Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): FANAANKII CUMAR DHUULE CALI OO KU GEERI YOODAY JABUTI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Unrecorded Date
INA LILAAHI WA INAA IEEHi RAAJACUUN.
ninkii yaqaan uun baa yaqaane ala ha u naxariisto cumar dhule, samir iyo iimaana ha ka siiyo reer kii uu ka geeri yooday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

auster

Unrecorded Date
ILLAAHAY HA U NAXRIISTO CUMAR DHUULE.
DADKII U KA DHINTEYNA SAMIR IYO II MAAN ALLAHA
SIIYO AAMIIN.
HORE AYAA LOO YIRI GEELJIRE IYO QOF AAN LA AQOON
BEY KU FIICANTAHAY.
TAASI WAA BEEN GEERIDU WAA XAQ WAANA WAX DADKA
OO DHAN SUGAYA AMA GEELJIRE AHOW AMA WAX KALE
AHOW.RUNTII WAA MEEL AAN LA HUREYN GEERIDU.

Ambiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sugule

Unrecorded Date
Ilaahey naxariista janada ha ku deeqo marxuumaka
Eheladii & bulshadii uu ka tageyna samir & iimaan
Ha ka siiyo Aiin
Wey wanaagsanaan laheyd in taariiqda soomaaliyeed
baalkeeda dahabka lagu qoro Marxuumka
Ala yaa raxma

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dadweyne

Unrecorded Date
ilaahay ha u naxariisto marxuunka Cumar Dhuule Ali kuna geeriyooday magaalada jabuuti Qanjoweyn.
anagoo kala ah Jama , Yussuf karaaye , maxamuud , mahad jiije iyo abdilahi west , waxaana laga soo dirayaa tacsidaa wadanka Norway gaar ahaan magaalada Stavanger, waxaanan leenahay <ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dadkii uu ka geeriyooday. AAmiin AAmiin AAmiin ayaanu leenahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Warsame
waxaan leeyhay qof kastoo geeryooda oo muslim ah eebe ha u naxa riistee, hase ahaatee ha laga fiirrsado qof kastoo meesha aad iyo waxaad ku dhiman, ninkaasi geeryooday soomaali wax uu u taray ma jirin camalkiisiina wuxuu ku qasay danbi iyi heeso lagu qayilo oo wax manaafacaad ah u ahayn dadkuu ka dhashay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Unrecorded Date
Warsame
waxaan leeyahay dhgamaan dgagaysayaasha heesaha aan qiimaha lahayn,intaani wadku ku haleelin ama ku dul imanin ka faaiidayso waqtiga ileen lamaad balamin wadkaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/ xakiin

Unrecorded Date
Anigoo c/hakiin , bidixo,iyo luul cali xasan, shanka roon axmed sagal, cumar indha yare, cadi salaan jiimi, jaamac yare, iyo c/ qani, waxaan tacsi gaadhsiinaynaa, qoyskii iyo qaraabadii,uu ka geeriyooday, cumar dhuule cali, ilaahay naxariistiisa haka waraabiyo,. siiba waxaan tacsidaasi gaarsiinaynaa,. amaran cumar, dhuule,iyo idil cumar dhuule, oo kala jooga, london iyo jarmalka, . anagoo tacsidan ka dirayna , canada iyo maraykan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed husseon

Unrecorded Date
Tacsi to Omar Dhuule

Anigoo ahmed A.Hussein (Kaabe)oo ah arday dhigta jaamacada Ohio State University at Columbus, Ohio waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii iyo Fanaaniinta hobalada Waaberi meel kasta oo joogaan
geeridii ku timid fanaankii caanka ahaa ee Omar Dhuule Cali oo ku geeriyooday dalka Jabouti.
illaahey samir iyo iimaan ha naga siiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

south

Unrecorded Date
alahawnaxriisto
AAMIN.AAAAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Americano

Sunday, October 15, 2000 - 10:12 pm
Waryaa Kaabe, Waa aniga Saxiibkaa Americano from virginia, drop me a line man. Here is my email. Samericano@aol.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Americano

Sunday, October 15, 2000 - 10:13 pm
Alaha u naxariisto CUMER DHUULE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Fowzia

Thursday, November 02, 2000 - 01:48 pm
To Anonymous:

Cumar Dhuule alaha u naxariisto, qof walba wuxuu akhiro shaqaystay ayaa sugeyso. Cumar waxaa tiri Soomaali wax ma tarin. Taasi waan kugu diidey sababto ah Cumar (allaha u naxariisto) Suuganta af Soomaliga ayuu wax ku biiriyey. Wax tarid dadkaga ma aha oo kaaliya inaad iskool ama masjid dhistid. Waxaad kale oo ka qeybka qaadan kartaa Suuganta IWM., sida Cabdullahi Timcade, Cilmi Boodheeri, Qarami oo kuligooda qeyb weyn ku khordiyey Suuganta af Soomaliga. Mideeda kale maxaad anonymous oogu soo qortaa, miyaadan magac laheen? Maxaad ka baqaneysaa?

Fowzia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali A Hassien

Sunday, November 05, 2000 - 10:40 am
Intii Muslimiin ah oo dhimatay Alle ha u naxaristo Aamiin, Aamiin. Mana rabo ruuxaas dhintay inaan wax kasheego,Laakiin,Anigu waxaan u aqaan inuu yahay fanaanku ruux akhlaaq xun oo Alle iyo Rasuul jidkoodii kabayray,waxaan u aqaan inay yihiin Dambiilayaal qaran oo bulshada eed wayn ka galay oo baray wax lagu halaagsamo Aakhiro iyo Adduunba,Mararka qaarkood waxaan iskula hadlaa "toloow keebaa dambi badan ayaga iyo qabqablayaasha dadkii baabi,iyay?"waayo ayagu waxaay keeneen wax diinta lid ku ah oo si loo badalo ay adagtahay,dilkuse waa wax joofsan kara.
Ugu dambayn,Dadkaas xumaanta xalaashaday waxaan ugu baaqayaa inay Alle u toobadkeenaan mawdka ka kahor,Allena hasoo hanuunshu,Inuguna waxaan ka shalaayayaa bari aan lacag iyo wakhtiba ku bixin jiray dadkaas waxay samaynayaan,Allena waxaan kabaryayaa inuu iga cafiyo Aamiin.