We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waraaqda hoos ku lifaaqan waa mid uu nin soomaaliyeed oo ku nool waddanka UAE uu u diray madaxweynaha Jabuuti. Maxamed wuxuu naga codsaday inaan u gudbino dadka soomaaliyeed oo SomaliNet soo booqda si'ay figradahooda iyo talooyinkooda uga dhiibtaan. Suaashu waxay tahay sidee u aragtaa inay Soomaaliya dan u tahay? Maxamed wuxuu rabaa markuu arko figraha soomaalida inuu ku dhaqaaqo wixii la haboonaada oo uu u qaban karo waddankiisa qaaliga ah, Soomaaliya. Codsi: Waxaan dadka ka codsanaynaa inay ka dheeraadaan cayda qabaa'ilada Soomaaliyeed isla markaana ay figradahooda u dhiibtaan si sharaf leh oo ka reeban cay ama neceyb loo qabo qabiil Soomaaliyeed. Mahadsanid. Fiiro gaar ah: SomaliNet kama qayb qaadanayso sheekadan sidaa daraadeed qofkii suaal u qaba qoraaga ama raba inuu ogaado siguu madaxwynaha jabuuti ula xiriiri karo e-mail ama FAX ha u diro Maxamed oo ciwaanadiisu hoos ku qoranyihiin. Su'aalahaada ku socda SomaliNet Forum ku hagaaji forum@somalinet.com. Mahadsanid. Waraaqdii nalaka codsaday inaan dadka la qaybsano: ************************ Ku: M/weyne Md. Ismaaciil Cumar Gheelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti. Ujeeddo: Taageero iyo Talobixin: Hindisihii Arrimaha Somaaliya SANNADKA 2000 OO AH ( INSHA ALLAH) SANNADKII KALA GUURKA SOOMAALIYA! ARAR: Waxaan jeclahay inaan kuu soo gudbiyo taageero iyo bogaadin sida Ilaah tawfiiqda kuu waafajiyey iyo niyadsamida aad u muujisay ummadda Somaaliyeed. Ararta iyo tallooyinkayga waxaan saldhig uga dhigayaa sida soo socota: 1. Waxaa xaqiiq ah in xalka arrimaha Soomaaliya ay kama dambaynta ku xiran tahay doonista iyo dadaalka shacbiga Soomaaliyeed. 2. Dhibaato weyn oo dhextaal beelaha Soomaaliyeed ma jirto. Wixii turxaanbixin u baahan waxa ku filan guurtida sida dhaqanku ahaan jiray. 3. Silica iyo saxariirta ay Soomaaliya ku jirto waxa dhaliyey ama sabab u ah koox isku magacawda hoggaamiyeyaal, laakin bulshoweyntu ay u taqaan qabqablayaal, aniguse aan u aqaan burcad ama afduubayaal-qaran. 4. Qabqablayaasha ama kooxda burcadda ah oo astaan u noqday burburka iyo kala-gaynta bulshada, waa in aan sina loogu oggolaan inay ka soo qayb galaan shirweynaha nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka. Sababtoo ah burcadda waxay dantoodu ku jirtaa nabad la'an iyo maamul la'an. Maxaa wacay, waxay ku dadaalayaan in shirku uusan hirgelin sidii horay u dhici jirtay. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda oo ah tillaabooyin gogol-xaar ah oo loo baahan yahay in la qaado muddo 12 bilood ka hor inta aan shirweyne la qaban: TALOOYIN: 1. Arrimaha Soomaaliya in loo xilsaaro guddi ka kooban saddex dal oo ah Djibouti,U.A.E, iyo Kenya. Guddoomiyaha guddigu inuu noqdo dalka Djibouti. Sababo dhawr ah ayaan u doortay dalalka aan soo xusay sida: iyagoo dhexdhexaad ah; waxay qaadi karaan tillaabooyin wax ku ool ah iyo gaar ahaan dalka Imaaraadka oo qayb weyn ka qaadan kara dib u dhiska qaranka. 2. Mujrimiinta dagaallada sokeeye ama qabqablayaasha oo loo aqoonsado denbiileyaal dagaal (War criminal) oo aan loo oggolaan ka qayb-galka shirweynaha. Sidaa oo kale in la takooro saraakiishii iyo wasiirradii maamulki Mohamed Siyaad iyo maamulladdii ka horreeyey ilaa 1960kii, haddii dembi ama gaboodfal ku caddaado. 3. Qabqablayaasha ama burcadda oo loo fidiyo cafis dhan muddo saddex bilood ah si ay dalka uga baxaan. Dalka oo ay joogaan waxay carqalad ku tahay dadaalka loo hayo nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka. Guddigu waa inuu u raadiyo magangelyo siyaasadeed (political asylum). 4. Haddii muddada cafisku dhammaato, qab-qablaha sii jooga dalka waa in, (a) loo aqoonsado dembiile-dagaal (War criminal) oo an cafis lahayn; (b) in laga mamnuuco dal kale inuu u dhoofo ama uu dulmaro,iyo (c) in hantidiisa xaraanta ah Qaranku la wareego fursadda ugu horraysa. 5. Ganacsatada ay ku caddaato inay gacansaar la leeyihiin kooxda burcadda ah in laga qaado tillaabo adag oo iyagana loo aqoonsado dembiileyaal-dagaal (War criminal) marka ay dhammaato muddada cafiska ah. 6. Gobolkii uu ka sii taliyo qabqable dagaal in cunaqabatayn buuxda (cir,dhul,bad iyo isgaarsiin) lagu soo rogo (wixii aan ka ahayn cunto iyo daawo) 7. In ururrada bulshada,Raadiyeyaasha iyo wargeysyada lagu taageero wacyi-gelinta dadweynaha iyo ka hortagga qabqablayaasha. 8. In laga codsado dawladaha ama shirkadaha daabaca lacagaha been-abuurka ah inay joojiyaan dembiga ay ka galayaan ummadda Soomaaliyeed; lacagahaas oo saldhig u ah burburka dhaqaale ee dalka iyo awoodda qabqablayaasha. 9. Dalalka daneeya Soomaaliya iyo hay'adahooda sirdoonka oo faraha kala baxa arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo dagaal qabow ka wada geeska Afrika isla markaasna si toos ah u maalgeliya kooxda burcadda ah. 10. Shirweynaha oo lagu martiqaado ergo xul ah oo ehel u ah nabadeynta, badbaa-dinta iyo dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed. WA BILLAAHI TAWFIIQ, Mohammed Yassin Ismail F.G: wixii faallo ah ku soo dir : Fax : (009716) 558 3303 ama E:mail : somalia2k@hotmail.com CC: B.B.C - Somali Service - London CC: SOMALI INTERNET WEBSITES ****************************
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal Maxamed iyo walaalayaal. Aan ku bilaabo magaca Ilaahayga naxariista guud iyo mida gaarka ahba iska leh. Waxaan aad u jecleystay is xilqaanka gaar ahaaneed ee walaalkeen Maxamed uu iska xilqaamey talo ka bixinta shir weynaha nabada Soomaaliya ee fooda inagu soo haya, waxaan jecleystay in aan ka bixiyo wixii dhaliil iyo ku raacsanaanba aan ka qabo ararta iyo talooyinka uu soo jeediyey walaalkeen, waxaanse marka hore jeclahay in aan anigana ku ararsado in dhaliishu ay tahay waxyaalaha horumariya aaraa’da iyo talooyinkaba, waxaana marwalba dhaliil laga bixiyaa ra’yigii istaahila in la dhegeysto ama la qaataba. Ararta Marka hore waa aan ku raacsanahay walaalkeen Maxamed tilmaanta koowaad ee ararta in xalka kama danbeysta ah ee arimaha soomaaliya ay ku xirantahay shacbiga soomaaliyeed. Ararta labaad ee in beelaha Soomaaliyeed aysan dhibaato kale haysan, guurtiduna ku filan tahay, waxaan ka qabaa su’aal aad u weyn gaar ahaan marka aad hoos u eegto sida uu waqtiga xaadirku yahay nidaamka guurtiyeed iyo awooda waxqabadkiisaba. Tilmaamaha ku xiga ee ararta, kuna saabsan in silica iyo saxariirta Soomaaliya haysata oo dhan dusha laga saarayo qabqablayaasha oo keliya, waa arin runtii u banaan dood dheer iyo dhiraandhirin fog, balse shakhsi ahaan aan anigu u maleynayo in arintu ay ka baaxad weyn tahay qabqablayaasha oo keliya, kuna xiran tahay caadifada bulsheed iyo qabyaaladeed ee beelaha Soomaaliya, waa dhici kartaa in qabqablayaashu siday u badan yihiin (ayadoo ay muhiim iyo cadaaladba tahay in lakala saaro) ay dantoodu ku jirto nabad gelyo la’aan iyo maamul la’aanba, arintaasina ay sabato in hogaamiyayaashaasi ay ka soo horjeedsadaan wax shir nabad gelyo ah oo dhaca. Talooyinka U xilsaarka arimaha Soomaaliyeed loo xilsaarayo gudi ka kooban wadamada uu walaalkeen carabka ku dhufatay (anigoo aan ka qabin dood saa u sii weyn dhexdhexaadka wadamadaas) ayaan hadana waxaan qabaa in haday wadamadaasi sahlayaan siday Soomaalida arimaha Soomaaliya laf ahaantooda u falanqaysan lahaayeen ay tahay arin aan raaci karo, balse hadii ay arintu tahay in wadamadaasi ay ayagu keenaan xal, ama maamul, ama ayaguba ay maamulaan Soomaliya ay tahay arin marka horeba burineysa ararta koowaad ee walaakeen, kana hor imaaneysa wadiiqada xal u raadiska Soomaaliya. Anigoo aan wax jaceyl ah u hayn qabqablayaasha Soomaaliya maanta hormuudka u ah dagaalka sokeeyee, ayaan hadana talada labaad raacideedu iigu muuqataa in ay keeni karto in la is weydiiyo macnaha uu yeelanayo heshiis ay ka maqan yihiin dadka maanta awooda faraha ku haya, gaar ahaan hadii aan la hayn awoodii awood la’aan looga dhigi lahaa qabqablayaashaas, yididiiladii loo awood tiri lahaa iyo bedelkii awoodeed ee lagu badeli lahaa. Ayadoo ay tahay caadifad aad u wanaagsan in qabqablayaasha carqaladda ku ah nabadeynta iyo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed, ayaa hadana talooyinka saddexaad, afaraad, shanaad, lixaad iyo todobaadba ay ka gaabsadeen in ay cadeeyaan kuwa noqon kara qabqablayaashaasi, iyo sida loo heli lahaa macno isdalaaxi u wada cuntama Soomaalida ama badanka beelaha Soomaaliyeeed, macnahaasoo ku wajahan qofka qabqablaha noqonaya. Helitaanka macne isdilaaxiyeedka qabqablaha ayaan filayaa in ay noqon doonto hawlaha ugu adag lana iman doona caadifadaha ugu kulul ee beelaha Soomaaliya. Talada sideedaadi waa talo wax ku ool ah una baahan baaris cilmiyeed iyo dhiraandhirn fog oo taladaasi ku gaar ah. Talada sagaalaad waa arin dan guud u ah danaha qaranka iyo shacabka Soomaaliyeedba, soo xasilitaankeedana laga sugayo oo keliya shacbiga iyo qaran Soomaaliyeed oo u duubta arintaasi, waxaase muhiim ah in aan lagu xisaabtamin in dalalka shisheeye ay dantooda ka hormarin doonaan ama danaha dalalkaasi u gaarka ahi ay u dhaafi doonaan dan qaran ama shacab Soomaaliyeed. Guud ahaanta macnaha talada tobanaad waa aan raacsanahay, waxaase qiimo u yeelka iyo qiima ridka taladaasi ay ku xiran tahay qaabka, wejhada iyo hab dhaqameeedka loo filiyo taladaasi. Gunaanad Anigoo ka tusaale qaadanaya dhaliilida talooyinka qaarkood tixraacayana raacsanaanta macnaha guud ee talada tobanaad ayaan waxaan soo jeedin lahaa sidatan: Waa xaqiiqo in xalka Soomaaliya ay ku xiran tahay una taalo oo keliya shacabka Soomaaliyeed, waxaase muhiim ah in aan marnaba la hilmaamin lana yaraysan heerka ay marayso caadifad qabyaaleedka beelaha soomaaliyeed, waxaa taariikhda dhow ee dagaalka sokeeye aan ka baranay sida ay tahay caadifada qabyaaladeed ee beelaha Soomaaliyeed marka ay dhacdo in la liido ama la qadariyo qabqablaha ay qabiil gaar ahi is leeyihiin waa idiin qabqableeyaa. Sidaa Daraadeed waxaa muhiim ah in mar walba niyada iyo maskaxdaba lagu hayo wijhadaha kala duwan ee imaatinka caadifad qabyaaladeedka, waxaan is dhihi karaa caadifad qabyaaleedka beelaha Soomaaliyeed wuxuu Soomaaliya maanta u taagan yahay una dhigmaa waxa loo yaqaano “public opinion” waxaana muhiim ah in si joogta ah loogu helo halbeeg lagu qiyaaso iyo hab looga feejignaado cawaaqibaha ay yeelan karaan ka hor imaadka iyo raacitaanka caadifadahaasi. Waxaa inoo muuqata in shacabka Soomaaliyeed uu maanta badankiisu ay u cuntantay ama ay u cuntamayso waxa lagu magacaabo “ismaamul goboleed” ma aha oo keliya dhan siyaasadeed ee waa mid inoo muuqata in ay ku jirto xaalad nololeedyada kala duwan haday noqon lahayd dhaqaale, nabad gelyo iyo arimo bulshaba, waxaa hadaba ra’yi fiican noqonaya in la dhidibiyo wijhadaasi ayadoo hogaaminta "ismaamul goboleedka" loo daynayo qabqablayaasha ay dad goboleedkaasi ku soo doortaan si toosan ama si dadbabnba, waxay arintaasi dhalin kartaa in qabqablayaasha maanta horboodya beelaha Soomaaliyeed ay ku ekaadaan siyaasad gobeleed (ayagoo u arkaya, loogana dhigayo in siyaasad goboleedku ka muhiimsan tahay siyaasada guud ee dawlada dhexe) waxaa shirka lagu nuuxnuuxsan karaa in aan qabqable ka qayb galay dagaalada Soomaaliyeed aan loo ogolaan doonin in uu dawr ka ciyaaro siyaasada guud ee dawlada dhexe ee inoo dhalan doonta hadii Ilaahay idmo. Waad mahadsan tihiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Dear Mohammed Yassin Ismail: Let me take this opportunity to express my gratitude to you for the interesting propositions you submitted in your letter to the President of Djibouti. We all know that the situation in Somalia has been crying for a solution for a decade now. For that decade, we have not been able to come to terms with the fundamental reasons as to why our country has been bogged in the quagmire. Why? What is it that is restraining us from reconstructing our Nation? Warlords? NO Mohamed, it is truly very naïve for anyone to assert that. To lay the onus of our troubles the doorstep of ‘warlords’ is WRONG. Somali people are not a senseless herd of animals, that a few misguided individuals or warlords can dominate them so much. It is the Somali clan or tribal emotions and fears that are the principle problem. I view the warlord as a projection (and the high point) of that polarisation of our society. Every clan is obliged to structure itself militarily, to survive. Each clan has to arm itself so as to guarantee its safety. Realistically then, this warlord is, as a matter of fact, the "Paramount" leader who enjoys the unswerving support of the clan. Through this warlord all the affairs of the clan is conducted. Therefore it is my view that his actions and rhetoric is a reflection of the feeling of his clan. What is unacceptable to a particular clan is also unacceptable to their leader or “warlord”. Besides, every clan has it’s own rigid agenda and priorities that are completely incompatible with other clans. That is why it is, and it will be, very difficult to reconcile all of them. Hence, by imagining that solution lies with the riddance of the "warlords" is plainly ridiculous and very absurd. You fight the warlord, you fight his clan. Simple. You get rid of one warlord, the clan will replace him with another. Remember when Mr Aideed died, his clan replaced him with his son, Hussein, who inherited apart from the clan leadership, the title 'Warlord'! Thus Mohamed, the only way out of the impasse is only through a unified effort to BALANCE individual clan needs and secure their worries. And in all probability, that is possible if we bear in mind the fact that we are all Muslim. I hope for the best. Ilaahoow Dariiqa Wanaagsan Na Qaadsii.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Dear Mohamed Yassin Ismail: In my preceding article I called the fancy trail to get rid of the warlords as being akin to treating JUST one of the symptoms of a cancerous decease. Please don’t misunderstand me, for, I am as ashamed as every Somali by the whole terrible scenario. For your information, I do not subscribe to, neither do I condone the action and ideas of those who contribute to the confrontation nor those who finance the evil militias waging war in our country. I am absolutely against those men and others whose line of business only thrives and flourishes in the indiscriminate killing of our people and the unfortunate cover they obtain from the tribal irrationality that we have cultivated in the past decade. So Mohamed, clearly our principle obstacle to peace in Somalia is tribalism and clanism. Mohamed the odds of fighting and prevailing against this clanism and tribalism are monumental. The forces ranged against include, not only those vicious men and women, (and they are very very many - I place most of the current business people in Somalia in this category) whose avenue is clanism, hostility, vendetta and feud, but a whole range of other interested groups and foreign countries who want to selfishly influence any eventual settlement to their favour. What of the old grudges and accusation of wrongdoing between clans? What of the phenomenon of people who have become displaced by the war? For example who is to relocate the formally Dhuusamareeb man who now is firmly settled himself in Qoryooley and who no longer know about rearing of camel? What of the superabundance of arms in Somalia? Who is to disarm people who are armed to the teeth? Etc. Mohamed, believe me brother, the solution is far from the easygoing appearance you seem to submit in your letter. In my view, the starting point towards the road to peace is to find a way to disinfect ourselves of this affliction. Then and only then do we stand a chance of reconstructing our Nation. Next time inshallaah, I’ll try to comment on General Conflict Resolution and see if I can apply it to our situation. Thank you.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ameen hope somali admin won't cut this post as well
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date I agree with anonbig that the warlords are the product of the society. As Anon said, Aidid and his son are one example. The warlords are the contact or spkesmen for their tribe and if you try to get rid of them, you also get rid of their prespective clans. My soulution to somalia would be to beat clan based factions with thier own game. Look at Ireland where some people who were treated as criminals are now appointed as government ministers. No Somali faction is in a position to dominate somalia today, therefore, if they agree they would come up with a fair and democratic system.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date what a brain. Nice try
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waxaa xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya inoo sheegi kara baroorta ka soo yeerasa kuwii dhibaatada Soomaaliya bilaabay, oo u maleenayey inay Janada Geliyaan, Qaraaban soo geeri iyo ceyb kama muteysan, hadda waxay la soo baxaan wajiyo cusub. Maanta waxay la soo baxeyn Shirkii Duubabkii iyo kan Siyaasiyiinta. Waxaa qaab cimri dheeraysi, meeshaan waxaan iduunku Soo gudbin qormo uu qoray Wargeys u adeega tuugtaas oo qarin waayey ceebtii ka soo daahirtay Magaalo Madaxdii Hore ee Soomaaliya, Muqdisho. Waa kan Maqaalkii:YAA BIXIYA DOKUMENTIGA DHULKA DANTA GUUD? Muqdishoow oo ah caasimadii dalka Soomaaliya mudadii ay jireen dagaalada sokeeye waxaa soo gaaray burbur iyo baaba’ in badan oo ka mid ah ka dhigay buuro qashin iyo abuuro, bilicdeediina bar kuma taal ka dhigay. Xasuus murugo leh aan wada xasuusano xaaladaheedii shalay iyo kuweeda maanta, xasuuso Hoteel Jubba jardiinooyinkiisiyo jiingadaha iyo jukooyinka jilaabtay maanta, xasuuso Curubo iyo casrigeedii iyo calalada lagu calaqay maanta, xasuuso Ex. Baarlamaan iyo Ceelgaab cirifyadoodii calafkii yiil iyo cidlo ceersilada maanta, filla Soomaaliya fiinteeda sare joogso oo jahooyinkoo dhan jeedaali unkaad arkaysaa aboor cardaaduqaha ka dhigay tiyaatarkii, madxafkii iyo maktabadii Qaranka oo la muufaystay baad milicsan, Siinaay arag iyo saxariirta ka muuqata suuqii wacnaa, warshadihii wacnaa arag oo dhammaan waraabe cunay, weasaaradihii iyo wakaaladihii arag iyo waxyeelada maanta la baday, wadooyinkii wacnaa isha walac ku sii iyo wasaqda maanta ehelka loog dhigay. Haddaba maadaama in ka bdasn 99% deegaanadii doorka u ahaa dalkeena caasimadiisa Muqdishow uu duufaanka dagaalka sokeeye danbas ka dhigay waxaa soo baxay danaystayaal iyo dullaaliin u duubtay in doorkii hantida dadweynaha ay ku bedelaan dan gaar ahaaneed oo dulmi ku dhisan, waxaana wixii ka dambeeyey sanadkii 1993-dii, ka bilowday waa caasimadee tusaaluhuye ku tartan dhismo dabaqyo iyo daah ka rogid deegaanno casri ah oo dullaal, Dukomentibeen abuur ah iyo deeqo la marin duway aan ka diir la’ayn, waxaana inkastoo hirgelintoodii laga wada hirgeliyey magaalada inteeda badan ka mid ah meelaha ugu tusaalaha weyn una muuqa hormoodsan Bakaaraha iyo barbaradiisa, suuqa xoolaha, wadada 30-ka iyo hareeraheeda. Dhismayaasha la hirgeliyey qaar badan oo ka mid ah waxaa laga hirgeliyey goobo ay doweladda dhismayaal ugu yiileen, oo qaarkoodna dhulka la dhigay qaar cusubna dhulkoodii laga dul muturiyey, qaar kalana dhalan rog dhismayaashoodii lagu sameeyey, iyadoo ujeedadu tahay in dan guud u adeegsigoodii dan gaar uga guurkooda indha sarcaadin iyo dokumenti been ah lagu meel marsado, waxaana intaasi dheer in meelihii danta guud kaydka u ahaa sida cusbitaaladii, warshadihii Machadyadii, dugsiyadii iyo weliba jardiinooyinkii iyo isgoysyadii wadooyinkaba dukumenti been ah lagu kala dafay, sidoo kalena waxaa intaas dheer in guud ahaan dhulkii dowladda ee la dhaco laysku dayay mid loo sameeyey ugu yaraan 4 dokumenti oo haddii ay ugu dhawaato mid ka badan run ka ahayn, inta dhulka ku dhibaataysana ka bdan inta ku dhintay dagaalada siyaasadeed, qabyaaladeed, qiimaha dhulalkaasina, toban jeer ayuu jibaarmay waayo xaaran laguma xasilo. Haddaba iyadoo ay qormooyinkeena soo socda Alle idinkiis ay falanqaynta arrintaani inoo socon doonto ayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed su’aalahaan is waydiinay: Suuro gal ma ahan in hanti guud iyo tii gaar ahaan qaabkaasi lagu xalaaleysto, yaa bixiya dukumentiga dhulka danta guud loogu wareejinayo mid gaar ah? waa iska cadahay oo waa danleey is biirsaday oo isugu jira dullaaliin, Jowmetiriyo, nootaaya ley, marqaati beenlayaal ah iyo wixii la mid ah. Waxaa Qoray: Cilmi Kulan Geedi
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaalayaal marka ugu horaysa waa ku mahadsan tahiin doodiina balaaran iyo fikradaha aad kala qabtaan ee soomaliya loogu dhisi karo dowlad qar an iyo walaal warqadii uu u diray madaxwaynaha jabuti. hadaba fikradayda aad baan u taageersanahay in xal kama dambees ah loo helo somaliya oo maanta ku jirta xaalad aad u liidata dhinac dhaqaale iyo dhinac horomarba hadana waxaa suaal ah sida uu damacsan yahay madax waynaha jabuuti oo uu u doonaayo in uu dowlad qaran oga dhiso somaliya? iyada oo ay ka qayb qaadanaynin qaqablayaasha kuwaas oo mudada toban sano ah qarbudaad ku hayen soomaliya oo maanta lagu lee yahay isaga taga soomaliya ayaa maamul laga sameynayaa idinkuna aydan shaqo ku lahayn. iyo iyada oo dadwaynaha soomaliyeed si xir ah ugu noolaani karin gobal ala gobalka ay doonaan ama si xor ah oga ganaacsani karin. iyo iyada ay jirto gobalo badan oo somaliya ah oo si sharci daro ah ama awood sheegasho ah ganacta loogu haysto iyo waliba hanti dadwayne oo iyadana gacanta lagu haysto ilaa iyo intii la radiyay dowladii siyaad bare . hadaba waxaan qabaa si lagu helaa dowlad qaran oo soomaliya ka hirgashaa waa fog tahay oo waxa ay u baahan tahay ka fiirsasho dheer oo waqti loo helo iyo isku keenid bulshada tafaraaruqa ku kala dhex jiro. sidaa iyo nabad gelyo abshir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:Somali/Jabuuti. Runtii waxay tahay intaan la isku dayin in Cudur la daa weeye in la baaro ayaa ka horayso. Somailya dhibaatada ka jirto in la baaro ayaa ka horaysa in la xaliyo. Dhibaatada Somaaliya waxay is ku haysato waxaa ugu wayn Xukun, taas oo sababteedu tahay is aamin la aan, Ninkii jagada sare waaya wuxuu aaminsanyahy inay u dhamaatay isaga iyo qabiilkiisa. Arimahan ayaa ugu waa wayn in la daaweeyo dhibaatada kore. 1) in qof wal ba oo Somali ah uu ogaado in Madaxnimadu ayna ahayn in qofku Madax wayne noqdo ama wasiir iwm oo kaliya, balse ay ka badan tahay intaas, Tusaale aan u soo qaato Hoteelada Madax wayne ayay leeyahiin< shirkadaha iwm sidoo kale, Inay madaxwayne ka noqdaan wadana uma baahna in la ga maarmi waaye maahe. Kuwa xukunka is ku haystoow hadaad li laahi qabtaan oo ay idin ku jirto inaad wadankaas daacad ku maa mushaan Xoog ha ku raadinina, waa la idin og yahy waxaad gashaan iyo waxaad gudoon, waa la idin ogyahya waxaad kari kartaad ama ku fiicantihiin, Hadii la gaa maarmi waayo ayadaaba la gu baryi oo lagaa soo raadin meelaad aduunka ka joogtaba, ee cool down please. Ha la is cafiyo in sha allaah. salaamu calaykum Mhoamed/Khadar M/Rashiid Ahmed
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ANIGU WAXAY ILATAHAY INAY DHAMAAN QAB QABLAYASHA TUUGA YIHIIN INAY AY SHIRKU GOOB JOOG KA AHAADAAN AANA MIDNA LAGADOORAN iyo TUUGADII DHACAYSAY WADANKA WASIIRADII IYO WIXII LA MID AH.JABUUTI IYO ITOOBIYA WAA UMAD DAACAD U AH NABADA SOOMAALIYEED OO AH DAD AAN WADA DHALANAY .LAAKIIN DHAGAHAYAGA MA MAQLI KARAAN KENYAATIGA IYO XALIIMO CARAB.WADANKAYAGA WUXUU UBAA HAN YAHAY AQOON YAHAN AAN CUDUR QABIN OO WADANI AH QABIIL WALBA HA UDHASHO. AQOON YAHANADAASNA SHACBIGA SOOMAALIYEED WAY SOO SAARIKARAAN HADAY KA FAKERAAN DANAHOODA ,DANAHA CARUURTOODA,DANAHA DALKOODA IYO DANAHA MUSTAQBALKOODA.WAXAAN KALOOUSHEEGAYAA DADKA SOOMAALIYEED EE TAAGEERAYO QAB QAB LAYAASHA OO KUTAAGEERAYO QABIIL AHAAN INAY ISKA DHAAFAAN OO AY U ARKAAN INAY YIHIIN CUDURKA UGUXUN EE U MADA SOOMAALIYEED KU DHAX JIRA.WAXAAN KALOO QABAA IN CUDURKAASI DAAWADIISU TAHAY TAKOORID IYO CUNAQABATEEN AMABA LADILO HADII LA AWOODO. BY.FAARAX.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO:MOHAMMED YASSIN ISMAIL WALAAL AAD BAAD UGU MAHADSANTAHAY ARRINKA AAD NOO FURTAY,TEEDA KALE WALAAL ANIGU WAXAAN AHAY WIIL YAR SOMALIYEED OO KU NOOL WADAN KUFAAREED KAASOO DAGAAL CAD NAGU HAYA SIDII UU NOO BAADIYEEN LAHAA WAXAY TAHAYBA ARRINKAASU WAA ARRIN UMMADA SOMALI- YEED AY GACMAHOODA KU GALABSADEEN,UMMAD BAA GARA- TA KHALADKOODA RAADISANE SIDII AY UGA BIXI LAHAYD TAASI MAHAYNO WAQTIGAAN XAADIRKA AH. WAXAAN ARKAA OO BADAN DAD WAAWEYN OO UBUKA INAY DHIIG SOMALIYEED CUSUB IN LA DAADSHO AYAGOO KU LEH HADDII AAN REER{QURAC,JEERIN,GEED HINDI..IWM} AAN LA SUULIN XAL MA'IMAANAYO,HADABA TAAS MA XAL- BAA?!!! WALAAL HADII AAN U SOO LAABTO QODOBADIII AAD KU TALISAY IN LAGA QAADO FIDNO WALAYAASHA & KALKAALIYAASHOODA;DOWLADAHA DHEXDHEXAADINTA.ANIGU ARRINKAAS AAD BAAN USOO DHAWAYNAYAA MAQSUUD WAAN KA'AHY,BALSE SIDEE LOOGA GUDBAYAA JILAAFOOYINKA AY DHIGAYAAN FIDNOWALAYAASHA &KALKAALIYAASHOODA?! MIDDA LABAAD WAXAAN QABAA QOF KASTA OO MUWAADIN SOMAALIYEED OO XALAAL AH INUUSAN KU TALINAYN IN AY MEDIATOR KA MID NOQDAAN WADAMADA SIDA ETHOPIA, KENYA,WADAMADA DANTA GAARKA AH WATA IYO KUWA JIR- ITAAN KEENA DIIDAN.WAXAAN QABAA IN SOMALI CAAFIM- AAD KEEDUNA KU JIRAA IN AAN UNOQON ISKUNA XUKUNNO KITAABKA QURAANKA IYO SUNNADA NEBI MUHAMMED{C.S.W },LANA KAASHANO WALAALAHAYAG MUSLIMIINTA AH OO KU GUULAYSTAY INAY DHISAAN DOWLADO MUSLIM AH. UGU DAMBAYTII WAXAAN EEBE KA BARYAYAA INUU UMMA- DDA SOMAALIYEED DAMBIGEEDA DHAAFO GARANSIIYANA DANTOODA. Cadceed
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxaan marka hore jecelahay inaan idinku salaamo salaan la isku salaamo tan ugu qiimiga iyo qaayaha badan taas oo ah midii uu nabigeeni Mohamed CWS ina faray oo aheyd Asalaamu Caleyku Waraxmatulaahi Wabarakaatahu. walaalayaal salanaats qaaliga ah kadib. waxaan jecelahay inaan dhamaan intii ka qaybqaadatay aqoon iswaydaarsigan fiican aan u hambalyeeyo. walaalayaal runtii qof waliba maanta unbuu ogaaday qiimaha uu wadankeeni lahaa iyo in qof aan wadan la'heyn uusan waxba aheyn. intaas kadib waxaan Illahay inooga baryayaa in aan marlabaad noqono dad wadan leh. oo isku duuban. taasna waxaa lagu gaarikaraa waa Illahay ku xirnaansho iyo in laisku duubnaado. Wabilaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxaan umalaynaya in uu u hadlin arin somalinimo uu u hadlayo sidii nin qabiil ka hadlayo marka soo sheeg dhaha qabiilkaga
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxaan qabaa figrada ah ma maqlikarno xaliimo carab iyo kiinyaati ta 2aad waa in ay soomaalidu fahmaan maxay tahay ujeedada ismaaciil omar bataal horey soomaali u tiri tiisaba daryeelaa tu kale ku dara waxaan u maleeyey in aan siyaasada dibada si fiican u baraney laakiin waxaa ii muuqda in inteena badan aaney waxba ka aqoon waxaan ka adag nahay keena tabarta yar iyo qabiilka ee walaalayaal fadlan oo fadlan u kuur gala arimaha qaarkood. thanksabdi
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date 100% ayaan kugu raacsanyaa waana ku tagaarsanhey arinta aad so jeedashey Tala jeedinta aad firadaada waxaan u arkaa mid sax Qabqaablaashu iyo durcadu waxey weliba Masuul ka yihiin 1) Burburka iyo dalad laan ka jirta mud ku dhow Nus qarni 2) kumanan qof iyo ku dhuntey , Laf ku waayey dagoolkoodu 3) boqolal kun oo qaxoofti 4) boqolol kun iyo curur somaliyey oo waxbarasho laa, aan iyo burcadnimo ay bareen, 5) Umada somaliyeed oo ah umad wanaagsan oo dhalatey is jecel iyo wax wada qabad oo Naceyb dhex dhigeen iyo eegaya arimohooda gaarka ah 6)ugu damaynii waxaan ku farexsaney in umad soomaliyeed ay fahmeen codoygeeda oo ay ugu horeyeen Qabqablayaasha waad mahadsantiiin Maxamed waaan kugu Taagersaney arintaas !!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ASSALAAMU CALEYKUM WARRAXMAHMATULLAAH SALAAN KA BACDI WALAAL WAA ARRIN AAD U MIHHIM AH QORAALADANI FADLAN ISKU DAYA IN QOF WALIBA DIYAARIYO AMA KA DHIGO QORAALKA AF-SOOMAALI FADLAN TALOOYINKA WAXAA LAGA YAABAA IN WAX DHAXAL AHI KA SOO BAXAAN INSHA"ALLLAAHU,KELIYA KAGA HADLA SI NASTEEXO LEH WAAYO DADKA QAARBAA U MUUQDA INAY WAX TABANAYAAN WELI,TALANA LOOGA BAAHAN YAHAY,FADLAN WALAALAYAAL SIDAA YEELA WASSALAAMU CALEYKUM AXMED WALI
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:Maxmmed Yasiin, Salaamad dabadeed, arrimaha aad ka hadashay waa kuwo maskaxda ku yeedhin kara gambaleel ama wax baraarujin kara ama dareenka qofka caadiga ah baraarujin kara. Arrintu si kastaba ha u dhacdee kuguma raacsani qodobada lambarradoodu kala yihiin 1,3,iyo 4. Waxaanan kuugu raacsanayn, waxaan soo ogaanay si xirfad leh (practically) in shirarka lagu qabtay waddanka debaddiisu natiijooyin keeni kari waayeen ku waas oo ay marti soorayeen waddamo shisheeye ahi sida Kenya, Ethiopia,Masar, Yemen,iyo kuwo kaleba.Waxaa wanaagsan markaa in aan qof aan Soomaali ahayni aanu waxba ku yeelan arrinta Soomaaliya; taana waxaan ka higsanayaa markaad leedahay guddi ka kooban Kenya iyo boqortooyooyinka carabta midowday halloo xil saaro arrimaha, anigu kuguma taageersani. Gacanta waxaa ku haysa arrinta Djibouti oo Soomaali ah inay iyadu cidday ka fursan weydo kula gal galato iyadoo taageero ka haysata shacabka Soomaaliyeed ee shanta u qaybsan NFD,Soomaali Galbeed,Somaliya (koonfur), Soomaaliya (waqooyi) iyo Djibouti, meel kasta oo uu joogo ayaan ku taakulaynaynnaa in marka hore laga munaaqishoodo. Qodobka labaad, ee aad leedahay ha loo diido dagaal huriye yaashu inay ka qayb galaan shirka , waan kugu raacsanahay, laakiin saddex bilood oo cafis inay dalka kaga baxaan ha loo qabto kuguma raacsani, waayo haddii ay bixi waayaan ninkee soo qab qabanaya oo ciqaabta aad sheegtay marinaya?! Haddii Djibouti awooddaas hayso, waxaa ka wanaagsan fekrredaas in dalka loo ogolaado inay ka baxaan in shirka lagu marti qaado oo ay kasoo qayb galaan, dabadeednna lagu xukumo Djibouti gudaheeda inaanay meelnna uga bixi karin ilaa xilli dambe oo dabadeed shacabka Soomaaliyeed markuu lugihiisa isku taago isagu xukumo, wixii dhibaato ahayd ee ay diin ahaan, qaran ahaan, maal ahaan, iyo naf ahaanba ay geysteen, waa aniga ra'yigayga iyo haddii ay Djibouti diyaar u tahay inay ka qaaddo tallaabo nimankaas, haddii kale hala iska daayo ilaa xilli dambe iyagaaba dadku markay wax fahmaan ka hadhaya iyana way iska tegi doonaane. Aniga fekrradeyda haddii aan usoo jeesto waxaan odhan lahaa in Djibouti laga filayey muddo hore inay qaado tallaabadan laakiin (it is never late when you start) hadana waxay awood u leedahay haddii aanay caajisin inay isbeddel ku keeni karto Soomaaliya dhinac walba, shacabkuna waa taageerayaa 10000000%. Ilaa xilli dambe salaama.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date qofkasta oo somaali ah waxuu xaq u leeyahaty in uu ka qeybgalio shirka hadii uusan waxdanbi ah ka gelin umada soomaliyeed, tan ugu muhiisan waa in ay noqotaa in waxa leysku gartay lameel mariy.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Qofkuu alle kharla doono wuxuu fahamsiiyaa diintiisa dhamaan waa ay salaamanyihii jaaliyada soomaaliyeed salaan kadib hala is cafiyo Allena haloonoqdo hana latala saarto kadibna wixii la awoodo halagu dhaqaaqo waa arar hadii aan usoo noqdo fikradayda yarta ah waxaan umahad celinayaa madax waynaha jabuuti waxaan habaarayaa hogaamiyayaasha dhordal oo ay kamid yihiin Ethopia Libiya maser waxaa leeyahay ilaah wixii aad nagu samayseen abaal marintooda alle ha idinsiiyo Aragtidayda iska yar waxaan qabaa aragtidii mohamed marka laga reebo 12 bilood oo uu sheegay in ay tahay diyaarin oo aan qabo in laga yareeyo mudadaas mida xigta waxaan qabaa Madaxwaynaha jabuuti in loo magacaabo madaxweyne ku meel gaar ah isaguna soo dhiso dawlad caafimaad qabta shacabwaynaha soomaliyeed laga soo dhameeyo in uu dawlad sii wado ilaa inta ay ka soo dooranayaan madaxwayne doorasho kuyimid oo nadiif ah haba xumaado haduu doonee ilaah baa og meesha uu kharku kujiro
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaan ka dib,waxaan filayaa maanta qof walba waxa uu raadinaayo in ay tahay nabadgelyo iyo wadan degan,xasilooni ay dadku ku noolaadaan,sida Maxamed iyo qaarkalaba ay u soo dhaweesteen in lagu gaari karo ma qabo aniga oo waxaan qabaa in Madaxweyne Dj,iyo dad sacbooleey ah oo uu hor kacayo aan la gu heli karin nabad iyo xasilooni iyo doowlad qaran ah oo ay daba galaan shacbiga somaliyeed,sidaas darteed umada somaliyeed ha ka tashato ayaan qabaa danahooda,intaan isleeyno ayaan geed hoostiis wada hoos fariisano ayaan heshiis kala qaadan jirnay.waqtigaba ha nagu dheeraado laakiin waxaan u heestaa in nabad run ah taas lagu gaari karo ilaah ka so koow qof bini aadam ah oo wax inoo qaban karaa in uu san jirin. taasi waa fikradeeyda ii gaar ah ama aragtideeyda gaaban.mahadsanidiin,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date QORE;JILAY Salaan ka dib,waxaan filayaa maanta qof walba waxa uu raadinaayo in ay tahay nabadgelyo iyo wadan degan,xasilooni ay dadku ku noolaadaan,sida Maxamed iyo qaarkalaba ay u soo dhaweesteen in lagu gaari karo ma qabo aniga oo waxaan qabaa in Madaxweyne Dj,iyo dad sacbooleey ah oo uu hor kacayo aan la gu heli karin nabad iyo xasilooni iyo doowlad qaran ah oo ay daba galaan shacbiga somaliyeed,sidaas darteed umada somaliyeed ha ka tashato ayaan qabaa danahooda,intaan isleeyno ayaan geed hoostiis wada hoos fariisano ayaan heshiis kala qaadan jirnay.waqtigaba ha nagu dheeraado laakiin waxaan u heestaa in nabad run ah taas lagu gaari karo ilaah ka so koow qof bini aadam ah oo wax inoo qaban karaa in uu san jirin. taasi waa fikradeeyda ii gaar ah ama aragtideeyda gaaban.mahadsanidiin,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM. 04.04.2000. WAXAA MAHAD LEH ILAAHAY,INTA KADANBAYSA SALAAN QAALIYA WAXAN U DIRAYAA,MADAXWAYNE ISMAACIIL CUMAR GEELE. WAXAAN KU FARAXSANAHAY KADANQAMSHDA IYO DAREEENKAAGA WACAN EE DHIBAATADA SOOMAALIYA,BALSE OGSOONW,SOOMAALIYA WAA MID QUDHA CIDINA MAKAL GOYN KARTO,BALSE MARKAAD LA TASHATO WAXGARADKA SOOMAALIYEED EE DAACADA KA AH ARIMAHA SOOMALIYEED DAWLADANA AAD DHISTAAN HAWLGALINTEEDA WAA INAAD LAA KAASHATAAN UN.TA OOD UGU YARAAN 10,000. OO ASKAR LOO DIRAA SOOMAALIYA ILAA INTII NABAD LAGU SOO DABAALAYO. MIDA KALE WAY JOOGAAN QAB QABLAYAASHII DAGAAL IYO MALEESHIYOONKOODIIBA, SHACBIGA SOOMAALIYEED WAY KA DAALEEN DAGAAL RUNTIINA WAY SOO DHAWAYNLAHAAYEEN LANA SHAQAYNLAHAAYEEN CIIDAMADA RAJO SOO CLINTA SOOMALIA. ADIGANA ABAAL WAYN OO SOOMAALINO AYAAN KUU HAYNAA. GOBOL KASTA OO SOOMALYA KU YAALNA TAALO AYAAN KAAGA DHISAYNAA HADAANAD ARIMAHA AAD UGA FIIRSANINA SHIRKAASI WUXUU NOQON SIDII KUWII KA HOREEYAY'ILAAHAYNA HA INALA QABTO. WAA AQOONYAHAN DA YAR OO SOOMAALIYEED. ALLAA MAHAD LEH. GUUL----GUUL----GUUL INSHA ALLAH. By.Rashiid N.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waxaad modaa in kulaylkii nawada garay waa ala mahadii ta soo guul wayn noo ah maxa yeelay adiga iyo anigaba waxaan fahanay qiyanadii siyasadeed eemanta na dhaxalsiisay inaynu isu gud bi karin waxan aniga iyo adigaba tageeraynay ama an u sacabo tumaynay qab qablayaasha dagalka oo caadaystay dhiiga shacabka somaliyeed , waynu ku daalnay oo waxaan aragnay in qabiilki qaran noqon wayay . waxad arkaysaa manta shacabkii oo haraad san ilaah baa haradka bixin kara ee aynu taageerno cidkasta oo maslaxada soomali wada ha ugu horeeyo madaxwaynaha jabuti mudane ismaciil cumar gele oo hadii uu ku guulaysto barnamijkan uu wado ka gali doono bal dahabah tariiqda umada soomaliyeed si kastaba arin tu ha u socoto waa in aynu adiga iyo anigaba ka wada shaqayno qarinamada somaliya maxaa yeelay nala mid bey ahaayeen dhalin yaradii xornimo doon ka somaliyeed ee la so dagaalamay gumaysigii . dhiigoodiina u huray siday shacabka ugu qadi lahayeen gumaysiga waxaad ogataa maan ta gumaysi ina sheegta in uu nala dhashay ee sefta galka kala bax in tii nala maaweeliyay nagu filan guul guul iyo hawl wacan in sha alaah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Asalaamu calaykum, Walalayaal. sida aad la socotaan walaalayaal mudo tobon sano ah ayaa ka soo wareegay bilawgii dagaalkii sokeeye, oo ilaa iyo hada bulshadu badankeedu waxaad u malaysaa in ay midba midka ku eedeynayo dhibka somaliya ka dhacay , iyadoo aanay jirin in ay eegaan dhibka uu ka geystay burburka dalkii hooyo. Run ahaantii soomaali waxay isu dishey qabiil qabiil , oo dhab ahaan tii qofkasta oo soomaali ah waxuu ka dhashay qabill soomaliyeed oo taasi qof diidi karaa ma jiro , hadii dhanka kale aad ka eegto nimankan hogaamiya dagaalada ku dhisan qabiilka bal horta yay u dhasheen yayse shalay u dagaalamayeen, waa idinka ku haya waa burcad. Miyaad ilowdeen in shalay ay katirsanaayeen qabiilkaada .ma hadeynu been isu sheegeynaa oo ku tilmaameynaa burcad. waxaa haboon in runta la isu sheego midkiina ma ogola anma qabiilka aad ka dhalatay ma ogola in ninkii xun oo dhibaato keenaya layska qabto , midkastaa waxuu la soo istaagayaa yaa inoo dagaalamay berito hadaan kii noo dagaalamayay annu iska qabano , saa waxaa dhici karta in qabiil hebel nagu soo duulo. Hadaba waxaa haboon in hoos ahaan la isugu noqdo oo qofkastaa qabiilka uu ka dhashay uu dib ugu noqdo oo bal horta qabiilkiisa dhexdiisa ka sameeyo is ixtiraam iyo kala danbeyn , iyo in qabiilkasta waxa uu doonayo uu yaqaano . Xeerka uu dhigtana fuliyaa. qabiilkaadii baa maamuli la adahay , markaas bad waxaad leedahay soomaali weyn aanu maamulno. Fadlan waxay arintani rabtaa bal in dib loo soo bilaabo ismaqal iyo kala danbeyn bulsho kastoo meel wada degan , markii taalo la helo ayaa tanguud lay isugu imaan karaa . Kuma soo koobi karo halkan arinta soomaaliya, balse waxaan idin dhihi lahaa bal inta aadan qofkale xisaabin bal adigu isxisaabi. Walaankiin oo idin leh fadlan ku dadaal in aad dhismaha wadanka aad ka bilowdo gurigaada, markaa ka dib baad u gudbi kartaa deriskaada in aad kala tashato.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date walaalayaal anigu waxaan talo u soo jeedin lahaa dadka ree jibuutu ee raba inay dadka iyo dalka baa bay dib u soo nooleeyaan ilaahaybaa soo noolayn karee. horta waxaan ku raacsanahay oo aan ku taageersanahay hindisahaan quruxda badan ee uu badaxwayane cumar geele noo soo jeediyay taas oo aan ilaahay ka rajaynayo midha heeda na tuso asagana ajar ka siiyo TALO: (1) intuu shirku socdo inayna wax war ah ka bixinin sababta oo ah wariaysigu inuu dad sii fogeeyo mahaane dad soo dhawaynmayo walaalayaal ogaada meesha shaydhaan wuu ku jira asagoo wax walabe leh sababaha aan u diidayo A-hadalka uu wasiirku dhoho waxbay kusii darayaan b-mid inuu dadka wareeriyo rabay ayaa daliil ka dhiganaya (2) markuu shirku dhamaado inaan war laga bixinin ilaa dawlada laga dhiso sababta; c-nin kasta cidbaa soo dirsatay marka wixii lagu heshiiyay haday ogaadaan sagoon meeshii ku noqonin waxaa laga yaabaa inay sii afganbiyaa am ay diidaadnba asagoon wixii siduu ahaa loogu sharxin (3) laanta afka soomaaliga ee (bbc) halaga joojiyo inay qof soomaali ah waraysato intuu shirku socdo ayagana waxaan kula talin lahaa inay joojiyaan wararka soomaalida intuu shirku socdo oo ay ka qayb qaataan nabadaynta soomaaliya wax badan baad shar ka sheegteen oo aad wax isku dirteen hada waxaad isku daydaan inaad khayrka sheegtaan inata awoodiina ah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date GUUL MR MADEAXWEYNE. WAXAAD OGATAA WAXKASTA AY SOOMALI AY KU HESHIISO WAXAA KA SII WEYN HERGALINTIISA. ANIGA MA FILAYO IN DHIBAATO KASTA OO SOOMALI HAYSATO AYAA LAGU XALINAYAA JABUUTI LAAKIIN WAXAA LAGA KEENI KARAA WAXA UGU MIHIIMSAN EE AH JAWI LAGU HADLO IYO NABAD
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Walaalayaal, aan u duceyno shirka Jabuuti oo hadda socda in uu noqdo mid guul ku dhamaada. Waxaad ogatan in wax walba ay meel ka bilowdaan waxna ku bilowdaan. Sidaa darteed, waxaan aad ugu raja weenahay in tan tahay tii nabad waarta u keeni laheyd Somaali dhamaanteed. Haddaan mid kale raaciyo, waxaan anigu gaar ahaan aad ugu xiisay wadankeygii , saxiibadey, ehelkey, dugsiyadii Quraan iyo kuwii waxbarashoba, xeebahii iyo bananadii aan kubada ku ciyaari jiray. Marka waxaan qabaa in aad taas idinkuna ila qabtaan oo aad jeceshihiin inaad araktaan wixii ka haray. Marka aan si wada jir ah ugu duceyno in uu ilaah noo sahlo inaan dib ugu noqono wadankeeni isaga oo nabad ah.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ,,,,,,,,,Ciise Jaamac Nuur waan ku salaamay walaale ,,,,,....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Soomaamlida dhamaanteed ku heshiin wayday hogaan ka dhexeeya oo bulshada soomaaliyeed nabad ku hogaamiya sidaa darteed waxaa iila muuqataa in madaxweynaha jabuuti oo ah madaxweyne asal ah soomaali in layska reeco inu noqdo madaxweynihii soomaaliya iyo kii jabuutiba markas shantii soomaaliyeed labaa maqan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, July 12, 2000 - 11:34 am Mudane geele, maxay kula tahay. Adiga naftirkaada inaad iska tuurtid heeryada gumeysiga, oo aad ka qeybgashid Dhulkaa Carab, Talyaani, Ingriis kaa gumaysteen oo baaba'san inaad dhisato oo aad ka qaadid burcadyada inoo tashtay, oo maamulkooda mideysid si ay riyadii Soomaali weyn u rumowdoo dhurwaaga looga soo dhacsho! ileyn Jasiirado iyo dhul kalaa kaa sii maqanoo nabadoodiina iyo xoreyntooda u sii doodi kartaayoo qaramada midowbina ay aad kuu dhageysan lahayde. Waxaan qabi lahaa anigu in lagu daalay dad la soo diroo kala dan ahoo biyo hoostoodana iska arkay Qarash ku bixintooda iyo waqti iska dhumintooda. Bal halagu dayo. Mudane Geele oo aan u arko inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya. Sabatoo ah jabuuti waa iska gobol ka mid ah soomaaliya sidaaan wada ognahay. Camalkooda iyo Cunsuryaddii uunbaa halkaa Geydayee. Markaan intaa oo gef loo qaadan karo usoo tiriyey ayaa waxay tahay:- 1. Miyaan haynaa maanta cid inoo dhaanta 2. Miyaan oran karaa waa Cadowgeena ninkaa markii ugu horeyday uu xukunka qabtaba isku dayey inuu arinta gobolada dhexe iyo koonfurba wax ka qabto sidii loo nabadeyn lahaa. waxyaala kalaa jiree maxay idiinla tahay haddii aan Mudanaha Warqad aan taa ahayn loo diro ama talo aan ahayn siduu wax ku maamulan lahaa ee la siiyo asaga naftirkiisa fursad uu isugu keeno shanta soomaali macal jasiiradaheeda. Mahasanidiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, July 27, 2000 - 01:09 am SALAAMA CALEYKUM anigoo ku hadlaya magaca dhalinyarada soomaaliyeed in aan u baahan nahay. siyaasiin cusub oo dhalinyaro ah. kuwaas oo aan danbi ka galin dalka iyo dadka soomaaliyeed. Aqoontoodana lagu tix galiyo. Waxaan codsaneynaa in odayaashii ka soo shaqeeyey burburkii qaranimada dalkeena aan wax naloogu dhiibin. Sida ninka isi soo sharaxay ee ahaa wasiirka maaliyada ee dowladii hore, MAXAMED SHEEKH CISMAAN, iyo kuwa la midka ah. Iyagana waxaan dhihi lahaa, "xishood ma lahidin, dadkii aad waali jirteena wey miyirsadeen" GUUL SHIRKA JABUUTI
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, August 04, 2000 - 02:36 pm ASALAAMU CALAYUKUM SOMALIYEEEY DHAMAAN? WAXAN MAHAD U CELINAYAA WALAALKII ARINTA KEENAY ILAHAY QAYR HAKU SIIYO WAXAAN TAHAY NINSOMALIYEEY OO AAD U CAQLI BADAN UNA DADAAL BADAN ADIGAAN KU DORANLAHA HADAY SOCONAYSO WAANA KUGU RAACSANAHAY ARIMAHAAGA WALAAL DAAAL HALKAA KASII WAD, WAXAAN TALO USOO JEEDINLAHAA SOMALI OO DHAN WAXAY ILA TAHAY INAAN ILAAH MOOYEE CIDKALE OO INOO MAQAN AYSAN JIRIN WALAAL MA IDILA TAHAY INAAN XORNIMO DOON NOQONO SI WALBE HANOQOTO INAGOO ISKU DUUBAN UNA BADAN SHALINYARO INAAN LADAAGALANO QAB QAB LAYAASHA OO INAGU JABHAD SOMALIYEEY NOQONO REER WALBA WAA INA OGOLAAN LAHAA WAXAY ILA YAHAY INAAN AFMARAN WAX LAGU KEENI KARIN XOOG SOMALIYEEED DADKU WUXUU UBUKAA NABAD TUUG MOOYEEE QAB QABLE AYAA INA WAALAY, MARKAAN DIB UGU LAABANO AQWAANKII SOMALIYA WAYKA XUMAATAY EEE WAXAY ILAYAHAY INAAAN DAGAALANO DAGAALKEENU WUU FUDUDAANAYAA SABABTU WAXAAN LADAGAALAMAYNAA QAB QABLEEE MA AHAN QABIIL IYO DADWAYNE MARKAA NINKII DOONAY INUU XORNIMO HELO WAA INUU U DAGAALAMAAA MADAAMA U DAGAAL QABIIL SOMALIYA WAALAY XALKALE MALAHA SIDAAS BEEY ILATAHAY WAXAANA YEELAY XABIIL BAA DADKII LAYAY QABIIL DADKII HANTIDOODII QAATAY MARKAA AYNU SAMAYSANO XISBI SOMALIYEEED OOOO KU MAGAC SHEER SOMALI WAYN MARKAA QAB QABLE WAY DHAMAAN SHEEKADEEEDU INTAADAN DUQOOBIN WADANKAAGA WAX U QABO MAANTA AFMALA RABO EE WAXAA LARABAAA RUN IS WAYDII SIDEE BAAD QAB QABLE UGA QAADI WADANK UGA QAADI HADUUSAN ISAGA MADAXWAYNE KUU NOQON MAJIRTO QAB QABLE NIN ILAAH YAQAAN MA AHAN NINWADANI MA AHAN XISHMAD MA LEH MARKAA IYAGA UNBAA INA XUKUMI WALIGOOD XORNIMO LA AAN GURIGAAGII KUMA LAABAN KARTID QURBAA KU DILI ADIGII BALWAD BAA QURBE KUGU DILI ISLAANTII WAY REER MAGAALOOBI WIIL KII GABARBUU NOQON GABADHII IYADA NAAG AROOSI ADIGII WAAD DHAMAAN ILAA AAD NOQOTID HOMELESS KUWII WADANKA JOOGEY XABAD BAA DILI MAALINBA MID CUDURO GAAJO MARKAA MAKULA TAHAY INAAN KACNO 10 TOBAN SANO AYAAN DOWLAD LA AAAAAAN DOW LADII HORE HA XUMAATEEE WAY YARA DHAANTAY MARKAA HADAAD ILA JIHAADI WALAAAL SOMALIYA LAGAAMA XIGO QAB QABLE ISAGA KALIGII WADANKA MA LEH WAANU LA LEENAHAY EE SU AAAAASHU WAAA YAAA QAYBTIII DOONAN YAAA XAQII DOONAN MISE HADHOOW BAAD KU LAABAN WADAN LAKA QAYBSADAY WAAN HUBAA IN LAGU WAYDIIN VISA INAAD SOMALIYA KU GASHO HADII KALE UDAGAALAN INAAD WADANKA XORAYSID ADIGU UDAGAALAN DADBAA KU FAA IDI CARUURTAADA ALAHA KADHIGEEEE IYO SOMALI WAYN NINKII SEEXDAA SICII DIBI DHALAY FACAA WADAN BUU LEEYAHAY ADIGU QOXOOTI DAD WADANKII BAD JOOGTAA 10 TOBAN SANO SOMALIYEEEEEY HURDADA KA KAC QAB QABLE IYO GUMAYSIGII GALADA GALADA LAQAATAY WAYNU LADAAGALANAY GALADII BALKAWARAMA QAB QABLE KASOO LAYAY CIDWALBA REEEERKIISA UU SHEEGTO IYO CIDKALEBA MARKAA WAXAY SOMALI UBAHANTAHAY DHALINYARO SOMALIYEEEEEED NINKII WADANKIISA JECEL WAA NIMAAN QABIIL JECLEYN EE WUXUU JECELYAHAY CALAN SOMALIYEEEEEEEEY WALIGAY KUMA HOOS BAHAN CALAN SOAMALIYEEEEED MARKAAN CALAN SOMALIYEEEEEY SORNIMO NABAD WAABAN DHARGAAA WAX KALE MARABO INAAN XORNIMO HELO MOOYEEEE QAB QABLE INKAAR ALAHA KURIDO WAA DOQON DOQONA SHANTAA KAA CELISA QAB QABLE WAA NIMAAN XISHOOD SOMALINIMO KUJIRIN MA ILAAH AQOON KASOO KALE WAA LAGU JIHAADAAAAAA INTAA IYO NABAD GALYO HADAAD JIHAAD SOMALIYEED DIYAAR UTAHAY ILA SOO XIRIIIR HALKAN HADAL HAAN MA BUUXSHO. WASALAAMU CALAYKUM SOMALIYEEEEEEY ILAHAY QAYR HA DHIGO SHIRKA JABUUTO GARANA MAAYO WALI QAB QABLE. MY E-MAIL gatenine9@yahoo.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, September 08, 2000 - 12:06 pm abdisalan 0808-00 Help your peaple and your country, therefor ,aviod propaganda machine ,please respect your flag and the nation you belonge , the warlords have sent there family abroad and enjoying sending young somalian to war, while using familyname. I am soory my nation and flag , it is primetiv have done that. BIIIIIIIIIIIIIIIIIG SSSSSSSSSSOOOOOOOOOOORRRYYY
|