    Anonymous | Unrecorded Date Dad weyanaha xiiseeya arimaha nabadayanta Soomaaliaya fadalan fikradahiina ka dhiibta oo ka warama sidaa Somaliya nabad waarta loogu soo hoyinlaha. Sidaa iyo nabadgelyo iyo wada shaqayan wacan |
    Loyan | Unrecorded Date marka hore magac yeelo walaal, ilayn hawada wax kuma darsan karnee. |
    MOWLID GURAY | Unrecorded Date Waad salaamantihiin walaalayaal Waxaa aad ceeb inagu ah inaan wali aynaan u helin xal dhibaatada wadankeena kataagan, waxaa kaloo ceeb inagu ah inaynaan xal usoo wadin wadankeena. Waxaan aad uga xumahay in Soomaalidu maanta noqoto dad la karho oo aan tariikh iyo aduunkaba kujirin, waxaana aad uxun in dad kasta oo aduunka kamida ay inagu maadsadaan oo aynu aad uga dambayno, waxaana ceebteeda leh, inaynu noqono dad inay is burburiyaan oo ay qayrkood iska reebaan mooyaane aan wadankooda dayacan ee qolo kasta iska bililiqaysanayso aan dan kalahayn. Walaalayaal maydaan fikirin oo aydaan arag aduunyadan aynu ku noolahay meesha ay marayso, maxaa walaalayaal aqligii idinka qaaday oo aad waxba lafahmi la'dihiin, bal dunida u fiirsada. Inagoo isku dad ah, oo isku sinjiyada, oo isku diina, oo isku af ah, bal maad u fiirsataan aduunka dad noocaasa way ku yar yihiin, oo dad kala nooca, oo kala af ah oo kala midaba ayaa inta badan oo ku nool, mana is laayaan sababtoo ah waxbay garanayaan. Walaalayaal ma aha inaan ceebta ina haysata indhaha ka qarsano, ee waa inaan sida ugu dag daga badan aynu wax uga qabano. Hadii aan tusaale ceebta ina haysata ah soo qaato, maalin dhawayte aniga oo kombani aan kashaqeeyo jooga, waxaa ii yimid nin meesha kashaqeeya isna, markaas ayuu iwaydiiyay halka aan ka imid, markaas ayaan u sheegay inaan soomaaliya ka imid, markaas ayuu iigu jawaabay"war ninyahaw intaad isdagaalaysaan saw dagaalka kama daashaan, xiligani xiligii qabiil qabiil la isu dagaalayay ma aha, ee wadan dagaal iyo bur bur kaa intaad kadaysaan, dhista" runtii bayna ahayd, qof aduunka jooga oo aan soomaalida layaabanayni ma jiro, waxaynu noqonay xashiish meel walba taagan oo aan meel ayka yimaadeen la aqoon oo saas uun meel walba utuban. Hadii aan tusaale kale usoo qaato dayac darada haysata wadankeena, maalin ayana aan saas u sii fogayn, ayaa waxaan kalaas koolaj aan dhigta kamida kula kulmay gabadh ka timid Taiwan, markay i waydiisay halka aan ka imid ee aan u sheegay soomaaliya, waxay ii sheegtay inay shirkad laga lahaa Taiwan oo ay ka shaqayn jirtay, kasoo guran jireen wadanka soomaaliya kaluun bilaash ah 92dii. Walaalayaal waxaa aad nasiib daro u ah in dad wadamadan dibada yimid ay wali sii hadal hayaan wixii ina kharibay ee maanta halkaa ina dhigay. Walaal waxaan anigu qoraalkaygii kusoo koobi lahaa, soomaaliyey ka kaca hurdada oo gacmaha is qabsada, wadankiina burburay ee cid waliba caydana wax u qabtoo heshiiya. MOWLID GURAY, SAN JOSE, CALIFORNIA. |
    SUBAN | Unrecorded Date I WOULD LIKE TO KNOW MORE ABOUT THE HAGUE APPEAL FOR PEACE. WHO IS SPONSORING IT? NGOS? INTERNATIONAL OR LOGAL ORGANISATIONS? THE DUTCH GOVERNMENT? WHO ARE THE EXPECTED PARTICIPANTS. I THINK ONE SHOULD KNOW WHO THE EXPECTED AUDIENCE; IS AND WHAT IS THE PROPOSED AGENDA OF THE APPEAL BEFORE MAKING CONTRIBUTIONS. GIVE US A FRAMEWORK TO WORK WITH; 'APPEAL FOR PEACE' IS A BLANKET STATEMENT. AND AS BROTHER LOYAN SAID, YOU NEED TO PUT YOUR NAME AND I WILL ADD AN EMAIL ADDRESS IF YOU WANT SERIOUS CONTRIBUTIONS. |
    Abdirahman | Unrecorded Date asalaamu calaykum salaan ka dib waxaan qabaa in soomaaliya haday isku maamusho diinta islaamka,si cadaalad ah, horumar iyo baraare gaarayso, waxaana taasi ku hirgelaysaa iyadoo qabiil-walba isku xukumo,ka dib ayaa la heli karaa maamul soomaali weyn ka dhexeeya,hadana waa bilaabatay, waxaana soo socda insha allah kheyr, ilaahay ha u furo faraj soomaaliya aamiin,aamiin. sii wada fikradiina fiican. sidaa iyo nabadgelyo QORE:ABDIRAHMAN sidaa iyo nabdgelyo |
    Oomaar | Unrecorded Date wacan oo wanaagsan! waa fikrad fiican in aan ka tashanno sidii aan waddankayaga dhibaatadiisa ku xallin lahayn! sida badan waxaan arkay markii su'aalo noocaasoo kale ah la is weydiiyo in dadka intiisa badan ay u jeestaan dhalliilid iyo sida aan dibedda ku nahay,mashaakilka nagu dhacay iyo midka ina haysta. cid aan u sheegaba yaanan garannine aniga waxay ila tahay maaddaama aan qabiil isku laynayno in qabiil walba meeshooda maamushaan (waxay iyagu doortaanna isku maamulaan ,hadday diinta noqon lahayd iyo hadday waxkale noqon lahaydba),dowlad central ah oo ka masuula only arrimaha dibeddana la sameeyo,oo aan soo faragashan arrimaha gobollada ama qabiillada.madaxtinnimadana ay noqoto wareegto inta soomaalidu sifiican wax u fahmayso oo halkii sanoba ay reer hebel hayaan(madaxweyne nimada) dowladduna ay ka kooban tahay representatives ka kala socda gobollada amaba qabiillada kala duwan ee soomaaliya ka kooban tahay. gobol walba uu iskiis isu maamulo isuna hormariyo wixii dibedda uga xirmana ay iskood u dhamaystaan illeen dowladda waxay ku leeyihiin wakiil u qaabilsan arrimahooda oo keliyahe. illaa iyo intaan sifiican u degeynno aan la samayn ciidan ama boliis uu waddanku leeyahay,laakiin la sameeyo mid gobolladu iskood u leeyihiin (gobol walba iskiis). markaa waxay ila tahay in aanay imaan doonin wax central ah oo qabiillada kala duwan aanay isku qabsan,taasina aan noqon doonno waddan meel walba ka dhamaystiran. oo markii hore waxaa wax waliba la isugu geeyey muqdisho hadda meel walba iskeed u yeelato schooladeeda ,jaamacadaheeda,iyo dowladdeeda khaaska ah. hadal waa bad oo lama soo koobi karo,kolley waxaan filayaa in aad garateen fikraddaydu waxay tahay,waxaan idinka codsanayaa in meeshii aad igu dhallilaysaan(fikraddayda) ii soo sheegtaan idinka sidii ay idinla tahayna soo sheegtaan.mar uun baan heli doonnaa kuwii aan ula tegi lahayn . maanta waa iga intaa.Oomaar. |
    Mahad ise shiishiile | Unrecorded Date Assalaamu caleykum. salaan dibadeed fikradeeydu waxa ay tahay in soomaalida lagu dheeri geliyo in ay sameeystaan maamul kabiloowda tuulooyinka iyo degmooyinka abuurana xaalad tartan ee meeshii ugu maamul iyo wada shaqeyn wanaagsani ay amaalmarin hesho dibadeedna loobalaariyo ilaa heer gobol ilaa heer wadanka oodhan lana tuso dadka waxtarka wada shaqeynta iyo nabadgelyadu leedahay mahadsanid. |
    Yussuf | Unrecorded Date Fikradeeydu waxay tahay. haday doonayso soomaliyi in ay is raacdo. ha isu maamulaan side reer somaliland marka ugu horaysa dabadeed na ha isu tagaan somalida konfurta oodami. marka dambena ha la is ku daro.somaaliya oo dhan. oo lalugu xukumo diinta slaamka. |
    Ckariin | Unrecorded Date aslaamu calaykum dhamaanwalaalayaal waad salaamantihiin.anigu figrada aan ka dhiibanayo waxa weeye bal marka hore shacabka soomaaliyeed ha fahmo qab qablayaasha dagaalka in ay dan noo wadaan iyo in kale somali waxay ku jirtaa jahawareer xag walba ah taa soo sabab u ahaayeen dadkii hormuudka u ahaa waqtigii xornimada la qaatay oo ilaa hada aan ka caajisin baabi inta somalia anigu waxaan aamin sanahay inay maamulaan dad cilmi leh maamul goboleed na ku salaysan kiitaabkuna xukun u ahaado liibaantu xagaa ayay ku jir ayaan aaminsanahay from.c/kariin abtidon maxamad DANMARK |
    Mohammed nur | Unrecorded Date salaamu calaykum, Islam is the solution. Taariikhda islamka,islamka ka hor qureysh waxay u qaybsaneed sida aan u qabiil isugu qaybinay si ka daran dagaal joogto ah iyo(survival of the fittest) kii roon reerka ha u haro. Islamka wuu bedalay jasiirada carabta ( from barbaric to islamic power which ruled the world almost 1000 years). Waxay ku dhaqayeen dadka muslim iyo gaala waxay ahayd "Cadaalad". You can read that at history books (That is if you are awake or are you a TV addict like most of us). Xalkeena aan ku saleeynayo umaado kale fikradahooda(like wat they call western Democracy)waa wax ku saleeysan diin la'aan (secular goverment system) dadka in lagu maamulo. Waxaan u maleynayaa in habka aan u fakarno uu ku saleesan yahay mid dadkale ay noo dhigeen oo intaas ma ahee aan fikrado kale la is dhaafsan karin.Wake up it is time to wake up. take the discussion to a higher level. stop thinking simplistic way. Waqtigan la joogo waxay u eg tahay in diinta islamka laga dhigay waxba yahay oo qof walba uu isku dayayo siduu westernka isugu e kaysiin lahaa (blind immitation)si aan sharaf u helno oo cuqdad nafsiga nagu jirto oo ah in wersternka ay naga sharaf badan yihiin aan isaga saari lahayn. Waarun oo marxalad aan u xun ayeey umadeena maanta maraysaa waa mid aad u xun laakiin hagan ayeey u baahan tahay oo waa mid ninka geesiga ah uu u arko (challanging) ee aan ahayn mid uu ka cararo oo jinsiyadiisa uu inkiro. Waxaan ilaah ka baryayaa inta wax garadka ah ee nagu jirta ay hurdada ka kacaan. Qof geesi ah ayaa isbadalka umadiisa bilaaba ee uma baahna umad oo idil. Wakeup,Wake up it is time to wake up!!!! |
    Abdirisaaq | Unrecorded Date wake up moxamed!marka hore feker oo ka fiirso waxaad sheegeyssid,laba taariikh oo shaqo isku lahayn ayaad isku qasi,tartiib.midbaad orankartaa qabiilka laagu dhaqmayo(sida xun}waa barax dhaqanka carabta ka yimid oo diinta noogu soo dhuuntay,o.k. waa suura gal.1-fikradaha lakala qaato maxuma,laakin waa inaad aqoon u leedahay,aadna fahmaysid waxaad doonaysid inaad qaadato 2-ma taqaan faraqa u dhexeeya christianka iyo gaalkaad sheegeysid?dadkaad la joogto jahil maha. sidaado kale uma maangaabna |
    Mohammed nur | Unrecorded Date Abdirisaq, ma fahmin meesha aad igu dhaleecaynayso iyo mabda'a adiga aad aaminsan tahay. Taariikhdeena waxay ku lifaaqan tahay taariikhda islaamka. mida kalena siduu nabiga(csws)noo sheegay,kufaarku waa mid kaliya:hadday yihiin christian,jews,communist or wat ever! Mida kale maagaab waxaa ila ah ninka aan fikradiisa soo badhigi karin ee caaytamaya. Dadka aad sheegayso ee aan la joogana haddii ay qacli leeyihiin waxay fahmi lahaayeen Massageka allah inoo soo dejiyey. Do you read books and educate your self or you are of those who take their idea's from Tv and think they know everything.When i say wake up this is what i am talking about.waxaad tahay tusaale aad u fiican(perfect case study) |
    Abdirisaaq | Unrecorded Date maxamed,waxaan kugu dhaleecayo haddaad fahmayso.maad soo qori lahyn, waxa haba yaraatee aan salka lahayn iyo raad raac, sida reer galbeedku aqli maleh ,dhaqan maleh ama dagaalka somalia iyo kii qurayshta waa isku liifaqsanyihiin. waxaana hadalkaga ka dhuuxay cidaan kula ra,yi ahayn ama sidaada u fekerin waa juhalaa waxay ila tahay inaad wareersantahay oo aad aduunka hal dhinac oo aad u xadadan ka soo arkeysid,wixii kalena ka indha la,dahay |
    Abdirisaaq | Unrecorded Date marka aniga iyo adiga moxamed isku ra,yi manihin ebana nagama dhigo,waan jeclaan lahaa inaad ila doodi karto ,laakiin kama helo dadka sidada oo kale ah oo aan dooda baran ama awood ulahayn,oo diinta gaashan ka dhiganaya,markay waxay ku hadlaan waayen,dadka la joogana ka didaya,haba yaraate aan waxbana ka aqoon meeshay joogan. maad ku noqotid meeshii janada ahayd ee aad ka timid.halkan umaad imaan inaad umadaad la joogtid farta ku fiiqdo.you are very intoleranz nabadgelyo mrs moxamed intoleranz |
    TIMADHEERE | Unrecorded Date walaal suuban waan ku salaamay . hadii aan warbixin kooban kaa siiyo shirkii HAGUE APPEAL FOR PEACE . wuxuu ahaa mid INTERNATIONAL ah ay soo qaban qaabisay dowladda netherland iyo UNTA WAANA SHIRKII 2AAD. waxaa ka soo qeyb galay caalamka oo idil iyo inta nabada jecel somaaliya waxaa ka yimid 3 qof oo NGO,S kasocda iyo gabar un kenya joogta,waxaa ka soo qeyb galay somaali kale oo ka kala socota finland england iyo holland. maalmihii uu socday shiraas waxaa laga hadlay meel kasto oo dhibaato ka jirto caalamka iyo sidii looga hortegi lahaa, gabadh ka socotay london ayaa warbixin dheer soo jeedisay iyo dhibaatada maanta jirto somaaliya ay sabab u yihiin kuwa madax isku sheega ah ,caalamkan uusan indhaha iska tirin uu gargaar u fidiyo ummada somaaliyeed ee nabada jecel. waxaa nasiib darro ah maalintii xiritaanka ee uu ka soo qey galay koffie hanan khudbad uu ka jeediyey goobtaas in uusan somaaliya kuba soo qaadan xaalada ethiopia iyo eriteria ,kosovo iwm ayuu ka hadlay waxaa iya ka hadashay xaaskii uu ka dhintay boqorkii jordan,madaxweynaha bangaaladeesh, holland, japan india, wufuud ka kala socoto aduunka, cid ka hadashay arrinta somaliya majirto oo waxaan umaleynayaa somaliya in laga tirtiray khariidada caalamka cid daneyneysana ay jirin waana arrin aan aad uga xumaaday iyo intii ila dareemeysa .waxaana rajeynayaa in uu ilaah na badbaadiyo dhibaatada maanta aynu ku jirnana naga saaro. hadduu alla yiraahdo. A.shiekh hassan. TIMOS |
    Halima Hersi | Unrecorded Date Amino waan helay pageki peaceka looga hadlaayey. Waxaan rajeynayaa in cuqaasha iyo wax garadka Somaaliyeed aysan indhaha iska tirin iyagoo ku tiirsan qabiil. Xaalada murugada leh ee maanta Soomaaliya ku sugantahay, anigoo aan fiirineyn qabiil iyo qobaleysi waxaan soo jeedinlaa in laga fadhiisan oo aan la iska indha tirin dhibaatada ay wadaan NIMANKA SARARTU WEYNAATAYOO SAABKU YAHAY DAMBIIL.....OO qabiilwalba leh, lalana kaashadaa awood walba oo saamaxeysa nabad Soomaaliya. Hiil iyo hooba wixii aniga la iiga baahdo ee aan awoodo diyaar baan la ahay. Mahadsanid Hadra |