    Abyan noor | Unrecorded Date waxaana walalayaal raadinayaa magac somali ah oo rasmiya lab iyo dhedigba labadaba waayo ma ogi waxa eebe isiin doono cidwalboy soo qor magacaad xusuusato taladiina iyo caawinaadiina ayaan sugi mahadsanidiin walaalayaal abyan noor |
    Gabadh | Unrecorded Date magac gabdho; Deeq. sucaad. suuban. sagal idil. haweeya. hodan. suleeqa. shankaroon. maandeeq. cawrala axado. isniino. cawo. saluugla. ceebla. carfoon. cajabo. miido. dhool. magacyada wiilasha. wacays. rooble. raage. sharmarke. cawaale. carays. Ayaanle. warmooge. cawl. magan. shirwac. sugulle. dalmar. caraaye. waa laguu hayaa magacyo aan soomali ahayna kuwaan kor ku qoran waa magacyo soomali ah. good luck doorashadooda.. hadadan kuwo ka dooran, i will write somemore. till next time. |
    Taha | Unrecorded Date Magaca gabdhaha Caddeey Maanaay Aabaay Makaay Batuulo Iftin Iisho Boola Dawlaay Calaseey Isniino Axado Shuqlan Markabo Culumo Kutubeey Naaneey Magacyada wiilasha Abiikar geedoow Caraay Jumcaale Calasoow Muudeey Tuxuboow Goomeey Dhicisoow Laameer Kuusoow Yaroow Maxaad iidoow Camaloow Cariish Camabuur Culusoow Yalaxoow Biiqeey Guure Xarbi Nuune |
    Dheereeye | Unrecorded Date Salaama Nin waliba ceesaantii ceel keenye Abyanoow iga hoo anna qeybtii koowaad: magacyadan waa Soomaali kumana jiraan, sidaan is leeyahay magac shisheeye RAGGA: Aar Abaadir Abbane Abyan Agas Alaale Ashkir Awaare Aweys Baarleex Baashe Baaslaawe Bacadle Baceyr Bacle Badow Bakeyle Baraale Barkhad Barre Barsane Baxarre Beercade Beerdilaacshe Bicir Bidde Bile Birmad Boodheri Bucur Bullaale Bulxan Buraale Buulle Caafi Caato Cabsiiye Cadaawe Canjeel Caraaye Carabeey Carfaaye Caroofe Carraabe Carraale Cartan Carte Cawaale Cawil Cawl Caydiid Caymiye Ceynaanshe Ceynshe Cibaar Ciilmooghe Cirday Cirro Cirroole Ciye Colaad Cowke |
    Badgal | Unrecorded Date waa idin salaamay... aad iyo aad aan ugu faraxsanahay Abyaneey , in aad rabtid magac soomaali rasmi ah oo lab iyo dhedig-ba leh , si aad ugu wacatid ubadka allah ku siin doono oon rabi kaaga rajeeynayo in uu noqdo ubad khayr qaba ISHA ALAAH .... hadda intaan ayaan hayaa: wiilasha shirwac warsame liibaan looyaan jaamac samatar suudi weheliye Bile janaqow jaafaa fadhag dhabaake hunbul dhamuuke ilimbe shiilaale warfaa weheliye qolombi qowdhan dalfac duulene mire fiidow cigaal sugule seeraar qanyare siyaad dayax xalane yalaxow xuudi xinbil guuleed goosaar kulmiye magacyadda gabdhaha ladan suuban cawralla carfoon ismahaan fiideey karuura kutubeey koraad |
    Abyan | Unrecorded Date waxaan u mahad celinayaa walaalahay oo dhan ee magacyada somaalida ii soo qoraym oo dhan. waqti ayay qaadan ilaam iyo intaan kala dooranayo midkaan doorto waa idin la soo socodsiin oktoobar ayay xaaskayga dhali haddu eebe idmo nabadgelyo iyo ismaqal dambe Abyan noor Nuernberg/Germany |
    Badgal | Unrecorded Date Abyan, waa ku mahadsantahay, ubad dalkiisa iyo diintiisa anfaca allaha ku siiyo..(inshaa allah) |
    Soomaali | Unrecorded Date Salamu alaikum Dear bro/sis Dhanka Rga Fahiye Nalaye samkaab shirshoore shirwac samood gaboobe guuleed samatar baxnaan dhuux barkad hagar ararsame Qayaad sugule ugaaryahan siyaad habarwaa harti moore case moore saante habane wardheere afqurac afxakame afqabaal afqarshe Dumarka Amaanley quracey isniino axado jalaqeey qalanjo fiideey qanaxeey xaadsan xalaad xooran cabdiyo cosob caasho |
    Kuluc1 | Unrecorded Date Asalaamu calaykum dhamaantiin. Marka xiga waxaan aad ugu farxay magacyadan halkan aad ku soo bandhigteen,oo run ahaan aniguba aan u baahnaa maqalkooda.Balse abyan waxaan ka filaayay inuu u baahnaa in ka badan hal magac,any way alla ha kaaga dhigo khayr,anaguna waxaanu sugnaa waa magaca aad doorato,oo aad nala socodsiiso.. RAGGA. Dayax dharaar maalin amaadin suudi xiiray qawdhan qalooc iska kace haybe quule DUMARKA: dahabo canbaro mulaaxo indhadeeq nuuri nabaad qaali .... |
    Dheereeye | Unrecorded Date Salaama Abyan waxaan aad ugu faraxsanahay inaad magac u heshay inankaaga, sidaan kaaga balan qaaday inaan kuu soo diro qeybtii labaad bal waatane ayana bal eeg. Qeybtii labaad Daandurey Dabacase Dacar Dagaal Danab Deeq Deer Dhaanshe Dhagaafe Dhagacaleen Dhagar Dhagaweel Dhamaake Dhamme Dharaar Dheere Dheereeye Dhegaburo Dhegjar Dhibane Dhibco Dhiblaawe Dhimbil Dhiqle Dhubad Dhumuuke Dhunkaal Dhursuge Dige Diinle Diiriye Diyaar Ducaale Durraan Faahiye Fadhyon Faroole Faytaan Fire Fursade Gaadaa Gaaduur Gaalshire Gaandaa Gaanni Gabeyre Gaboobe Gacal Gacaliye Gacayte Galayax Galleyr Ganey Garaad Gardhaale Garjeex Garmaqaate Garre Garwaaqshe Geedi Geelle Goljeex Good Goodir Gube Gudoon Gudoonshe Guhaad Gumbur Gurey Gurmad Guuleed Guure Qeytii saddexaadna waa soo socotaa..... Dheereeye |
    Suban | Unrecorded Date Dheereeye, waxaan rajeeynaayaa qabta saddexaad inay noqoto magac dhiddig. Su'aal Dagal ma lala baxaa?? |
    Dheereeye | Unrecorded Date Salaama dhalinyaro Suuban abaayo macaan, Dagaal waa magac Soomaalidu la baxdo uguna yeeraan laboodka, Walaasheey Suuban qeybta saddexaadna waa lab, dheddiguse waa soo socdaa ee ha sugi waayin. Qeybtii saddexaad: Haareey Hanad Hanuuniye Heybe Hiirad Hilowle Hiraabe Hurre Huryo Iidle Ilaal Ilkudile Lllaawe Indhabuur Jaangeli Jire Jucufe Kaahiye Kaarshe Kayd Kediye Keynaan Kooshin Kudun Kulaal Kulmiye Kuluc Kurtun Ladane Liibaan Looge Looyan Maareey Madal Madoobe Magan Mahad Mataan Meecaad Meygaag Miigane Mire Mooge. Qeybta afraad ee ugu danbeysana magacyada labka waa soo socotaa.. Dheereeye |
    Badgal | Unrecorded Date waa idin salaamay... Dheereeye, qeyb libaax baad ka qaadaneeysaa ee sidaas ula soco , magacyadda soomaalidii hore aad baad ugu fiicantahay ee hooshaas ha ka daalin , waa loo baahan yahay.... ciao |
    Suuban | Unrecorded Date Dheereeye, marka hore waan ku salaamey. Sidu sheegay Badgal, ha ka daalin inaad na la qaybsato magacyadda. Waxaan sugnaa waa qaybtii afaraad. |
    Anonymous | Unrecorded Date Waad salaamantahay Abyanoow, waxaanse ka xumahay inaadan helaynin magac soomaaliyeed oo sax ah mid sifo ah mooyaanee, marka haddii uu Allaah gabadg ku siiyo ugu magac dar xaasaskii Nabiga (SCW)haddii uu Allaah wiil ku siiyana Nabigeenii ugu Magacdar mam saxaabadii. Laakiin ogoow inaysan jirin magac soomaaliyeed oo aan sifo ahayn magac kastaana wuxuu sheegayaa ilmaha dhashaa qaabka uu ku dhashay ama muuqaalkiisa ama xilliga uu dhashay ama xaaladda uu ku dhashay, ee sidaas ula soco, ciddii qabtaa fikradaydaas mid ka duwana ha ii soo gudbiso. |
    Haldhaa | Unrecorded Date Waad salaamantahay Abyanoow, waxaanse ka xumahay inaadan helaynin magac soomaaliyeed oo sax ah mid sifo ah mooyaanee, marka haddii uu Allaah gabadg ku siiyo ugu magac dar xaasaskii Nabiga (SCW)haddii uu Allaah wiil ku siiyana Nabigeenii ugu Magacdar mam saxaabadii. Laakiin ogoow inaysan jirin magac soomaaliyeed oo aan sifo ahayn magac kastaana wuxuu sheegayaa ilmaha dhashaa qaabka uu ku dhashay ama muuqaalkiisa ama xilliga uu dhashay ama xaaladda uu ku dhashay, ee sidaas ula soco, ciddii qabtaa fikradaydaas mid ka duwana ha ii soo gudbiso. |
    Abyan | Unrecorded Date dhegaysta waryaa Ananymous iyo haldhaa kama aan helin sheekada aad meesha la soo gasheen ,magacyada somaalida waa magacyo muslim madaama aan muslin nahay,mise waad ka soo horjeediin waxaan raadinayaa magac somaliya mise waad indha la,adihiin. raali ahaada halkan suuq gardheero uu waxgarashiisa gaaban ka naadiyo maaha. meelkale raadsada. o.k nabadgelyo. abyan |
    Anonymous | Unrecorded Date to gabadh walaal magacyada aad qortay waa kuwii laga bixin jiray dhan ka waqooyiga waana kuwii qaldaamiinta ee waxkale maheysaa mahadsanid |
    CumarDhere | Unrecorded Date Walaal Abyan, Waxay ila tahay in aan lagu kala harin magac raadistaan. Aniguna wax aan ku siyaadiyo mahayo, laakin maadama aad codisigaaga ku dartay wixii talo ah, waxaan ku xusuusin lahaa in aad magac somali & islami ah eegtid. Tusaale ahaan: Faduma, Zubeyda, Khadiija etc.. Magacda Ilaahay ugu jecelyahay ee wiilasha waa Cabdallah & Cabdiraxman...CabdulJabaar, C/Gafaar.. etc.. Ilaah ha kaaga dhigo ubad kheyr qaba. |
    Jaamac | Unrecorded Date Walaal salaan kadib waxaan halkan kuga hayaa magacyo wiilal iyo gabdho ah ee waa kuwana iga gudoon Wiilasha Foozi Fu,aad Feysal Farhaan Faahiye Farqaan Samatar Siyaad Ayuub Annas Ayaanle Artan Abuukar Mohamed Morgan Mahad Maslax Mustafe Guuleed Gaani Gorgor Gaadale Gabdhaha Suuxsan Sagal saxarla siman sahuur Sahra SumAYA RASHA HUDA HIBO HABOON HIBAAQ Cudbi cawo cibaado cawrala caraweelo qaali qarad quman |
    Lakta | Unrecorded Date cirid badiro faanlaamayer inafaataa harowsi bulbul raamole sarayamoxume adansobari farax play dhiga qasin yu af cambulo DHANKA GABDHAHA xawo saloto sahro cija weyn samro biel amino cirbo weyn |
    Anonymous | Unrecorded Date Some of these names are so funny. |
    Astur Ali | Unrecorded Date bal anigana aan isku dayo waxaan hayo oo magac ah. Shahmaad Suuqadara Ruun Jirabo Caanood Xareedo Xadiyo Ximbilo Xaadsan Dhamo Dhedo Masbal Asli Cunaabi Dahabo Timiro Dhudi Aasiili Samawada Cawla Faraj Kutubo Istanbuul Kaltuun Shacni Astur Nadiifo Saafi Sucdi Cureeji Caqiilo Raabico Raaqiyo Wiilo Daruura Kararo Ambiyo Idman Hindiyo Raaliyo Caaliyo Cosob Degan Idil Caasha Raaxo Ramlo Juweyriya Jawaahir Johora Hijro Jookha |
    bbcsomali | Unrecorded Date abyan hadii uu wiil noqdo waa mohomed hadii ay gabar noqotana waa caaisho good luck sis |
    abyan | Unrecorded Date yaa ii sheegi kara macnaha magaca Looyaan? haddii ilaah idmo jimcada 22-10-99ayaa xaaskeeyga umuli, haduu wiil noqdo looyaan ayaan u bixin,hadday gabar noqotana Ayaan baan ku magacaabi, marka loyaan macniciisa ha la ii sheego somaaliyeey, mahad sanidiin nabaday Abyan noor |
    nur | Unrecorded Date 25.10.99 ayaa xaaskayga umushay, gabar caafimaad qabta ayaa la ii dhalay, waxaana u bixiyay Ayaan idinkoo dhan waan idiin mahad celinayaa . Abyan gabadhayda curadaa ayaa la yiraahdaa nabadgelyo |
    ina siyaad | Unrecorded Date saxib ilaahay ayaan kaaga baryeynaa in uu ka dhigo tii dalkeeda diinteeda iyo dadkeeda anfacda in ilaahey ka dhigo adiguna ku dalal ogowna in aad tahay sodog mar labaad madama aad gabar kale horey u lahayd hade saxib good luck |
    caddoow gaaboow | Unrecorded Date magacyada wiilasha ee somalidi horey la bixi jirtay bal anigana iga qabo aan halkaan ku calaqee waa sidan 1.afeey 2.aflaaw 3.af qamash 4.afweyne 5.afleyrshe 6.af xakame 7.afdheerre B 1.barre 2.bajaq raadshe 3.badgal 4.baqbaqani 5.beled aade 6.buurane 7.buulo jooge C i.collw 2.caano geel 3.calooley 4.coocle 5.cabaaye 6.caale 7.cabaad weyne d 1.dudaye 2.diin eryade 3.duqoow 4.diifle 5.danqade 6.dayday 7.deymo xume E 1.eeylo raace 2.edeblaawe 3.eedo u eke 4.eedeysane 5.eebo cade 6.eryaye 7.eedan yeershe F 1.faye kooni 2.fulley 3.faylo gooye 4.faq faqle 5.fiigsane 6.faruurya dhuub 7.fuuli waaye |
    AFARFAROOD | Unrecorded Date TO.NUR WALAAL WAXAAD TIRI 18-10-99 WAXAY XAASKAYGA DHALAYSAA 22-10-99 KADIBNA WAXAAD TIRI WAXAY DHASHAY 25-10-99. MARKA WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA INAADAN FAALISKA REE GALBEEDKA AAMININ WAXII MUSTAQBALKA AH WAXAY GACANTA OOGU JIRTAA ILAAHAY OO KALIYA.MARKA HADAAD RABTO MUSTAQBALKA INAAD KA HADASHO ISTICMAAL KALMADDA (HADUU ALLAH IDMO) INTAAS WAA IGA WAANO RALINA AHAADA HADAAN MAWDUUCII KA BAXAY. RAMADAAN WACAN. |
    abdrisaaq | Unrecorded Date walaal afarfardood kumaan fahmin waxaad rabtid inaad ka hadashid ,waa run xaaskayga 25-10-99 ayay dhashay aminaad iyo faaliska aad sheegaysid maan fahmin,walaal iga raali ahow,waxaana iga dhaadhicisaa waxaad doonaysid inaat tiraahdid. nabaday. abdirisaaq nur |
    xersi jugux | Monday, July 03, 2000 - 06:28 am check this out! males qudhac, galool, maygaag, xagar, ina libaax san kataabte, ina kaare xambaare, jinac, firdin, kurtin, maygaag, hankool, jilacoow, females qarad, canbaro, isniino, carfi,canbaro, i hate these names: istarliin, roma, qaahira, istanbuul, intisaar, |