad kulan yelan kara, dad maalin walba howsha wadi kara, waa in ay yihiin dad isku xiran, waa in ay yeshaan boss mise qof u madax ah, waa in ay xubna walba 5 group noqdaan sidii logu hubsado shaqo goni ah, intee howsha ka bilabayaan? Tan waa mid muhiim ah, ma u adkeysankaraan dhibato walbo ay la kulmaan? Ururka waa in ay heystaan maliyad ku filan ay ku xalin karaan howlaha ururka. & Wax yabo badan, nabad galyada Somaliland ma ku jirtaa mise somali un weye sheykada? waan ogahay in ay cusub yihiin, wali waa in ay ka fakaraan waxaan & wax yabo badan oo kale. Walaal ka ma soo horjeedo, tan waa xaqiiqadii ilka cadeen oo been ah loma bahana. Markii aan bogooda firiyane jabaab I qanciso ma helin. Aniga waan kari karaa in aan galo oo lafa guro balse su'aashu waa ma kari kartaa si dacad nimo howsha lagu diro? Markii aan egayna 50/50 ayaan noqday. Waxaana lo bahan yahay in uu qof walbo dacad noqdo. Qofka wax yabahaan galaayo waa in uu yahay qof wax kala garanaayo oo siyasad yaqano, siduu meel wax ugu bilaabi lahaa. Howlahaan oo kale sabir badan ayee u bahan yihiin, waxaa ladonayaa in uu qof ka noqdo mid u adkeysankaro wax wabo xitaa xaar hadii madaxa loogu shubo. Walaal sua'aal aan ku weydiiyo madama aad ka midtahay ururka NSYL · Qabiil sidee u xali naysaan markuu noqday address oo kale? · Oda'yashaan warabaha oo umadii qaribay sidee wax ugu shaygeysaan uguna dhadhicin kartaan? Itii ay kacbada tageen ay so dharteen ayee wax fulin wayenee sidee idinka wax yeleysaan dad herkaas jogo?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaama Caleykum Dhamaantiin. To: Atawakal salaama mar labaad bro. Qabiil boos kuma laha quluubta xubnaha NSYL. ilaa hadeer qof aan shaqsi ahaan u aqaan majiro, iskaba daa qabiil uu yahay qof ka tirsan NSYL. War iyo dhamaantii hadal waa kii aad hore utiri "Wadahadal iyo isasixid ay ku jirto xikmad" To: Qanciso adigaa mudan walaaley. Hadii aan suaalahaaga ka jawaabo. Marka hore, suaasha ku saabsan cudurka qabiil iyo soomaali waxa kala heysta waa shey ilaahey masiibo nooga dhigey soomaali hadaan nahay. Aafooyinka iyo masiibooyinkuna waxay ka mid yihiin qadarka ilaahey, waxeyna ku qoran yihii lowxul maxfuudka. mararka qaarkoodkoodna biniaadamku wuxuu ka qaban karo ayaa iska yar. Sidaa daraadeed NSYL xal ha ka sugin, nabad iyo barwaaqo waa kuwii xag ale ka yimaada. Arinta aan meesha ku heyno " NSYL" waa sidee maanta lafaheena u badbaadinaa, una joojinaa qabiilka iyo dhaca ka jira dalka. Waxaa laga yaabaa in qaarkeen maskaxda ku haya fikrado xal dhalin kara, qabiilna ka tirtiri kara quluubta soomaalida. Suaasha labaad jawaabteeda. Odeyaashu maanta iyagey ceeb utaalaa. weyna ka soo bixi waayeen kaalintii ay kaga jireen dhisida bulshada. Runtiina waxaan isku dayeynaa inaan si naxariis leh uga dhaadhicino hadafka NSYL, waayo waa waalidkeen in kastoo ay qaldan yihiin. Hadii ay Odayaashu iska dhegatiraan qorshaheena ilaah baa og sidii ay wax noqon doonaan. Balse waxaan kuu hubaa iney maanta jiraan dhalinyaro ka cilmi badan, kana taajirsan, kana quluub fiyow odayaasha, isla markaana diyaarna u ah iney dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan. Wasalaama Calaykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO YUSUF ASALAAMU CALAYKUM. Walaale waad ku mahad santahay sida aad aniga iyo Qanciso noogu soo jawaabtay laakiin sida halku dhageenu ahaa aan waxa saxno si xigmad ku jirto. hadaba waxaa maanta anigu arkaa in aan sixida ka bilaawno walaalaha danaaynaya in ay waxa maqan yihiin anaga oo ka faa'iidaysanyna waxyaalihii horay u dhac.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to.altawakal. safi, maxaa rabtaa meesha aan isugu imaan doono Hadaba dhagaha fur si fiicana u maqal waxaan isugu imaaneynaa hadaan soomaali nahay XEERADA SALKEEDA MARKAASAA INTII SOO HARTA ISCUNAYSAA OO IS DUWANAYSAA HALKAAS AYAA SOOMALI WARKEEDA U DANbeYsa. FINISHshhhhhhhhhhhhhhhhhhhhsh. ALOW NA DABO QABO OO NAGA SOO GAAR----------r
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waa salaamantihiin. Dhacda waa dhacdee Dareenka wadnanimo iyo qiimaha dhulkeenii hooyo leeyahay qurbaha uun baa ku aragnay balse dhalinyaroow. Tale maxamuu mashi sheeyaa wax kasugnaa mise anagga daneheena soomaalinimo dhameysana. Odeyaaasha xukunka iskuheysato iska illaawa wexeey iloobeen in dunida eey tahay harkaas labadiisa gelin. Hadii dagaal wax lagu xalinlaha Hitlerba iyo xulafadiisii kuma eey guuleysan. Soomaali tii iga soogaartay allaa uun baa og balse wa dhul keygii oo qurbahan nolol iima aha. Yacni tii igu dhacday waa dhacday ,waxaan kawadaa dagaaladii soomaaliya waxaaan ku waayey Aabahey oo aan meedkiisa arag reerkoona dhan iyo Abtigeey.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, June 30, 2000 - 08:01 am SALAAMU ALIAKUM THIS IS ME AND MY NAME IS NIMCO AND I'M DAROOD I DON'T LIKE FUCKING HAWIYOS IF GO BACK TO SOMALIA I WOULD KILL THEM INSHA ALLAH FUCKING PEOPLE DYING FOR FOOD THOSE ALL ARE HAWIYOS.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, June 30, 2000 - 06:48 pm hey nimco whaaaaaaaaaaaaatup? r u crazy or what? actualy i am not and i don't like u'r m.f words and u'r attitude. And i believe now is forgiveness-time so clean yourself and go school and learn something. your brother liban
|