We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, November 25, 2000 - 07:00 am Hi all Mukha,Najma,sabaax,M Muse,Dios iyo inta kaleba i just want to say HAPPY RAMADAN AL KARIIM. Mida kale walaalayaal boggii waa nagu dheeraaday marka sidaa daraadeed ayaan kan u sameeyey inkastoo oo uu Mukha sameyn jirey hadana waxaan is iri malaha waa mashquulsan yahay, fadlan haduu boggan dheeraado samey bog kale bay Number sida KISSIMA 4, thanks all. zAk.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 27, 2000 - 08:58 am waad salaaman tihiin oo waliba soon barakeysan waa nin la yiraahdo caaqil cawaafe waa markii iigu horeysay ee aan arko boggiinan waana aan ku faraxsanahey inaan akhristo,&weliba sida aad xiriirka u leedihiin mahadeeda ilaah baa leh ka dibna idinka waxaan idiinkula dardaarmayaa inaad sidaa ku wadaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 28, 2000 - 05:06 am Waa salaaman tihiin ciyaalow. Zaki iyo cawaafe, soon wanaagsan. Waryaa Wacaafe ma waxaa ka wadaa Cawaafe oo af jinni ah. Haddu sidaa yahay hal reer baan loo yaqaanay magacas oo ahaa reer deganaa luga baxsi. Caruurtana waan wada aqaan oo shan bay ahaa yeen.3 East Africa ayey joogaan , 1 Boston(M.A.) uu joogaa , gabadhii yaraydna ma ka warqabo meel ay ku sugan tahay. haddii aad reerkaa tahay soo dhowow. Si laguu hub sado odayga magaciisa oo buuxa sheeg. waxuu ahaa; M.S.Cawaafe. iyo magacyada caruurtiisa. Haddii aadan kawadin wacaafe/cawaafe, saaxiibow looxa Kissima magacaa khaadunku waa ka la' yahay.Balse soo dhowow oo nafahansii Kissimadaada. waryaa Zak igu salaan haddii aad is taqaaniin Baashi Siciid iyo walaalkii kula jooga New York city. tan kale labada meelba waa isku wadaynaa ok. Nabaday.CU Bros.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 28, 2000 - 02:38 pm wiil jooraa, waad garatey baan u maleynayaa waxa aan ka wado wacaafe waxaana haboon inaan ku wada hadalno emailka inaan ku wada xiriirno anigana qosol baadna igu beertay waayo ma ahi nin iska sheeganaya magaca aanan laheyn laakiin wiil jooroow xisaabta ayaa kaa qaldan ee emailkaaga ii soo dir, zaki,mukha, dios waan idin salaamey soon wanaagsan dhamaantiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 28, 2000 - 05:44 pm Karibu wato ya Kissima. Waryaa Wacaafe raye ma nabadbaa. Ina Maxaed Samantar.Iska waran, waan ogahay in aad joogtid Boston. Magancana wax idin la wadaaga ma maqlin, waan qiyaasaayey in aad adiga noqon doon tid. Waxaa isugu keen damaysay Toronto, Canada, 98kii adigoo markaa soo galay oo aroos u yimid i think. Ma i xasuusan kartaa.Anigu waa kaa waynahay oo waxaan isku dugsi iyo isku galaas ahayn Cali.Qudkana (A.U.N.) maxaan biibitadiisa ka cabay aranjaato, mandariini iyo maw-maw. Keenya waa isla joogi jirnay,hadana ma kaa fogi. Igu salaam Mukha, Booska, Raashid, Garloogubay iyo inta kale ee ii goysay. waryaa ciyaalow maxaa ii soo lug goyseen. Aaway ragii iyo bilcaantii la iigu sheegay meelahaan. Afar gubatay oo ciyaal lugabaxsi ah aad moorada iigu dhaafaysaan haye. Soo baxa nooh maxaad u dhakanaysaan. mise waa soo afuraysiin. Qaraaboy soo barya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 29, 2000 - 09:54 am War tolow gabadhii Najma ahayd yaa arkay? War xabbaani goobaha qaar aan fiiriyay waxaan ka waayay dad ay ka mid yihiin Giirgiirow, Heriiney iyo Qallar,(ma xasuusataa masaajidkii u dhisay Sheekh Muuse oo ka soo horjeeday Wacaafe iyo..in kastoo uusan weligiis galin.........just kidding.....dadkii asturi jiray aaway) mid kalena waxaan ka waayay Cabdi Afiilow iyo Cabdi Inaa'. Dhinac kale ayaan qooraansaday mise ninkii Madoobe Cilmi Sardheeye maba muuqdo iyo Baarbaro. Calaa kulli xaal dadka lama wada gaari karee, bal haddii lagu khaliifay, horta waa xil weyn oo waxaan ku leenahay Allaah ha kula garab galo, anakana wixii tabarteena ah. Colombo markuu ciyaaraha ka sheekeynayo ayuu dhihi jiray Garabkeyga midig waxaan jeclahay hebel iyo garabkeyga bidixna hebel, hadda adiga waxaan ku leenahay garabkaaga midigna Primo Kaaga bidixna Kuuja No. 7-na Guure, 10-na Camel. War Dios Mrs Rank hadde waad maqashay ayaan u maleynayaa geerideeda, sidaa ula soco. Oo midda kale ninyahow sarbidaan aa la wareegisidna bal kor naga mari. War sheekadii Bosaso bal wax ku sii dar, taas ayaaba xiiso ii leh aniga iyo inta dadka aad ka hadleyso taqaanaba. Zak Haye gabbashada dhaaf saxb bannaanka imaaw oo ha lagu arko, firinjeerkaan adaa furtay, marka haddaad ka maqantahay see wax looga gadaan. Xataa islaantii caanaha rukunka eheed ma keeneyso hadday meesha xirantahay. Annakana shaah intaan iska cabno aan iska bexeeynaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 29, 2000 - 12:51 pm waryaa xabaani; waxaan gartey magaca aad soo gaabiseyee ah m m kaasoo aan rabo inaan dadka u faahfaahiyo waa maxamed muuse xabaani nin yahow cali cawaafena waxuu sheegan jirey inaad ka weyn tahey oo aad xalwo naaska aad ka xoogi jirtey waxaan kaloo rabaa habeenkii aan isku arkeynay maqaayadii toronto ee adiga iyo ninkii runta badnaa ee xasan colow inaan ku xasuusiyo fariintii aad mukha iigu soo fartey ee aheyd inaad koox kale aad u heysid boston oo transfer ah mukha intaas markaan u sheegay qosol ayuu la raftey, mukha waan ku salaamey aawey dios & zaki iyo qaraabadii kale oo dhan xabaaniyow sow adigiii lahaa cid baan u soo dirayaa boston adigii baaba wax raadinayee garloogube iyo murshid waa fiican yihiin ninkii boosh ahaana wiil baa u dhashey waxaa kaloo jooga labo wiil oo ilma citinle ah. soo barbarya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 29, 2000 - 03:54 pm Salamaa calaykum. Afur waxaansan. Waa khaliifkii. Wacaafe, waa i kastay. Hanbalyo iga gaarsii Booska, wiilkana Allaha ka dhigo mid aabihii ookale ah Aamiin. Mukha adigu waa iska leedahay in garabkayga uu joogo Mr.Birimo(Aadan Xaashi), balse waxaan kuu sheegayaa in khaliif nimadaydu buuxdo.Habeenkii labaad ee soonka anigoo jiifa telefoon 1:25am waxaa ii soo diray Aadan Xaashi iyo Ina Indha faynuus waxayna wada joogaan Colombus,ohio.Waana gaarsiiyey fariintii ahayd in ay boggan ku soo biiraan. TALO waxaan dhihi lahaa ciyaalow in aan samayno web site Kissima ah intaan ku warwareegi lahayn xaafado kale. Wax badan baan ka xoroobi la hayn, sida ganacsi , waxbarasho, tahlo,iska war qabid,baafin iyo isku xirnaan. Annagu qabiil shaqadeena ma aha , waa og tihiin qabiilkeeno waxuu ahaa sida; ciyaal calanlay, ciyaal faanoole, ciyaal shaqaalaha iyo ciyaal farjanno. Ama sida mataqaan macagiisi oo ka shaqeeya meel hebel. Hadaba siday idin la tahay, ka ra'yi dhiibta, talo iyo tusaalana aan isu keeno. ok. Warnimanyow aaway dadkii kale. Alla anigu maxaan bacaw ahay ramkaan oos lagay sheemta gadkii oo nad now muudteen. Xawaaba gu'u radan libcaantii, damax bush may daa een am sakaaayi, sime raoos ay rijaan yimaa noo baayee. Xawaan lakoo din deewiinaa aa sakaaya qofkaan la hedo Nacjeel. Aniiga now soo raasi yaaway. Rohta ni' uu hayay yicaal sikmaayo dahal am ku rijo, kaaliin aa sakaaya gamaciisa oo xuuba. Help me. Inta kale ee weli meesha nuurinaysa soo barya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 01, 2000 - 04:51 am Oo meesha waxaa la lahaa ha sii shidanto laakiin hadda wexeyba u egtahay in karbuuno lagu soo gali doono hadda ka dib oo dacaska ha iga goynin eey ka dhici doonto. War waa sidee ma xiisihii hore leey eheed. Horta waa wax iska dhici kara oo dadka waa iskaga jiraa qof qof oo bacaw ah oo in xabbad tin ah laga gooyo ama cusbo lagu firdhiyo ma ogiye aan bacawnimadooda tabar loo heleen, marka waa iska dhici kartaa in dadkii qaar ka mid ah eey na soo galeen. Xabaani, ninka la dhaho Canjeel hortaa ayaan ku wareernay waana nin aan rabin in la ogaado, anigu ma aqaan cid uu dambi ka galay, laakiin haddaad qoraaladii hore dib u raacdo, waxaad ka heleysaa inuu ku yaqaano ood isku lot ahaydeen laakiin aniga iyo Dios waan garan weynay inuu is sheegana waa diiday. Horta arrinta samaynta website u gooni ah Kissima waa arrin aad loogu baahan yahay, website samayntiisana wax dhib ah ma aha, laakiin waxay rabtaa waqti sidii loo manage-garayn lahaa, marka we need someone with a load of time in his/her hands. Ar Ilaahey bilcaantaayna maxaas noogu diray haddiin reer Kissima nahay, hashii xabbo oo saarka nala gooyneysay aaway. tolow ma tii kalaa duufsatay. oo ma anaa aqaan. Waryaa Ina Cabdi Diriye, adna maxaa kula tagay. mise Ms Rank tacsideedii ayaad u fadhidaa sidii geerideeda laguugu sheegayba bartaadii waa la waayee mise shaqo lee kaa badatay. Waxay ahaataba bal iska soo warrama. Waryaa Wacaafe Sommerville see lagu yahay? Igu salaan dumaashidey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 01, 2000 - 01:27 pm Salaama calaykum. Afur wanaagsan dhamaantiin. Mukha; GUESS WHAT? Waxaan saaxiibow kula socod siinayaa in N.America aysan nadab ahayn, waxii maanta ka bilawda anigu qof baan ahay waa tashaday. Bal tan iyo hadda waxaan usii gurayaan Brazil, waxii ka dameeyana talo waa tii Alle. Nin culus ayaa xalayto gurigayga soo wacay, rerku markay magaciisa ii sheegeen waxaan ku iri , wax qoridda mataqaanaan miyaa qofka magaciisa maxaad u qoriwayseen? war na ga taga magac kaldan baad ii shaygaysaan. Nin yahaw hadda markaan afuray oon xoogaa joogo ayuu isla qofkii xalay i soo wacay. Ma qiyaasi kartaa qofkuu noqon karo.Ma aha Caato, wiito ama quurshe........ waxaa dalka yimid GAAWERO(AHMADAY MUBAAKAR BIN CABRI). Haye hadde fadhi majiro, ee bal asxaabtii sida Dios noo sii waydii hadday jiif noo heli karaan. Markaan u sheegay in aad joogtid inta magacaada oo seddexan lagu dhawaqay aa cabaar la qoslay. Ma aanaan sheekaysan oo afur ayuu u socday reer buuna wataa. caaw ayuu igu soo celin doonaa,anigaa ku socodsiin oona. qarraabada kele waa is maqlidoonaa. CU.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 02, 2000 - 09:01 am Haye ana weykan RAMADAANUL KARIIM KULIGIIN. waan idin salaamay dhamaad M.Muse, Dios,Mukha,Abdi cawaafe,Najma,iyo inta kale ee aan inta ku soo koobi karin. Maxamed Muse: Maxaa tiri waxaan u guurayaa Brazil reer xeebeed waaxid, magazineka maad ka aragtey Brazil meelaha kalena fiiri hee adiga like Cancuun Mexico, Bahamas, laakiin hadii aad Brazil rabtid waxaan ka tagtaa meesha la yiraahdo (RIO). Cadbi Cawaafe: saaxiib wali in aan xalwadeyda kugu leeyahay ma og tahay horta mida kale aawey Xabsato ? bal igu salaam mahamed Citile iyo Liibaan citile labadaba iyo hadii uu joogo Fu,aad indho feynuus iyo xasaneeto,caydaruus uus or (Shooli). Mukha: ninyahoow maad isku key sheegtid anigu adiga ma ku xasuusto ninkaan cabdi cawaafe ayaan isku group nahay waana ciyaalkii macbiilkeyga ahaa ee sambuusaha kulul iyo baajiyaha iga cuni jirey ee baar Ayaan (shineema Ayaan) walina xisaab baa iigu harsan isaga iyo ardeydii iskuulkii khalid bin waliid bal adiga isa soo sheeg. hayeee nabadeey kuligiin iyo mar danbe. zakaria.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 03, 2000 - 10:38 am ramadaan wanaagsan waa caaqilkii cawaafe, waan idin salaamayaa dhamaantiin,denbiga ha la dhaafo,waxaa lagu jiraa bishii barakeysneyd ee adduunyo xataa ka baqi jirey waxaa u maleynayaa in aan u wareegsano liido meeshaan waa lagu kala dhuumanayaa waan yaabaye najmadaan la sheegaayo mey soo baxdo,qofkii soo baxoba najma lee la raadinaayaa. zaki waxaad igu leedahay xalwo keliya ma ahee xataa hariiso cali khamiis uu kariyey ayaad igu leedahay,igu salaan reer rochester. mukha,xaba dios najma waan idin salaamey. soo barya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 03, 2000 - 11:21 am Hi all Kisima people i just fund out this page it's realy niceone. I from Kisima at isku fillan vilage behand Khalid bin Waliid high school, i was too young to remember all this people but i do remember Zak and cawafe family becouse was my nieborhood. Hey i can back this i also tell my friends i know they realy excited.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 04, 2000 - 02:05 am Waa salaamantihiin dhamaantiin soon wanaagsana. meesha waxa ku soo biirey dad is kasooyo marka maba garaanaayo waxaan ku sheekeeyo waxaad u eg tihiin in kuligeen aad is garaneysaan aan ka aheen ani ee meeshu waaba faanoole oo soo guurtey.inta cusub soo dhawaada. Mukh, Zak, iyo dios waa isugu kiin dhacooyasaa aan u lameenaa geeshadiina aa xabeeysa wacaafe lol najma noo soo xabtey.( da iga laci oo dagtoorka ahaa yimaa sime lawaalkis). Asxaabta soo nabad ahaada hee
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 04, 2000 - 09:08 am IKRAAN, waxaan kugu soo dhoweynaynaa indho furan, waxaana ku leenahay soo dhowow Jaalle ama Jaalley. War Xabaani, hadde anigu waxaan leehay :Najinaa mimaa nakhaaf, waxaana ka hoos galaynaa tusbax saddex boqol ah oo labo-laaban, Gaywarrow aaaaaa, ka leexo hortiisa. Saxibow adiga horta maxaa balaayada ugu hor aragtaa, ar dhib jeclidaa, mise waxaan dhahaa ar dhibku ku jecelaa. Adi Brazil aa sheegeysaaye, aniga waxaan dhihi lahaa ha la aado Ougadoguoa iyo Timbuktuu. War ninka bal ka hadalsii oo wuxuu rabo weydii intaanaan cararin, we will act based on the outcome of that dialogue. Zak, Saxb aniga ima garan kartid ayaan u maleynayaa, waayo Kissima inta badan waan ka maqnaa. Najma, haye ma aragtay sida laguu jecel yahay, dad aydaan weli sheekeysan ayaa xataa ku raadinaaya, qaarna amoraatiga far yarada bidixda ayay ku wataan ciyaal Fanole si ka rij, lawaaley lawaaley ey kugu soo lagaayaan xamaa ku gixa naaw ka lehay. Qofyahay, in kastoo aad kaligaa ka tahay reer Calanley, haddana Kissima waa Kissima, anakaba naga soo qaado inaan nahay dadkii aa kaseysay. Jameeco soo barya
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 02:43 pm ikraam iyo najma soo dhowaada soon wanaagsan waxaa farxad weyn ii ah inaan najmo helo oo codkeeda maqlo, mukha ha ka xanaaqin yaah,ikraan ani waaban ku soo saari waayaye gamacaaga nurta ha yimaa kiraan sime gamac lake yaawe oos wodhaada yicaal am qonan rakno,xamaa cadhey yicaal xawaa ha yicaal naakbo naaga xawaa haney reer sikima waan idin salaamey xabba aawey hee markii kureydii ay cusbada kaa soo doonteen maa dhuumatey. najma caddeey naiga am hai doeyga laci liiwkii ka rayaa ya,aan haay daiga nitee goojtaa gamacaaga iyo email ii oos biidh. soo barbarya.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 08:26 am Bfffffff, fff, war meesha bus badanaa, waa wareey oo maxay eheed cidladaan. Oo kaalaya reeer Kissima ma saaan baa idiin dambeysay in lagu kala cararo meesha. Mise dadkii Computerradii ayaa ka Freeze-garoobay oo si wax la yeelo ayaa la garan la'yahay. Intaan meesha la igu qalanin aan ka sii cararo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 12:59 pm Waryaa Buulo Obliko horta soo dhowow bal oo fariiso qaxwe cab oo bustana iska jaf cabbaar baad soo lugeysaye, ma waxaad soo martay dhinaca jaanka mise laamiga. War kaalay ninka waa runtiise intee la kala aaday oo loo kala dhuuntay. Xabaani horaan kuugu sheegay inaad bacaw tahay oo waliba qumay ah, hal tin in lagaa gooyo ma ogiye meeshu sideedii kuma soo noqonayso. Waxaa i soo wacay ninkii Gaaywarrow Muse ahaa wuu ii sheegay waxa uu damacsanyahay iyo sheekada idin dhex martay markaad kulanteen. Diosna waa la la'yahay oo waxaan u malaynayaa odaga shaqada ayaa ka badatay. Wuxuu raacaa subaxdii Xaabshow ilaa dekedda. Waan sii soconayaaye igu salaan ninkii ahaa Guliyax iyo Muse Jilbo Weyne. Akhyaareey soo nabad ahaada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 01:22 pm buulo abliko waan ku salaamey bro/sis waxaan ku leeyahey ku soo dhawow bartan kisima waa dadkaagii intaadan cararin bal horta fariiso aan shaah kuu soo shubnee waaban ku weynayee xagee ku dambeysay warka noo soo daa. mukha gabdhaheenii aawey soor ha noogu tuuraane xabaani siduu caanaha garoorta ahaa uu u dooney ma soo noqonee maxaa ku dhacey,zaki dhuxushii maa kaa hor dhamaatey,najma biyihii ceelka dad badan baa ka horeeyey wadaantii bey qaadi weyday,ikraan noo kaaley walaaley aan sii sheekaysanee inta soorta laga soo tuuraayo. soo nabad ahaada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 12:15 am Waa salamantihiin kissima. Laaki bagdhihii ya aka taransit yimaa sime liiwashiina di inka yimaa bagdhihii re iyey disaa dim lawba gamaceeda laafo uga xibineyseen noow racareen laaki sikima noow u madheeseene bagdhaheeda gamacyada raaqkood am la hedhi rako yimaaa? Buulo obliko xamad sheemta soo shagtey yiadoo faur galu qamanyahay ee sikmaaya boor am lahaateen. Wacaafe na iga faaxadii leecasheeda reedhreedhaa am ka mi aanin ee xama roos ku lafee dahi fuumo iyo ramaq laamey lagu siiyo.. Mukha noow ku lasaamey da igaa maamulihii ni ta ahee bagdhaha ha la soo dhaweeyo bro. dios xamuu rijaa majeengo uu lamaay ka noodtey. Zak nooskii maa luka tagey? soo nabad ahaada dhamaantiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 11:17 am Hi alland everyone, cawaafe ii waran aniga waxaa la idhahaa Ikraan waxaan daganaa mekal iyo agtooda hadii aad kaseysidmana i xasuusan kartid maxaa yeeley waan yaraa. ZAK ku aawey adigana ma i xasuusatid waxaan ogaa gabdho badan oo intey xaafadeena ka soo baxaan adiga macmacaanka shineema ayaan kuugu imaan jirey waliba waxaan xasuustaa gabar aad kuu jecleed oo si fiican aad u taqaanid marwalbana waxaa lagu foorjeyn jirey markey meel u jeedaba "haye carabka maa u jeedaa". lol lol. iska garo qofkaan kula hadlaaya qof aad si fiican u taqaanid walaasheed waaye gurigeena xataa waa imaan jirtey remember. Anyway how is new york?.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 07:36 pm Haye afur wanaasan reer kissima. Ikraan abaayo soo dhawow gurigana horay u soo gal adigaa na maqli waayey maahee sedex goor aan ku dhahnay hoodayn-hoodayn-hoodayn. Waan u baah nayn qof matala reer isku filan. Mr. Bulo obliko, saxiibow adiga ma iska xanaaqaysaa, haddii xaafadaadii kugu fogaa tay oo maqribkiina kuugu galay beledka dhexdiisa. Siday Najma kuusheegtay afur aan kala doonanay. Karbuunadiina ma wadatid ee haddii aad baqaysid beledka dhexdiisu waa aamin ee nala jiifo caawa, hadhawna filin cusub oo hindi ah ayaan aadaynaa, horayba waxaan u sii maraynaa mac-macanka, ka dibna guriga Najma ayaan suxuurta ku tuuranaynaa. Najma, haye Ilaahay nabad ma kaaga soo ceshay arooskii lagaa wacay ee lagu dhigay qudbiga jabarti agtiisa. Laakiin qof yahay weli sidii lee tahay maba is belelin oo kiligaa lee socda. Maxaa jira , waxaan sugaynay markaad soo noqotid in aad saaxiibadaa horay noola soo martid. Haddii ay luga baxsi kugu fog tahay, ma laguu sheegin miyaa in aan soo guuray oo aan deris noqonay. Waxaan degay guri u dhow reer axmed yaaquun iyo reer kabiir iyo reer cali biniin. ee ha lagu arko. Zak,Mukha,Wacaafe,Dios anigu waan guuray oo reer calanlay aan noqday ee xad gudubka ha la iska dhaafo, xaafadiina gabdho waa joogaan ee meeshiina ku caweeya. Bax dheh yaa raba ciyaal faanoole iyo jeesta-jeesta dooda. ok. waan is maqli doonaa, kwa heri bwana. soo barta reer faanoole af baajunta.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 08, 2000 - 12:15 am Waa salamantihiin kissima. Ikraan mar labad soo dhawoow sis. soo noqodkaadana waa lagu faraxsanyahay. M.Muse waxaa u maleenaa waxaad ka naxdey calaacalkeyka thanks bro gacmo furana ku soo dhawoow in the calanley. laakin hada taas wey i deeysey oo soo dhaweenta wacan ayaa i iloowsisey raadintii dad aan hore u aqaaney. Waa yaabee boorkii uu sheegayey buulo obliko aaba soo muuqmuuqda intee la tegey...................
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 08, 2000 - 07:36 am War see la yahay Kissima Oo dadka hadda Calanley u guuraya mexey ka wadaan? ma ogi!! maxaan ka ogahay waxaan arkaayay kareetadii Cali Kareeto oo alaab ku rarantahay feynuusna ugu xiranyahay looxa isku xira dameerka iyo kareetada, nin Xabaani la dhahana uu dabo socdo laakiin uusan rabin in la ogaado iney alaabtiisii tahay, oo intuu gadaal iyo fiirfiiriyo marmarna foorfoorinaaya......marna intuu arko jalamad gees ka sii dheceysa oo xarigii ku xirnaa ka sii furmaayo, intuu ku boodo kor ugu sii tuuraaya alaabta kale korkeeda isla markaasna iska hubinaaya ineysan wax gabar oo xaafadda ah ka dhoweyn meesha. Buulo Obliko, oo waxa aan u maleynaayay iskaalso cadcad, bustii aa ku soo lugeysay miyaa?. duqa, kirligaas qaado, lugaha iska dhaq, soo kaadi ee seexo. Najma, dadka meesha ku jira ayaa waxay u badanyihiin dad gabdhaha ey la soo sheekeysan jireen magacyada ugu casrisan waxaa ka mid ahaa, Shamuuro, Qulaay, Sokoreey, Dhuubo, Bintow iyo qaar kale oo badan, marka ma u maleeyaan in dadkii ka dambeeyay eey la bixi karaan magac ka casrisan magacyadii islaamihii eey shukaansan jireen, marka ha la yaabina, meel bey kaga dheggentahaye. Akhyaarta waa idin salaamay, Cawaafe, Dios (oo beryahaan dambe WANTED noqday, oo mar dhow sawirkiisa iyo magaciisa intii kareeto lagu dhejiyo loo dhiibi doono Billy-ka-Bannow-Baahunge si uu u naadiyo), Zak soo nabad ahaada.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 08:08 am Waa salaamantahiin Kisiima. all Dios,M Muse,cawaafe,Najma,Mukha,Ikraan,iyo inta kale oo dhan. Ikraan: Ikraan soo dhawoow sister ha is martiyeeynin,mida kale horta waad i kaseysaa laakiin xasuustii baa iga dhuntay maxaa yeelay long time aa dadkii aragtidooda dhaafee maqalkoodaba iigu dambeeysay ee bal isu kaaga sheeg. Isku fillana xagee ka daganeed? walaashaana magaceed? gabarta aad sheegeysana magaceed ?. M.Muse: Guurid badnidaa adiga Brazil aan kugu ogaa hadana waxaad leedahay waxaan degaa Calanley oo waxaad rabtaa guryihii hindida intaad degto Najma daaqada ka fiirsato, waxaan ka cabsanaa isbuuca bambena inaad dhahdo isku fillan aan dagaa. Mukha: Waa iga qoslisiisey, sida aad kareetada uga sheekeysey ayaan la yaabay, ala maxaa kareeto badan ku guurtay ninyahoow. Cabdi Cawaafe: haye saaxiib meeshaan waxay u egtahay Hotel Xaaji cade banaankiisa ama (spland Hotel) ma xasuusataa horta kubishiinkii macaanaa iyo kuraastii cadcadeed waxaan u maleenaa Ikraan in ay meeshaas nagu aragtay maxaaa yeelay reer Isku fillan oo dhan jidkooda ay ahaayeen. oo kaaley Khaliif dhagoweyne aawey intuu ku dambeeyaa?. Najma Ali: Najma sister see camal hee dadkii oo dhan maxaa u sheegtay qof walba waxuu leeyahay Calanleey aan u guuraa aniga lee Lugabaxsi la iiga tagay, laakiin aniga hal aan calanleey ku imaanaa, hadii oo gurigiina uu qol ka banaanyahay gurigiina aan u soo guuraa hadii kalena Lugabaxsigeyga aan iska joogaa, bal adaan jawaab kaa sugaa waxii aad go,aamisey. Akhyareey soon wanaagsan Kuligiin. zAk.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 04:53 pm SALAAMA:WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN REER SIKIMA,WAA NIN IDINKA SOO SALAAMAY MEEL AAD U FOG OO LAYIRAAHDO FIA-AFMADO,WAXAAN KU FARAXSANAHAY IN AAN KA QAYB QAATO, ISBARASHADA KA SOCOTA MEESHAAN, DADKA MEESHA ISKUUGU YIMID BADI WAAN GARTAY, WAXAANAN GARAN NAJMA, IKRAAN, LABADIINANA BARASHO WANAAGSAN SIS,SIDAAS IYO NABAD GELYO ,WAA SII CARAABAA DHUL FOGAA ISUGAAYEE.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 06:49 am Soon wanaagsan Afur wanaagsan waa salaamantihiin dhamaantiin. Mukh adi see camal saaxib lahkoo taxaa faanoola ma ka marmato miyaa rageeto ni tee gojtaana luki noow la bililiqeeystey M.muse xamaa lagu soo raraa limuusin. ramka mukh xamaan qamlaayey da igoo sikmaayo la dahleeysid oo soob ka racbuunaneeysa lacanley daha maa si badeshey bro? Zak see macal lawaalkis loq iyo rabsadis aa lagu siihaa ee so ruug bro. Haye reer kisima noow xiiseen yimaa am la rakabee Dios lewi lamaaygi mu ku qamanyahay? soo barbarya he
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 07:33 am Salaan Diiran Zak, Horta weligey ma guurin oo Ijaar kuma jirin laakiin haddii aan guuri lahaa xataa wax aan kareeto ahayn kuma guureen waayo U-Haul kale maan qabnay? U-Haul-ka xaafadeena ugu fiican waxaa iska lahaa nin la dhaho Cali Kareeto. Marka Xabaani hadduu guuraayo mid kale ma raran leheen waa hubaa perche Discount iyo waxbuu raajicinaa odaga waa aqaanaa, haddana wuxuu dhihi lahaa habeenimo leen guuraa, illeen maalintii flash badan aa ku dhacaayo, marka maadaama eysan magaaladu nal leheen, wuxuu shidaayaa feynuusta ku xiran qoriga u dhexeeya dameerka iyo kareetada si eey dadku uga leexdaan. Aniga saaxibow U-Haul, Amtrak iyo Acel lagu guuro waxaaba maanta igala xiiso badan kareetadii Kissima. Najma Ar gooj, ar goooooooooj foqkaan M.Muse am sakayside gooj, dhahowna xawaan gusaa daigoo hedhaayo ar dimkaan naga leciya oo dim lake noo neeka, gamaciisa xawaa la hedhaa Laaqi Duguudow. Fiiri adi dadka dhan haddii aa rartid bacdi Fanole yaa u muslim eh, maya aniga ma carbuunanin Calanley oo iskuma ceebeynaayi sida dadka qaarkiis, ani buulkeyga Fanole ku yaalo aa igu ogtahay, halkaas aa waxaan ku sugaa dad tarxiil ah oo eey Calanley soo musaafirisay oo iska dhiibaaya Fanole, sheeko markaas eey taalaa, ninka markaas eey Carta Nascita-da weydiisanyaan waa ninka adduunka ugu xaasidsan oo waxaa la dhahaa Caato Cali, mana u maleynaayo inuu il naxariis leh ku fiirin doono dad markoodii hore ahaa defectors. Aaway yartii amooraatiga far yarada bidix ku wadatay oo nagu firdhisay haddana nooga tagtay ee Ikraan eheed.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 09:41 am soonqaad wanaagsan waan idin salaamey reer kissima waxaan u maleynayaa in soon warkiis baay waayo waxaa ka hartey dhowr & toban casho dad badana marti inoo yihiin sida ikraan oo aniga ii maleysay reer kissima sax ah baayo aniga waxaan ka imi baricajin magaalo la yiraahdo dadka ayuun baan aqaan maahee kama imaan kissima waan kuu xiisney oo carabkii baa ku raadinaaya saaxiibtaa jecleyd,aan wax ku weydiiyee aabahaa ma wasiir baa?adiga lee ii soo jawaab waayo dadkan kale ma fahmaayaane meykalna xaggee ka xigteen? anigana nin yar oo yar baan ahaaye isku filan hooyadey aa ii diidi jirtey oo liido inaan aadaayo u maleyn jirtey. mukha xabba waa guurey oo waa runtaa warkiisa waa la waayey najmaa ka wakiil ah oo xaley xaafaduu u guurey ayuu garan waayey,oo waxuu seexday isagoo aan is ogeyn sariirtii miiraaf,isaga iyo miiraaf ay ka dhex dhacdey. zaki khaliif waxuu joogaa nairobi wuu fiican yahey najma waan ku salaamey dadka oo dhan waad taqaanaaye walaashey is sheeg hee ani waan ku garan waayeye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 01:50 pm Ar see tihiin Meeshaan wax iska naxaayo oo shaah xataa ku siinaaya ma leh, bal waa ogyihiin meeshaan ka soo lugeeyay markaasay kugu sii caaynaayaan, iskaalso cadcad aan u maleynaayay kulahaa lolol@@@@ Mukha nin yaab leh aa tahay, haddana horaa iga seexinee miyaa, maxaa maqashay Buulo Obliko makhrib aa laga seexdaa maa maqashay. War reer Kissima aniga wax aan garto meeshaan waa ka waayay maxaa jira, ninkii la dhihi jiray Dios siduu malaay uga raadiyay Calanley maba soo noqonin ee xaaladiisa ha laga waraysto Najma reer Calanley afduub meey barteen. Zak iyo reer Isku Filanna meeshii wexeeba ka dhigaayaan fotormaanzo cajiib ah. Laakiin waxaa ugu daran ninka kareetada ku raray alaabta, meesha uu feynuusta ku xiray aaba wax kasta iiga daran iyo abriiqa kor ka soo dhacaayo. Soo barbarya ani waa iska sii laabanaa, soo dhoween uma jeediye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 08:58 pm waad salaaman tihiin dhamaan,wali mala la'yahay wax ka imaaday BIIFKA xagay ka baxeen, waxaan filaayaa in meesha ay ugu badan yihiin FAANOOLE iyo NAJMA oo CALANLEY ka imaatay, nabad iyo warsan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 13, 2000 - 02:03 am Waa salamantihiin dhamaan kissima. Mukha Hadaa rawkaagii la heley xaasiibadaa laxay xameey ii geesheen in yama yama now kaa laqeeyey dahii lake sheemtaan noow ka racaree da igana la aanta ba aar yawee. Mukha disaas muu takhar u yahay M.muse taxaa rasiista uu xeesanaayo am sakaaye yama yama xamaan ka qabaa in ribina uu xeesto rasiista hoyooyinka oo yaa keeneyla hedho ramka na iga noow ka noqdey. Wacaafe. Boowe Noow cidhi raktaa ni aad i sakeesid na iga disaad og tahayba xamaan degenahay lacanley samajidka Bashiir yaroow ga tiisa xamaan radis aheen ilmo Bacdi macoow iyo limo Rixsi dirir laakin lawaalkaa Laci ram uu ku sigtey ni uu ii qondo dumaashi ramka si aga disaas aan ku sakaa ni tiina lake am sakayi. Boowe Da iga noow ku saki lahaaye boowe fa kaaga ni aan fahmo aa igu adkaa boowe. Buulo Obliko. Da iga am li i soo dhaweenayo aa hedhi yimaa ramkaad fa urkii iga madheeysey laki xamad si ku mid tihiin aan u lameenaa dimkii martida ahaa oo reerka raashinka ka madheeyey hedheyna xamaa iga rixan apitatka oon soo rufanaa sxb na aka am ku hedheeno ha nagu soo qondhanin ee kissima3 rugigaaga yaawee ha is ramtiyeeynin. Biifka. walalkis xamaa la hedhey lacaacal xoow am kuu neekee si ka faadh na iga disaan u lacaacalayey lah kii ii naxariisteyna noow u jeedaa disa la igu ridey ramka la baqso diseeydo lake ama na iga iyo daiga noow si ku dhoownahee hal xaafad aan isla qondhano? Laaki naiga noow yaabee sikmaayo am baqdo yimaa lahkoo wadad ah oo bisha soon na waaniya cajiib? Inta jogta iyo inta qaman soo nabad ahada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 13, 2000 - 08:14 am Haye hadana waa ikan. salama yote. Wacaafe, Biifka, Buulo, Mukha, Zak, Ikraam iyo saxiibtay aan deriska nahay Najma Calanlay kuli waa salaaman tihiin. War niman yahaw xow am di'iin geeshaa, rofja-roofjada sameerka yio raqaarka ah sika faadha. Di'inka now go'ahay am soo ruugi ragtaan, xawaa lewa la gedan tihiin laawidkiin,lol, ramka baasiix yaalow faciin la soo dheela. Na iiga islaabuko aan ahay, sheemtaan baro aan u ruugi rakaa jiaar kana now sika xibin rakaa,now qasheeyaa. Am u ruugin xow lake noo go'tihiin sheemta qashadayda aa ka wodh. Raytaana Najmo aa baro xab hedh. yiada lee ii li'bijinaysa ram-amna ii reeyeysa. dahii ay barto redisnimo noo u la saamaa lukigiin now go'tihiin foqtayda xaway gedan tahay dabta gateeda.. kaalin now diinka baayee lahtaan qof xamaa lukigiin gu booganaysaan, disii ruciyaal lehay lah kumulaal(mukulaal)lol. war ka qaleeya. Sxbyaal waxaan isla degnay kajabaay iyo Baraanbaro aamn isla degnay xaafaddi hore kistoo mugdi ay igu noqotay, waxaan degay guri kadameeya Axmed janaale oo ay leeyihiin sacdiyo axmed garale, kana dameeya biibitada udhaw naasir dheg-dheg ee la dhaho ma hunduraw ee uu lee yahay yarkii bibiida ahaa. Marka haddii hadhaw waalidkiin i qabsanayn qol aa ka banaan anigaa idin damiinanaaya. Soo nabad ahaada .
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 13, 2000 - 11:22 am Waan idin salaamay kuligiin sidaad u dhantihiin magacyadiinana ma soo tirin karo waad badateen. M.Muse: Rawyaa xamaa riti naiga sikaabulo aan ahay,lol . xamaa rakoo riti sheemta qashadeyda aa ka wodh, iyaah shaqadaada xaafada landrover agteeda lee waayee ma najmaa kuu dhow. lol (joke). sxiib igu salaan (Ahmed Rambo) haduu joogo wali. Najma : Kaftanka ka saar runtaa miyaa sidaan aad u hadashay aniga diyaar aan u ahay in aan gurigaada u soo guuro dad i alaabta ila rarana waan heystaa oo waxaa jooga cawaafe,Mukha,M.muse,Biifka, buulo abliko,Dios,iyo Ikraan oo waliba guriga ku sii hormareysa oo nadiifineyso marka waalidka iyo gurigaba in aan akro soo ma wanaagsaneyn, xataa waxaan fiirin lahaa kareetada meeshii ay ka soo gali laheyd ileen calanley luuqluuqeeda meelo waxaa jirta ay kareetadu mari karine,bal waan kaa war sugaayaa. zAk.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 14, 2000 - 07:03 am Adduunow xaalkaa ba' "iskaabulaan ahay aa?? oo hadde islaantaan la dhaho Iyeey oo maalin walba Maxamed Macalin hor laafiyooneysa yaa qaba ani waaba yaabee, subax kastana wexey ka soo kallahdaa guriga Qaali kaba-cadde guriga ka dambeeya. Horta yaa deggen gurigaas" War aaway ninkii B/Obliko ahaa, ii wad sheekada. haye, Zak, war guriga waa qalabaysanyahaye mexeey tahay alaabta aa nagu rareeysid, naga daji bal waxa culeyskeeda, xaarinkaan horta iga qabo maba arki karee, oo dooradana intee u wadaa? u dhiibo duqdaan dariskiina ah ama waliinjada ku rid, dacaskaan xarigga ku xiranyahayna iska dhig, saan maa Fanole uga imaatay yaa lagu dhihine. Cawaafe Alla ninyahow maxaa talaabo dheertahay, isku filannna ma ku labneyd? Najma Horta saxibadey waa ku kalsoonahay, laakiin wax anaka caadi noo ah lee amaa adi ceeb u maleysay, waxyaalo badan aa jira oo Fanole caadi ka ah oo Calanleyna ceeb ka ah, marka waxaan rabaa inaan ogaado markey kuu sheegaayeen ma naxsanaayeen mise caadi ey ahayeen. Hadday naxsanaayeen xaajada waa xuntahay haddii kalena waa arrin khafiif ah. B/Obliko Saxib hadde wax lagu soo jeedo B/Obliko waxaan u maleynaa maba jiraan, mar haddaa weylaha xereesaan, lo'dana la liso, xoogaagiina cambuuladana aa isku shubtaan maxaa idiin yaalo. Ar jameeco soo barbarya
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 14, 2000 - 11:02 am waad salaaman tihiin waa caaqilkii oo soo daaley alaabtii aan la qaadney zak wey cusleyd garbahaa i xanuunaaya wax noo riixriixana ma heysano aniga iyo mukha. waxaan rabaa inaan idiin sheego gabadhaan najmo ah inaan nebcahay sababtoo ah hadba mid bey leedahay guri banaan baan kuu hayaa mid kastana aniga iyo mukha nala arkaa kaaley saaxiibow alaabta ila qaad caafimaad ma jiro. mukha aniga waxba gabadhaan igama taqaano zak aa dumaashigeed ah waxaan soo ogaadey iney ikraan iga weyneyd ee reerka ayey taqaanaa. xabba mukha maxaad ugu sheegi weyday iyeey inuu qabo walaalkaa kaa weyn ee maxamed muuse wuu isku kiin qaldaayaa. ikraan su'aal aan ku weydiiyey iigama aadan soo jawaabin si aan kuu garto. soo hirgala hee soo dhowaada ha cararinee
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 15, 2000 - 02:02 am Waa salaamantihiin kissima dhamaan. M.M.A ha haa adoo kale kii bagdhaha raadinaayey yaawe iljabis laki dahii ku soo ruugeysid yaaba ku lehi kara saaxiiboow xamaa baajineysaa xoowgii la soo dawey laakin madaama aa riti foqdeyda xamey gedantahay dabta lawaalkis si ka liaali iljabiska aan lagu soo reyinee. Zak Waxaaba tahay nin culus inta raridaada diyaarka u ah aaba i cajabisey ee qolkaaga iyo barsadiisaba diyaar aayaawe yaa da iga iyo mukh neeb neeb da iin geeshi raka xamaan tihiin The best of the best. Mukh Thanks in aad igu kalsoontahay saaxibada waxaan ka maqley ma laga naxaayo caadi mey aheen ee kii qosol ahaa waa la ilmeeyey aan ku dhahay. (waxyabo faanoole caadi u ah aa calanley ceeb ka ah) waa yabey Mukha saasa hadana waaba noo dhameeysee see camal inaa ku soo hindhiso maa rabtaa awal madaxaa i saarneedee? Wacaafe Walaalkis inte iga aragtey waa ku nacay aa waaba iga ooysiisey maanta weligey ereygaa li ima oran ma ogtahay in aan ani iyo adi dadka isaga dhawaan gaarney oo mar xidid noqon gaareyn see camal saaxiib waaba qaracsanahay maantacuno maba cuni karso nabad ahaada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 16, 2000 - 02:19 pm Asxaabta waad salaamantihiin, Waa ninkii Canjeel oo idin Ramadaan Kariim. Baryahaan mugoo warkayga ma la maqlin, laakin haddaan soo rogaal celiyey. Runtii aad baan ugu faraxsanahay in karbuunada aanay wali damin, sheekada ah in la sameeyo web gaar ah oo real reer Kisima, waan soo dhawaynayaa. Mukha saaxib, ii ogolow in aan anonymous iska ahaado,wakhtiyadii dambiga la galayayna waan ka soo maqnaa somaliya, oo haddad dib u eegto qoraaladii hore waxaan somaliya ka soo baxay 1977. M Muse, Xabbani waan ku salaamay, Brazil gabdho qurqurux badan baa kaaga horeeya, laakin ma aqaan i madqo laga helo! what ever dhamaantiin RAMADAAN KARIIM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 16, 2000 - 11:06 pm Waa salaaman tihiin rag iyo bilaanba. NAJMA caday salaanta adaan kuugu hor marinayaa. aniga deriskayga aa tahay, fumadana taxaa xawaan ka dagtaa rugiga Saciid Jumbi ee ay kugu yicaari raka. Biifka saaxiibow soo dhowow. Reer biifka waa raadinaynay. Ar suuqii ka waran iyo derbigii iskaashatada.Bakhaarkii Maxauud Ciis, makiinadii cajiinta ee Cabdi Afiilow iyo firshadii loda ee u dhowayd dugsiga waamo, bibitadii Xawo Abshir iyo macdaarkii Caley Muufu, kareetadii Xuseen Jaamac Xayir. war nin yahaw bal noo waran. Canjeel: war inteed gashay. awalba waa taa soo lugayn jitaye haddii wadadii biibi roob gooyey inta aad wax yar kor ka martid beerxani mugaad ku soo dhaco darmaha(intersection)bidix jiraha hic la dhahdeed walax dhinix mugaad socotid ku dhacdeed qoraalka wayn ee cagtaa la hel,sida iyo sida adoon dhihinaad casar liiqii kishmaanyo umaan lahayd. Saaxiibayaal: Canjeel,Buulo Obliko iyo Biifka waxaan idinka codsanaynaa in aad isu keen sheegtaan, waayo wax badan bay furfuri lahayd. Dad badan oo aanaan ogayn in ay nool yihiin iyo in kale, ama meesha ay ku nool yihiin baan ayaan is warsan lahayn. idinka iyo anagana waaba ka dhunaye waa is heli lahayn. Haddii aad xujo nooga dhigaysaana bal wax iftiin ah (hints or/and clues) na siiya si aan dib ugu noqono waayo waayihii. Zak waxaan kula socod siinayaa in Rambo iyo reer koodii ay mar hore u guureen Colombus,Ohio. Balse anigu madegani Landover, waxaan deganahay Riverdale. laakiin waa isu dhaw nahay. ok. Dios iyo Ikraam ma la hayee siyaaro may aadeen. Nabaay kuligiin ba waa waqtigii saxuurta . CU.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 19, 2000 - 05:35 am Najma Sug bal ha i hindhisine, qof si uu wax u yiri ayuu qof kalena si uu qaataa, markaan ku dhahaayo hadalkaas waxaan ka wadaa idinkaaba naga asalsan oo annaka waa milmanay, taasna waxaan u maleynaa inay amaan u tahay Calanley. Midda kale ninka la dhaho Salow ama (Cabdi Dheere magacaan waa magac loo yaqaanay waagii uu askariga ahaa), waxyaabo badan oo waxaa jira aan la xasuusan oo kaligiis uu xasuusto marka iska ilaali. Naw goahay niaan nidhacaaga xadhan iga soo legeynin ee iga tiiri. Maxaadse ugu sheegi weyday inay ka soo qayb galaan aqoon is weydaarsigaan. Caaqilka waxaan dhihi lahaa aniga ma dhihin Iyeey hebel baa qaba kaliya waxaan ka shakiyay guriga eey ka soo baxdo yaa deggen oo ka dambeeya Qaali-Kabo-Cadde, waa su'aal basiidh ah. Midda kale adiga laftaada ma waxaan kugu ogeyn Splendid mise Isku Filan. Ninkii B/Obliko ahaa oo karbuunadii intuu galoobkii ka gubtay fadhiya meeshii dhuxusha Cali Mukulli ee jaanka u dhoweyd, ayaa dad ku soo mareen. Canjeel Ninkii aad leheed isku lot baan eheen ee Xabbaani waa kuu keenaye bal is wareysta, anigu illaa hadda sababta aad la dhuumanayso ayaan garan la'ahay War soo nabad ahaada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 19, 2000 - 07:06 am Kissima News Flash!!!!! Wasiirka Ciyaaraha iyo Isboortiga ee Dawladda ku Meel Gaarka ah Cabdicasiis Mukhtaar Macallin (Qariidi) oo la shiray kaadiriintii Xisbigii Hantiwadaga............................................................................... check the news page.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 19, 2000 - 11:58 am Waa salaaman tihiin kulligiinba. Mukha; shalay aan akhriyey warka wasiirka ciyaaraha ee DKM ah. waan shakiyey waxaan u malaynayaa in uu san ahayn Qariidigii aan kasayo. In kastoo ay wax walba suuragal tahay hadana uma malaynaayo kii aan kasaynay . Horta magaca hore iyo magaca dame wuu lahaa lakiin kan dhexe ma hubo.magaca Qariidi na dad badn baa la wata , aniguba waxaan aqaanay Qariidi H/W xAMAR DEGAN. Mukha. tan kale gurgeena deriska ma u soo laaban karaan. dab iyo biyo ka soo doonan karaan. qofkii ka soo baxa xaas miyaaa. ar Mukha see waaye armaad hadana ii guurisaa Xaawo Dhiisi ama Shaaciyo. Xanaaq dartiis xataa waa hilmaamay in aan deriskayga hor salaamo, Najma nabad miyaa. Mukha. Canjeel meelahaas ayuu ku wareegayaa warkiisana aan ku siiyo horta reer faanoole ma aha ,banoonigana kuma fiicnayn oo ma garanaayo kooxdii Digri,Cabuudi, iyo Cali Yare ay u dheeli jireen. Waxuu ku kala sheegay munishiibiyo iyo Kujuu.Waxaanu malaynayaa in uu ahaa reer kab genka iyo zonaheeda, waxaana u malaynayaa in ay isku asxaab ahaa yeen Kirbaag oo ciyaal seerjito ahaa. Dadka oo dhanna waxuu ka gartay Nuur Cabdi Obsiiye oo reer shaqaalaha ah. Sheekadiisa markaan akhriyey waa u dhawdahay in aan isku lood ahayn, balse lama garan karo waayo(hints & clues) kuma siinaayo.Horta gobalada kama uusan imaan waayo dad hore ayuu yaqaan. ama lood uu iga koreeye ama iga hooseeyey. N. America na kuma uusan soo hormarin, carabaha ayaan qiyaasayaa in uu joogi jiran. Dadkii maraykanka waqti hore soo galay waan xasuustaa sida, Xasan Cali Biniin, Xasan Seef, Aadan Katooliko,Cusmaan Ahmed Shido(diifle), Maxamed Cabdiraxmaan Carabeeto etc. Reer shaqaalaha in tii dibada soo aaday badan kood Yurob ay aadeen,sida Khaliif Foorno,Nuur Yariisow, Shaafici etc. sidaa darteed Canjeel waxaan u malaynayaa in uu carabta joogi jiray. It is not easy to recall someone slipped through your finger in an un certain time. Moreover our lost body neither feel comfortable to unveil his identity nor he is giving us some hints or clues if we are willing to dwell the past. luckly, knock a wood(dhegta is qabo) he is among the "DHALATUU" native, so drop all the worries. Zak, Wacaafe, Buulo,Isku filan,Ikraam,Biifka iyo dhamaan inta keli ee aanan xusin iyo inta akhrisata CIID WANAAGSN waa soo homariyey. Haddana AFUR WANAAGSAN. CU.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 01:39 am Waa salamantihiin reerkismaayo aniga kismayo ma ihi laakin waxaan jeclaan lahaa in aan la xiriiro asxaab aaan ku lahaan jirey oo aqoon meel ey joogaan kuwaas oo ah ardeydii aheed gurmadkii ugu horeeyey oo ka soo baxdey Ganaane hadi aad ku jirtiin ama aad taqaanin fadlan i siya meel aan ka helo waa mahadsantihiin. beejkiinana waxaan u arkaa mid aad u wacan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 20, 2000 - 04:17 pm Afur wanaagsan rag iyo bilcaanba. Sagal ku soo dhowoow bugo. Waad ku farax sanahay boqasha daada waana ku mahadsan tahay amaanta. Waa jeclaan lahayn in aan kaacaawino akhbarta saaxiibada aad warkooda iyo wacaalkooda raadinaysid. Balse nasiibdaro wax magac ama magacyo ah maadan dhaafin. Halkoo xataa ma ka xasuusataa, dad waxaan qabnaa Mukha uu ka mid yahay oo waxii waahore dhashay iyo waxii 99 dhashayba wada yaqaan oo la fac ah. Deriskayga Njma adaa salaanta ugu xaqle ee see tahay? waan ogahay kuwo badan oo aan guuri karin oo weli waalidkood la nool aa maseeraaya markaan ku salaamaba ee waxba ha u arkin warkooda. Mukha, Dios, iyo Zak ma fiicna habeen kasto marka aad soo daahdaan ee albaabka la idinka xirto inta aad fadhiisataan meel jiro ah oo aad ku sugtaan in uu soo maro qof aa kasaysaan, idinkoo cabsi iyo xishood la walwalsan intaaad ka daba orodaan idinkoo leh "Adeer, adeer magaciisi" reerka naga maslaxa kistoo aan masaajidka ku soo daahnay , albaabkaa nalaka xirtay, beentiina. INTIINA KALE, KUWA HERI.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 06:44 am Ina Muse, Allow maxaan ku arkay adoo raggii ragga ahaa oo day, intay bahal dumnad ah, day hadda wiilow, wagagacda isku haya oo ay taagantahay meelihii rag ku kala hari jiray adoo inta dhexda ka soo gashay docadocaynaya. WIIL-WAAMO. Intaasu waa raggeedii. lololol@@@@@@Xaawo Dhiisi waa dhimatay Allaha u naxariisto, laakiin Shaaciyo maxaa ku diidee, Alla ninyahow maxaa wax aan loo joogin lagaa maqli jiray weligaa. Damn you Xabba "SHACIYO" ![]() Najma Darisnimadaan sanka lagaa galinyaao ma ka cabsatay, saasaan ku heynay illaa Kissima. Riifi Bacdi Redhe am ra'agtay, gamacaas saxuusi dahaad ra'agtid, roogmaa galuu xibiyay deewii, dahuu neeb kuu geeshana xawaa hedhtaa dadkii go'aa ramkii rexada reesjitada galugu xibiyay aa goojaan daigoo badle oo ragaado lewi galuu yiisin. War ninkii Dios ahaa waxaa la leeyahay siduu suuq weyne malaay uga doonay waa ku maqanyahaye Najma bal meelahaas ka soo fiirfiiri adaa ka dhow xaafadee, waa nin dheer oo bidaar leh oo jaale (huruud)ah midabkiisu, waa gurranyahay, wax astaan gaar ah ma leh. Qaraaboy soo nabad ahaada (& ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]()
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 07:53 am Waa salaamantihiin asxaabta badatey oo halhal loo soo qaadi karin laakin daris xaq aa la dhahay qiyaame waa lagu weydiinaa M.MUse waa salaamantahay, Mukha adna wa salamantahay laakin ha welwelin bro hadii arki laheed lee M.Muse inuu idin soo noqdo aa baryi laheedeen dabcan waxaa la arkaa in waagii hore dhib low ahaa ani camal laakin hada daris ka fiican ma leh xushmada, salaanta subax walba waayaabee....Mukha adi intee igu soo dareerihee dadkaasna reer faanoole inta joogta aa ok ah soow ma ahan. mida kale cabdi dheere nigteenkiisa aa isniin walba u taagan oo prograam dhan uu weriye iyo qabanqaabiye u yahay oo marku magaalada maraayo dadka daba ordooyo oo leh i samee saxiixaga waa yaabee maalmaha kalena waxaa la dhahay isaga iyo muraayadii aa walaaloobey oo is jeegaren u ku jiraa iyo dhex dhuujis sida wiilasha faanole lagu yaqaaney.... ee ismaa i yeelaaba.Dios iska dhaafa warkisa dad aan ogahay aa xereystee markuu na soo xasuusto aan sugeynaa lee.aawey dadki kale Wacafe and Zak. Sagal ku soo dhawoow kisima cadeey waana ku mahadsantahay amaantada hadii asxaabtada aad magacyadooda sheegtid dabcan waa la garan ee soo sheeg. soon waa tagey iid aa na soo food heysa ee iid wanagsan och trevlig helg hej då
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 11:09 am wadac wadac yaa ramadaan berri danbe iid waaye su'aasha toddobaadkan taala waxaa weeye yaa codkiisa halaasiga ah ku luuqeyn jirey? kooxdee ayaase u tumi jirtey? sida aydin la socotaanba waxaa inagu soo food leh ciidii oo ku beegan toddobaadka soo socda,waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo in la iska bixiyo fidradii. mukha wali waad i aamini la'adahey isku filan waxaan mari jirey markaan liido u socdo. najma walaashey gacaliso ma anaa ku nici kara xaashaa kuli laah walaalkey dumaashidiisooy wax kalena kuuma aanan oran waan necbahey m muse aa rartey zak aa tiri qolbaan kuu hayaa alaabtiiyaan la soo rarney dhabarxanuun aan ka qaadney ilaa iyo hadda waan ka sheegtaa raalli ahow walaashey gacalo waan ogaa soon bey aheyd inaadan maalintii wax cuni karin laakiin si fiican ma u afurtey. sagal waxaan u maleynayaa dadkii albaabka kismaayo deganaa aad bey kuu soo dhoweeyeen wax loogu mahadcelinaayo ma aha howshooda waaye hadda wixii ka danbeeya isma arkeysaan waxaad la kulmeysaa madaxda sare waa mukha iyo wacaafe waxii intaa dheer waxaad la xariiri kartaa dios oo fasax yar ku maqan. dhamaantiin soo hoyda
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 22, 2000 - 10:42 am Salaama tutti Ciid wanaagsan horta dhamaantiin, idinka iyo inta aad jeceshihiinba. & ![]() ![]() ![]() Wacaafe, markaa liido u socoto maa martid jid caddaha hor mara farmashiyaha Qacle, faduul, maxaa kaa riday meel daran iyo reero muskood. Asxaabey fasax gaaban ayaan u socdaa marka haddii aynu is arki weyno nabadey, waxaan Allaha awooda leh hadduu idmo ku soo noqon doonaa Bisha Jan. 2deeda 2001. Soo hergela
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 22, 2000 - 01:05 pm Wacan oo Wanaagsan reer kissima meel kasto oo aad joogtaanba,ani ciida meel aan ka deganaay, waxaana la joogaa F/Jano iyo Mwaambe,waloow markoo hore aan ku caasiyay oo aan ka soo jeexay abantuuro. M.MUSE, warkaa keen,adi kii dhulka-diidi jiray maa tahay? alla maxaa rag inaga lumay oo laga sheegaayay, Turdho iyo Afmadoow intii u dhaxeeyso,wixii idin geeyay waa leesku heestaa,madaxaa adeegso.soon wanaagsan, afur wanaagsan, iyo weliba ciid wanaagsan,haddii hal xiraalaha aad kasti soo jawaab. nabad iyo caano
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 25, 2000 - 09:18 am Hej Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay beejkaan wallooow aan dib ka arkey dhallintiinana qaar kood waan aqaanaa . Laakiin waxaa u badan tihiin ciyaal faanoole anigu kismaayo waxaan kadaganaa calanleey aaga Baaqbaaq . balse maadaama aan daganahay Stockholmwaliba Rinkeby isma lahayn dhallinyarada qaar baa ka maqan ka hor intaan beejkan soo galin . Maadaama aan dagdagsanahay waa inoo mar kale BYE.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 26, 2000 - 09:40 pm CIID WANAAGSAN! CIID WANAAGSAN! CIID WANAAGSAN! WAXAAN HANBALYO IYO BOOGAADIN U DIRAAYAA, DHAMAAN MUSLIMIINTA ADUUNKA OO DHAN , SIIBA DHAMAAN SOMALIDA MEEL KASTO AY JOOGAAN, GAAR AHAAN REER KISIMA MEEL KASTO AY JOOGAAM, KHAASATAN DHAMAAN SAAXIIBADA BOGGAAN KU KULMA. WAXAAN ILAAHAYNA NOOGA BARYAYAA CAAFIMAAD,CIBAADO SUUBAN,CIMRI DHEER IYO NABAD GELIYO BUUXDA IN UU NASIIYO SANNAD WALBA. HAYE SAAXIIBAYAAL WAXAAN FILAAYAA IN AAN GUUL KU SOO DHAMAYNAY JIHAADKII AAN KULA JIRNAY NAFTA BISHII DHAMAATAY EE SOONQAADKA AHAYD. WAA MAALIN WAYN OO FARXAD LEH. WAA MAALIN AY WAAJI TAHAY IN LA ISU HANBALYEEYO. WAA MAALIN LOO BAAHAN YAHAY IN LA ISA SOO BOOQDO. WAA MAALINTII LEBISKA, IS CARFINTA, CILAANKA IYO QADAABKU AY SUNNO TAHAY. ANIGU WAXAAN IDIINKU TALA GALAY MABA LA SOO KOOBI KARO EE HADDII AAD DHAMAN WAYSAAN HORAY UGU SII DUUBTA BAC YAASHAAN MIISKA SAARAN. KU SOO DHOWAADA: muufo iyo beer, sanbuusi iyo baajii, kac-kac iyo kutumbuwe, mushabag iyo malabis, xalwo iyo xalwa naasi, i cun iyo shuu-shuumow, macsharo iyo mandhaasi, qaxwe iyo tangawisi, shirbeet, tamarindi, mandariini iyo maw-maw etc. Caawana filmaan cusub aa socda oo ka ah hindi, kaaboy iyo ajente. anaga hadaan reer calanlay nahay waxaan ku jirnaa hindiga cusub ee atoorihii faaris oo ka soda shinema ummadda.waa la isku tumaa safkana waa dheer yahay ee boos la'aan yey idinku dhicin maqribkaba ha la sii tago. Tan kale; waxaan xasuusin lahaa(khaladba ha igu ahaa tee) in magaaladii kisima ay macayshadu ciriiri tahay sidaa darteed ha laga war qabo qaraabada iyo saaxiibada siiba kuwa aan dibadda loo joogin. waan ogahay in qof walba aan loo sheegayn daryeelka iyo ka warqabka waalidka. Ma soo wada koobi karo magacyada bogaan soo gala ee nabadgelyo iyo mar labaad ciid wanaagsan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 28, 2000 - 07:56 am Ladn Waa ciida ciida mantaa haloociiyaro manta Musliminta ciid waangasan melkasta aad joogtan. War nimanyahow waxbaad ixasuusiseenee Dr Cali cawaafe manool yahay Marka aan maqlay buuloabliko waaqoslay oo waxaa xasuustaa Iisha gacaamay. war manoolyiin ayagana dooli iyo shiideye rooti,Bayaax waxaa ku arkay Danmark asga oo laba naag isku guursady
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 29, 2000 - 08:16 pm haye kuligiin waan idin salaamay iyo CIID WANAAGSAN reer kisiima oo dhan. kaalaya intuu ka baxay zak soonkii maa qarsaday masee sida meesha ku cad Najmuu la dagay oo reer calanleey uu noqday zak hadii qol saas u eraadineeysid gurigeena xataa mid aa ka banaan ijaar xataa ma lagaa rabo FREE ku dag. byee hee kuligiinoow. Ikraan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 01:07 pm M.Muse, wixi fariin iyo waano ah adigaa dhameeyay, kuna mahad sanid wax garadkiyoow. nabad iyo caano
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 31, 2000 - 07:00 pm SANAD AMA SANNAD WANAAGSAN! DHAMAAN UMMADDA ADUUNKOO DHAN MEEL KASTOO AAD KU SUGAN TIHIINBA. GAAR AHAAN SANNAD WANAAGSAN UMMADDA SOMALIYEED EE KU NOOL DALKA IYO DIBADDA. SANNAD WANAAGSAN DHAMAAN SAAXIIBADA SOO GALA BOGAAN EE REER KISMAAYO AH. WAXAAN "ILAAHAY" NOOWADA BARYAYAA IN SANNADKA CUSUB HRETIDIISA NAGA BADBAADIYO KII TEGAYN HARAANTIDIISA NAGA MOOTIYO. SANNADKA CUSUB ALLAHA NOOGA DHIGO MID WATA CAAFIMAAD, BARWAAQO, IYO NABADBA. YAAB! WAQTIGU ORAD BADANAA, WAXAY IILA EGTAHAY 45 MAALMOOD LEE IN LAGA JOOGO MARKUU ADUUNKU KA WALWALAAYEY Y2K OO HADDA SANNAD UU KA SOO WAREEGTAY.AR SAAXIIBAYAALOW WAABA NALA WATAA YE HA LA IS DABA QABTO OO CIBAADADA HALAGU DADAALO. SAXIIBADA CUSUBOW KU SOO DHOWAADA BOGA WAA IDIIN FURAN YAHAY. XAMARDAYE: WAA SALAAN TAHAY. AR NIN YAHOW MA GARAN KARI MAGACAAN. IGA RAALI NOQO HADDAAN AF ADKAADAY.XAMARI AYAAN DHAHNAA QOFKII XAMAR NOOGA YIMAADA EE XAMAR-DAYE WAA IGU CUSUB YAHAY. WAXAAN KAA RAJAYNAYAA IN AAD ISKAY FAHAN SIISID HADAAN KU GARANAAYO MARKA DAME EE AAD SOO BOOQATO BOGA. NAJMA: ADIGAAN DADKA KUUGU HORA SALAAMAA EE SIDEE TAHAY? DERSOW WAA LAGU WAAYEY EE INTEE GASHAY. AYAAN TAAN XAAFADABA KAMA DHEERAYN OO SOON AY AHAYD. DEKEDDA SAALAX ARYO, SOMALI STAR IYO GURIGII SACIIDO DAADIYEY LEEN U DHAXEEYEY MANA KU ARKIN, EE SIDEE AHAAN WAA YE? MUKHA: JUUJE WIIL AYAA U DHASHAY, WAXAA LOO BIXIYEY MAXAMED. CAAWA AYUU ISOO WACAY 12-31-00. GAYWEERO WAA NABAD QABAA WELI WAX UMA DHAMAAN. ZAK, DIOS, CANJEEL, BULO, BIIFKA, WACAAFE, WAR INTEE KA BAXDEEEEEEEEEN???????? LADAN: SI DAAN OGAA CALI CAWAAFE WAA NOOLAA, WAXUUNA JOOGAA KENYA. WAXII AKHBAAR INTAA KA FAAH-FAAH SAN WAXAAD KALA XIRIIR KARTAA WALAALKIIS OO BOGAAN LAGA HELO.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 12:00 am Asalaamu caleeykum kuligiin reer Kisiima. fadlan waxaan idinka codsanayaa markii aad akhrisid massagekaan in aad u wareegto Kisiima 4 si aan halkaa ugu sii ambaqaadno Bogga waadna ku mahadsan Tihiin dhamaan. "HAPPY NEW YEAR ALL KISIIMA PEOPLE" Please see aad (Kisiima 4). zAk New York.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 09:33 am The new address of KISIMA is http://communities.msn.com/KisimanetCommunity
|