Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Warar iyo Ogeysiis News and Notices (Current): Ciid wanaagsan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuradin

Monday, March 05, 2001 - 01:46 am
A/caleykum;

Waxaan marka hore idinku salaamayaa salaanta muslimka taasoo runtii ah salaan leysku salaamo tan u kheyr badan.Waxaan marka xiga rabaa inaan ciid wanaagsan iraahdo aabahay Abdulkadir Abukar oo ku nool waddanka Talyaaniga,iyo hooyadey Faadumo Mohamed oo ku nool Somalia,iyo dhamaan walaalahey oo kala jooga Germany,Netherland,Somalia.Waxaan sidoo kale ciid wanaagsan leeyahay abtigey Comar Mohamed(Joogge)iyo eedo Safiyo Mahamud iyo caruurtooda oo ku nool dalka Germalka.Waxaan sidoo kale halkan ciid wanaagsan ku leeyahay dhamaan asxaabteyda oo ugu horeeyo Nuur Shiikh(bidaar)oo ku nool Nairobi.Waxaan sidoo kale ciid wanaagsan leeyahay bahda Somalinet iyo umadda Soomalida meel kastoo ay joogaanba.Ciid mubaarak,kullu caam wa antum bikheyr.