    Nuur | Tuesday, November 07, 2000 - 07:56 am Waxaan filayaa in shirkii Carta ee Jabouti lagu soo heshiiyay in la dhiso dawlad ay somali u idl tahay, dawlad dhamaan qabaailada soomaaliyeed ay ku dhanyihiin, iyadoon la fiirinaynin qabiilka tayadiisa, tiradiisa, iyo xoogiisaba, xoogiisa waxaan ka wadaa (hub intee laeg ayuu haystaa qabiilka). waxaanse amminnahay in heshiisyadii shirkii carta la jebiyay taana ay sabab utahay dawlada ku meelgaarka ah ee Madaxwayne C/qaasim. Marka aad fiiriso qaabdhismeedka dawlada ku meelgaarka ah waxaad arkayasaa qaladaad wayn ooy dawlada gashay, waxaa ka mid ah qaladaadkaa dawladu gashay in beelaha qaarkood aan laga qayb galin dhismaha dawlada, tusaale ahaan, beelaha qaarkood lama siin hal jago oo WASIIR ama WASIIR KU XIGEEN, meesha beelaha qaarkood laga siiyay 3-4 jago oo wasiir ama wasiir kuxigeen ah. waxaa layaab ah in beelaha qaarkood ay tiro beel ahaan ay leenahay aga yaryihiin beelaha aan lasiin jagooyinka wasiirnimada, misna ay heleen 2-3 jago oo wasiirnimo. Hadaan tusaale aan usoo qaato beelaha laga qediyay jagooyinka wasiirnimada waxaa ka mid ah beelaha Koonfureed e daga degaanada ay ka mid yihiin Marka ilaa Kismaayo. beelahan iyaga ah waa ay ku sedex jibaarmayaan haday noqoto qabiil ahaan, beelaha la siiyay dhawrka jago ee wasiirnimada. Hadaba Soomaaliyeey maxaan u leenahay dawlad Soomaali u dhantahay ayaan dhisanay, waxaa fiicnaanlahayd in dawladayada ku meelgaarka ah ugu yeerno( DAWLADA AAN LOO DHAMAYN) sidaa daraadeed dadka qaarlii kuma wareerayaan markay arkaan dawladan qabyada ah misna wadata magaca ah " loo wada dhanyahay" Nuur Gaytaano Barrie, Ontario, Canada |