Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Warar iyo Ogeysiis News and Notices (Current): ~~~Shukadii Jacaylkiyo Shalaaytadii Naftayda~~~
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismad

Sunday, April 01, 2001 - 05:46 pm
HORU-DHACA BUUGGA.

Nin kastoo wax qoriyo...Si kastoo loo qeexaba
...Qiyaas ma leh jacayl-kuye...Rabbi-baase
qeybshoo...Ruuxba in-buu ka qaatee...Bal adigoo
qar-qadhayoo...Qammuunyadii jacaylkiyo...Qandha
ay ku haysoo...Uu kaa baxayo qiiqoo...Go-goshii
qaban waayay...Midigta tii ku qaban lahayd...
Quud middii ku siin lahayd...Qalan-jadaad
dooratiyo...Laabta qofkaad ku haysay...Qalad
adoon u geysan...Hadday tiri na kala qari...
Qaaddir waa Ilaahe...Qalbigu sidee ku noqon lahaa?

Waa sheeko taxane ah oo ku salaysan qissa dhab
ah oo dhacday oo jacayl ah, soona bixi doonta
iyada oo Buug ah sometime sooner or later hadduu
alla idmo, waxaana qoray Ismacil .M. Awale oo ah
ruuxa qisadu ku dhacday kuna Matali doona Magaca
(Ismad) iyo Qalan-jaduu doortee Qalbigiisu Raacay
Amran .M. Omar, kuna maatali doonta magaca (Idman)
waxaa kaloo jira dad badan oo iyagana lagu xusi
doono Buuggan oo ay ka mid yihiin:-C/nasir,
C/xamid iyo Jamac.

Waxaad kaloo ka heli doontaa Buuggan ama aad
ku arki doontaa wax-yaabo badan oo aan filayo
inaad ka heli doontaan oo ay ka mid yihiin Heeso
iyo Geeraaro uu qoraagu ku si-faynayo Gabadhaas
quruxdeeda iyo weliba heerka ay gaarsiisay xagga
Jacaylka; Mar uu Qoraagu isku dayay inuu sifeeyo
gabadhaas quruxdeeda waxa uu yiri:
QOORTIYO DHERERKA.....QOSALKIYO DHOOLLAHA
QURUXDIYO UDGGOONKA....QALBIGIYO NUURKA
QAWLKIYO NAXARIISTA....QUSHUUCIYO RAXMADDA
QIIMIGIYO DARAJADA.....QIYAASTIYO DAGGENIDA
QUREYSHTII HAWEENKIYO...QALANJADII HABLAHA
QAADIR WAA ILAAHEE...SIDA LOO QORSHEEYIYO
QAABKA LOO SAMEEYEY...AMRAN WAY QARSOONEYD.
Mar kale oo uu isku dayey inuu sufeeyo heerka
jaceyl ee uu gabadhaas u qabana waxa uu yiri:
AROORTII DILAACDIYO.....AADAANKII DHACABA
ALLAAN KUU BARYAA.....AF-KAAN KALA QAADIYO
ERAYGAAN DOONABA.....AMRAN BAAN KU HADAAQI
SIDII AAYAD DIINOO...AQRISKEEDA LA I FARAAN
AF KUGU HAYAAYOO.....AD-UNBAAN KU AMAANI...
AMRAN WAAD I DEEQDAY.

Insha'allaahu dib ayaad ka arki doontaan iyagoo dhammays tiran; wixii fikrad ah ama talo iyo tusaaleyn waan ku soo darsan kartaan, waana
mahadsan tihiin 100%.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuura

Wednesday, April 11, 2001 - 01:08 am
waxaan ku idhi walaal Ismad buugan aad baan ugu qushuucay ee xagee baan ka heli karaa.

waad mahadsantahay..

nuura