We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalamu Calykum, Ogaysiis: Waxaan donayaa inaan sameyo urur ay ku dhan yihiin aqoon yahanada Somaliyeed meel walba ay jogaan. Waxaan markaa ka codsan dhamaan aqoon yahanada Somaliyeed inay gacan iga siyaan dhismaha ururkaa. Insha Allah waxuu ururku wax u qaban donaa umada Somaliyeed oo ku dayacan meela farabadan oo aduunka ka mid ah. Waxuu ururku noqon donaa mid khaas u ah aqoon yahanada, inkastoo rayiga umada kalana la soo dhoween. Qeexitaanka Aqoon yahan waxaa weeyo ruux haysta ugu yaraan Diploma iyo waxii ka sareeyo. Xubna fir fircoon waxaa laga fili inay ka noqdaan Ardayda dhamaysay ama dhiganayso Jamacadaha. Sidoo kale kuwa wax ka dhiga Jamacadaha ama Schoolada. Wax kastoo ra yi ah waxaanu gaari donaa ama isku ururin donaa Insha Allah markaa dhisno ururka. Markaa bil axsaanag gacan ha la I siiyo. Ururku marnaba ma soo dhowen hayo dad rabo inay Qabiil ku shaqeyaan ama dadkale aflagadeyaan sida aan ka arka meelaha ay Somalida ku leedahay hadal is waydarsiga (discussion forum). Bil axsaanag isticmaal magacaaga oo buuxo si uu u dhasho is amin xubnaha dhaxdooda ah. Insha Allah e-mail kasto oon helaa waan ka soo jawaabi isla markaa copy ayaan u diri xubnaha kale. E-mailkaygu waa: qansax@hotmail.com Waxaan idinka sugaa waa jawaab wanaagsan. Wasalamu Calaykum, Abdullahi Abdulkadir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to abdulaahi waxaan kamid ahay dhalin yarada somaliyeed ee wax ka barata dalka mareekanka. marar far badan baan isku dayay inaan abaabulo urur dhalin yarada soomaliyeed u dhan tahay lakiin kumaan guulaysan. balse nasiib wanaag adiga ayaan ku hellay hada waxaan qabaa inaan is fahmi karno dalkeenana wax uqaban karno soona jiidan karno dhalinyaro fara badan oo nugu raacda, laakiin halmid saaxiib waxaad moodaa in laga fiican yahay aragti ahaan taasoo ah in qofka soomaliga ahi ee dhalin yarada ah uu ka qayb qaadan karo with out suruud hadii uu aqoon lee yahay iyo hadii oo xigmad nugu saa idinayo waan kugu raac sanahay , fadlan email ii soo dir, email;rushhd@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxan halkan ka raadinayaa aqoon yahan kaymi gobolka sanaag weliba waxan kaa codsan lahaa in ad hada iisoo jawaabtid hadii aad khdka ku jirtid waxan kuu hayaa waar aad u xiisa badan iyo qofkasta oo reer sanaag ah wasalaama calaykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waryaa arkay dhalinyaradii reer sanaag waxan u malaynayaa sida gobolkoodi oo ahaa gobolka ugu qiimaha iyo khayraadka dalka soomaliya badan sida loo waayey oo uu goboladii kale uga hadhay ayaa dhalinyaradii gobolka katimina loo waayey aad baan uga xumahay inaan ku arki waayo qaybah wada sheekaysiga iyo xoogagaaklka
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu Caleeykum. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Abdulaahi waanu u baahanahay wax garad,wax tar,wax wada qabsi,wax isasiin,wax isu sheeg,midnimo,isjeclaan iyo Soomaalinimo taasina waxay ku imaan kartaa anaga oo danteena ka hormarino mida guud, anaga oo ay naga muuqato isjacayl iyo walaaltinimo si ay noogu daydaan dadka kale meelwalbooy joogaanba. Ma,aha shaqo sahlan waxayna u baahan tahay adkeysi iyo dulqaad fara badan iyo in aad naftaada u hurto adiga oo xag Ilaahay u sameeynaaya afka soo buxu culeys ma,leh hadal badana waxba ma taraayo ee wax qabad ayaa loo baahan yahay. Mida kale ma,aha inaan inta qoraal un ku soo gudbino ee waa in meel la isugu imaadaa marka hore kadibna laga tashtaa wixii la sameeyn lahaa fikraduna ma,aha kaliya aqoon yahan ee waa cid kasta oo Soomaali ah,arinteenuna waxay la mid tahay anaga oo qol mugdi ah ku jirna oo aan raadineeyno albaabkii aanu ka bixi lahayn marka darbiga ayaanu gacanta la raaceeynaa si aanu u helno albaabka,waxaa laga yaabaa in uu helo qof aan aqoon yahan aheyn,bal marka hore meel isigu kaaya keena hana la tashto,hadal badana haan ma buuxsho. By Zaki at State University of New York. E-mail zakariali@yahoo.com or zakaria@bltech.net
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to dhamaan saxibayaal waa fikrad aad u fiican balse waxaad mooda in dadka somaliyeed aanay weli si fiican u bislaan ama aysan u jilcin balse aan u kaadino 4 sano oo kale haddad sababta i weydiiso waxaad arkeysaa dadkiiba dal jacayl kuma jirro ee waa qabiil qabiil iyo goboleysi sida kan kor ku qortay sanaag waxaad arkeysaa mid uraya oo kuleh wax ayaan xukumi jiray oo xukun ayaan aqaan waxaad arkeysaa mid taxi wado oo qabiil meel la taagan marka hala daalo ee iska daa walaal ha ku daalin e
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu Caleeykum. TO Guulwade. Waad ku mahadsan tahay fikradaada aad nagu soo saa,ideysay,waxaan kaloo kaa codsaneeynaa wixii kaloo fikrad ah in aad noo soo gudbiso,si aanu u helno fikrada ugu fiican ee la qaadan karo xalna lagu gaari karo. TO Dhamaan. Walaalayaal isku daya inaad toban daqiiqo (10 minute) maalin walba aad ka fakertaan sidii Soomaaliya xal loogu heli lahaa,waana fikradaada nooc kasta ay tahay oo aad u aragto in xal lagu gaari karo waadna ku mahadsan tihiin dhamaan. By Zaki.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ASALAAMU CALAYKUM. Waad mahadsan tahay fikradaaduna waamid aad u fiican waxaana alaah kabaryeeynaain ay miradhaliso haddii ay alla kacabsi ku salaysan tahay.meeshaada kasii wad diyaar ayaanan u nahay in aan kagala qayb qaadano. ASALAAMU CALAYKUM DROSMAN@MAILCITY.COM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaama calaykum waraxmatullaahi Walaalaha soomaaliyeed dhammaan waa mahadsan tihiin, Walaalayaal waxaa aniga qiimo weyn ii ah inay jiraan dhalinyaro ama dad soomaaliyeed oo ay rajo ka hayso waddankoodii, waayo waxaan u haystay soomaalidu dhulkeeda inay nacday oo ay ka doorbiday inay dibedaha iskaga noolaaato, waayo sidii waddanka loo burburiyey looma kala harin yar iyo weyn, rag iyo dumar qof waliba qaybtiisa ayuu ka burburiyey. Haddaba waa mahad Illaahay haddii ay soomaliyo garatay khaladkeedii, ogaadayna qof waliba inuu waxa dhacay wax ku yeelanayo. Walaalayaal waxaan rajaynayaa in inta badan dhalinyarada in-netka wax ku qortaa ay waddanka dibeddiisa joogaan,mar haddii ay sidaa tahay waxaan idiin soo jeedinayaa inaad isku daydaan inaad aqoonta taalla waddamada aad joogtaan aad barataan iskuna guubaabisaan. Marka la helo dad badan oo aqoon kala duwan leh waxaa hubanti ah in bedel muuqda imanayo. Walaalayaal waxaa inoo dardaaran ah in wax la barto "Aqoon la aani waa iftiin la aan" Walaalkiin MOHAMED
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to walalkiin mohomed walal aad baad u mahad san tahay sida qiimaha leh aad ula talisay walaalada balse waxaa jirta qaar fara badan oo aan dareemay murtida iyo xigmada ka danbaysa hadaladaada walala mohomed ilaahay hakaa abaal mariyo noqdana kuwo cilmiga aduunka iyo ka aaqiraba ku dagaalama wasalaama calaykum BBCSOMALIA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Dhamaan Takhaatiirta Soomaaliyeed ee aqoonta u leh qaliinka, waxaan weydiisanayaa inay talo iga siiyaan arrinta hoos ku qoran:- 1.waxaa la iga qalay meel u dhaw dhabarka 1989kii waxaana laygu qalay Yurub. qaliinkaas oo waqti dheer ku qaatay takhaatiirtii qaliinka,tan iyo maanta waxuu igu reebay xanuun lugta bidix.daawooyin kala duwan baan qatay ilaa iyo hadda wax aan isaga gartay ma jiran ee maxaan sameeyaa. Mss.EXe
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Assalamu Calaykum, Walaal yaal runtii aad baan uga xumahay inaan si dag dag ah uga soo jawaabin ama ugu mahad celinin dhamaan walaalaha Somaliyeed ee ku soo biiriyey rayigooda. Runtii waxaan yara yool baarahayey inta aqoon yahan ee diyaarka u ah inay ka qayb qaadato. Mar labaad waxaan u mahad celin "Deeq, Zaki, DrOsman, Mohamed,bbcsomalia iyo guulwade. Siduu walaalken Zaki sheegay waa inaan marka hore aan bal xogaa waqtiganaga ah sinaa arinkan. Sida kaliya ee ugu fudud waxay tahay inaan bal malin walba ama asbuuc walba mar iyo labo ku soo qornaa meshan waxii rayi ah. Sida ay ila tahay in arinkaa qorida aan wadnaa intii iyo mudo si aan u helno xubno badan oo ka qayb qaato naguna biiriyo rayiyadooda. Ururku ma ah mid jira hatan, mana aha mid loogu nisbayn qof khaas ah. Markaa walaalayaal markasta uga dhiga cinwaankiina "To dhamaan" Insha Allah kolba waan qoreenaa dadka doorta inay ka mid noqdaan xubanaha ururka. Kolba waxaaa aanu soo qadeynaa "arin" arinkas oon falan qayn doona. Markaa inta aan waxba la sameeyn bal ha la isla garto waxa uu qof walba damacsan yahay iyo waxa dhamaan dan noo ah. Inta aanu wadno arinkan waxaa naga hor imaan donaa carqalado faro badan sida (Qoraalka Sanag). Si kastaba ha ahaatee waa ineynu ka raacnaa dantaanada guud. Markaa walalayaal yaana la niyad jabin. Somali hadaynu nahay xamasad waanu ku shaqenaa lakiinsa dhibka ugu wayn ee nahaysto waa wax aanu bilaabnay ma wadno. N.B ruxii aqoon u leh oo la talin karo Walaal Exe, bilaxsaanag la taliya. Wasalamu calaykum Walaalkiin Abdullahi
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu Caleeykum. To Mss Exe. Walaal hadii aan ku siin lahaa talo magaranayo meesha lagaa qalay iyo waxa lagaa qalay iyo meesha aad joogto. Fadlan ila soo xiriir wixii aan kaa caawin karo waan isku dayayaa,isticmaal e-mailkan zakny@hotmail.com By zak.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: Dhamaan walaalaha Salaan aad u qiimo badan iga gudooma. waan ku faraxsanahay dareenkiina ku wajahan dalkeenii.in dhalinyarada iyo dadka aqoonyahanka ahi wada shaqeeyaan waa wax loo baahan yahay inkastoo aan weli la hayn. inkasta oo ay magacyo badan la baxeen hadana waxaan rajaynayaa in ay jiraan dad badan oo ka danqanaya dadkooda waxa haysta. waloowba ay ku kala duwan yihiin dariiqii la qaadi lahaa. waxaadna moodaa in ay la mid yihiin ninkii indhaha la'aa ee maroodiga mar ka taabtay dhegta marna lugta marna caloosha iwm deedna ku wareeray ee yidhi waar wuxu muhuu ahaa. sikastaba hawsha wada lana shaqeeya qofkasta oo saxsan oo soomaaliyeed. By Rashiid
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu caleeykum. To Rashiid Waad mahadsan tahay walaal sida wanaagsan ee aad wax noogu soo saa,ideysay,runtii walaal way jiraan dad badan oo jecel in ay wax u qabtaan dalkooda iyo dadkooda iyo diintoodaba balse garan la meeshii ay wax ka bilaabi lahaayeen. Waxaan ILAAHEY ka baryeynaa inuu nagu toosiyo jidka toosanwixii aan gaf geysaneyna naga cafiyo aamiin aamiin. Walaal rashiid dadaalkaaga halkaa ka sii wad waadna ku mahadsan tahay. By zak.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date saxiib ninka sheekada bilabow reer sanaag iskuma jiraane qoladee baad baafinaysaa,ma baad bafinaysaa ,mise war sangeli, mise dhul bahante,marka hore soo kala caday qoladaad radinaysid,xalka jira waad la socotaa ,in dhahana hastirin qolada sanaag loo yaqaanona wad garanaysaa,markaa soo kala dhig dhig hadal adiga oo aan deg degin,jaaaaw
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to cawke cawkoow walaal hadii aad reer sanag tahay waxan ku odhan lahaa manta reer sanaag dan uma aha in lakla qaybsado sabtoo ah amaanta dantu waxy ka dhaxaysaa intii wada deegen ee umad lakala qaybsanayo ayaan doonayaa in aan mideeyo e hadii aad igula jirtid si fiican ayaan kuugu cadaynayaa e igala soo xidhiidh ciwaanka aan hoos kuugu soo qori doono adiga iyo in allah iyo intii sanaag oo mid ah danaynaysa aaya hooda iyo wax wadaqabsi wadtashi iyo tartan sidii ay ula tartami lahaayeen gobolada kale adiga iyo qayrkaa oo aan filayo in ay joogaan qurbaha dani uguma jirto sida loo kala tegey iyo sida ay reer sanaag dhinc kasta looga tegey hadala yaan kugu daaline ila soo xidhiidh adiga iyo in allah iyo intii dnaynaysa sanaag cinwaankuna waa...... hamsesanaag@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to cawke koley waxay ila tahay nin walba dhulka kama soo bixin ciduu raba hanoqdee. Sidaa darteed arinta gobolka lawada degen yahay ee oo aad hakan ku soo badhigteen waxaa qabaa in xalinta dhibaatooyinka ka jira sanaag ay xalin karaan oo kaliya qabiilada gobolkaas dega ayna kamid yihiin (Warsangeli,H/yoonis,Dhulbahante,iyo H/jeclo)sidaa daraadeed waa in si cadaalad ah ay ku dhameeyaan arintooda qusaysa siday noqoto ha ahaatee. Hadiise xaajadu tahay danooyin gaar ah, arintu waxay noqonaysaa waa is cuntee ha is raamsato.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date to. kuku man walaalilaahay khayr hakasiiyo marka xigta waxn ujeedaa in ummadkasta oo meel wada degen ay jiraan dano ka dhexeeyaa oo aanay cidkale xalinkarin waxn taa uga jeedaa umada reer sanaag danahooda iygoo isku duuban ha ka wadac hadleen imnkanba waa ay bilaabantay ee halkaa ha ka sii wadeen tankale ee qaybta siyaasada hadii an wax ka taabto waa run oo arinta ugu wayn ee meesha ku jirtaa waa oo door wayn ka qaadanaysaa waa qaybtaa taana waxa looga gudbikara iyadoo ay marka hore mid noqdaan marlabaad ka ay wax la qaybsadaan cidii danahooda wax ka qabanaysa tusaale ina cigaal dana ha sanaag wax ma ka qabanayaa inta aan la raacin danahaas oo ah sanag aad ayay u baahantahay tusale xagawadada dekeda iyo kobcinta dhaqaalaha hadanay tasi dhacayn kuma jirno weeye mamulkiisu tolkiisana hayska haysto cbdulaahi yuusuf inta aynaan raacin shuruudahaa ma fulinayaa aan kor ku soo sheeegay hadii aanay jirin isna tolkiisa ha haysto arunta ay wadaan a waa awrkayga ayaan ku gu kacsanaya sidaa ayaan u arkaa in reer sanaag aayahooda iyo danahoda ku xalinkaraan inta aan la fahmin arimahaa an soo sheegay waa aynu rahbanahay ee ummada danahooda dib haloogusoo noqdo wasalaama calykum waxn filayaa in aad qanacday cawke danta aan u jeedaana waa dantaa
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waryaa maxaad sanaag ka rabtaa?Sanaag waa loo maqan yahay. Maxamuud saalax ,Detriot,Michigan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date aslaamu calaykum walaal aad baad ugu mahad santahay fikrada fican jawaab waxaa hay rabi marka iska sug
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date sanaag waa la kala qaybsaday oo cabdulaahi yuusuf iyo ina cigaal ayaa kala qaybsaday dan tooda ayay ku su gayaan ee reer sanaag miyaanay caqli lahayn ay wax ku gartaan cidi uma maqna reer sanaag aan ahayn cabdulaahi yuusuf iyo ina cigaal naf ma la ha reer sanaag haday naf leeyahiin way ta shan lahaayeen kuwooda dibeda joogana waa kuwa ugu ayaan daran qurbaha qaar hargaysa iyo burco ayay degeen qaaran boosaaso ayaan daranaa sanaag
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Hi my name is Intsar walaalayal I need more information about what you talking saying Because I have a hard time to understanding and reading somalian letters. I am somalian too. But I just didn't learn more. Pleas don't afread leave me a message. Thank you for your information. Intsa
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalamu-Alaykum. Walaalayaal, waxaan ku noolahay wadanka Australia Halkaas oon wax kabartahay, hadana aan u shaqeeyo Jamacada, in mudo aha waxaan raadinaayey bal inaan la kulo dhalinyaro dareen san in loo baahan yahay wax garad isna fahmi karta marka waxaad igala soo xiriirtaan e-mail essera@hotmail.com magacaygana waa Abdirashid. sidaa iyo nabadgelyo.
|