Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): maxaa- ku kalifay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xiiqsane

Unrecorded Date
waa galab casar ah oo aad u kulul waxaad mooda in qoraxdu cirka ayka sokeyso waxuu wadaa babur (taxi)oo rinji jaale ah leh dhabarkiisa waxaa ku taal dhididku qalay
ee aad moodo in qaaradi afrika lagu sawiray
(qaayjeer awgeed) habeen waliba wuxuu bixiyaa
$112 nin yahuud ah companiga leh ayaa sugaya oo aan shaqo ku lahayn sida iyo meesha uu ka keenayo
marka uu inta sameeyo waxa uu taga meesha
laysugu yimaada
timihiisa waxaad mooda in nuuriyad la miriyay sida ay u cadaadeen wuxuu sheegta in uu jira 43 waxaad mooda in uu jiro
160 sanno wuxuu ka hadlayaa
qabiilkeena ayaa somali ugu dagaal badan hadana waxaan qabsanay magaalo hebla intaas oo somali ahna waan leynay marka hadii aynaan somali xukumeyn qabiilkalana maxakumayo
dhinaca kale waxaa ka soo jeeda nin oday ah koofi somali ayaa madax ugu jirta
indhahana si qumaati wax ugama aragyo wadankaan wuxuu soo galay mudo laga jooga 35 sano ka hor caruur wiil iyo gabar ayuu dhalay wiilkii wuxuu guursaday naag cadaan ah af somalina ma yaqaan berri aan la hadanay wuxuu nagu yiri
MY DAD CAME FROM AFRIKA BUT IAM FROM HERE
gabadhiina nin madow ah ayaa qabo oo iyana somali ma ah waxay soo wacdaa odayga chrismax markii la gaaro iyadoo leh
HI DAD HOW,S LIFE I WILL CALL YOU NEXT YEAR MERY CHIRSMAX AND HAPP NEW YEAR
dhinaca kale ayuu ka soo jeeda isaga oo leh somaliya ina yaa xukumi jirnay haddii aan dadki xukumi jiray xukunka loo dhiiban tan oo kale ayaa dhacaysa
waxaan ula jeeda bal maxay ku heystaan qabiil maxaase ku kalifay in ay sidaa u hadlaan ?
iyaga oo dhiban oo an nolo aduunyo heysan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOORAANBAQSAR

Unrecorded Date
WAGAR,,,,,HEEDHE,,QUMAATI U CADDEYSO FORUMKA HA KU FAHMEE,,,WAXAN AAD SIDII LAKABKII IS WADA DUL SAARTAY ,,ARAR IYO HORUDHAC MIDNA AAN LOO ARAG ,,NAXWUHU MA RUUX AF SOOMAALI BARADAA BAAD KU SHAKIYEYSAA,,,HEEDHE DULUCDA WARKAAGA UMMADDA DEEQSII,,,WAXA AAD HOOSAASIYEYSANA FAGAARAHA KEEN BAL HALA MAQLEE,,KOLLEY KUWAAD U DAN LEEDAHAY SOO DHAADHAC ,,MACNA YARE ADAAN MEESHA MURTI LA SOO FADHIYINE,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Unrecorded Date
to qooraanbaqsar
saxib adiga ayaan malaha fahmin murtida ku jirta balse macnuhu wuxuu yahay laba nin ee dhibaato haysto oo haddana aan arag dhibaatada ku heysata qurbaha ee ka hadlaya qabiil iyo wax yaabo aan dani ugu jirin sidaas weeye macnuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bbc

Unrecorded Date
to sahra iyo xiiqsane

marka hore xiiqsane
walaalkiis aad baay sheekadu u fiican tahay
lakiin waxaan la fahmi karin oo aan cadaeeyn inaad
ka wada had layso soomali oo dhan iyo inaad ka hadlayso kuwii wadanka hore u haystay oo maantana
ku badan qurbaha maxaa yeelay labada nin ba waxay ma talayaan dadkii hore ee haystay xukunka
balse ku hada wadanka qasaya waad ka leexatay
sidoo kale walalkiis maanta soomaliya hadaysan
ku jooga ee dhaca iyo boobka wada joojin ma joojin karo nin qurbaha ku nooli

sahra

sahra walaashiis waa figrad fiican tahay lakiin sheekooyinka soomalida u fiirso aqriskeeda
sidoo kale saxiib keen xaqbuu uleeyahay waxuu qalad u arko inuu saxiib keen waydiiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOORAANBAQSAR

Unrecorded Date
BBC afkaaga caana karuur lagu qabay,,dulucda warkana waa kuu dhacay,,hadda ninka laataacaleeshka iyo malaayacniiga uu is dul saaray baanan garan se dibba waa uu u soo noqon waayay,,alleylehe inad garatay waxa uu hoosaasiyaayo isagoo aanan garanaheyn sida wax loo sarbeebo buu cirrid cad meesha la soo fariistay,,bala kula xiiqsanaatay,,XIIQSANE haddaad meesha ku cidlootay tag meelahaad wax ku bililiqeysan jirtay oo ummadda shaqeysataa wax ha ka sheegin haddeey shaxaad kuu diideen,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xiiqsane

Unrecorded Date
dhalinyaro waan idin salaamay aniga waligay
waxba ma anan bililiqeysan haddana ilaahay ima siiyo wax aanan shaqeysan balse sheekadu waa caynkaan laba nin oo qurbaha ku dhibaateysan
oo hadana ku doodaye qabiilkeyga ayaa wadankii qabsaday oo dad ayay laayeen midka kalena wuxuu ku doodaya in qabiilkiisu
somali xakumi jiray haddii an qabiilkiisa
loo dhiibin xukun aynaan waxba hagaageyn
laakiin iyaga dhibaatada ku heysata qurbaha uma jeedeen
saxibayaal sheekadu waa ceynkaas
marka anigu waxaan ahay somali dhab ah oo somaliyi u siman tahay miyaad i fahamteen?????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BBC

Unrecorded Date
TO XIIQSANE
SAXIIB WAAD MAHAD SAN TAHAY QANCIN TAADA
MARKAAN ARKAY DOODIINA AYAAN IDIN SOO DHEX GALAYE
RAALINA AHAADA DHAMAANTIIN ASXAABEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hussein mohamed mohamoud.
-------------------------
waxaan ku noolahay wadanka nederland.
waxaan ahay soomaali doon dhaba ,waxa iigu wacana lama waydiino qofna, maxaa yeelay waa la wada ogsoonyahay,dhibaatadii saamaysay soomaaliya oo idil, waxaan u malaynayaa dib u dhac wayn ayay i noo gaysatay, xag wax barasho dhaqaale , horumar,caafimaad nabadgalyo iyo waliba wadaninimo,hadaba waxaa jirta oo kale in dadku ay jahwareeereen waxay ku hadlayaana garanayn,dan guudna iloobeen cidwalibana noo taliso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MATAAN

Unrecorded Date
Hussein mohamed mohamoud
-------------------------
soomaaliyeey dhamaantiin
silic iyo dhibaatiyo
seeg seeg baad ku nooshihiin,
sinaan iyo cadaalad
iyo samaha waad ka durugteen
oo xumaan baad u soofteen.

dunidana waad wareegtaan
diintana waad ka durugtaan
ducfi baad ku nooshihiine
isdaba qabo soomaalaay

dalalkaa horay u maray
deeq ay ku siiyeen
ku daawoobi maysiine
idinkaa dayacay hooy
dhulkaa deeqda badanee
khayraadku uu dulyaalee

ISDABA QABTA OODANTA GUUD FIIRSHA
KA, BILAABA KUWA KULA JOOGA DIBADAHA.
OO ISKU DUUBNAADA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan

Unrecorded Date
walaalayaal waan idin salaamay
waxaad mooda in dadka somaliyeed ee ku dhaqan yurub ka wadani san yihiin kuwan
jooga canada iyo u.s.a marka yaa ii sheegi karra sababta ???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gggg

Unrecorded Date
lllllllhgg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darse

Unrecorded Date
Ku- Hassan

Salaan ka bacdi,
"Dadka somaliyeed oo yurub jooga waa ka wadanisan yihiin kuwa jooga N.Amerika" waxaan u malaynayaa waa runtaa - balse ma'aha kaligeenoo aduunka dhan qolawaliba markay galbeed ka sii aado dhulkeeda (ie, America) waa ka sii xumaataa (waa arin la cadeeyey).

Anigu waxaan u malaynayaa inay jawaab go'an lahayn amaba ay adagtahay in lagu soo gooyo sababta halmida.

Waxaan anigu qabaa inay sababtu wax ku leedahay !)Fogaanshaha America ay ka fog tahay dhulkeenii, Yurubna ay uga dhowdahay

!!)Kala fogaanshaha America laftigeeda oo Yurubna ay isku dhow dhowdahay

!!!) Human Diversity - kala duwanaanshaha mushtamaca Jooga America, oo keenaysa inay yaraato dareenka ama tabida asalkaaga - oo ay joogaan dad badan oo xaaladaada oo kale ku sugan. Yurub waa la mid, balse Yurub waxaa jira dad dhulka u dhashay oo ku dareensiinaya kaagii (Yurubians), meeaha America dadkii udhashay lagaba yaabo inay adiga dadkaaga soo qaxay ka yar yihiin.

!!!!) N.America waxaa soomaalidu timi badankood(eg., 85%) markay isa soo cuneen dalkoodiina soo cuneen - inkastoo cunaa iyo lacune jiray. Marka, dadka noocaasa wadaninimo badan aniga ma ka filin. Yurub oo jirtaa dadbaa waa hore tagey oo xeer iyo dhaqan samaystay - intaana badana yaagaan ku daba faylnay.


.... Waxaan u malaynayaa sababo kalena inaad adigu garanayso...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Darse, meel sookey ayaad waxa ka fiirisay. Haddii aad uu fiirsato xagga "political activism" waxaa ku horeyo reer Yurub (i mean Europeans) Americans in general and their youth in particular have a "superpower mentality" and more interested in Captialism and acquiring the American dream. In Europe, with their colonial past and the influx of immigrants is more into political participation to preserve the way of life as known to their grandparents....this translates in activism.
Immigrants who come to Europe or the USA are influenced by these socio-political dynamics.
Therefore the brother in the US is hustling to payt the bill and attain the american dream.
"Paying bill" is not a concept that is widespread among the Somalis in Europe (Because of the generous welfare system) so, the Brothers in Europe have plenty of time to engage in the poltical/community activism.
In conclusion I would say that it is because of the circumstance of these countries; rather than the content of the character of the Somalis (whether in Europe or USA) that makes the differnce.

Basically the majority of somalis people are the same, they worship qabiil, whether in Timbuktu or Iceland. WAXQABAADKOODANA is filteered through the lenses of QABYAALAD. Therefore, I don't think your theory is valid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kurikoon

Unrecorded Date
By kurikoon at Toronto
To Xaali

Aad baan ola dhacay sida tifaftiran ee aad ugu micnaysay warmooge darse. Sidaa darteed aniga oo iskalaweyn inaan kuugu jawaabo english waxaan filayaa in ragu iskumashquuliyaan ayaan darada kadhacaysa dhulkeena hooyo maxaa yeeley wararka ka imanaya waxa ay ku egyihiin waxuu yiri dabshide hebel iyo tuug hebel. Maxay kuu taraysaa taa? Maxase lasocodkeeda kuu kordhinaysaa oo aan ka ahayn madax xanuun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Waxaan ku dhashay 1970 harada Dannood ee Gobalka Soomaali galbeed ee hadda looyaqaan qaybta shanaad ee soomaalidu degto ee dalka Ethiopia.Taariikh aanan hadda xasuusan ayaa la igeeyey magaalada Muqdisho oo ahaan jirtay caasimaddii qarankii Geeska Africa ku noolaa muddo haatan laga joogo toban sannadood(one decade)waxaan halkaa ku dhammaystay tacliin ilaa heer dugsi sere gaadhsiisan.Waxaan ku noolaan jiray xaafadaha Horuwaa,Wardhiiglley,Kaaraan , Xamarbila,bakaaraha,Xamar jajab,Wadajir,Boon dheere iyo magaalooyinka kale ee kala ah Yoonteey,Jamaame,Marka,Afgooye,Jilib,Baydhaba,Lafoole,Jowhar,Kismaayo,Qoryooley,iyo gobollo kale oo badan.
Waxaan Soomaaliya kasoo baxay December 14,1992 oo ku beegnnayd Isniin, waxaan soomaray waddamo kale oo gaalo iyo Islaamba leh.Intaan ku jiray tacliinta ee aan deganaa Muqdisho gaajo daradeed ayaa indhuhu ila madoobaan jireen, xiisadda ugu horraysa marka macallinku kabaxo ee ilaa afarsaac ama tobanka subaxnnimo, nin waliba siduu uyaqaanno,ayaa indhuhu i madoobaan jireen, waanse kusoo dhaafay, dad badan oo ila mid ahaayeenna waa jireen, ama iga sii liitay.Maalintii laga qaxay caasimaddii ee dadka wax magaratada ah ee aan mas'uuliyadda qaadi karin uu hubku gacanta ugalay ayaan xamar kabaxay January 18,1991.Intii udhaxaysay January 18,1991-December 14,1992 waxaan kujiray nolol aan jeclaystay in ay dhaantay inaan dhinto Ilaahayna aan weydiistay inuu idilo laakiin marnna madoonayn in qof islaam ah ilaahay naftayda ku sababo.
Muddo hadda ku dhaw saddex sannadood ka hor ayaan imid waddanka soomaalidu tidhaaho Maraykanka(united States OF America)oo aan si sharci ah hawada uugaga soogalay Vise ay isiisay safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay waddankaan kasoo sadcaalay.Markaan imid magaalada New York, oo ah xarrunta dadka muhaajiriinta ah (Immigrants),
aad ayaa la iisoo dhaweeyey oo waxay gaadhay in ninkii kasocday nimanka INSta layidhaahaa uu muddo ilaa laba daqiiqo ah intuu istaagay gacantayda ruxayeey intuu isalaamay keddib markuu sharcigii oo shaabaddii inaan ka shaqaysan karo Maraykan meeshaan doono ay ku taallo, iyadoo dadka badankooda lagaga dhuftay ma shaqaysan karaan ilaa idan dambe ay naga helaan shaabad ahi kutaallo.
Dabadeed intaas waxaan jaanis u helay inaan xammaasho dhakhtar tago oo ay idaweeyaan,shantii bilood ee ugu horreysayna ay itaagerayeen ilaa aan shaqo helay.Kedib waxaa ii suuro gashay inaan shaqaysto,wixii iga dhinaa helo ee sharciga gobalkaan joogay kamid ahaa,oo aan la qabsaday noloshii cusbbayd ee aan muddada ku soo socday.
Muddo sannad ah dabadeed ayaan fursad u helay inaan bilaabo waxbarasho si aan dib ugu soo celiyo raadkii taclliintii daraadeed indhuhu ila madoobaan jireen.Waxaan bilaabay college oo hadda waxaan marinayaa sannadkii labaad(sophamore)Waxaa takhasuskaygu yahay Computer Engineering(Software Engineering)Waxaan qaataa English oo hadda dhammaad yahay heerkiisii ilaa jaamacad mooyaane iyo Xisaab Algebra oo dhammaatay ilaahay idankii, Calculas oo hadda bilow ah, Trigonometrey, Geomatery, iyo aqoon guud(general Education.GED)
Kedib markaan lumiyey waddankaygii qaaliga ahaa ee beri Soomaaliya la odhan jiray waxaan is tusay in gurigayga qudha ee bedeli karaa kaas uu yahay United States Of America.Aniga iyo dadnnimaday sidaan diintayda iyo akhlaaqdayda shakhsi ahaaneed aan u ilaashanayo, laakiin la igu sirimaayo Soomaali ayaan ahay oo nacas ma ihi haddii diiraddu mar iga khaldantay miyaanu Ilaahay isiinnin caqlli aan ku garto inaanay marddambe iga khaldamin?!Waxaan filayaa in jawaabtu tahay haa.
dhabta marka loo hadllo dadka maraykanka layidhaahaa waa dad lala noolaan karo dhinac kastaba, laakiin qof waliba meeshuu kabilaabayo noloshiisa isagaa og iyaga laftooduna way kuu sheegayaan.Waana waddan ikhtiyaarkiisu fudud yahay oo qofnna aan lagu nacayn wuxuu rumaysan yahay meeshuu kayimid asalkiisii iyo shaqadiisa toona, waayo maraykanka dadka layidhaahaa waa dad ka kala yimid iyaga ama waalidiintoodii hore meelo kala duduwan oo aduunka ah markaa waa dad kala dhaqan duwan(multicultural)waana midda sababtay inay horrummarka maanta ay adduunka ku hogaaminayaan gaadhaan.Waddan sidooda ahna maba jiro maanta, waana lasoo isticmaarsaday oo gumeysi ayey soomareen jinsiyado kala duduwan ka kala yimid.
Ilaahay ayaan kabaryayaa inaanu naftayda cidnna kusababin, gacantaydana cidnna ku sababin Ilaa xikmmad kale mooyaane gaal iyo muslimba.
Ninkii fikrrad qaba waan soo dhaweynayaa.
Ilaa kulan dambe,salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
dhalinyarada kuligin wad salamantihiin marka hore
waxa moda in aad is didantihiin lakin nin waliba kaskisa ayu hadlaaya .sidasana laquman aniguse waxan oranaya .

intiinan doodayee ,kudaadsan dibadahay .
duqaydiimarataye. dalkii idinka umaqan
dunida waddheehataan dayaxa qaarba ladeegey
dalkeeni waa damo dab iyo nuurkama shidnee
intaan dabadhilfka iyo dalinku inalakicin
inagu mays donanaa danteena mafiirinaa
dalkeena mabaananaa.meydkeeni maduugana
intaasa igaah dardaaran inku dirshan arka.


waxan ku daraya.intaan

wadankiyo wadankiyo qaayihiisi midnimo ayaheeni marku marku alalaase dhacay, magaciiqarankina iyo somalay quruxdad lahayd. markad kalqaybsateen qabilba ingostayee walaalu ays qaleen ayay qabtu qabtu nagudhacdee.wixii qalad aan galiyo qasara inti nagadhay qasare qalimantu kaqomameyn.
haduu imaanku qumo ilahay lagama quste somaliyey naxariis qalbigaga naxarisqalbigaaga geliqabso waxan ugasocda qaxootiga somaliyed kunool qarada adunka qabiilka ubaqayo markay qudbadi maqleen aya ku qabow sadeen tahniyad bay soqoran dhanbala soqulqula,qarabad ku kacdiyo somaliyeey qaylada wehelkaga maqal .qofkiqofkii noloshaada jecel aya qorsha ku galee isdaba qabo somaliyey qadatalo qadari wanadan ku iri qadari wanadnku iri qayladaa wehelkaga maqal..

sida iyo inago somli midowno dub ufekerno isku dumana insha aallaha
sida iyo nabadey walaalayal