Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): OGEYSIS/KULAN LOOGA HADLAAYO KHIILAAFKA U DHAXEEYO WIILAHS IYO GABDHAH SOMALIYED WAX KA LAFOGEYAY/
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 04:32 pm
OGEYSIS/waa kulaan looga wada hadlaayo qalaafka u dhaXEEYO wiilasha iyo gabdha somaliyed waana mid u faran qofkastoo somaliyed meelkasato oo joga /in uu kahadlo waxa sii kala fogeynayoo wiilasha iyo gabdha somaliyed iyo waxaa keenay JACEYLKA IYO IS AFGARAN WAGAN sii badanayo waxaa ka daraan walaal furniinka la caadeystay iyo caydaan u dhexaayso oo sharf moodeen waa laguu bahan yahay qofkasto dhaliinyaro ah wayna ku quuseesa si daacad ah uga soo qeyb gal/ wiilasha iyo gabdhah waa ubax iyo fuyuujar isa suugaya/ MAHADSANID/

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Friday, February 02, 2001 - 01:57 pm
salaan niyahow topic qorey waa mid xiiso huwan.runtii aaminaadii sanadka wey adkaatey.ninyahow sheekadan aney igu dhacdey waxaan ku noolahey norway markaan arkey sida hablaha iyo ragu kala yahey baan door bidey in aanan naag yurub ka guursan anoo ka baqaayey burbur danbe ee igu yimaada,waxaan aadey africa anoo ka keeney gabar aan ehel nahey maxaase iga raacey jab,ninyow markaa taladu meel loo raaco malaha malaha kuwa yurub baa la qaata.isfahamku waa adkaadey naagihii soomaliyeed la waaa ee reer dhaqashada u diyarka ahaa balada ma iska deynaa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 02:57 am
AHAHAHAHA waxaan laqoslaaya ama aan layaabanahy walaalkey inoo furay doo daan oo ah mid qaaliyoo loo baahanyahay in loogu doodo si dhab ah bal aan figradeyda ku darsado iyo sidey waxiigu muuqdaan.
Waxaan leeyahay gabrawaliba iyo wiil waliba waa uu ogyahay in aduunkaba loo joogo in reer ladhisto ooilmo ladhalo waxaa loo ordaayo ama lacag loo raadinaayaba waa sidaad ku heli laheed guri wacanoo aan dood iyo dulmi oolin.
hadaba waxeyaniga ila tahay .
1:- labadaruux marka ugu horeysa ey kulamaayaan ama ey isku soo qadayaan iney mustaqbal wadaagaan oo ay is la go aansadaan hadey isugu yimadaan erey runa ah oo aan wax beena isku sheegin arintoodana ey kadhigtaan mid labadooda mooyee cidkale aan la ogeen ilaahna aaminaan dhaxdooda wax qilaaf ah ma imaan laheen taasi inta badan laguma dhaqmo lamana yeelo wey naga maqantahay.
2:- Markii liisku raaco in maustaqbal liisla wadaago intey sirtooda qarsan lahaayeen ayey ayaduna inta saaxibadeed lasocod siin asagana saaxibadii lasocodsiin weliba liisku raaci meel waliba oo baarti jira ama muusig kajira dhibka ugu ween ee aan fahmi la nahay meesha ayuu nooga yimaadaa sidaan aniga qabo.
waayo markuu saaxibadii tusiyo saaxibtiis ama uu baro ruuxwaliba waxuu siin figrad gaar ah asagoon kala ogeen midka cadwgiisa ah iyo kan jecel ayuu uwada bandhigi markaasuu mar mar waxuu saaxibadii ula hortagi figradii saaxibkii soo siiyay.
ayaduna intaa inlamida ayey lakumi markey asxaabteeda barto hadaba markey isugu yimaadaan figrad aan maskaxdooda eheen miyuusan qilaaf imaaneen.taasina waamida na heysata ee aan fahnmi la nahay.
3:-Waxaanu nahay dada sheeganaay iney caqiido leeyihiin oo ey diin leeyihiin hadaba diinteena wey noo baneesay inaan is jaclaano mustaqbalna wadaagnoilaa mudana liisla socdo laakin labadooda mooyee aan cidkale loola socodsiin waayo taa waxey diinteena ugu dan leedahay ma ogid inaan calafsadoonto iyo inkale ee waxaadaqarso eyey ina tiri markuu cidana kula ogeen adiga iyo iyada iyo rabigii ku uumay hataa hadaad is weeysaan ama aad isqilaafdaan cidina idinlama socoto jaceelka ku hayan wauu kaa baabi i laakin markaad cid waliba lasocod siiso markaad kala hartaan waxaa ku sugaaya su aala farabadan oo kaaga imaanaaya asxaabtaadi waxeyna ku gaarsiin su aalahaasi inaad naftaada denbi geliso oo walaashaa xumaanteedi oodhan soo bandhigto hataa hadaadan jirkeeda weligaa taaban aadka been abuurato si eysan asxaabtaada kuu dhihin lacagtii ayaa lagaa dhmeestay ama waa laguugu dan gaari oo midkalaa lagaa raacey.taasina kuma fikirnee inaan ku faano oon gabdha sida dhrkii u xirino ayaan rabnaa hadaba sidee ugu nabadgali dadkii cadawgaada ahaa.
gabadhuna intaa in lamida eyey lakulmi.
ugu danbeen waloow aan hadalka badiyay igana raali ahaadee.
walaashaa markaad jaclaato runta u sheeg kalmad been ahina ha u sheegin iskuna sheega ineetahay waxey isku sheegayaan waxuu ilaah ogyahay eysan ayaga ogeen in ey is calfan doonaan iyo inkale
waxtaa kawanaagsan anigu ma arko qilaafkana wuu yaraan lahaa hadii sidaa liisku raaci lahaa.
mahadsanidin waa walaalkiin oo idinleh
aanu runta isku sheegno qilaafka naga yaraadeeeeeeeee.
py: ALXIKAAYA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ruweyda

Sunday, February 04, 2001 - 07:17 am
walaal waxan doonaya in aan ka yara qeyb qaato topickan.waallal runtii fikradadu ma xuma in dadku sir leeyahey balse dadku qabri ma ahan qof walba qof sxb wuu leeyahey taa micnaheedu ma aha in hadalkaaga iyo dhamaan sirtaada ay ogyihiin ama kuu soo taliyaan ilaahey maskax aan ku fakarno buu ina siiyey hadii reerkaaga laguu dhiso hadhow miyaa laguu dhaqi,laakin sxb waad oran kartaa wiilkan waanu isbaraney taasi dhib malaha waayo idinkoo wada jooga ama wada socda baa leysku kiin arki karaa hadaad qofka mustaqbal ka rabto ma qabri baad kula sheekeysan,anigu ma aaminsani in qof lagu diri karo qofkii uu rabey ee wixii idin dhex mara ayaa idiin hogaamin karaan jaceel ama kala tag.waa wax fiican in aad ku heshiisaan in wixiina secret idiin ahadaan
intii leydin dhex gali lahaa.soomalidu waxey ku maahmaahaadaa " dheri fara badan waa fuud qaraaradaa"marka waxa fiican in labada qofi iyagu isbarataan kadibna rabi tala saartaan.intaa bey iga ektahey.