Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): Garac ma wax lagu faanaa mise waa wax laga faano.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hiirad

Unrecorded Date
walaalyaal waad salaaman tihiin .
ma ogtihiin in aakhro zemanka ay faan noqotay in
lagu faano zino ama ilmo aan xalaal ku dhalan,
waxaan uga jeedaa ilmo aan meher ku dhalan.
usoo dhoofka wadamada shisheeyaha waxaan ka faa,iidney hadaynu nahay sommalida inaynu dhaqankeenii iyo weliba diinteenii ku ilowno.
aniga oo aan wadaad diinta ku xeel dheer ahayn ayaan hadana waxa ii muuqta halowsanaanta am lunsanaanta aynu lunsanahay.
waxaa marar badan kuu muu qanasa sida caadada inaga noqotay in wiilash soomaaliyeed ku faanaan inay naago cadaan ah la saaxiibaan oonay wax diin ah isugu iman, waxaa dhacda inay ilmo isu dhalaan.
aan idin weydiiyee ilmahaaasi muxuu ka ahaa diinteena ama dhaqankeena? maxaynuse ku magacaabi jirey?
markaasbaa kii dhalay wuxuu ku faanayaa wiilkaygii ama gabadhaydii!!!!!!!!.
sidoo kale gabdheheenii soomaliyeed oo horray ka raacay niman ajnabi ah oo weliba gaalo ah ilayn qaarbaaba musli raace e.
markaasbay waxay ku faanaysaa ninkaygii.
bal muxuu yahay meherka u hayaa?
raali iga ahaada dhalinta inta diinta dhaqanka suuban haysata.
maxay idiinla muuqataa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonn

Unrecorded Date
Tan soomalida dhexdooda maad ka hadashiid. Xaasas badan oo hadda la qabo baa curadkooda meher la'aan ku dhashay. Dumar badan baa aaminsan sida kaliya uu ninka ku gursanaayo inay tahay iyadoo uur yeelatay. Rag badaan baa iyagana si ee oga cararaan qarashka guurka, bay uureeyaan gabadha ee damacsanyihiin. Soo ma ogsoona Somaalida caruurta meherka ka hore caloosha gala ineey garac yihiin. Ala maxaa wacal la korsanayaa.