Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): MA DHABAA JACAYL WAA LOO DHINTAA (BOODHARI)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, August 08, 2000 - 05:58 am
Dad fara badan oo soomaaliyeed baa waxa ay is waydiiyaan sheekadan jacaylka ahi ma wax dhacay oo jiraa mise ma dhici kartaa in qof uu u dhinto jacayl awgii hadaba khilaafyo badan iyo doodo fara badan baa ka yimid ee wixii fikradaada ah ku soo darso ee aad ka haysid jacaylkii soomaaliyeed ee cilmi iyo hodan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dalnuurshe

Friday, September 15, 2000 - 12:53 am
Horta marka ugu horeeyso waad kumadsantah ra'yiga aad soo jeedisay ,waxaan jeclahay inaan ka dhiibto fikradeeyda amase waxaan ka aaminsanahay oo aay iltahay..
Ugu horeeytii haddii aan sharaxneo erayga JACEEYL jaceeyl waa wax aad jeceshahay oo micnaheedu yahay wax aad ku hanweeyn tahay inaad hesho oo aad haddii aad heshidna ku gaareysid hormar amab aad niyadaad ka dhaadhicisay inaad ku guuleysatay waxaad rabtay oo waxaad galeeysaa nolol farxad dadan oo aadan dareemi karin guusha aad gaartay,qasaarada eey wadato,sidoo kale haddii aad ku guuleysan weeydo waxaad noqoneeysaa qof madluun ah oo nolasha meeshuu rabay gaarin oo waxuu qofku noqanayaa qof ku nool cuqdad marwalban gocasho ku jirto iyo kalsooni daro,taasna waxeey keentaa in qofka nolashiisa ineey hoos u dhigto oo aay bulshada ka reebto.Bales qofka haddi uu yahay qof qalib wanaagsan is aaminsan illahay aaminsan ogna in nolshu leedahay FARXAD IYO NAXDIN ogana ineey jiro calaf wuxuu noqonaa qof ka kabto qasaaradii soo gaaray ,haddii uusAN AHEEY QOF SAAS U ADAG WUXUU NOQONAYAA QOFKII AAS SHEEGTAY OO U DHINTAY JACEEYL.Saas ayaan ka aaminsanahay jacelka.
Waan ku mahadsantay fikarad aad nasoo dhex dhigtay waan wax fiican in la'iska faa ideeysto,waadn ku mahad santhya..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ka soco

Tuesday, September 26, 2000 - 03:19 am
waa jiraa jacayl

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waa ikan

Wednesday, September 27, 2000 - 01:37 am
jacayl waxaan u aqaanaa aan ku waso ama i was halki ku cun cunaysay hadii aad u waydo qofkaad la rabtay kolay waad dhibantahay hadii aad la heshana heer sare.
jacayl waa kaas, mida kale walaal soo gaabi hadalkaaga ha u qorin sida adigoo buug jacayl qorayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, October 14, 2000 - 09:08 am
Waar dadkan yay idin waalin Cilmi wuxuu udhintay
qiixo dheer,
Aniga iwaydii , aniga ayaa lafaamili ah.
Wax jacayl lahiraah majiraan.!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaltuun

Monday, October 30, 2000 - 02:34 am
jaceelka kan ninka iyo naagta dhaxmara waa wasmo waxsaas u weyn ma aha hadaa wasmadaadi iyo lajoogeedi weyso waa udhibaatooneysaa kan ugusukeeyo markaad isku qabataana waa caafimaadeysaa saas ayaan u arkaa aniga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suprim-court

Friday, January 12, 2001 - 08:10 am
kuli waad wada salaaman tihiin my dear sis/bro

aniga waxaan waxlaqabaa figrata oo walaal key

dalnuurshe soo jeed shay, taasina waxa wax lawada

ogyahay in ay jirto, intiiina kale waad wada kafta

meysaan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 25, 2001 - 04:39 pm
“CULIMADA WEYN, ADUUNKEE,.....CUDURADAA LA DABAR GOYN, CAASHAQA HA LAGU DARO!!!”

WQ: Faadil Cabdullahi

Inuu jaceylku sii jiri doono iyo in kale waa arin doodeedu weli furan tahay adigoo eegaya cimrigan hada la joogo ee fasahaaddii meel kasta caga dhigatay. Balse aqristoow, waxaa dhowaan la cadeeyey in jacaylku yahay cudur dad badan hore u soo laayey. Inta eeynaan u guda gelin mawduucan, ma xasuusan kartaa ninka laga hayo erayadan,

“Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide
Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay
Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye
Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba'e
Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa'uude”

Haddii aadan garan, aan ku xasuusiyee waa nin neynaastiisa ka qaatay eray Ingiriis ah, ‘border’ oo caan ku noqday jacayl uu u qabay gabar lagu magacaabo HODAN. Ninkaas Soomaaliyeed magaciisa saxda ah wuxuu ahaa Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari) oo la sheegay in uu jacayl u xijaabtay. Taas suuragal ma kula tahay?

Bilowgii bishan Febaraayo, ayaa Bill Bynum oo ka tirsan Rugta Kaydinta Taariikhda Daawada ee shirkada daawooyinka ku caan baxday, Wellcome, wuxuu dhowaan kusoo qoray joornaalka The Lancet qoraal uu kaga hadlayo jirada jacaylka. Joornaalkan oo caan ku ah qoraalada eey saynisyahanadu ku falanqeeyaan wixii hadba kusoo kordha dunida sayniska iyo caafimaadka, ayaa maqaalka Dr Bynum soo daabacay xili reer galbeedku hadal hayaan ‘maalinta jacaylka’ (Valentine’s Day).

Takhaatiirtii Romaaniyiinta iyo Girigii horeba, jacaylka waxeey u arkayeen cudur wax dila oo mar kasta dhex dhigi jiray doodo ku saabsan astaamaha lagu garto iyo waxa lagu dabiibo. Takhaatiirtaas ayaa waxaa ka mid ahaa nin caan ka ah qaarada Yurub, Hippocrates. Mar uu qoraaladiisa uga hadlayey jirada jacaylka, Hippocrates wuxuu si qeexan u tilmaamay astaamaha lagu garto jiradaan, taasoo run ahaantii aan ka fogeyn sida takhaatiirta casriga ah ee madaxa daaweeyaa u tilmaamaan jiradaan. Dabcan Hippocrates muusan haysan qalabka iyo daawooyinka maanta loo isticmaalo qafiifitaanka iyo maskax-xanuunka, balse wuxuu aad u fahansanaa meel kudhaga iyo qiyaalinimada bukaanka soo haleesha. Takhaatiirtaas qadiimiga ah ayaa jirada jacaylka dusha ka saaray ‘dhiig haleysan’ oo bukaanka isugu aruura.

Jirada jacaylku weli dhib joogta ah ayeey ku aheyd dadyoowgii Waqtigii Dhexe iyo weliba xiligii Soo Laba-kacleyntii reer Yurub. Dr Bynumse wuxuu ku bilaabay xasuusin uu dadka xasuusinayo in St Valentine uusan aheyn awliyada dadka isjeclaada, marka lagu eego indhaha dabiibayaasha, balse uu ahaa awliyada ka duca qaada dadka suuxdimaha qaba.

Xiligii Normaaniyiintu haysteen Ingiriiska, baadarigii haystey aaga York, Thomas, ayaa waxaa haleelay jacayl lixaad lahaa oo u diiday hurdadii, kuna riday anek-rosiya. Isku dheelitir la’aanta jirkiisa uu ku abuuray ‘dhiiga haleysan’ ayaa sababay inuu ku naf waayo jacaylkii hayey – ama mid taas kaga haboonba, wuxuu u dhintay anek-rosiya nerfoosa.


Baadariga York kaliya maaheyn dadka caanka ah ee uu jacaylku kulaayey qaarada Yurub. Boqorkii Faransiiska, Louis VII ayaa si ba’an jacaylku u dhibaateeyey kolkii uu xaaskiisa (oo uu aad u jeclaa, sida la sheegay) ka aaday dagaal ciidankiisu wadeen. Takhtarkiisii shaqsiga ahaa ayaa u qoray daawo xiligaas Yurub caan ka hayd – inuu maalin kasta naag u tago. Maadaama boqoradiisii eeysan ka ag dhoweyn, waxaa dumarkii ciidanka la socday looga soo xulay mid booskeedii u gasha.

Boqorka oo markaas niyadiisu fiicneyd ayaa yiri, “Waxaa iiga fiican inaan dhinto bedelkii aan macsi sameyn lahaa!”. Nasiib daro, boqorkii jaceylkii buu ku naf waayey intuusan dagaalkii dhamaan.

Aqristoow waxaan ku soo gebagebaynayaa, sidii Cilmi Boodhari u beeniyey waxa reer Yurub ‘daawo’ u arkayeen waqtigaas,



Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee
Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane
Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye
Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane
Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina.
Cilmi Boodhari
(1900-1937)