Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: BURCO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fuaad

Wednesday, November 29, 2000 - 12:04 am
RAMADAAN WANAAGSAN dhamaan reer burco waxay nasiib u heleen in uu bogani u furan yahay oo ay ku kulmi karaan dadkii asxaabta ahaa,wada dhashay,isjeclaa iyo kuwii danaha gaarka ahiba ay ka dhaxaysay ee aan mudooyin badan war kala helin.
gaar ahaan anigu waxaan warkooda raadinayaa dhalinyaradii reer hodan qaylo ama dugsiga sare ee 15 may hadaba cidii magacayga iyo muuqaygaba taqaanaa ha igala soo xiriiraan bogan hana iigu dhaafaan halkaan kala soo xiriiri lahaa waanad mahadsan tihiin .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdulahi

Wednesday, January 10, 2001 - 08:56 am
waad mahadsan tihiin dhamaan reer burco waxaan daganaan jiray burco mudadii u dhaxaysan 1980-1983 dii waxaan daganaan jiray xaafada shacabka waxaan dhigan jiray dugsiga hoose ee siida waxaan daganaa xaafada shacabka sidaad kor ku soo sheegay waxaan aad u jeclaan lahaan inaan maqlo asxaabtii qaaliga ahaa ee ciyaalnimada gaar ahaan ilma abiib xadi ee aabahood haysan jiray somali airleenta burco iyo ilma xaaji abdi oo aabahood haysan jiray wasaarada hoowlaha guud iyo waliba ilma xuseen taarwale dhamaan dadkaas oo aan daris ahayn barigaas wixii ka danbeeyay war kama helin.
fursad dahabi ah ayay iinoqon lahayd hadaan ugu yaraan helo meel ay ku danbeeyeen xataa waxaana daganayn guriga u dhexeeyay xaaji abdi guuleed iyo xuseen taarwale.saaxiibayaal aad ayaad u mahadsan tihiin hadaad dadkaas warkooda heshaana meeshan fariin ama emailka iigu dhaafa nabad galyo ma oranayo ee nooli kulanti wacan.