    Abdulkadir Mohamed Said. | Wednesday, October 25, 2000 - 06:12 am ASSALAAMA CALYKUM WARAXMTULLAAHI WABARAKAATUH:.. Waxaan halkaan ka salaamyaa dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan akhyaarta soo gashay bogaan. Magaalda Xaradheere waa magaala qaddiimi ah oo ku taalla gobolka mudug, waana magaala dadka wada dega aysan kala xigin taas oo ay go'aansadeen beesha rasmi ahaanta u leh xaqiiqdiina taasi ay ka muuqatay sidii loogu noolaa tobankii sano ee ugu danbeeyey. Magaalada xaradheere gudaheeda dadka deggan waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo 15000: amase toban iyo shan kun oo qofood oo kasoo kala jeeda dhammaan qabaa'ilka Soomaali wayn. Magaaldu waxay leedahay isbitaalka ugu weyn ee indhaha lagu daweeyo laguna qalo ee maanta ku yaala Soomaaliya taas oo ku timd dadaal dheeri aha oo ay sameeyeen dadka degaanka leh iyo ururka caalamiga ee laga leeyahay dalkaasi Talyaaniga ee layiraahdo C.E.S.P.O. Waxaa ay xaradheer u jirtaa muqdisho ill iyo 482km, dhinaca waqooyi. waxaan rajeeynaynaa in magaalooyinka kale ee ka waaweeyn,la eg amabase kayar in noqdaan sida magaaladaan oo kale sameeystaan xeerkii soomaaliyu ku dhaqmi jirtay... |
    Ahmed | Monday, January 29, 2001 - 05:31 pm Abdulkadir, Aad baad u mahadsantahay sida hufan ee aad inoogu sheegtay magaaladaas. Brother, anniga waligay maan tagin magaaladaas laakiin aabahay iyo familkayaga oo dhan baa ka yimid. Waan jeclaa inaan mar soo arko!. Mahadsanid.. bye...Ahmed ali |
    xaradheere | Wednesday, January 31, 2001 - 03:14 am aniga magaceyga ayaaba ah xaradheere weligeyna ma arag laakiin mar ayaan u dhawaaday oo waxaan tehey ceeldheer oo aan tuulo u dhow ku dhashay taas oo la yiraahdo budbud marka xaradheere4 dadka isla degan ayaa ka fikir wanaagsan kuwa kale ee isku dilaaya dhul ka badan. marka amaan ayey mudan yihiin. |
    muxyadiin | Saturday, February 03, 2001 - 02:57 pm asalaamu claykum waraxmatulaahi waad ku mahadsantahay sida aad noogu sheegtay balse hal isbitaal iyo biyo yar iyo iskool yar ayaa xaradheere laga furay oo kambinaagaa talyaaniga ceeldheer iyo xaredheere ugu deeqay nabad waa ka jirtaa reer bari ayaaba sidoodaba dad balaayo badan aheen wax laga badbadiyo mooyee oo dadka asal dhaqan reer nabad ayay ahaayeensida lagu yaqiin ,war nimanyahow xaradheere dam dam iska dhaafoo magaalada u tashta bacaadbaa duulaan ku soo haya magaalada oo ka jarmi rabtaa,bacad dabagalood,soonkii ninkii soo maray ayaa yurub noogu yimid magaalada iyo deegaankaba waligeey ma tagin.cidiyoo dhan baase meesh degto nimanyahaow magaalada ha loo taliyo waxqabsigana dadka ha la baro. wasalaamu calaykum. labadii bacaad baa isku soo darsami rabo |
    qaylshe | Tuesday, February 06, 2001 - 11:57 pm qaylo-dhaan,,, waryaaa wanduugta aheeey, waryaa wanduugta aheey, wayaa iljeex aheey waryaa iljeex aheey. magaalada bacaadka halaga damiinto hadii kale hiraab waa ceeboobay. |
    MUXUDYADIIN | Thursday, February 08, 2001 - 01:10 pm QAYLSHOW QAYLSHOW QAYLSHOW YAAN DHUUNTU KU DAALIN, WANDUUGTO,IYO ILJEEX,MAGAALADA BACAADKA HA LAGA DAMIINTO HADII KALE HIRAAB WAA CEEBOOBAY! HIRAAB BAROKO DARADAAS KU CEEBOOBI MAA!! BADAR BISIL AYAY KU HISHIIN WAAYEEN ASAAD LEEDAHAY BACAAD CESHA!! QAYLSHOW XABEEBI WAA KU DILEE!! EE HIRAAB CEEB HA KU RIIXIN |
    qaylshe | Sunday, February 11, 2001 - 11:14 pm to. muxudiin. waa ku salaamay muxudiinoow waxaa la yiri "madax muuqda iyo midi saawira midna lagama quusto" waxaan isleeyahay waa intasoo ay mar uun isbedelaan, ogaaboo rejaduna ma xuma laakiin waxaa naga maqan ficilkii. |
    muxyadiin | Thursday, February 15, 2001 - 11:28 am QAYLSHOW. Waa runtaa ficil ayaa maqan haddii Alle idmo wuu iman asagana,xoogaa hinji ayaa igu jirtay maahee saas cidda uguma quusan,reerxaradheerana,xoogaa waa roonyihiin deegaanka uma xuma laakiin yay isdhigan ayaa igu jirtay,nin aan wadda joogno oo reer xaradheera ah ayaa faan iga badshay haddii Alle idmo mar waxaa jeclaan lahaa in aan soo arko,qaasatan bacadagalood- waad mahadsantihiin reerxaradheere wasalaamu calaykum. |
    Anonymous | Monday, March 19, 2001 - 09:18 am waxaan aad ugu faraxsanahay sida xilqaanka aheyd ee uu usoo sharxay cabduqaadir waadna ku mahadsan tahay. Waxaan kaa codsanayaa hadii aad tahay cabduqadirka ila dhashey inaad ii soo sheegto neenaasta aan guriga kuugu wacno iyo iskoolka aad ka baxdey magaciisa. |