Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): Iga caawi Cilmigga Computerka
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-Holland

Friday, August 11, 2000 - 06:27 am
Walaal waxaan u baahanahay inaad iga caawisa Cilmiga computerka inta aad i dheer tahay sida Access,Microsftbinder,powerpoint,iyo outlook,
Waxaan Rabi kaaga baryaayaa inuu Cilmigaaga kuu siyaadiyo


Asalama caleyku.

Cali Holland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Sunday, August 13, 2000 - 02:55 am
a salaamu calaykum,

Dear Ali
inta aad sheegtay waa different, mid kastaba howl u gaar ah ayuu qabta, wayna isku xiranyihiin. mida ay farac maan waa Microsoft Windows oo ka kooban, kuligood.
for example. outlook hoshan logu qabto waa address yada, appointments'ka, waa sida Diary'ka. access'ka oo kale waxaa aad logu qabta bio-data, sida ruux markaad samaynaysid Magaciisa, cinwaankiisa, shaqadiisa, tariiqda dhalashadiisa, tacliintiisa, waqtiga qalin jibiyay, nooca shahaadada warabarashadiisa iwm. excel'ks asagana waa sido oo kale waxaa loogu tala galay, in lagu samayoo (Invoices'ka, iibka iyo gedida iwm)
mid kasta ulajeedo gaar ah ayaa loga fa'idasta.
waxa soo sheegta sida aad u rabtid hooshada ??

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-Holland

Sunday, August 13, 2000 - 09:44 am
Asalma caleykum Omar.

Walaal aad iyo aad ayaan ugu farxsanahay jawaab tii aad isoo sii say, Inkastoo aan markii hore aan su'aasheyda aanan waadix ka dhigin.

Rabigii ku abuurtay Wanaag aad ku faraxdo hagu gaarsiiyo sida aad ii fahan siisay, Laakiinse sida aan wax u rabo waxay tahay marka aan furo barnaamijyadan kale duwan qaarkood Example Access ma aqaano meesha aan wax ka bilaabayo. inkastoo wixii uu Computerka ii soo qoro aan fahmayo laakiinse waa igu adag tahay sida aan howsha ku bilaabo. EE iga icaawi taa haddii aad karto oo faahfaahin buxda iga soo sii.

Waa Cali-Holland Jizaakallah.

Wa bilaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Tuesday, August 15, 2000 - 06:08 am
a salaamu calaykum,

Marka hore waxaad isticmaasha Mouse (Dooliga ama Jiirka)
1-click Start
2-click Programs
3-click Microsoft Access (waxaad arki labo braamijka Access'ka oo kala ah :
kow) Blank database, labo) mid ka buuxa tusaalooyin oo dadka baraamijka sameeyey ugu tala galay in tusaalo ahaan loo qaato.

Hadi aad ku cusubtahay waxaad ka bilowda Method'ka labaad oo ah (access database wizards, pages, and projects). ka dib waxaad garacda OK. waxaa kuu soo baxaayo a new dialog box. waxaa xigga (General - Database). ka dib waxaad qaadataa DATABASE'ka oo ku furaayo 8 nooc oo DATABASE ah, midkooda isku dai.
walaalow braamijka aad bu u wayn yahay meshaan laguma soo koobi karo. mana adka, wuxu u baahanyahay qof dadaalkiisa dhereeya oo raadiya buugag. baraamijka waxaa la socdo (Help) taaso oo su'aalaha qaarkood jababteeda aad ka helaysid.
dadaal saad ku baran lahayd. waa baraamid aad u muhum ah, mustaqbalkana ku anfici doono.
Hadi afka carbeed aad fahmi kartid waxaan ku siina Wed Site (www.alsaha)oo aad ugu fa'idaysatid.
Aniga sida runta ah waxaa haaya book afka Ingriiska ku qoran magaciisa ah (Access 2000 simplified, printed by IDG Books Worldwide). raadi boogaas waxaa filaa in aad ka heli kartid Bookshops'ka Holland.
Hadi kale cinwaankaga igu soo dir E-Mailka sii aan buuga Boosta kugu soo diro booga.
Wa Bilaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-Holland

Tuesday, August 22, 2000 - 04:32 am
Asalama Caleykum Omar

Ugu horeyntii waxaan aad iyo aad aan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad igaga jaahil bixisay Access Programm. waxaana Rabi aan kaaga baryayaa meel walba oo aad joogtid inuu cilmi wanaagsan uu Rabi ka raali yahay adigana aad ku raali noqoto ku siiyo wnaagna ku gaarsiiyo adiga iyo ehelkaagaba. Aamiin.

Runtii dalka aan joogo ee Holland ah ayaan ka helay buugaag ku saabsan Access/Powerpoint/Iyo kuwa kale oo fara badan oo aan jeclahay iany aad iyo aad ii caawin doonaan haddii Rabi idmo oo haddana waan ku mashquul sanahay oo waxaan helay macalin dalkan u dhashay oo iga cawiya.

Ee walaalkayga qiimaha badan aniga ayaa kuu soo sheegi doona waxii igu soo siyaada 18-sep-00 ka hor.


Wabillahi Towfiiq

Asalama Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cilmidoon

Friday, September 29, 2000 - 11:35 am
Bismilaali
Asalaamu caleykum

walaalka furay bogan iyo cumar Ilaahay ha idinka abaalmariyo.

waxaan walaal cumar iyo cidi kartaba weydiinayaa iney ii sharxaan iyagoo luqada soomaaliga isticmaalayaan xaga (ereybixinta):-Borograameering, network, sharaxooda iyo waxa lagu qabto. sidoo kale macnaha kombiyuutarseynis.

Aslaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wairah

Saturday, September 30, 2000 - 06:16 pm
barnaamijka network aad buu ubalan ranyahay waxaan kuu shagayaa network small enviroment,{peer to peer} waxaa jiro kaar loo yaqaan {adapter card or VGA} oo logu xiro kubiyootar kasta ama hardware waxa loo yaqaan. waa kaaska dheer anoo aheyn shaashada,
2software waalada loo adeegsado in la isku xiro labo kubiooter iyo wixii kabaden
3 HAB, waa mahinka iku xiro war bixin
labda kumbiyooterwuxuun qoraa ama aqoonsadaa meesha ay ka timid data iyo adreeska aykusocodto qaas xarunta ay rabto in aad ssisid
macluumaadkaaga shaqo
FEELOOyinka loo bahan yahay in istecmaasho waa kuwa hada uga fiican waa {fiberoptice}badanaaba dalka aan ku noollahay U,S waxaay ismaalaan waa WGIor fiberoptic
network aad buu ubadnyahay waa delivery voice,date vedi, radio, date iyo tell wuxuu ubaahanyahay meel uu kasoo biloowdo iyo meel uu kudhmaado sida markaad rabto in saxiibkaa wacdo waan inaad haysataa tallefankiis.
radiyaha iyo tellvishanka waxaa layiraahdaa broadcaste waxaa loo adeegsadaa tabinta ama is gaarsiinta imiidiyaha ireal cann't alimined in herso good luck u guys for edctn and I proud u guys doing this by now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wairah

Saturday, September 30, 2000 - 06:22 pm
progareming waa software waan dhoor nooc wxaan kuu shageyaa waanoocyadda loo adeegso keydinta arkiifiyadda guud ahaan waxaa layiraah daa opertet system waxaan kuu la talin lahaa in aad qaatdato haddaa awoodi kareeysid visual basic waxaa programin biloowgiisa waxaa ku xijisaa second hadane java ama J,languege, walla inta laguma soo kuu karaayo by now guys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Saturday, September 30, 2000 - 06:24 pm
af somaligayga kaa raali noqo ma oranayo waan iloobay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame, wairah

Saturday, September 30, 2000 - 06:33 pm
whether u guys have Q or comments u can post again anigunaha waxaan soo raadinayaa jawaabtaasi oo sax by now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuuriyo

Monday, November 20, 2000 - 01:47 pm
ala ala waa macalinkaygii quraanka cali holand
ala ala waa wadaad kii kon buyuutar buu baran
waayaab ala ala