Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Warar iyo Ogeysiis News and Notices: Archive (Before mar. 3, 2001): TACSI: MARXUUM SH.MOHAMED MOALIN HASSAN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMMED

Sunday, August 13, 2000 - 10:25 am
"INAA LILAAHI WA'INAA ILEYHU RAAJICUUN"
WAXAAN HALKAAN DHAMBAAL TACSI AH UGU DIRAYAA DHAMAAN QOYSKIISA IYO CARUURTII IYO EHALADII UU IFKA UGA TAGEY MARXUUN SH. MOHAMED MACALIN HASSAN OO MAANTA 14-08-2000 KU GEERIYOODEY MAGALADA TORINO EE DALKA TALYAANIGA, MARXUUMKANA WAXAAN ILAAHEEY UGU BARYEYAA INUU JANADII FARDOWSA KU ABAALMARIYO.
MARXUUMKA WAXA UU KU DHASHAY MAGAALADA BAAYDHABO,AQOONTIISA DIINEED WAXA UU KU SOO QAATEY DALKA MASAR ASAGOO JAAMACADA ASAR SOO DHAMEEYEY SANADKII 1968DII, MARXUUNKA WAXAA UU TAFSIIR QURANKA KARIINKA AH UU KA AQRIN JIREY MASJIDYO KALA DUWAN.
MARXUUNKA WAXAA UU AHAA NIN AAD IYO AAD LOOGA YAQAANEY DUNIDA MUSLINKA IYO DALKEENA HOOYO.
MARXUUNKA WAXA UU DIIN BAREY IN KA BADAN 5000qof
OO AYAGU MAANTA DIINTA SII FAAFIYO
ILAAHEEY HA U NAXARIISTO MARXUUNKAAS.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Tuesday, August 15, 2000 - 03:36 am
Aamiin, Allah janadii haka waraabiyo. Waa la wada dhimanayaa, geeriduna waa xaq wayna na wada sugeysaa.

Shiikhu mar ma u xirnaan jirey dowladii Siyaad Barre (Mid Eighies? Hadday haa tahay caruurtiisa iyo xaaskiisa ayaan deris ahayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 18, 2000 - 01:20 pm
HAAHEEY SHIIQA SIYAAD BARRE AYAA IN MUDO AH XABSIGA KU HAAYEY .