    Guuleed | Sunday, November 12, 2000 - 05:23 am WAXAAN DEGGANAA XAAFADA MADIINA, HALKAA OO AAN KA DHIGAN JIRAY DUGSI OO AAN MAGACIISA IGA LUMAY! DUGSIGU WUXUU ISUGU JIRAA DHAMAAN DUGSIYADA HOOSE IYO DHEXE. REER MADIINA DADKII AHAA FADLAN MAGICII DUGSIGA I XASUUSIYA? ANIGOO SAGAAL JIR AH BAA MADIINA IIGU DAMBEYSAY!! |
    kakeey | Friday, November 24, 2000 - 12:02 am sxb salaan marka hore dugsiyada madiina ee hoose dhexe way badan yihiin ee kee waaye HOOSE DHEXE BAARBE ..,,,,,,,,,, dhama yaasiin cusmaan inta kale waan iloobay byee |
    M.JUBBA | Monday, November 27, 2000 - 02:41 am to guuled waxay kala ahaayeen dugsiyada madiino school siyaad/cali xuseen djabuti hoose dhexeyaal baarbe dhame yaasiin wadajir/sare yaal firin /ramadaan/cali dheere/jubba/muna/and many more where private's aslong as i know |
    Gacalka | Thursday, January 11, 2001 - 08:39 am Guuleed saan ujeedo qof aad waxbarashada ugu fiican ayaad ahay hadaadba xasuusan dugsigaad dhigan jirtay magaciisa. Love form Gacalka |
    Guuleed | Saturday, January 13, 2001 - 04:16 am Aad baa u mahadsantihiin dhamaan dugsigu magac gaaban buu lahaa waxaan u maleynayaa in magacisu ahaa Wadajir siduu M.JUBBA sheegay, waxaana ka soo horjeeday school private ah, wuxuuna ku dhawaa laami oo harqaanle dhinac kaga yaaley. Dugsiga magaciisa wax badan baan raadinayey wuxuuna ahaa dugsigii igu horeyey. Gacalka mahadsanid saaxiib, waa runtaa waxaad sheegtay, laakin waxaa sabab u ahaa karbaashkii la igu karbaashay dugsiga aan magaciisa raadinayo. |
    AMINA | Thursday, February 22, 2001 - 08:57 am Waa salaaman tihiin dhamaan reer madiina waxaan dhamaan tiin idiin rajaynayaa caafimaad. magacayga waa AAMINA MAXAMED CALI waxaan dhiganaayay iskuulka dhame yaasiin cartan intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1987 waxaana maamule ka ahaa suxulbaroor, waxaa kaloo joogay cusmaan saalax ooku magacdheeraa sandheere,waxaan kaloo xusuustaa aways. waxaa asaxaabtayda ka mid ahaa, maxamud muuse cawaale,cusmaan dheere, cabdulaahi ceelboor, batuulo, cadar macalin isaaq iyoistar sheeq. waxaan idinka codsanayaa qofkii dadkaan xusuusto ama aniga i xusuusto in ay igala soo xiriiraan email ka hoose. waxaan ilaa iyo hada meel ku ogeen CUMAAN DHEERE qofkii yaqaano ama meel ku sheego please ila soo socodsii waxaan kaloo rabaa in aan ogaado meel uu ku danbeeyay,CUSMAAN SAALAX SAMATAR(SANDHEERE)qafkii meel ku sheega ila soo socodsii . waad mahadsan tihiin. |
    Liiban! | Saturday, March 03, 2001 - 04:25 pm HI bro!! school aad digan jirtay amuu ahaa jabuuti oo kuyaalay xaafada buulaxubay una dhawaa guryaha somali airlenes ama shcool baarbe oo u dhawaa station galbeedka labada hoose dhexe ayaa jira wax laami agmaro inta kale waxay ku yaalan meelo laamiga xooga ujira .. majiro school Hoose dhexe oo layidhahdo wadajir lakiin waxaa jira Dugsi sare oo layidhahdo Wadajir kan ku xigaana waa Hoose dhexe siyaad waana school aan dhigan jiray 1984-89 wuxuuna ku dhawaa station wadajir iyo shaneemo wadajir wuxuuna u dhowaa suuqa madiina! school lada kale sidaas uma aqaano lakin wax laami agmaro aan labadan shegay ahayn majiro!! bye all brothers an sisters from Madiina |