Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): Magaca AYAAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirisaaq

Unrecorded Date
waxaan jeclaan lahaa magaca ayaan macnihiisa inaan ogaado.
maalinkasta ayaa germalka i waydiiyaan macnahiisa, laakiin aniga waxaan ayaan u aqaan=nasiib ama =mustaqbal,
waxaan idinka sugi walaalayaal jawaab nabaday .
abdirisaaq nur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Unrecorded Date
Ayaan = NASIIB

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamaal

Unrecorded Date
Gabdhaha magaasi leh baa aduuyadu ugu qurxoon! Gabar qurxoon oo nasiib leh maxaa ka maqan?

Jamaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAN-LUCKY

Unrecorded Date
WELL THANK YOU JAMAL ,AS MY NAME IS AYAAN TOO.
AND TO SEE MY BEAUTY U'LL HAVE TO COME AND CHECK IT OUT UR SELF ......BUT I TELL U... U WILL NOT BE DISAPPOINTED.
BYE FOR NOW
TAKE CARE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AISHA

Unrecorded Date
DEAR Mr ABDIRISAAQ NUR.

MAY I ASK YOU WHY DO U WANT TO KNOW THE MEANING OF AYAAN PARTICULARLY.AND NOT ANY OTHER GIRLS NAMES??
IS THAT U'R LOVER'S NAME OR IS SHE UR DREAM GIRL.

JUST WONDERING.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUQTAAR

Unrecorded Date
Because Ayaan is such a fabulous name! It's like music to my ears -- a lovesong. Ayaan is supreme beauty

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoryaweyne- warqabte

Unrecorded Date
walaal c/risaq hadii ay ayaan tahay saaxibtaa ama haddii kalaba aniga waa saaxibteey magacuna waa magac aan jeclahay macnihiisuna waa sidan asigoo kooban.
Ayaan waa magac ka soo jeeda diimihii hore ee soomaaliya waxaana la aamminsanaa in ilaaha cirka ee loo yiqiin waaq uu dhulka ku lahaa awood, awoodaasna waxaa la dhihi jiray AYAAN,$
ayaankuna wuxuu u kala baxaa axaan tabar iyo tabar-darri, oo wax kasta ee wanaagsan waxaa lagu tirin jiray ayaanka tabarta, waxkasta ee xun ama liitana waxaa lagu tirin jiray ayaanka tabar-darrida, waana sababta ay soomaaliyeed u yiraahdaan``qofkaas ayaankiisaa xun ama qofkaas ayaankiisaa fiican.
sheekadu waa dheertahay laakiin intaas ayaan ku soo koobay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoryaweyne- warqabte

Unrecorded Date
walaal c/risaq hadii ay ayaan tahay saaxibtaa ama haddii kalaba aniga waa saaxibteey magacuna waa magac aan jeclahay macnihiisuna waa sidan asigoo kooban.
Ayaan waa magac ka soo jeeda diimihii hore ee soomaaliya waxaana la aamminsanaa in ilaaha cirka ee loo yiqiin waaq uu dhulka ku lahaa awood, awoodaasna waxaa la dhihi jiray AYAAN,$
ayaankuna wuxuu u kala baxaa ayaan tabar iyo ayaantabar-darri, oo wax kasta ee wanaagsan waxaa lagu tirin jiray ayaanka tabarta, waxkasta ee xun ama liitana waxaa lagu tirin jiray ayaanka tabar-darrida, waana sababta ay dadka soomaaliyeed u yiraahdaan``qofkaas ayaankiisaa xun ama qofkaas ayaankiisaa fiican.
sheekadu waa dheertahay laakiin intaas ayaan ku soo koobay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/rashiid

Unrecorded Date
Yes you right Muqtaar bro -- Ayaan she is a beutifull name and forever she is beutifull girls. I love Ayaan. Dumar Ayaan la yidhaahda waa dumar indhahu u roon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAN-LUCKY

Unrecorded Date
WELL!!! WELL!!! WELL!!! BRO'S I CAN SEE THAT YOU BRO'S ARE HIGH OVER HILL WITH THE NAME 'AYAAN'.

BUT I WOULD LIKE TO KNOW THAT IF YOU HAVE EVER TRYED TO GET WITH ANY AYAAN'S IN YOUR LIFES?AND IF YOU DID THEN ARE YOU STILL WITH HER?.

TAKE CARE BRO'S

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIIBAAN

Unrecorded Date
The trouble with girl's named Ayaan is that too many guys want her because she is always superfine, cool, intelligent and quite simply da bomb! The fellas are always checkin' her out but Ayaan's got class and style and she's always for real. That's my girl. Finest girls on the planet are named Ayaan. All peeps be sweatin' her -- white, black, arab,indian, iranian --yo even Korean and Japanese guys are flirting with my girl! Everyone tells me how lucky I am to be with my girl, Ayaan. She's a treasure, and I love her.
We're getting married in April.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LUCKY STAR

Unrecorded Date
WOO-HOO! Wow, I never thought that a simple name could incite such adulation! It's true, girls named Ayaan are quite remarkable..what can I say, we're just lucky..it's all in the name!

Later

PS - Liibaan and Muqtaar, I'm speechless...have any of the other Ayaans read the beautiful messages these Romeos have left us??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qaliil

Unrecorded Date
Ayaan waxaa lola baxaa gabdhaha gabadha uku qurux badan uguna nasiibadan.

Asalaamu caleykum .......bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirisaaq

Unrecorded Date
maya walaalayaal ayaan saxiibtay maaha ee waa gabadhayda yar oo 3bilood jirsatay ,waxaana jeclaanlahaa in qoryowayne-warqabta sheekada taariikhda ee magaca ayaan ii sii waddo ,fadlan walaal gabadhayda waa jermal iyo somaali waxaana aad u jeclaanlahaa inay ugaato magaceeda macnihiisa af-somaligamarkay waynaato waan idin ka warsugi nabaday dhamaantiin.
abdirisaaq nur abdi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoryaweyne-warqabte

Unrecorded Date
TO:Cabdi risaaq
cabdi risaaq walaal waad iga qoslisay markaad tiri
waa gabadheydii oo 3bilood jirta ee ma aha saaxiibtey, waxaana ku leeyahay Alle hakuu daayo gabadhaada hana ka dhigo mid qabsato dhaqankii iyo diintii Awoowgeed, intaas dabdeed waxaa igu adkaatay inaan fahmo meesha ugu dambeyso ee qoraalkaada, ma waxaa rabtaa inaan wax intaas ka badan kaaga sheego macnaha magaca mise waxaad leedahay gabadhu waa jarmal iyo soomaali sidaas daraadeed uma baahni in magaca lagu fasiro qaab soomaali ah oo keliya, walaal si fiican kuuma garan ee warkaada ii caddee, haddaa u baahato macno dheeraad ah waan kuu haayaa, laakiin aan jawaab kaa helo, iguna salaan gabadha yar aan adeerka u ahay,igana raalli ahow wixi qalad ah ee meesha ku jira
nabad gelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirisaaq nur

Unrecorded Date
maya walaal waxaan ubaahanahay macno dheer oo ku saabsan magaca ayaan si aan gabadhayda si fiican ugu sheego macnaha magaceeda markay waynaato , walaal sheekada ii sii wad ,waxaan sugayaa jawaabtaada walaal .
mahadsanid.
abdirisaaq nur
waxaan kaloo aan aabo u ahay gabar 4 sanno jirta magaceeduna waa ABYAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoryaweyne-warqabte

Unrecorded Date
TO:ABDI-RISAAQ

walaal marka ugu horreysa iga guddoon salaan qaali ah marka labaadna waxaan ku faraxsanahay sida aad gabdhahaada ugu doortay magacyo wanwanaagsan oo soomaali ah, runti waxaan kugu qiyaasayaa inaad tahay nin si fiican u yaqaana afka soomaaliga iyo dhaqankeennaba, waana waajib dusha kaa saaran inaad gabdhaahada ku tarbiyeysid dhaqankeenna sooyaalka ah iyo diinteenna muqadaska ah,
intaas dabadeed walaal waatii aan kaa ballan qaaday inaan kuu soo gudbin doono arrimo badan oo la xariira macnaha magaca ayaan laakiin waxaa soo kordhay oo kale magaca Abyan oo asiguna ah magac ku fadhiya macna weyn una baahan in lagu sharraxo waqti dheer, waxaana kugula talin lahaa inaad raadsato buug uu qoray nin la yiraa cabdulqaadir salaad inkastoo aan anigu waayey meel laga helo, haddana wuu jiraa buuggaas oo si fiican uga hadla arrimo la xariira taariikh nololeedkii hore ee dadka soomaaliyeed.
intaas keddib hadaan u soo laabto magaca Ayaan,
sidaan hore u soo sheegayba dadka soomaaliyeed waxay caabudi jireen ilaahya kala duwan intaysan na soo gaarin diinta islaamka ee muqadaska ah, ilaahyadaas waxaa ugu weynaa ilaaha cirka ay u yaqaaneen "Waaq" ilaahaasu wuxuu lahaa sida laga aaminsanaa awood uu ku maamulo waxa dhulka yaallo ama ku nool, awooddaasna waxaa loo yiqiin AYAAN, haddaba ayaanku wuxuu u kala qeybsanaa dhowr nuuc sida ayaanka tabarta iyo ayaanka tabardarrida tusaale ahaan wax kasta ee liita sida waxa dhintay miraha bololay jirrada waayeelnimada geerida iyo waxkasta oo musuubo ama daciifnimo ku jirto waxay soo hoos geli jireen ayaanka tabardarrida, ayaanka tabarta ama ayaanka awooddana waxaa soo hoos geli jiray wax kasta ee wanaagsan oo wax qabad iyo nashaad leh waxaana loo yiqiin ayaanka AB, waana meesha ay xariirka ka leeyihiin labada magac ee gabdhahaada
AYAAN iyo AB-yan


ABYAN

magca AByan wuxuu ka koobanyahay laba eray oo kala ah AB iyo YAN, balse waxaan rabaa inaan ku hormaro macnaha AB si aan u wanaajiyo qaacidada fahanka,
sida aan horay u soo sheegayba ayaanku wuxuu ukala qeybsamaa mid wanaagsan iyo mid aan wanaagsaneyn haddaba ayaanka wanaagsan waxaa la yiraa AB waana mid sameeya isku xirnaanta iyo xeerarka bulsha weynta soomaaliyeed

tusaale,
umadda soomaaliyeed waxay leedahay qaabdhis unugyo bulshadeed oo ku salaysan ABtirsiinyaha
taas oo ah tix raac gadaal loogu noqonayo awoowayaashaa iyo meesha uu firkaadu ka soo jeedo
oo ah qabiilkaada ama tolkaada sidaas daraadeed ABtirsiinyuhu wuxuu ka billowdaa
1:AB,aydin=labo walaalo ah sida AB,oowe iyo
AB,aayo
2:ABo =aabbo ama kii wax dhalay
3:AB,kow=awoowe iyo AB,ooto= ayeeyo,waana dadka
la yiraa waa isku WARASO,
4:AB,saxan= jilib
5:AB,isir=laf
6:AB,suul=reer
4:AB ka AB= tol ama qabiil

walaal sidaas ayuu erayga AB uga qaataa qeyb libaax isku xirka mujtamaca soomaaliyeed macnihiisuna ma aha mid aan halkaan ku soo koobi karo laakiin haddaad u baahantahay inaad wax intaas ka badan ka ogaatid magacyada gabdhahaada waxaan kuu ahay diyaar waana kuu soo gudbinayaa haddaad iga soo codsato,waxaana ku soo gabagabeynayaa erayga "YAN" wuxuu la macna yahay wax yar sidaas daraadeed marka la raaciyo erayga AB,waxay isku noqonayaan *ABYAN* waxayna tilmaamaysaa wax yar oo waxtar badan iyo firfircooni iyo nashaad leh waxaana loo bixiyaa caruurta yar yar oo caqliga badan marka lala yaabo sida ay uga kartida badanyiniin ilmaha facooda ah ama ay isku da,da yihiin,
waana magac ku fadhiya macna culus.

tan labaad walaal waxaan ka xumahay sida aad magaceyga kor ugu soo qortay oo ah Qoryaweynewarqabta taas oo erayga ugu dambeeya oo ah A uu tilmaamayo in magacu yahay magac Haween laakiin magacu waa magac wiil
erayga ugu dambeeyana waa E oo tilmaaya labnimo sida aan meesha ku soo qorayba
Qoryaweyne-warqabte
sidaas iyo ismaqal dambe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baafin

Unrecorded Date
walaalyaal waxaan halkaan ka baafinayaa wiil ladhahaayo Abdi ladhiif Amiin Abdulleh (oo rer Buur ah) oo laygu sheegay wadanka Amerika ee ninkii arkey ama ogg meeshoow ka joogo Amerika rutii aad iyo aad ayaan ubaahanahy ee in aan lelo aqbaartiisa ee walaalyaa adinga ayaa idiga sugaa aqbnaar sidaas iyo macalsalaam.
waxaa laga helaa ciwaanken
Abshir102@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Unrecorded Date
Salaam dhamaantiin

Saaxiibayaaloow hadaba Ayaan waan garanee kawarama magaca MUNO, micnihiisa iyo inuu xitaa magaca Ayaan qiimihiisa soo dhaweeyo?????

waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anyeelo

Unrecorded Date
Amaal
Muno waa munna dee maxaad kaloo rabtaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUCAAD

Unrecorded Date
MINFADLAN YAA II SHEEGI KARA MICNAHA IMAAN IYO IDIL AMA LADAN WAA SADDEX GABDHO AAN DHALAY AAN U SHEEGEE WAXA LAGA WADO .

MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Imaan means someone who has fate (i.e. destiny, fortune, divine will, predestination etc).

Idil is someone who is complete or perfect with no short falls.

Ladan is someone with fine personality. Rich but not in economic sense.

Hope this helps.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qeyr

Unrecorded Date
TO.Sucaad

sucaad iga guddoon salaan qaali waxaan ahay wiilkii fasirayey magaca Ayaan oo isku magacaabi jiray Qoryawene-warqabte, laakiin waxaan gartay inay qaladtahay inaad magacaada been ka sheegto maadaama ay sheekadu tahay kala-faa,iideysasho iyo kaftan, sidoo kale dhallinyarada soomaaliyeed waxaan ka waaninayaa in magacyada run laga sheego marka netka lagu jiro illeen beentu meelkasta waa ku xaaraane, intaas dabadeed fasiraadda magacyada waan ka helaa laakiin meeshaan waxaa iga mashquuliyey Bogga caafimaadka ee looga hadlayey caafimaadka muufada asigiina waan soo afjaray sidoo kale waxaan rajeynayaa inaan kanna soo afjaro qofkastana magaca ay iga soo codsato aan u fasiro,

intaasdabadeed walaasheeyeey gabdhahaada waxaad u xushay magacyo wanaagsan labada ugu dambeyso ee ah Idil iyo Ladan waa magacyo soomaali ah fasiraadooduna wey dheertahay ama ma dhamaaneyso buugaag ayaana laga qori karaa, laakiin magaca koowaad ee ah IIMAAN waa magac carabi ah fasiraadiisana waxaan u deynayaa dadka carabiga yaqaan, inkastoo ay jiraan dad magaca iimaan wax ka sheegay laakiin ingiriis kusoo qoray, nasiibdarrase ingiriiska ma aqaan oo shaleybaan ka imid baaddiyaha wabxo iyo jacar, magaratay, yaana warka kugu dheereyn walaaley.

IDIL=waa magac tilmaamaya hufnaan iyo taam ka noqosho laga taam noqdo waxkasta ee nusqaan ah ha ahaato dhanka asluubta xishoodka iyo dhaqanka wanaagsan oo dhan, ha ahaato dhanka muuqaalka oo ah inay gabadhaasi tahay mid ilaahey qurux u dhiibay oo dayax la mood ah,yacni waa kelmaddii ahayd IDEYL oo tilmaamaysa wax dhan ama wax aanan naaqus ahay, kelmeddaas asalkeedu waa Idil waxaana iga yaabiyey qofkasta ee magacaas leh waxay wadataa astaamihii magaca, anigu waa yaabay waligeey waxaan arkay laba gabdhood oo magacoodu yahay idil labaduna wey u qalmeen magacaas oo ilaah baa ugu deeqay hannaan iyo heybad lagu tilmaamo, haddaba sucaadey waxaan rajeynayaa inay gabadhaaduna noqoto sida labadii idil aan soo arkay ama ay ka fiicnaato,calaa kulli xaal magaca waa la qeexi karaa, oo waa in ay qoftaas la yiraa idil ay tahay qof aqlaaq diin qurux iyo wax kasto ee lagu tilmaami karo wanaag ay ximbaarsantahay, lakiin haddii la yiraa halla fasiro waa lagu daalayaa oo si fudud laguma soo koobi karo, waxaanse doorbiday inaan intaas ku ekeeyo haddii aad rabtidna waan kuu wedayaa ilaa aad bis tiraa.

sucaadey marka labaad aan meeshaan ku soo laabto waxaa kuu qeexi doonaa magaca Ladan.
marki aan dhameeyana waxaan usoo jeesan doonaa macna magaca Sucaad inshaa Allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan xirsi

Unrecorded Date
Salaan wanaagsan QORYAWENE-WARQABTEY
Waad ku mahadsantahay habka keliya ee aad magaceyga AYAAN ugu faanesey,waxaanse u maleyneyaa in dhamaan magacyada dumarka SOOMALIYEED ay wada wanaagsanyihiin. QORYAWEYNE isagana waa magac aad u wanaagsan haddii aad isku deydo inaad faanisid, aniga koley xagga faanka waa layga badiyaa ee wallalow waxaan u maleynayaa inaysan magacaagi u baahneyn wax sheegid waayo isagaa is sheegeyso.
waa walaasha Ayaan ladan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qeyr

Unrecorded Date
TO:Ayaan ladan

Ayaan-ladaneey iga guddoon salaan keddib waad garatay macnaha Qoryaweyne-warqabte oo ah naanneys aan doorbiday inaan uga qeybqaato sheekooyinka netka ka socda waxayna ku fadhisaa macne weyn oo haddii aad taqaan ama haddii aan kuu sheegaba qosolku kaa dhamaam lahaa

laakiin waaleey magac qurxanidaa oo naanneys qurxanidaa oo hadal macaanidaa oo kaftan badanidaa, maanigaaba arkay gabar laysu raaciyey Ayaan iyo Ladan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAYNI a

Unrecorded Date
ANIGANA MA II MICNAYN KARTAA WALAALOW WABXO MAGACAAS IYO MEESHA AY SOOMAALIYA KAGA TAAL WAA MAGAC AAN HORE UGA MAQLEY LAAKIIN MA XASUUSNIYE SIDA.
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qoryaweyne

Unrecorded Date
TO:Cayni

Cayni iga guddoon salaan qiima badan,
walaaley waaba iga yaabisay sababtoo ah anigaaba ku dhashay wabxo!!!!!
wabxo waa tuula yar oo dhir farabadan iyo jawi udgoon leh waa tuulo bartamaha uu uga yaallo balli ilaahey weynin u dhiibay oo aanan waligiis gurin waxay leedahay xarar waaweyn barraan iyo gabbaldayaha dhankaa eegtaba la moodo inuu kusoo fiirinayo fardaha waaweyn iyo shimbiraha quruxda badan oo hawada sare ee tuulada hadba dhan u gooshaya marmarna ku soo hoobanaya balliga iyo ceelka qorya-weyne si ay uga biyo cabaan, cayniyeey tuuladu waa tuulo cajiib ah oo qofkii safar ku maraba waligiis ayuu ka sheekeeyaa waxayna ku taal gobalka galgaduud waxayna ka tirsantahay degmada Ceelbuur,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalsoomaali

Unrecorded Date
waxaan rabaa intii lay fasiro magaca Soomaaliya

dad badan aan weydiiyey laakiin qofkasto wax gooni
ah uu ii sheegay laakiin waxaan rabaa macnahiisu oo sax ah

waa idinka sugaa aqyarta,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ubax

Unrecorded Date
Cali-Qeyr

Marka hore iga guddoon salaan aad u qayo iyo qiimo leh sida wacan eed cabdirizaq iyo sucaad isugu dayday inaad ugu sharaxo magacaday kaa codsadee. Cali-Qeyr nin cajiib ah oo wax badan laga faa'daysan karo ayaad tahay.

Inataa dabadeed waxaan kaa codsalahay anigana bal hadii aa karto inaad ii micnayso magaca Milgo iyo waxa loola jeedo Milgaha hadalka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-qeyr

Unrecorded Date
TO: Ubax

Ubaxeey salaan farax
Udgoon keeda la,yaabo
Uunsi iyo udeygiis
Ubax iyo ugbaadkiis
Udub-xoogga amaan
Urshibaan kuula socdaaye
Ubaxey bal guddoon,

Udgooney i dhegeyso
Milgaan kuu fasirayaa
Ujro kaama filaayoo
Uraaddada warkaadiyo
Amaantaaba i deeqday

Abaayo salaantaas iyo horutibyadaas qiimaha badan keddib haddii aan kuu fasiro macnaha Milgo
Milgo: waa shey ama qof waxtar iyo ixtimaal wanaagsan leh, haddii gabar lagu magacaabana wuxuu tusinayaa inay gabadhaasu tahay qof kaalin muhiim ah uga jirta bulshada sidaas daraadeed hadii ay tahay qof waxtar leh waxay leedahay milgo, laakiin qofkii liito milgo ma laha,
hadalkuna waa sidaas oo kale oo haddii uu wanaagsanyahay wuxuu leeyahay waxtar(milgo) haddii kalana milgo malaha,
intaas dabadeed erayga Milgo wuxuu ka koobanyahay laba kelmadood MIL iyo GO,
MIL: waxay la micno tahay wanaag ama fiicnaan,
GO: waxay la micno tahay qeyb ama bar

isu geyntooduna waxay noqaneysaa qeyb wanaagsan,

sidaas daraadeed meesha waxaa laga garanayaa in MILGO ay tahay farac ka baxa samaanta ee uusan ahayn macnaha guud,
haddaba gabadha lagu magacaabo milgo waa inay jirtaa arrin iyada looga dambeeyo laguna ammaano oo ay milgaheeda leedahay

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
BY FARTUUN C/O USA

TO ALI QAYR

Walaalkiis waad salaaman tahay salaan wanaagsan runtii in la kala faa idaysto way fiican tahay marka walaal kiis iisoo fasir magaca fartuun
macnihiisa adoo mahadsan walaal hadaan ku dhibay raali ahaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
from gabar somali ah
aboowe anigu waxaa leeyahay gabar la dhaho ayaan oo faransiisada markay yarayd waxaa qof walba i waydiin jiray waa maxay micnuhu waxaan oran jiray waa macag somali waana nasiib aad ayan ugu farxay in aan helay micnayaal badan oo ku saabsan ayaan waa mahadsan tihiin kuligiin gaar ahaan wiil ka c/risaaq oo su aasha keenay mida kale tan ah ayaan gabdha la dhaho waa caqli badan yuhiin naxariis badan yihiin aadna u dad jecel yihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MEL.ABRAHAM

Unrecorded Date
maxaad u malayneysaa magaceyga oo ah MEL.ABRAHAM,
WHAT A BEAUTYFUL NAME. what about my douther LILIAN, CAN ANY ONE TELL THE MEANING OF THAT NAMES

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali qeyr

Friday, June 16, 2000 - 04:07 am
to: dhamaan

walaalayaal anigoo jecel inaan sheekada idinla wadaago ayaan ka cudur daaranaayaa inaana internetka si fudud ku soo geli karin sababtoo ah waxaan ka guuray deegaan keygii hore jaanisna kuma helo internetka sidaas awgeed waxaan meesha kusoo laaban doonaa marki ay ii suura gasho

waana ku faraxsanahay su,aalaha qiimaha badan ee aad isoo weydiiseen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, June 29, 2000 - 03:51 pm
To; codsadaha magaca Soomaliya
Inkastoo sida taariikhda ku cad soomaliya ay ka weyn tahay 7000 oo sano balse inta la og yahay magaca soomaali waxaa lagu fasiri karaa micne ku haboon marka loo fiiriyo soomaalida oo ahayd welina ah kuwa ugu badan xoolo dhaqatada ereyga soomaaliya wuxuu ka yimi ereyga war orod oo "soo maal xoolaha' sidaad ogtahayna markasta hadal waxaa laga qabsadaa inta u danbatsa ee qofku yiraahdo hadaadan fahmin afkaasi,, I hope that makes sense to you but the truth lies more than that this is language sense only the history patr of it I m still seeking......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirahman

Thursday, August 17, 2000 - 08:29 am
TO:Cali Qayr.
Caliyow waat salaamantahay.
Salaan kadib, aad baan uka xumahay in aad ka harto internetka runtii maanan jeclaysan arinkaas oo aad ka fokaatay internetka, balse danta ayaa keentay, waxaan saa u leeyahay ayaa waxay tahay hadda ayaan ku soo biiray qeebtan.
Cali waxaan jeclaan lahaa in aad ii fasirto magaca Ruun waa gabar aan jeclahay,waat markaat heshit fursat.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hafsa

Thursday, August 17, 2000 - 10:31 am
asalaamu caleykum.
walaalayaal waxaa hubaal ah in gabdhaha magacan lihi ay labo arin caan ku yihiin, kuwaas oo ah fudeyt iyo qiyaalo suugnimo ilaa in dhifah oo ilaahay i naxariisto mooyee.runtii magacan aad ayaan u jeclaanjiray markaan yaraa oo waxaa ku fakari jiray markaan weynaado hadii ilaah gabar i siiyo in aan u bixiyo,balse markaan qorbe soo galay oo aan dad badan dhexgalay waxaan o gaaday oo iga ubaal ah in 92% gabdhaha magacaaslihi aaney fiicnayn xaga dhaqanka iyo diinba, waxaanse is waydiiyaa ma aniga uun buu ilaah ila kulmiyaa ayaannada xun mise dadkoo dhani way ila arkaan.

by;hafsa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayan

Sunday, October 22, 2000 - 09:32 pm
To hafsa:
HAfsa Abaayo i dhagayso marka hore qalad ayaad gashay Qofka magaciisa iyo dhaqankiisa iyo diintisiba waxba iska ma galin ooo hadaad tahayn naag wax garad ah halkaan waxaas kuma aadan soo qori lahay.
Magacayga waaa Ayaan Lucky me Abaayo Caqli qurux iyo sharafna waa u dhalasho iyo meesha aad ku soo kortay waan arkay ayaan waalan iyo mid fiicanba, hadii aad iwaydiiso maba jecli in la ila wadaago laakiin waa waxan dhici karin.
Take it back what you said.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fuaad

Monday, October 30, 2000 - 12:20 am
to cali qayr

sxb marka hore salaan aad iyo aadna waan kuugu bogay sida qiimaha leh ee aad dadka ugu faaiidaysay sababtoo ah way yartahay soomaalida internetka soo gasha inta ka hadasha wax kala faaiidaysiga waanan kuu rajaynayaa in ilaahay kuu siyaadiyo caqligaaga wanaagsan
markaa sxb hadii aad fersad hesho ana ii soo macnee meesha iyo ujeedada magaca fuaad oo ah magacayga waanad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lonelyheart

Tuesday, October 31, 2000 - 11:07 pm
i am crying with tears of joy.....i have never been more proud of my name.and it all thanks to my dad(may his soul rest in peace).
i dont mean to sound selfish but uts true there is something about ayans.

i am happy for u liban,i hope you threat her good as youre wife.
and the rest thx for been so kind to my name.

yours ayan(lonely heart)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HOROR

Friday, November 10, 2000 - 03:33 am
ayaan micnaheedu waa nasiib ama ayaan dhalada ninkii ahana, usheeg ayaan magacyada somalida kuwa ugu fiican

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohhamed

Saturday, November 11, 2000 - 12:34 am
Hello Brothers and Sisters,

Look at what Ethiopia is doing to Somalia. Ethiopia has always been againest the UNITY of Somalia. The World community has ignorantly gave Ethiopia the responsibility to bring peace to Somalia. But all the way, since the beginning of Somalia's predicament, the Ethiopian government has been working, underground, to divide Somalia. Ethipia has been claiming that it is working to bring peace in Somalia for years now. But look at what they have brought and worked for (look at below quoted news, Ethiopia is trying to encourage the division of Somalia ). Ethiopia is at the moment working hard to distrupt what Djibouti has so far succeeded to bring. If it was not for Ethiopia, Somalia would have long been in peace and unity. Ethiopia is distablizing the whole region, Somalia, kenya, Eritrea etc. May Allah protect Somalia and give what Ethiopia deserves.Somaliland Seeks Economic Ties With Ethiopia



Panafrican News Agency

November 10, 2000

Addis Ababa, Ethiopia

A high-level delegation of break-away Somaliland led by President Ibrahim Igal, is in Addis Ababa to explore trade and economic ties with Ethiopia.

Somaliland's foreign minister, Mohammed Nur, told journalists in Addis Ababa Friday that the delegation came to Ethiopia to brief the authorities on what Somaliland could offer in terms of trade and economic ties.

He stated that Somaliland's Berbera port has "a large capacity, including oil storage facility" that Somaliland is ready to share with Ethiopia for its import-export trade, he added.

Nur reiterated that breakaway Somaliland was not interested in reviving the unity of Somalia.

"We have no contact with the recently elected government of Somalia following peace talks in Djibouti, and have no desire to do so in the future," he emphasised.

He stated that Somaliland was doing well on its own and has no desire to tamper with the safety and tranquillity prevailing in the country by getting involved in Somalia politics dominated by rival war-lords.

Nur said that the Somaliland delegation seeks to conclude "a Memorandum of Understanding" on trade and economic relations during the current visit.

The delegation, comprising eight ministers, including those of foreign affairs, trade and transport and communications, arrived in Addis Ababa Wednesday night.


--------------------------------------------------------------------------------

Copyright © 2000 Panafrican News Agency. Distributed by allAfrica.com. For information about the content or for permission to redistribute, publish or use for broadcast, contact the publisher.