    Jamiila | Unrecorded Date Waxaan ahey gabar somaliyed oo been loo sheegey. Waxaa la iga soo guursadey imaaraatka saddex sano ka hor wiilka ii guursadey wuxuu iga soo doontey reer keena sidii ay caadadu aheyd,weligeey meel qamri iyo fusuq lagu haayo ma arag.Waxaa dhacdey inuu ninkeyga ii soo cabo habeen walbo runtii maan ka shakin waayo maanan garaneyn laakiin waa danbaa o gaadey markaan weydiiyey wuxuu iigu jawaabey waa xaajo rageed. Marka waxaan leeyahey raggeenoow ilaahey ka baqa oo qamri guri ma dhiso beenna ka daran ee gabdhaha beenta ka daaya waa cawradiina. Thns lost soul. |
    Anonymous | Unrecorded Date Assalaama caleeyku wa raxmatullahi wa barakaatuhu walaal dadku isku mid ma aha waxaa illaah kaaga dhigay calaf qof qamri caba,walaal isku day si aad ugu goyn laheyd iyadoo aqalkiina dumin, ileen waa wax uu shalay bartay maantana ka goo. Ma aha wax qof islaam ahi sheegi karo qamriyaan cabaa! qofkiina wuxuu doonayaa inuu xaas iyo ciyaal yeesho. Ee ma aha in ragga oo dhami been yaqaano, in kastoo jirta mahmaah oraneeysa "Naag been baa lagu soo xerageliyaa runa waa lagu dhaqaa" |
    Bilaan | Unrecorded Date Waa nasiib daradda haysata dumarka Somaaliyeed, 85% raga waa nahaabiin, ilaahow godkooda ha qodin. Jamiila, rag Ilaah waa badan yihiin,ka tasho axadka beenta yaqaan, waan bahanahay looma baqtiyo cuno. Ogow, lax kasta meeshay isdhigto baa lagu qalaa. |
    SOOMA | Unrecorded Date Jamiila:walaal waan ka xumahay in ay kula soo gudbaanato arrinatani,waxaa kaga baxdaa adduunyada qof noolow maxaa arragti kuu laaban.Walaal waxaad isku daydaa in aad ka joojiso oo aad ku hagto diinta islaamka haddii uu ka soo waantoobi waayo waajibkiisa mari oo raadso guri kale oo xalaala. Dadkuna isku wada mod ma aha ee waa sidaa faraheena oo kale ee haka qaadan fikrad xun ragga soomaliyeed ee leh aabbe,walaal,wiil,iyo sida ay u badan yihiin ragga soomaliyeed.Waxaan walaal ku leeyahay isagana illaahay ha tusiyo wanaaga iyo reerkiisa adiguna illaahay jasaa'igeeda ha ku mariyo ee si a CHANCE. WAAD MAHADSANTAHAY SOOMA |
    SOOMA | Unrecorded Date Jamiila:walaal waan ka xumahay in ay kula soo gudbaanato arrinatani,waxaa kaga baxdaa adduunyada qof noolow maxaa arragti kuu laaban.Walaal waxaad isku daydaa in aad ka joojiso oo aad ku hagto diinta islaamka haddii uu ka soo waantoobi waayo waajibkiisa mari oo raadso guri kale oo xalaala. Dadkuna isku wada mod ma aha ee waa sidaa faraheena oo kale ee haka qaadan fikrad xun ragga soomaliyeed ee leh aabbe,walaal,wiil,iyo sida ay u badan yihiin ragga soomaliyeed.Waxaan walaal ku leeyahay isagana illaahay ha tusiyo wanaaga iyo reerkiisa adiguna illaahay jasaa'igeeda ha ku mariyo ee si a CHANCE. WAAD MAHADSANTAHAY SOOMA |
    xayaad | Unrecorded Date Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarkaatuhu walaal jamiila aad iyo aad ayaan uga xumahay in ay waxaasi kugu dhaceen lakiin walaal waa iska aduun oo inta aad nooshahay wax walba filo. intaas kadib walaal horta waa runtaa oo ragga soomaliyeed xaga runta waa looga fiicanyahay lakiin dadkuna sida ayan faraheenu u sinayan ayey iyaguna u sinayan marka calafkaaga ayey ku noqotay in ay taasi kugu dhacdo lakiin waxaa hore loo yiri wixi dhacay way dhaceen ee ka fiirso waxa soo socda marka hadii anad markii hore ogeyn iminka waad ogtahay ee ka tasho. isagana waxaan Illahy uga baryayaa in uu xaqo tuso. wabilaahi towfiiq |
    abdallah | Unrecorded Date walaal ala hakuu gar gaaro hana ku caawiyo. aamiin aamiin walaal adiga oon dag dagayn waani ninkaa kor iyo hoosna wax uku sheeg haduu maqliwaayo ilaahay wax khayr roon ha ku siiyo . mida kale gabdhuhu in tayna canaan rag ga agu hays canaan taan waayo. waxaad ar kay saa gabadh soo maaliyeed nin baa iga soo codsaday [ Us a] ama meel kalaba markaa hablayahaw soomaaliyeed ha ku dag degina goor noocaa ookala ah hadii u ad kays ta dhibaatada waayo soomaalidu ma ah tii hore een khamri khamaar aqoon |
    mohamed | Unrecorded Date Haye askoluste umburiyaako! maa ladha hijiray... walaal, waa aduunyo iyo xaalkeed , hadii uu san katagay, Katag, kolaad aniga i guursato :) qamriiste aamin maleh in tuu kugu alalaxo waxaa dhaci karta in uu dhalo wajigaada khuruxda badan (waan iska mala awaali) in uu kaa xumeeyo. marka hadii uu kujecel yahay oo jeceel kii uu kuusoo doontay qabo, qamri kaa dooran maaye, waxaaad ku tiraah daa LABO MID AAWKOOBE QAMRIGAA TAGE MISE ANIGAA TAGE , HADUU UU QAMRI KAA DOORTO OOY DHALO KUGU DHICIN WALI , CARAR! INTEEY KUGU DHICIN.... ILAAHAY HA KUGU CAAWIYE DAGAALKA QAMRIGA AAD KU HAAYSO (KUQAADI DOONTO)AMMIIN... CARING SOUL MOHAMED "TARKOFABULOUS" TARI |
    hebel | Unrecorded Date armuus one-man-show marsadi mar mar sidii black lebelkaas uraaye jamiila? ar ninka sida ka deey. |
    gurey | Unrecorded Date KU: JAMIILO NINKAAGU MAQALDANA Waxay ilatahay gari ilaah bay taqaan,runta iyo ilkana waa lacadeeyaa,sidaa daraadeed arintaan kugu dhacday waxaa sababay ninka maha adigana maha ee waa REERKIINA kugu daray nin KHAMROOLE AH.waayo ayaga shilimaan bay arkaan adi kuma arkaan.ninka in reer kiinu lacagtiisii lamacaanaato adna ad ceebeeyso ma qurxoona.hadii aan ka hadleeyno ninkii ama naagtii khamro cabta sideed u aragtaan waa moowduuc gaara taasi.hadaba gurey ahaan dulmi baan u arkaa adiga iyo reerkiinu aad ku haysaan shaqsi.waxaana idin leeyahay jamiila iyo reerkooda hakala doorteen anshax iyo edeb leh mustaqbal fiican. iyo beeso ama lacag aan wadan akhlaaq iyo iimaan. shalay waad u mash xaradeeyseen khamriyo cabka maantana waa soo uraa ar adinkaa maxaa kudulmi ah qandho madax ku duub weeyne.waa kabaxay |
    Anonymous | Unrecorded Date Asalaamu Calaykum Walaalayaal. To:Jamiilo Marka ugu horeyso waan ka danqaday xannuunka ku haysto waana fahmi karaa qof mustaqbal ubad iyo nolol raaxo leh rabo ku dhacdo arin lama fila waa' ah balse waa inaad fahantaa arimahan: Qof dhinac kasto ka toosan ma jiro (nin iyo naag) Qof ha dhaleeceen adigoo og waxa uu sameynayo in ay qaldan yihiin. Soomaalida soomaalidii hore ma aha, inkastoo ay jiraan dad yaroo fiican. Aaminsiin naftaada in ay wax waliba leedahay xal. Shaqsi ahaan su'aal ayaan kuu qabaa. ma rabtaa in aad xaliso arinta ninkaada? Ma ku jecelyahay xaas ahaan? Adigana Ma jeceshahay? OGOOW HADDII AAD LABADIINA AAD IS JECESHIHIIN WAA XAL OO WAAD KA SAL GAARI KARTAAN. HADDII MIDKIINA JACAYLKIISU LIITO=XAL MA LEH. NINKAADA MA YAHAY NIN DIIN YAQAAN OO MA KU CAMAL FALAA? ADIGANA SIDOO KALE? OGOW QOF WALIBA WUXUU LEEYAHAY XAQ TAADA RAADSO ADIGOO KA JAWAABAYA SU'AALAHA KOR KU XUSAN DOOD LA'AAN IYO XISHOOD LA'AAN ILEYN XAQA LAGAMA XISHOODO WALOW AY QARAAR TAHAY MARKA LOO EEGO ARIMO QAARKIISA. ILAAHAY HANA WANAAJIYO KULIGEENA. WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU. |
    enough Intelligent | Unrecorded Date idinkuna na khiyaameeya annaguna aan idin khiyaameynno, dabadeed ha waalato sidan dalkii u waallay sidaana aan ku dhimanno. Ilaa xilli dambe, salaama. |
    Anonymous | Unrecorded Date WALAAL JAMIILA DAKA OO DHAN MA WADA WANAAGSANA QOF WALBA WAX BUU KU XUNYAHAY ,MARKAA HADDII UU KUU WANAAGSANYAHY ,KUNA JECELYAHAY ,DADKAAGANA JECELYAHAY ,ADNA AAD JECESHAHAY KU DEDAAL SIDII AAD UGA JARI LAHAYD KHAMRIGA ,WACDI OO WAANI UNA SAMIR . JASAKA ALLAAH KHEYR |
    Anonymous | Unrecorded Date INA RAGOOW MA MAANTAA NAAG WAX KAA SHEEGTAY MARKAY WAX KAA SHEEGAYSO SOW GURIGIISA MA JOOGTO ANIGU WELI MA MAQAL NAAG KA CARARTA NIN KHAMRIGA CABA |
    mel | Unrecorded Date jamiilow aan ku waydiiyee adigu ma qososolka ayaad ku cabtaa ma qidhqudhisaa mise waad yara kabataa ala macaanaa aniga iyo xaas kaygu waan kala shubanaa oo iyada ayaa igu qabata maxaa ka qurux badan nin habeen oo dhan cirka marsan oo adigana si fiican kuu qancinaya. heedhee macaaneeey maydel qoor dheerey liilaloda miyeydaan wada qaadin iiiiiihn aaah yes iiiiiiiihhhh wuuuuuuuuuuu ku gur yes babe dogy style iiiiiiiiiiiih uuuuuhhh thats the night battle |
    Jamaal | Unrecorded Date Jamiila walaal, horta waxa kugu dhacay, ma fiicna, adiguna ma fiicnid, oo intaad computer hor fadhiisatay ayaad ninkaagii wuxuu doono ha ahaadee aad ka cayday ood ceebtiisii aduunkoo dhan u sheegtay, Ilaahayna wuxuu yidhi Jamiila qofkii qof kale ceebtiisa astura ana isagaan ceebtiisa asturaya kana waabu ka sii xag jiraa oo ninkaagii, waxa laga yaabaa inaad is leedahay dadka waxan akhriyayaa idinma garanayaan, laakiin Ilaahay baa ku arkaya waxana laga yaabaa qaar badan oo ku yaqaanaa inay akhristaan, hadaba waxan ku odhan lahaa Jamiila, wixii gurigaaga ka dhaca inaad aduunka u soo bandhigtaa ma fiicna, adiga iyo ninkaaga kawada hadla hadii aad heshiin waydaana dadka cidii indiinku dhow ee idin ag joogta arrinta ula tag, hadii aad ka il waydo markaa furiin baa jira oo waa la inoo fududeeyey.... mida kale walaal ragoo dhami beenaale maaha...rag iyo dumarba qaar xun iyo qaar fiicanba waa inagu jiraan, markaa generalsationka aad ragoo dhan isku qabatay ka daa. Wasalaam |
    Akabe | Unrecorded Date comments to jamiila walaal waan ka xumahay gafka uu kaa galay ninkaa soomaaliyeed ee waliba kaa kaxeeyay gurigiina, runtii maaha rag iyo caadadiis balse wuxuu u qiil banaysanayay gaf uu kaa galay. waxaan ku odhan lahaa iska samir Ilaahey hortiisa ayaad abaal iyo ajar farabadan ku leedahaye, hadii uu dayacay xilkii reerkiisu ku lahaa waa ciqaab u taala hor ilaaley. mida kale ogow walaaley ragu soomaaliyeed isku mid maaha sida aysan dumarkuna isugu mid u ahayn ayay raguna isku mid u hayn. osman akabe, Emiraarka Carabta, Abu Dhabi |
    garyaqaan1 | Monday, October 30, 2000 - 11:03 pm to jamiila sxb ama walaal dad badan ayaa figradooda ku siiyay waxaanse ku raacsanahay figrada uu soo qoray ninka la yiraah (GURAY ) sabab too ah aduuyada xumaha iyo samaha waxa dheereeya xumaha qamrigu ma wanaagsana sidaa darteed markii reerkiina aay ku siinayeen sida caadadu tahay ninka waa la waraystaa waxa uu galo iyo waxaa uu gudo waayo raga waxa ku jira qaar ka xun kuwa qamriga caba markaa si loo ogaado ninka ku soo doonay waxa uu yahay dabcan reerkiinu waay waraysanayaan sidaa darteed waxaan filayaa hadii ninkani reerkiina uu ku waydiistay in aad ogayd adiga iyo reerkiinuba oo aad sidaas ku soo raacday markaa ma fiicna in aad maanta ninkaaga iyo raga islaameed ee kaleba wax ka sheegto |
    nafiso | Tuesday, October 31, 2000 - 10:37 pm jamiiloy garabkaaga ilaah ha galo ninkaaga aad sheegeysid amuusanba qamri cabinoo aad iska ciyaareysaa nag ninkeeda qamri cabo waxaan matiraahdeen .ceebta alah asturaad dhihi laheed waanana kuwa meesha kuqoran ayaa kuugu filan waa haduuba cabo tira koob lasameeyay nimanka maantay dibadaha jooga 100/15 ayaa qamriga caba nincarabta kaa soo guursaday na maata ma umaleeynaayo inuu cabo.maxaayeelay alkuliistaha .lacag uma harto umana dhaqaalowdo .ileen intaas wax aan barakolaheeyn buu ku dhax jiraa.war iyo dhamaan tiis iska hadalka haleeyskadaayo .runtana halaga wadahadlo . ilaah adna hakuugargaaro hadey jirto arintaan aadsheegtay. slc, |