We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 03, 2000 - 10:26 pm Markaan kasoo degtay baabuurkii xamar iga keenay ayaan geesaha eegay!!! waa saro wada cadcad, war meesha ma taajiriinbaa isku aruursaday? mayee dabaqad kasta waa la,iiskugu jiraa, "ee maxaa cariish iyo jiingad looga waayey? waa laygu qoslay waxaana laygu yiri "meeshaan inaad jiingad ka dhisato waxaa ka raqiisan inaad dhagax ka dhisato sababtoo ah Ilaahbaa ugu deeqay dhagax isticmaalkiisu fudud yahay, meel dheerna ka jerinmeysid ee waa uun geestaada kasoo haabo, magaalada bilicdeeda waxaa sare u qaada labada balli oon xareeddu ka gurin magaaladana ku harqiyo saxansaxo udgoon, bal adiguba iska qiyaas labadii geed ee Ceelbuur- ku yaalle ahaa oo intuu mayay helay xareedduna labada dhinac ka fadhiisatay fiid qurxoon iyo carjun bixiyey! dabeylbaa dhanka bari ka timid oo hadba dhan u ruxda! tolow ma ciyaarayaan, miyey isu baaqayaan, ma hilow bey isu qabaan oo hab ayey isa siin rabaan, intaasi iigu filan qalbi raaxadiis iyo indho daraandar, dad ayaa igu yiri labada geed waa lab iyo dheddig aniguna waan ku raacay, Alle ha u naxariistee fannaankii weynaa Salaad-derbi oo ku dhashay harkooda ayaa ku halqabsaday heestiisii ahayd "cidla lama ammaanee Ceelbuur-ku yaalley ceynkiisa leedahay" mindhaa quruxdooduu ka yaabay markaasuu misaal uga dhigay gabadhii uu jeclaa, galabtii aan ceelbuur imid galabteedii dambe ayaan socod ugu baxay daafaha magaalada, lugta ayaan dhulka u quuri waayey, ubaxa iyo nabaadka curdunka ah ayaa nafteyda damac ka galay, gabbaldyaha iyo nagaarka dihin, "war ninyahow ma runbaa mise waad riyooneysaa? anigaa is weydiiyey, waxaan soo xasuustay gabay uu tiriyey abwaan reer ceelbuur ahaa oon waa hore ku maqlay xamar asigoo leh, sidii gaagur geed lagu raroo gamashi deyreeda ka gu,iyo gu,yaal badan waxay gudub u saarraato shinnidoo galsheytiyo wuxuu malabku gaaneysto markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho ninkey gaajo heysaba markii llogu gacan haadsho karanluhu (murusade) geddaa weeye iyo gallad ilaheeye. ..................................... gabaygu wuu dheeraa waxaanse u qiray inuu gabyaagu ka runsheegay faanka beeshiisa, markaan u dhoolla caddeeyey xasuustii gabaygaas ayaan geesaha eegay dhulka cagaaran iyo fardaha dananaya ee la moodo iney beratamayaan, quruxdaas rabbaaniga ah ayey nafteydu u qushuucday, markaan samada eegayna waa shimbiro xuur iyo gobyahan dhoorre ka mid yihiin oo iyagoo boqolaal nuuc ah samada ku meereysanaya! waxaan hadba dhan jalleeco waxaan farxad iyo reynreyn ku jiraba qorraxdii ayaa dhacday, nalbaa meel kasta ka bidhaamay! "war naasirow waa maxay hugunka iyo qeylada aan maqleyno" markaasuu i yiri bal ina keen si uu iisoo tuso, illeen waaba dhallinyaradii reer-ceelbuur oo wilasaqo iyo waalo gacan-dhowr meel kasta ku qabsaday, "war naasirow xaggee dhallinyaradu kusoo barteen ciyaartan? waa hiddaha iyo dhaqankeenna; "waan ogahay laakiin ciyaar wanaag luguma dhashee xaggee lagu bartaa? barasho uma baahna haddaa dhowr habeen fiirsato adigaaba ciyaari doona laakiin waa markaad caana cabto oo qarastii xamar kaa baxdo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 04, 2000 - 07:26 am afkaaga caano lagu qabay qoslaayow waxaan marqaati kaaga ahay runta aad ka sheektay.waxaa la yiri ron sheeg qof kuu marqaati furo ma weeydidee saaxiib markaan aqriyay dhambaalkaaga waan jiriricooday waa sida aad u sheegtee qof tagaa oo aan amaanin waa la waayay.waxay iila ceeyn tahay sida geed caleen lahoo cusub uu ka baxayoo geedaha caleentii ay midiba ceeyn tahay, ama laanta canabkoo hoobaan laciirtiyoo cagaarkoo iftiimoo caleen ubaxa bixisoo cidi daaqin weeyee. saaxiib halkeed ku maqashay geerida salaad darbi sadax bilood ka hor waxaan live u daawaday show uu ku dhigay magaalada london ee wadankan Eglan. sidaas iyo ismaqal danbe.wabilaahi towfiiq.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 02:03 am QOSLAAYE saaxiib ma qoraa ayaa tahay, waxaan la yaabay sidaad wax u qortaye. saaxiib marka hore SALAAD DARBI geeridiis ma maqal. ceelbuur waa sideedii baliayadii waa buuxaan rahiina habeen iyo maalin wuxuu ku hayaa qaq, qaq, qaq saaxiib NAASIRKA aad ku halqabsatay ma naasir axmed geediyaa, Alaha u naxariisto isagoo CAP DRIVER ah ayaaa niman jamaykaaan ahi ku dileen LONDON. xageed joogtaa?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 03:47 pm Reer Ceelbuur, waa salaaman tihiin. Qoslaye, war nin yahaw been badnidaa. Haddaa faanaysidna waxaa lagu faanaa wixii jira ee runta laguma daaho riyadaada. Afarta guri ee uu seddex leeyahay Sh. Maxamed oo laga dhisay hantidii siyaarada miyaa afar irdood iiga dhigtay. Cariish lagama helo waa run sababyuna waxay tahay dhir lagu dhiso in la helo ayaa ka horaysa cariish dhisidda. Qofkii ku cusub beledka haddaan loo sheegin in uu kabo kooyo ah qaato habeenkii hadduu socdo ciddiyaaa baxa. Ninba waa aragtidiisee balse xaqiiqadu waxay tahay: 1- Hal ceel ayuu dadku ka cabaa. 2- Beledku waxuu ku yaal meel cad oo cagaarku ka bixin. 3- Biyaha baligu waa dhanaan waxaana ugu wacan waxay soo maraan dhul nabaad guuray oo cusbo miiran aah. Khudaarta wax lagu dalacdo Xamar ayaa looga keenaa 4-Waqtiga maalinta ah haddii aadan ookiyaale gashan dhluka ma fiirin kartid. 5- Suuqa baramaha ku yaal markaad taagan tahay, baaxadda beledka afartiisa jaho waa 1/2 kilometer. 6- Kuma arkaysid oo lagama ba helo bisad ,ay, dabacadde ect. 7- Hal nin baa isku dayey in uu beer khurad ah ka sameeyo meel u dhaw saldhiga booliska,waa u socon waysay waayo dhulku waa nabaad guuray oo waa cusbo. 8- Waa meel aad iyo aad u kulul maalintii waxaadna ka garan kartaa hab dhiska guryaha waayo labo irid ayay ku leeyihiin labada dhinac si dabayli u soo gasho, dariishaddu kuma filna, habeenkiina aad u dhaxan badan tahay. 9- Tuulooyinka u dhaw dadku waxay abuurtaan digir, BELEDKANA CUNTADU WAA DIGIR IYO HILIH . Anigu aqoon buuxda ayaan u leeyahay beledkaas oo waxaan joogay 6 sano oo aan ka shaqaynayey. Waxaan u malaynayaa in beled kale lagu tusay oo lagugu yiri waa Ceelbuur. Adiga waxaaba kaa sii liita kuwa kale ee faanka beenta ah inta u riyaaqeen hadana kugu taageeraya. War matoorkii seddexda bistoon ahaa ee seddexda guri shidayey ayaad ii sheegaysaa. Habeenkiina inta digir laga dhergo ayaa horay loo seexdaa. Beledka waxaa camira askarta ku xaraysan xerada ciidanka. Habeenkii ay soo degaan waa lagu qadaa beledka. Beledka waxaa dega sedex qabiil oo kala ah a- Murursade b- Duduble oo u badan c- Cayr oo ku sii daba yar e- iyo Daarood aan ka badnayn 5 qoys. labo baabuur ayaa beledka u safarta , waxayna soo noqdaan 2 habeen ka dib. Haddii aysan soo noqon dhaqso beledku suuga maleh. Malaha meesha reerkiinaa dega ama qabiilkiina oo sidaa baa faanka beenta ah faradh isaga dhigtay. Saaxiib been ha ku hiilin, weligaa xaqiiqada ka hadal xataa haddii ay qaraar tahay. Kuwa degase Johhar, Janaale, Qoryoolay, Jilib, Jamaame ect. ayaa ka xishoonaya in ay ku faan tamaan wax aan jirin, mise saaxiib wax aad qorto ayaad waysay. Nabaday. Hala iaku xishoodo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 09:59 pm TO: NO: fiction walaal salaan qiima badan keddib warkaada waxbaa ka jira, waxaanse ka dhedhensaday inaad wax badan xaqirtay, waadna ku mahadsantahay waanadaada ah in la,isku xishoodu oo Ilaahey xishoodka nagama qaado balse miyaan ku beensheegay qoraalka aan halkaan kusoo bandhigay? waa haddii aad dhanka wanaagsan wax ka fiirineyso, kaftanku wuu furanyahay. TO: biisaay-yare iyo MR:coppenhagen saaxiibbayaalow salaan sharaf leh iga guddooma waan ku farxay sidaad runta u ayiddeen, waana ka xumahay fannaanka aan geerida u saadiyey, hadduu noolyahay ilaahey ha daayo, waxaana u rajeynayaa nolol wanaagsan, mr:coppenhagen naasirka aan ku halqabsay waa midkale oo asiguba dhowr bilood magaalada iiga soo horreeyey waa banaaddiri booqashu ku yimid, waxaan joogaa Norway sheekada noo wada,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 10:15 pm No fiction saaxiib, waxyaabo badan ayaad run ka seegtay sida qudaarta xamar ayaa loohga keenaa ceelbuur, horta taasi waa runtaa oo anigu sida ragga qaarkood ku soo indha adeegi maayo inaan iraahdo ceelbuur ayaa moos ka baxaa"""" . waxaanse ku dhihi lahaa hadii aad ka timid koofurta soomaaliya sida janaale, jilib, jamaame ,jowhar, iwm ah waxaad doonto iga sheeg, laakiin hadii aad waqooyi deegaanka ka xiga ceelbuur aad ka timid, ku doogso degaaanka ceelbuur. QOSLAAYE. waaad mahadsan tahay saaxiib.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 05, 2000 - 10:44 pm Qeybtii labaad waxaa lasoo gaaray goortii aan usii gudbi lahaa baaddiyaha waxaase la,ii sheegay inaan sugo geelii awowgeey oo ceelka usoo aroorayo laba maalmood keddib si aan ugu sii lug darsado, waa Geel aan jeclahay oo duggaalka gasadiisaa laygu dhalay, caanahiisana waa la,igu anqariyey dambarkiisana waan dhami jiray ilaa anigoo yar xamar la,ii soo waday, tolow geela soo aroorayo maku jirtaa hasheydii tima-cad ee laygu xuddumay, waxba ma,aanan dhararsan madashaas oo waxaan la joogaa dad i jecel deegaankana kama didsani madadaalo murti iyo faa,iido lehna waan heystaa, waa jawi deggan jismi iyo ruuxba waan ku nafisay, waana tan dharaartii madashu ahayd annaguna waxaan sii diyaarineynaa qabaalladii uu geelu ku cabbi lahaa, durba gurdankiisii baa soo yeeray, waa dooxa-ceelbuur oo wax kaama qarsamaane meel fogbaan ka bidhaansaday higil madoow iyo awaare samada isku shareeray, waxaan sugnaba wuxuu kusoo qamaamay darkii uu ka cabbi lahaa xeyle oo geela lasocdayna wuu nagu soo leexday,waa ina adeerkey anigoo yar baana iigu dambeysay, "war bal iska warrama" ayuu yiri "wiilkaanu sow ina maxamed ma,aha? iswareysi keddib geelii ayaan wax ka waraabiyey, daal badanaa waa howl aanan u baran,waxaan wada fadhiisannay kaxdii ceelka si aan isu xog wareysanno, geeliina asigoo wabxan ayuu is tu,ay qaarna xarartii raamsi ugu dhaqaaqay, waxaan iri "war xeyle geela iga tus hasheydii tima cad, asigoo usha u fiiqaya dhanka geela ayuu igu yiri "walaalow hashii wey dhimatay laakiin waxay reebtay hashaas caruudan ee gelgelinta fadhisa waxaana la yiraa Beeldeeq, magac qurxanaa waxaan maqli jiray maandeeq ee tanaaba ka dartay, anigoo hasha eegaya ayaa waxaa qalbigeyga kusoo maaxday gabay uu tiriyey abwaan u dhashay ree-ceelbuur hal qarni ka hor asigoo geela ammaanayo Ilaahey ha,u naxariistee waa Lawgurray oo yiri, Iyadoo hareerida ka dheer hirig-dafleyneysa Iyadoo majacad meel u taal ku aga meereysa Iyadoo indhaha madoobeysatee mira aglooleysa Iyadoo gelgelin hogob ku taal ku hambalyooneysa Iyadoo xayaat koorta weyn ku xarragooneysa Iyadoo haldhaa iyo baciid hogob la daaqeysa Iyadoo..... gabaygu waa dheeraa laakiin waxaad mooddaa inuu tilmaayo hashaan iga hor muuqato iyo bilicda deegaanka ay ku sugantahay, sheeka dheer dabadeed waxaan u degnay magaalada si aan ugu tabaabusheysto safarka dheer iyo nolosha baaddiyaha galgaduud,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 07:36 am Dhalin yarada Ceelbuur waa salaamantihiin. Qoslaaye iyo Mr Copenhagen waan ka helay garashadiina iyo garaadkiin bislaaday. Waayo bogaga qaarkood haddaa figradaada ama waayo aragtinimadaada hadashid kuwo badan oo aan bislayn ayaa cay iyo af lagaado kaa buuxinaaya. Sidaan horayba idiinku sheegay 6 sano ayaan ka soo shaqeeyay. Anigu uma dhalan beledka ama deegaanka, waxaa ku dhashay koonfurta. Ceelbuur baa iigu fogayd meel aan tago. Balse runtu waxay tahay meelo badan way dhaantaa siiba dhanka ilbaxnimada, waxaan ka wadaa waxay tahay maadaama dhawr qabiil oo kala duwan laga helo way ka ilbax santahay meelo badan oo qabiil keliya uu degan yahay. Ceelbuur waa beled qadiim ah oo beledyo waawayn iyo kuwo yaryarba ka facwayn. Waxaan ku arkay taalo loo dhisay nin talyaani oo beledka xakumi jiray markii la dilay. Beledku ma helin fursadaha ay heleen beledyada qaarkood, sida jid laami ah. Dadka u dhashay iyo ganacsatada u dhalatay waxba uma qaban ee hantidii,cilmigii,iyo caqligiiba xamar bay ku taageereen. Waad wanaagsan tihiin meeshaa ka sii wada ogaadana dooda tii fiian waa furan. CU.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 11:38 pm TO: NO fiction walaal salaan keddib waxaan aamminsanahay in nin waliba garaadkiisa lagula hadlo sidaas daraadeed markaan arkay inuu warkaadu miisaamanyahay (yacni uu macna ku dhisanyahay) ayaan aniguna keyga miisaan u yeelay, tan labaad waa run iney ganacsatadii tacabkooda isugu geeyaan muqdisho inkastoo uu hadda isbeddel dhacay, balse ninka talyaaniga ah aad sheegeyso ma kii uu Ugaas faracadde baakoorta ku garaacaybaa, kolley anigu sibaan uga ilduufay oo taalladaas ma arag.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 12:10 am Qeybtii seddaxaad. waxaan soo marnay gurigii aan kusoo degay oo eeddadey degganeyd si aan uga sii qaato alaabteyda waxaana uga sii gudubnay suuqa magaalada, dariiqa aan mareyno waxaa laga dhowray qashin iyo wax kasta ay naftu qoonsato , hawada udgoon markey soo dul marto dhulka bacrinta ah ayaa naftaada raalli gelineyso, waa nolol dabiici ah oo Ilaahbaa dhan walba ka dheelli tiray, farxadda i hareysay awgeed anigoo isu maleeyo inaan ku socdo cirka iyo dhulka dhexdooda ayuu xeyle nagu soo leexiyey maqaayad, shaah buu dalbay, "war Xeyle sow annagi hadda laba laba koob soo cabnay? wuxuu igu yiri "haddana iska cab shaah miyaa laga dhergaa!!! wuxuuna dalbay waslado hilib ah, markaan cabbaar sugeynay ayaan meel dhow ka arkay gabar xarrago la tiiceysa iyo saxan uu qiiq ka baxayo oo dhexda innaga soo dhigtay, Xeyle markuu cad goostay ayuu si hoose iigu yiri "hilibka biseylkaa laga badiyey!! waan isku naxay waxaan is iri shaw wixii nalaga sheegi jiraybaa run ah. Reer-ceelbuur waa dad furfuran oo kaftan badan qof waliba waxaan ka dheehanayey sarreyn taasoo u horseedday xumaan ka dhowrsi beledkoodana Ilaahbaa u barakeeyey una qurxiyey. waxaan qaado karo markaan soo iibsaday ayaan usoo laabannay geelii oo Naasir iyo Shuceyb sii horayeen, safarka nagu soo fool leh masaafadiisu wey dheertahay, si kasta arrintu ha ahaatee markaan Naasir iyo Shuceyb macasalaameynay iyo wixii kale ee meesha qaraabo joogay ayaan geelii cagta u saarnay waddo haloosi ah, Allaahu akbar! markey waddadii nala fuushay meel taag ah ayaan magaalada hoos usoo fiiriyey waxaana iri, Ceelbuureey hubaashii cosobkaan dhamaan iyo calcalyada xareedduba calaf Eebbe weeyee Cisibaa ku hareeyey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 07:38 am TO: Qoslaaye; waa salaaman tahay. War ninyahaw aad baad u dadaalaysaa, shakina kuma jiro in aad tahay hal-abuure(artist and/or creative).Waxaan ku dhihi lahaa sii balaarso hibadaas. Taaladu waxay ku taalay dhanka koonfur ee beladka laga soo galo. siiba meel u dhexaysay dunkaankii Yusuf Dubad iyo makhaayada wayn ee jidku labada dhinac ka maro ee labadeeda albaab mid kamid ah uu u jeeday dhanka booliska, kan kalena waxuu ka soo hor jeeday dukaama badan ee u soo jeeday dhanka galbeed,waxaan jeclahay in ay dukaan ku lahaa yeen wiilka dhaho rashiid ee baabuurta xamar u safarta wadi jiray, waxaan u malaynayaa in Muuse Suudi adeer u ahaa. Taaladu waxay ahayd mid qadiim ah waxaa ku sawirnayd calaamadii fashiistaha ee xisbigii Musolini ee waagaa talinayey. Sida la ii sheegay gudoomiya haas Talyaaniga ahaa ee beledka xakumayey waxuu ahaa nin diktaytor ah oo aad dadka ugu xad gudba, dil garaacid, canaad, kufsi,iyo badrad. Waxaa dhacday in dadkii degmadu markay u adkaysan waa yeen ay go'aan sadeen in dhalin yaro loo xulay ay miraan habeen saq dhexe. Sidaa ayaa lagu dilay ninkii beledkiina waa degay. Taaladana ninkaa la dilay baa loo dhisay. Taaladu kama dheera 2mitir ama 2 1/2 mitir. Caro garuud ayaa laga dhisay, Maxasuusto in magaciisu ku dhignaa iyo in kale, balse daryeel ma helin oo roob,da', iyo qorax baa qayiray. Guryo ayaa dhinac yada kawada xiga, meel banaan oo shal loo arki karo kuma taalo. Haddii aadan u sii fiirsan markay ishaadu ku dhavdo dudun baad u malaynaysaa. Saaxiibow ma aqaan in uu yahay ninku ka aad maqashay in Ugaas Faracadde uu garaacay, balse waxaan kuu hubaa in ay taaladu jirto anigaana indhahaygana saaray. Dad badan baa ka war qaba in nin talyaani ah lagu dilay Ceelbuur. Waryaa waa iska war qabidoonaa ee nabaday.CU.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 10:29 pm TO: No fiction Walaal salaan keddib ma beeneynayo warkaada dabcan adigaa iiga aqoon roon magaalada Ceelbuur sababtoo ah anigu booqasho ayaan ku tegay sida sheekadeyda ka cadba ma garatay,waxaase jirtay in guddoomiyihii talyaaniga ahaa ee waagaas magaalada heystay u yimid Ugaas fara-cadde asigoo ka dalbaya inuu Ugaasku beesha xoolo kasoo aruuriyo, ugaas-fara-cadde waligiis ma qaadan dullinimo, muxuu falay, baakoor gacanta ugu jirtay ayuu la raacay ilaa gaalki suuxdin la dhacay, haddaba iyadoo ay hore u jirtay xurguf ka dhexeysay beesha iyo gumeystaha ayey taasina dab kale sii hurisay oo cadaadisbaa talyaaniga lagala kulmay, tan labaad anigoo og in gumeystuhu il dadban nagu eegi jiray, anigoo og wax yaalihii uu reer-ceelbuur ku sameeyey markuu xukunka wareejinayey, anigoo og inuu ugaas fara-cadde oo keliya kala soo dhex baxay ugaasyadii hawiiye oo gaalgacyo shir uga socday isla markaasna xabsiga u taxaabay iyo anigoo og inuu talyaanigu nagu soo colaadin jiray qabiilooyin kale markey foodda na daraanna uu na maja xaabin jiray ayaan runsan waayey inay reer-ceelbuur jaceyl ay talyaani u qabaan taallo u dhisanayaan, balse waxaa laga yaabaa in sababo kale loo dhisay, no fiction soo dhowaaw. asalaamu caleykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 11:02 pm QOSLAAYE, Saaxiib wad iga qoslisay markaad tiri "ninka talyaaniga ah , ma ugaas faracade ayaa bakoor ku dilay" No fiction waa runtiis, gaalka taalo waxaa u dhisay talyaanigii xarunta ay ceelbuur u ahayd, dadka reer ceelbuur waxa ay u aqoon jireen DALDALOL, waxaana dilay reer ceelbuur, .tan kale miyaadan taariikhda dugsiga sare ku soo dhigan, dagaalkii gumaystihii talyaaniga iyo reer ceelbuur kala qabsaday. No fiction , saaxiib dhaman hadaladaadii waan kugu raacay, sida ceelbuur, ay qadiimi u yahay iyo houmar la,aanteeda. QOSLAAYE , ma waxaad tahay dr muuse maxamad cali?.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 11:07 pm Ceelbuur sidee u taallaa qeybtii afaraad dhulku waa howd dhir isku wada dhafan oon saani loogu socon karin waxaase Ilaahey noogu gargaaray waddada rastada ah oonan ka leexan ilaa ay qorraxdii dhacday, Xeyle oo dhul-yaqaan ahaabaa igu yiri "ferinkaas waxaa degganaan jiray cid geelley ah wuxuuna leeyahay duggaal iyo fadhiisin geela ku habboon, waxaan u leexinnay geelii, anigu xoola ma agaasimi aqaan oo anigoo yarbaa iigu dambeysaye wuxuu xirxiray nirgihii intii kalana wuu isku soo waabiyey, markaan caano cabnay geeliina xasilay ayuu nin waliba dhulka meel ka xaartay, Ilaahbaa nagu ammaansaday markuu waagu beryey ayaan halkii kasii ambaqaadnay waddadiina gudub u weydaarannay, dhulku waa dalsan carradiisu wanaagsantahay waxaase liibaanay ciddii Ilaahey ugu deeqay, waxaa si gooni ah ii xiisa geliyey geedaha hoganayo ee faraqa la laalaadinayo miro bislaaday iyo kuwo carjun ah, Xeyle ayaa meel dhigtay qoraygiisii aakaha ahaa! muxuu sameyn doonaa! dhulka ayuu qodis ku billaabay malaha wuxuu ogaan rabaa dhumucda roobkii dorraat da,ay, intuu soo sara kacay ayuu yiri "markii ay bishu ku curatay xiddigga dirir ayaan iska gartay inuu gugaanu noqon doono gu barwaaqo, ma fahmin wuxuu ka hadlayo waxaanse dareemay inay jirto falsafad ay Reer-ceelbuur ku saadaaliyaan isbeddelka xilliyada iyo cimilada kale ee maalinlaha ahba, goor dambe ayaan baran doonaa laakiin maalintaas iskuma shuqlin wuxuu oraahdaas uga danlahaa, Dadka ku nool baaddiyaha Ceelbuur 100% noloshoodu waxay ku tiirsantahay xoola dhaqasho oo berri wax kama soo saartaan badna uma dhowa afar beelood ayaa afarta dhinac ka degta inkastoo ay dhaqan iyo dhalasho wadaag yihiinna waxaa marmarka qaarkood dhex mari jiray colaado lagu hoobto balse waayadaan dambe nabadbaa lagu wada daaqayey, maalintaas intaan jidka kusii jirnay Xeyle wuxuu i kala baraayey magacyada geedaha asigoo mid waliba aragti fiican iga siinayo ilaa aan soo gaarnay duddadii reer-awoowgey oon u soconnay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 11:18 pm TO: Mr: copenhagen saaxiib ma ahi dr:muuse ee waxaan ahay arday hadda dugsi sare isku diyaarinayo balse waxaan u maleynayaa inaan is aqoonsan laheen haddii magacyada dhabta ah lasoo bandhigo, mr,coppenhagen meesha hallaga war haayo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 09, 2000 - 07:09 pm to,qoslaaye malaaig ha ku soo salaanto. markaa eegay ha abuurkaaga waxaa kugu qiyaasay in aad tahay abwaan bare maxamed fiidow in kastoo beesha ceel buur abwaano badantahay. waxaa ku oran lahaa meeshaas ka sii wad maqaaladaa wanaasan. barasho wanaagsan waxaan ku noolahay london norweyna waxaan ku leeyaha asxaab to,no fictions saxiib waad taqaanaa magaalada balse waxaan ku oran lahaa hadii aad magaalooyinka qaar aad joogi laheeyd modo in taa laig in aadan aragteen maqaalka qoslaaye oo soo qoray waxaan kuu sheegaayaa in ceel buur tahay 1-hoygii nolasha 2-hooyadii ha abuurka walee qof biyahaaga cabaa ma kuma ilaabo wabilaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 10, 2000 - 09:25 pm TO: Biisay yare biisay-yare salaan qiima badan keddib ma ihi abwaan Bare waxaa la,i yiraahdaa Cali qoslaayana waa naanneysteyda, meesha hallaga war haayo,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 10, 2000 - 09:55 pm Ceelbuur sidee u taallaa Qeybtii 5,aad jaceyl kii iigu horreeyey markaan xoogaa soconnay qorraxdiina dhacday ayaan gaarnay gurigii reer-adeerkey, habeenkaas adeer safarbuu ku maqnaa laakiin waxaa aqalka joogay Xaaskiisii laba gabdhood iyo wiil uu dhalay,(xeyle walaalihiis) si qaddarin lehbaa naloo soo dhoweeyey neefna waa la qalay, waa caado Reer-ceelbuur leeyihiin in dadka la jecelyahay iyo martida sidaas loo soo dhoweeyo, habeenkaas sheeko iyo farxadbaa lagu kala seexday subixiina waxaan waxaraha la raacay C/qani oo igu fac ahaa waa 15 jir, annagoo waxarihii la jirno ayaa waxaa meel dhow nooga soo baxay gabar iyaduna waxaro daajineysay C/qani ayey is yaqaanaan oo waa cidda deriska ah, "barasho wanaagsan" ayuu yiri "wiilkaan calibaa la yiraa (qoslaaye waa iska naanneys) xamar buuna nooga yimid waa ina-adeerkey, Caliyow gabadhaana deeqaa la yiraa, waxaa i qanciyey gabadha quruxdeeda iyo hadalkeeda wanaagsan waqtina waan heystay laakiin markaan wax yar hadlaba sheekadu wey iga kala go,daa oo xishoodbaa Ilaahey igu salliday, waxaan isku furfuray hadal aanan sii wedi karin, markaan is macasalaameynay ayey neefi iga soo go,day, waxaan iri "C/qaniyow gabadha saaxiibbo miyaa tihiin? asigoo yaabban ayuu igu yiri "maya! waa maxay saaxibtinnimada aad sheegeyso" waa gartiis inuu sidaa igu yiraa sababtoo ah baaddiyaha lagama yaqaan Nin iyo Naag aanan is qabin oo saaxiibbo lagu sheego, heblo iyo hebel waa saaxiibbo ma jirto oo shuqul xuma magaalo, dhaqanka geyiga Ceelbuur haddii ay wiilka iyo gabadhu is afgartaan guurbaa leysugu soo hagaagaa gaabsiguna waa ceeb, maalintaas maalintii xigtay ayaan C/qani ka codsaday inaan meeshii shalay waxaraha u raacno wuuna iga aqbalay, Ilaahey amarkiis annagoo waxarihii la jirno ayaan meel fog ka arkay Deeqo, waan soo aaday ilaa aan baasha kala soo wareegay geed Jinaw ah ay guraneysay! qurux la moodo in gacanta lagu toostoosiyey midab maarriin ah iyo timo xariir ah ayaan indhaha ka buuxsaday waxaanse tillaabada hakiyey markey igu soo eegtay indho dabacsanaan u dhashay iguna tiri ........
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 10, 2000 - 11:41 pm Ceelbuur sidee u taallaa Qeybtii 5,aad jaceyl kii iigu horreeyey markaan xoogaa soconnay qorraxdiina dhacday ayaan soo gaarnay gurigii Reer-adeerkey, habeenkaas adeerkey safarbuu ku maqnaa gurigana waxaa joogay xaaskiisii laba gabdhood iyo wiil uu dhalay (Xeyle walaalihiis) si fiicanbaa naloo soo dhoweeyey neefna waa naloo qalay, waa caado Reer-ceelbuur leeyihiin in dadka la jecelyahay iyo martida sidaas loo maamuuso, habeenkaas sheeko iyo farxadbaa lagu kala seexday subixiina waxaan waxaraha la raacay C/qani oo igu fac ahaa, waa 15 jir, annagoo waxarihii la jirna ayaa waxaa nagu soo baxay gabar iyaduna waxaro daajineysa C/qani ayey is yaqaanaan oo waa cidda deriska ah, "barasho wanaagsan" ayuu yiri "gabadhaan deeqaa la yiraa deeqooy wiilkaanna cali baa la yiraa (qoslaayana waa naanneystiisa) waa ina adeerkey oo xamarbuu nooga yimid, waxaa i qanciyey gabadha quruxdeeda iyo hadal wanaaggeeda waqtina waan heystay laakiin markaan waxyar hadalka wadaba sheekadu wey iga kala go,daa oo xishoodbaa Ilaahey igu salliday waxaan isku furfuray hadal aanan sii wedi karin, markaan is macasalaameynay ayey neefi iga soo go,day, waxaan iri C/qaniyow gabadha saaxiibbo miyaa tihiin? asigoo yaabban ayuu igu yiri waa maxay saaxibtinnimada aad sheegeyso, waa gartiis inuu sidaa igu yiraa, sababtoo ah baaddiyaha lagama yaqaan nin iyo Naag aanan is qabin oo saaxibtinnimo lagu sheego, hebel iyo heblaayo waa saaxiibbo ma jirto oo waa shuqul xuma magaalo, dhaqanka geyiga Ceelbuur haddii wiilka iyo gabadhu is afgartaan guurbaa laysugu soo hagaagaa gaabsiguna waa ceeb, maalintaas maalintii xigtay ayaan C/qani ka codsaday inaan waxaraha u raacno meeshii shalay wuuna iga aqbalay, Ilaahey amarkiis annagoo waxarihii la jirno ayaan meel fog ka arkay Deeqo! waan soo aaday ilaa aan baasha kala soo wareegay geed Jinaw ah ay guraneysay, qurux la moodo in gacanta lagu toostoosiyey midab maarriin ah iyo timo xariir ah ayaan indhaha ka buuxsaday waxaanse tillaabadi hakiyey markey igu soo eegtay indho dabacsanaan u dhashay iguna tiri ....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 10, 2000 - 11:44 pm cudurdaar waxbaa iga qaldamay ee inaan sheekada 2 mar kusoo celiyo ma rabin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 11, 2000 - 10:07 pm Ceelbuur sidee u taallaa Qeybtii 6,aad Abboowe iska warran? "waa nabad ee iska warran" ayaan ku iri "malaha sidii Nin sagaaro gaadaya ayaan kedis kuugu soo baxay oo waad isku naxday? maya abboowe ee anigaa sidaas iska ah, markaan muddo laba saacadood ah sheekaysaneynay ayaan u dhaqaaqnay gal xareed ah oo meesha ku yiillay, sheekadu nagama qasna waxaan abboowe ahayn iguma tiraa aniguna abbaayada kama hagrado, markey sheekeyneyso wey qosleysaa oo farxadbaa Ilaahey u dhaliyey anigana waxaa qosolkii ii diiday laabteydana rogrogaya jaceyl laba maalmood jirsaday, markaan soo kor fadhiisannay galkii xareedda ahaa ayey kabaha iska bixisay oo biyihii lugaha ku raaracsatay, kubabkeeda qurxoon iyo heemaalkeeda wanaagsan anigoo isha ku xadayey ayaan qummaati ugu soo jeestay waxaana na dhex maray tixahaan, Aniga: Dayax soo iftiimiyo Daruur curatay roobkii Deeqoy kugu misaalaye Dirir hooraybaa tahay ee Deeqoy anigu kaa helay Deeqo; Dayaxaas iftiimiyo Daruurahaa ka sokeeyo Damac laguma gaaree Dooqaadu qasaaryey Aniga: Deeqoy haddii aan Deelleyda maansada Damaceyga ku dheehoo Dareenkeyga caddeysto Daw haddaan u leeyahay Deeqoy anigu kaa helay Deeqo: inaad deelleyda maansada Damacaaga ku dheehdoo Dareenkaada caddeyso Doqonnimaba weeyaan Aniga: Dooxadeenna Ceelbuur Dummarkaa Ilaah dhigay Doob waliba tii uu Daa,inkiisu u qeybay Dadab kula caweeyee Deeqoy anigu kaa helay Deeqo: Dooxadeenna Ceelbuur Da,yarbaa Ilaah dhigay Dadab wixi gelaayana Dooqbaa isu keenaye Degdeg iyo haddii uu Dabcigaadu sidan yahay Dooqaadu qasaaryey Aniga: Degdeg looma boodoo Dulli lama dillaabtee Dooq-xulashadeydii Damiirkeygu wuxu yiri Dummar bey u sidataa Dahab bey la ceyn tahay ee Deeqoy anigu kaa helay Deeqo: Dummar baa u sidataa Dayaxaas ka qurxoonid Deeqoy anigu kaa helay Dulucdiyo u jeeddada Daah igama saarnoo Dabin reer-magaal iyo Dood beena weeyaan, ee Dooqaadu qasaaryey Aniga: Duruufteyda garo,oo Duxda hadalku leeyahay Deeqoy haku deeqo Deeqo; Abboowe daruufaha dhibaatada haddii aad damqaneyso dhaqtarbaad u tegi lahayd, haddey Duulal ku hayaanna Wadaad fooxiyaa jira, Caliyow meeqa sanaad jirtaa? waxaan iri "shan iyo toban" qosol bey la dhacday! waligeey ma arag shan iyo toban jirro Waxaro ilaalinaya adiga iyo C/qani ka hor ah ah ah!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, December 18, 2000 - 02:54 am Qeybtii 7,aad Adduunyada waxaa ugu daran adigoo nin rag ah naagi hakaa af-badiso, ciilbaan lasara-kacay balse markaan hoos u soo fiiriyey iyadoo weli fadhiso ayaa waxaa caradeydii masaxay qurux xad-dhaaf ah iyo neecow udgoon oo dhankeeda iga soo gashay, haddaba markaan arkay inay xishood la hoganeyso anigana xaajo jiq igu tahay ayaan fadhi u hoobtay sheekadiina jaho kale u saaray, waa gabar Ilaahey aftahannimo ku manneystaye wax badanbey ila gorfeysay, markaan muddo sheekeysaneynay ayey qoslol la dhacday, aniguna waaba intaan sugaayaye hal-marbaan istaagay waxaana ku iri "haye Deeqo macasalaama berri ayaan is arki doonnaa, hadalkeedu wacanaa! waxay igu tiri "waayahay abboowe haddii Alle yiraa, waxaan u imid C/qani, malaha aqbaarbuu iga sugaayaye wuxuu igu yiri "Caliyow xaggee wax marayaan? war C/qaniyow gabadhu waa cajiib markaan hadal uga guul keeni waayey ayaan ku iri "inaan Dareenkeyga caddeysto Daw haddaan u leeyahay Deeqoy anigu kaa helay, waxayna iigu jawaabtay inaad Deelleyda maansada Damacaada ku dheehdoo Dareenkaada caddeyso Doqonnimaba weeyaan" Walaalow Anigu waa fahmi waayayey maxay ula jeeddaa tixahaan? C/qani oo madaxa hadba dhan u ruxaya ayaa igu yiri "Caliyow waxaa lagu maahmaahaa si xun iyo si,aan laguu garan iyo galaangal u soco" (intaan wax ka maqlayey suugaanta Reer-ceelbuur waxaa iila yaab badneyd maahmaahdaan) asigoo weli hadalka sii wato ayuu igu yiri " waligaa haddii aad gabar la sheekeysaneyso hadalkaada waxaa looga soo haraa meel aad kasoo laaban karto, waxaan ku iri " Haddii aan hadal daaho Halyeygeedibaan noqon Haddii aan runta sheegana Habac liitabaan ahay, sidaas miyaa arrintu C/qaniyow? C/qani: maya sidaas ma,aha ceebna ma,aha inaad runta sheegto laakiin waxay u baahantahay is barasho fiican iyo waqti dheer. Alley lehe waa runtiis! waxaaba maskaxdeyda dig kusoo yiri hadalkeedi ahaa Degdeg iyo haddii uu Dabcigaadu sidan yahay Dooqaadu qasaaryey. maalintaas waxaan ku jirnay faaqidaad ilaa aan qado doonannay oo waxarihii usoo laabannay ee haddana qorraxdii dhacday oo gurigii loosoo wada hoyday, Qeybtii 8,aad Ayeeyo iyo awoowe oo safar ku maqnaa ayaa habeenkaas soo hoyday, maalintii aan aniga iyo Xeyle jidka kusoo jirnay ayey na dib mareeyeey iyagoo u socday Ceelbuur iyo rugtii diinta laga fidin jiray ee Sh,Maxamed Faarax , Fardowsa iyo Seynab oo Xeyle ka yaraa iyo hooyadood saafi waxay ku mashquulsanyiin haddiyado ay ayeeyo Ceelbbur uga keentay, Aniga Xeyle iyo C/qanina waxaan gogol kula fadhiisannay awoowe, sheekooyinkiisa lagama dhergo oo waa xigmad miiran, marbaan is iri murtida ayuu dhaxal ahaan idiin guddoonsiinayaa, maxaa ka wanaag badan adigoo isku darsada xoogga dhallinyarannimo iyo waaya aragnimada waayeel, waxaan sheekada ka koobinnaba dhawaq ayaa meel dheer nooga baxay! dhegtaan u raaricinnay, waa wiil cod dheer oo ku dhawaaqaya Hobeey wilisaqo war wiilleeyeey Hobeey wilisaqo wadna u rooneey ....... ma u maleyneysaa inaan sii fadhineyno? dabcan maya, markaan cidda u sheegnay inaan caweyska aadeyno ayaan cagta waddada saarnay, goobta ciyaartu waa meel taag ah wiilasha iyo gabdhuhuna waxay ku jiraan saf koobaabtin ah, mar kastoo ciyaarta la gooyana waxaa bartanka soo gelaya wiil iyo gabar iyagoo boodaya wilisaqo wareeg ah, luuqda sacabka iyo jaantu wey isu dheelli tiranyihiin oo xirfadbaa loo leeyahay tan-labaad ciyaaraha nuucan ah oo lagu yaqaan cay fara badan ayaana meesha ku jirin illeen waa gob iyo xaalkeede.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 31, 2000 - 03:29 pm DHAMAAN WAAD MAHADSANTIHIIN DADKII ISUGUYIMID MAQAALKAAN SHARAFTA LEH """"CEEL BUUR -CEEL BUUR-CEEL BUUR"""" WAXAAN U RAJAYNAYNAYAA QAYR & BAR WAAQO KA SII BADAN TII HORE WAXAANA MAHADLEH ABWAANKA KA QORAY SHEEKADA TAARIIQDA LEH AY LEEDAHAY MAGAALADAAS mahadsanidiin dhamaantiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 12:22 am REER-ceelbuur beenu raad ma laha! ninka qoslaaye isku magacaabay tuulada ayuu faan ku dhoodhoobay markey soco weysayna meel dhexe ayuu uga haray wax kale iska daayee habraha ayaanad qaldi karin oo ku oranayo ceelbuur sow tii dhagaxa laga qori jiray lagana quudan jiray
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 06, 2001 - 01:22 am TO: Run-sheege Run-sheegow wey kaa hoos-baxday Ceelbuurna tuula ma,aha ee dib isugu laabo waxaa hubaal ah haddii aad aqoon u lahaan lahayd inaadan war igu soo celiseen ee aad sheekada iga koobi lahayd, dhagax-qoristuna ma,aha ceeb ee waa farshaxan lagu faano, tanlabaad sheekada kama aanan harin ee waqtiga ayaa ii saamixi waayey waana dhab muuqaalka aan ka bixiyey Ceelbuur iyo sheekada dhallinyarannimo een meesha ku soo ban dhigay taas oo ka tarjumeyso hab-dhaqanka Reer-Ceelbuur, sheekaduna wey socotaa ee meesha ha moogaan, asalaamu celeykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 03:17 am Qeybtii 10,aad Waxay maalinba maalin isku beddesho waqtigii aan Xamar usoo laaban-lahaa yaa lasoo gaaray oo iskuulkii-baa ii furamaya ilaa muddadaas seddaxda bilood aheydna waxaa sii wanaagsanaanayey xariirkii aniga iyo Deeqa naga dhexeeyey oo guur baan ku heshiinnay, sikastaba arrintu ha ahaatee Ciddii ay deeqo ka dhalatay saaka ayey geeddi u yihiin dhul fog sidaas awgeed waan ku kallahay si aan cidda u sagootiyo Gabadhana ula dardaarmo, Duddadooodii ayaan tegay iyagoo howl adag ku mashquulsan waxaase meel gooni ah iiga bidhaamay deeqo oo Ari horeyso, markaan u imid oon is bariidinnay keddib ayaan ku iri "Deeqoy waa tii aan arrin isla-meel dheignay saakana waad u jeeddaa oo safarbaa tihiin Aniguna mar dhow baan Xamar ku laabanayaa ee maxaa inoo ballan ah" gabdhaha reer-Ceelbuur xishood baa Ilaahey ku Ibteleeyey marka laga hadlayo wax xishood leh wejiga ayey marada saartaan iyagoo oranaya "Abkey waa heri-diide Naga aammusa" Deeqo oo wejigeedii murug la qayirmay ilmadana ceshan la, ayaa madaxa kor usoo qaadday oo ugu tiri "Abboowe arrintaan adigaa awelba billaabay haddana adigaa xalkeeda lagaa sugayaa;
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 03:09 pm to-qoslaaye walaal waad mahadsantahay oo waad na qancisay balse waan sugi la'nahay gunta iyo gabagabada maqaalkaada xiisaha badan waan la socdaa mar walbo waanan xiiseeaa waxaan kaa codsanaa in aad noo wado illaa gabagabada sheekada waxaa sugnaa waa sheekadii ood meesha ka sii wado god luk
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 01:37 am TO: Biisaay-yare Walaal salaan qiima badan keddib waan ku faraxsanhay inaan sheekadaan idiin soo bandhigo iyo sida aad ula socotaanba waxaanse ka cudur daaranayaa inay howlo badan igu soo kordheen sidaas awgeedna aan isku deyi doono inaan sheekada soo gaabiyo intii suura gal ah,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 02:50 am Qeybtii 11,aad Waxaan ku iri i dhegeyso markaan sanad dugsiyeedka soo dhameysto ayaan kuu soo laabanayaa Anigoo guurkaada usoo tabaabusheystay laakiin ballan ma tahay inaad go,aankaada xijineyso? iyadoo xishood wejiga la dadbeyso sidii gabdhaha Reer-Ceelbuur lagu yiqiin ayey igu tiri "Aboowe sanad ilama dheera ballantana waan xijinayaa.................. Sheekadii oo weli inoo socoto laakiin aan intii muhiimka ahayd ka hadalnay ayaa waxaa nagu soo baxay labadeedii Waalid Oday-Guure iyo Baxsan, Oday guure oo Ilaahey dherer iyo lixaadba ku manneystay ayaa wuxuu soo tilaabsadaba nasoo kor istaagay oo asigoo Deeqa la hadlaya ku yiri "Deeqoy adigaa tillaab dheere Ariga coogey Sahro iyo Hooyana gadaal haka soo kaxeeyeen waxaana rabaa kolkey duhurkii tahay inaan wada joogno ceelkii Dhaaya-dhabe" halkaas ayey ku dhaqaaqeen gabdhihii iyo hooyadood aniguna waxaan dib ula soo laabtay Oday-Guure si,aan Awrka ula raro markey howshii ebyoontayna waddada ayuu cagta saaray. Dhulka oo geed gaab ahaa awgeed ayey ii suura gashay inaan cabbaar sii fiiriyo safarka shiraacday waxaase araggeyga soo celiyey shucaaca aroornimo iyo ilmo indhaheyga kusoo joogsatay, maxaad ku tiqiin saqiir jaceyl helay dhulka ayaan murug la fariistay balse markaan cabbaar dhulka isku celiyey ayey dantu i raalli gelisay oo inta aan boorkii iska jajafay dib ugu hudeecay waddadii aan ku imid iyo Reer-Adeerkey.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 09:39 am Ninkaan isku magacaabay Qoslaaye waxaa magaciisa dhabta ah la yiraahdaa Cali Is.... Degen meel Oslo ka yara baxsan. Cali waa qoraa weyn oo hadda wuxuu soo diyaarinayaa buug uu sheekadaan ka sameeyey. Waana nin I.....iil ah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 09:46 am war bal tanoo kale war kuwedii baaba weli hadleysa oo ragu indho adagaa war heedhahaya xishooda dumarkaa la idinku xisaabaye yaanu ragu idin maqal oo eeydaan hadhow sidaa guur ku waayine ugaaska aad sheegeysaan ee farcade soow ma aha kii caruusada ahaa oo uu duduble meesha soo dejiyey waxaa baa hadlaya,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 07:47 pm to-oday cadaado duqon iyo duckayeer daankaa lagu dhuftaa duqon baad tahay oday baad sheegatay waxaasna waadku hadleeysaa wax aad nagu kurdhisay ma jiraan balse waxaan ku oran lahaa ha sheegan magaalooyinka ay leeyihiin dadka sharafta leh duqonyahow
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 03:02 am TO Qoslaaye & Biisaay/yare saaxiibayaal waa salaaman tihiin, tan labaadna sannad wanagsan. fadlan bogaani waa qurux badan yahay. sharaf mooyee wax ceeb ah ma laha . waxaan idin ka cudsanayaa in aydaan ku dayan kuwa raba in ay boga wasaqeeyaan. waxay isku daya yaan in ay adeegsadaan xeelad walba oo ay ku kicin karaan dareen kiina. waxaan idinku ogaa in aad tihiin dad ka shisheeya caadifadaas raqiiska ah oo waliba ka bislaaday hawlahaas. bogaan waa soo booqdaa markaan fursad u helaba waana ku raaxaysaytaa akhrinyiisa. yaan loo jawaabin oo ha la caajis geliyo ciddii si khaldan u hadlaysa. dadkaan waa xaadsidiin ma jecla in ay arkaan cid wax fiican samaynaysa, waayo ma yaqaanaan fiicnaan waxay tahay sidaa darteed fadlan tusa qiimahooda. waxaan ka wadaa iska yasa. bogag badan baad ku arkaysaa magacyadaan maanta halkaan soo galay. hadaad akhriso figradahooda marna ma arkaysid iyagoo wax fiican ka hadla ya. saaxiib siiwad sheekada. culays badan baan iloobaa markaan akhriyaba. waad ku mahad san tahay. macagayga waa Maxamed Muse (ama 2MA). Maryland USA. Markii hore waxaan bogaan ku soo gali jiray NO FICTIONS, isbarsho kale.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 03:17 pm Hiraab hadoow heshiiyo heridiid hal muufo waaye.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 15, 2001 - 12:05 am TO:Maxamed Muuse (no fiction) Saaxiib marka hore iga guddoon salaan marka labaad waan ku faraxsanahay sida aad inoola socoto iyo figraddaada qiimaha badan ee ah sidii laga yeeli lahaa dadkaan caytamaya, sidaasna igu ogow illeen Doqon aammuskaa lagu ciilaaye, tan-labaad barasho wanaagsan anigana waxa la,i yiraahdaa Cali Maxamed (Norway) Qoslaayana waa naanneysta aan u xushay ka qeyb-qaadashada sheekadan, is-maqal dambe.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 15, 2001 - 12:13 am TO: biisaay yare Saaxiib dad ayaa doonaya inay meesha dhabjiyaan ee haku daysan, waxaan nahay gob waxyaalaha qaarkoodna waa inaan iskala weynaannnaa ee halla caytamin hadalna ha u furin, sheekadeennu ha inoo socoto. Asalaamu caleykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 16, 2001 - 12:42 am Qeybtii 12,aad Sidii ay Deeqo iiga fogaatayba waxaa i haleelay hayi-kac, Damaq jaceyl iyo damac guurbaa laabteyda rogay iina horseeday feker aanan kala go, lahayn. Dadka Reer-Ceelbuur oo u laba bogleeya dhaqanka guud ee soomali weyn iyo dhaqan hoosaad iyaga u gooni ah ayaa marmarka qaarkood waxaa dhacda inuu waalidku gabadha ku daro Ninkii uu la jeclaado iyadoo aanan iqtiyaar lahayn, inta ay gabadhu ninkaas u doonantahayna waxay u yaqaanaan "geesa-xir" balse haddii ay iyadu Nin la timaado si looga raalli noqdo waa lagu daraa waase haddii uu Ninkaasi nadiif ka yahay dhaqan xumo iyo dhalasho xumo, haddaba walwal ayaan ka qabay in Deeqo Nin kale lagu daro inta aanan la gaarin madasha, haddii aan dhanka kale u rogana waxaa i hor yiillay dhowr caqabadood ay ugu weynaayeen 1: da,deyda oo aad u yareyd (15 jir) isla markaana laga yaabo inuu Aabbe iiga raalli noqon waayo degdegsiinyo guur iyo 2: Familkeyga oo meeqaan sare ka joogay xagga nolosha iyo aqoontaba halkaasna waxaa ka cad in aysan ku farxaynin inaan guursado Gabar reer Miyi ah, mushkiladuhu wey iska badnaayeen waxaanse ka war sugay meesha uu dadaalkeygu i gaarsiiyo iyo waayaha adduunyada.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 16, 2001 - 02:11 am TO: dhamaan walaalaha Ceelbuur. marka ugu horreysa waxaan ku faraxsanahay sida aad isugu dubba riddeen boggaan sheekadana waan wada aqriyey wax been loo qaadan karana kuma jiraan oo anigaa Ceelbuur tegay una dhashay waana Ilaahey mahaddiis ee meesheeda kasii wada intaas keddib waxaan idinka codsanayaa inaad ii shegtaan Abwaanka Karanle-hawiye (murusade) ee gabaygaan tiriyey Gabay Kaafka gabay kalaan lagu hadliyo kafki wan dhigaye Xalaybaan kifaaxoon hurdada kaam u soo dhigaye Waxba gabaygu yuun iga kidmane waxan ku soo koobay Karti adaa karaamiyo ismaqal karanle loo daaye Kurba adag markey joogto ooy xaajo kululaato Kaalayaay raggii lagu yaqiin karanle weeyaane Hannaan u guurkiyo haddaan koronka heenseeyey Kidiriyo seexowle iyo haddaan kaariyaba keenin iyo koonfur niman yaallo iyo kulanka waadeerre kalaashkoofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanim konton sano nin gaaroo adduun hawl kastaba keenay iyo keey hawo koodu tahay kala korreeyaane kalaashkofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin karni idil kornaylkaa watee kaarni lagu siiyey iyo kuwa askari koodu yahay kala korreeyaane kaloonkoonka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin kaaraha haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin kan diyaaraddaa kiciyayee hawada kiileeyey iyo kuwa iskuul koodu yahay kala korreeyaane kalaashkofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin kurus iyo ninkii kaahenooy kumbuska googooyey iyo kii salool koob ku shubay kala korreeyaane kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin kan karoorka weyn goostay ee kariska loo doontay iyo kaan marteeda kaafin karin kala korreeyaane karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i mooddaybaan ahay haddey xaajo kululaanin karuur iyo ninkii kaafiyaay subagga kiileeyey iyo key barqaada koodu tahay kala korreeyaane kalooniga risaastiyo hadduun kaabcadduhu yeerin karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin korneyl ku sheegga ciisiyo waryaa kurayga xiireeya haddii uu kas leeyahay calina uma xisheen kiishe baashina kafeegiyo qamrada kurus ma moodeene nin tolkiisa kaaraha la dhici waaba kirishtaane kalaashkofka ruushkiyo hadduun kaabcadduhu yeerin kalooniga haddaan laysla dhicin kulanka baaruudda karanlaa la caayaye haddaan kabaha loo qaadin kaad i moodday baan ahay haddey xaajo kululaanin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 16, 2001 - 02:26 am Aqyaarta waa anigi iyo mar labaad. waxaan maqli jiray gabayo badan oo laga tiriyey deegaanka Galgaduud waana xafidi jiray aniga oon aqoonin Ninkii tiriyey ee bal kanna ii sheega haddii uusan ahayn Law-gurray. Gabay: Nimanyahow Ninbaa naga shirgalay sheegiina waan weynay Waa shilaya-buur loo qabo shan inuu jira,e Ninkii shaahidaa garan sheyb inuu yahaye Shisha dheer markuu marihayuu madax shabiiqnaaye Sheexada korkeeduu shilin ku leeyahaye Shaf iyo duud waa wada shallaax shaxan abeesaale Sidii Naaga meyr guranhayuu marada jiidaaye Sidii diin mullaax cunihayuu luqun marjiidnaaye sidii herenbed-cawlkiyuu hore u dheeraaye Hoorrigsane inta horee laga hurdaa habar la moodaaye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 17, 2001 - 12:11 am TO:C/dullaahi-baaruud Walaal salaan keddib labada gabay kan hore ee caraadiska ah waxaa la tiriyey horraantii dagaallada sokeeye (1990-92) mana garanayo Abwaanka tiriyey gabayga danbase waxaa la tiriyey billowgii 1950-kii Abwaanka tiriyeyna wuxuu ahaa awowgey C/dulle Cali Ugaas, maalin ayuu u yimid Nin ay xifaalo ka dhexeysay oo rag badan la jooga markaasuu yiri "Nimanyahow waxaan raadiyey Nin tolka ah oo la waayey" Nin kale oo sheekada fahamsanaa ayaa yiri "Cabdullow bal noo sheeg Ninka tilmaamaha aad ku baadi goobtay " halkaas ayuu awowgey ku mariyey gabaygaan oo intaas ka dheeraa, Ninkii kale ayaa asiguna gabyey oo awowgey ku inkaaray tiibisho iyo inuu u dhinto xuqaaca dhiig, waana laga aqbalay oo sidii uu sheegay ayuu awowgey u dhintay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 18, 2001 - 01:24 am TO:Biisaay-yare Biisaay-yare bal aan sheekada hoos isugu dhignee igala soo xariir E-mail-kaan qeyr@ hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 11:27 am to-qoslaaye walaal waad salaamantahay waaadna ku mahadsantahay fariintaada iyo sida aad u jeceshay in aan isbarano waan kuu soo diray E-mail igala soo xiriir E-mail-kaan srafil@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 12:30 am Qoslaaye waad ku mahadsantahay sida aad iigu soo jawaabtay ee saaxiibow gabaygaanna kumuu ahaa abwaabkii tiriyey, waxaan qiyaasayaa inaad taqaanid sababtoo ah sheekadaada billowgeeda ayaad ku soo qaadatay qeyb-yar oo gabaygaan ka mid ah, Reer-Ceelbuur waxaan idinka sugaa jawaab. Gabay Nimanyahow guddoon gabay beryahan waan ka gaabsadaye, garankeyga waa taan ka jaray gocashadeydiiye xalaybaan gigtaan iri hurdada wax igu gaareene halkaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine waxa guurka ii yaalla waan soo geddinayaaye gablan weeye geel kuu dhaloon godol ka maaleynin gablan weeye guga oo da,oon gooshin bixineynin gablan weeye gabadhaa qabto oon gogosha kuu qaadin gablan weeye gibinaad dhashoon guulba curineynin gablan weeye geediyo nimuu gebi ku soo haaday gablan weeye gaammigan yaxaas ruux gabraarsadaye gablan weeye Gooshiyo ninkuu Aarku kala gooyo xalay guul aroorkiyo anoo ciilku igu gaaxay Anigoo gefkii layga galay aanan garan waayin Anigoo gefkeygiyo gacmaha meel isugu geeyey Anigoo gam,eynoo hurdada aad u kala guurray Anigoo gasiinkiyo cuntadu iga gambuurowday Anigoo gabdhaha reer tolkey go,ay haweeneynin Anigoo garoob iyo sidii gabar xishoonaaya gabbaldhac iyo waaberi haddaan guluf la heenseynin gabbaldhac iyo waaberi haddaan gaas la bixineynin ninkaa godobta kaa qaba haddaan gowrac lagu taagin oon goynin hilibkiisa oon gumac la leefsiinnin gebigeed adduunyadan gurracan waan isaga guuri Karanlow haddaan guluf la xirin waan is gowricicye wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye waa inaan gambada qaato oo giisho madaxeyga garbasaar inaan qaato oo soo galbado weeyo guntiinada inaan soo xidhoon soo garsado weeyo wallaahaan garooba nihiyo carmali joogta gurigeeda wallaahaan gambooley nihiyo magaca guudleeye wallaahaan gashaantima nahoon aara gudan weynay garwaaxeysigii ka tegay iyo gogol ku jiifkiiye gefka uma dulqaatiyo xumaan layla soo gala,e gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye gumac gaaxsanaan jiray markaan godolka sii daayo gebi dumay sidiisii markii la,isku soo guuro waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane ................................................. galiilyada i heysoo wadnuhu ila gariiraayo xalay gelin dhaxaadkii dadkoo kama,sanoo jiifa galleyrkiyo markuu galowgu ciyey gedaankiyo xoogga gurxankeyga iyo riinkiyo guuxa lala yaabyey gu hagaagayoo gala,da iyo geeddi la,i moodyey goohaad madow iyo markaan geeydha bahal yeeshay gaameesha iyo shaarubkiyo miciga soo giiray sida goolka iyo goosha oo gibinnaddii haysta oo laaga guuda galay iyo gebiyo hoostooda oo gowsihiisiyo gacmaha meel isugu geeyey nin galladay ninkii ganay libaax garaye ruuxiiye ma guuleysto ruux iga gardaran guusha karanlaa leh afartaa guddoon lagu hadliyo gocashadeydii dheh go,aanuu nin weyn soo diriyo garasha waayeel dheh gal xareda goob lagu nastiyo geed caleenbadan dheh gogol caar leh guubaabin runa karanle guudkii dheh guul iyo ayaan la,igu garay guluf la heenseeyey. gooni daaqa cawlkiyo waxaa goodir iga yeelay geedaha ugaadhiyo waxaan geri la sheekeystay maroodiga gacanka weyn waxaan gibil ku heenseeyey gardhaalaha shabeel iyo libaax gebi la jiifaayey gabraa,ada galool uu mas galay garabka saartaaba godin geedka lagu gooyn waxaan gacan horreysiiyey gebi dumay garoon geed ka baxay gowla kala guurtay geel aroora ceelkoo gallama geel-jir wada ooyey gambooley cadhowdiyo hablaha guudka laga xiiray odayaal ra,yiga goyn jirtoo geedka laga saaray garbaduub rag loo giijiyoo gacantu naafowday garoomaha rag lagu gowracoo dhiiggu gelelaabay gumeysigu geddaasuu yahay iyo guul darriyo hooge gardarrada ma yeelloo xumaan waan ka gubannaaye waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray gartu eex ha noqotee ra,yina laysla garan waayin nabad wey gallowdoo samaan weynu kala guurnay garyaqaannadoo idil markii gowrac lagu taagay dhallinyarada goor iyo ayaan layga gummaadaayey dumar aan wax gelin oo gacmahiyo naaska laga gooyo gardarrada ma qaatee xumaan waan u gogol xaaray gammaankeyga gaarka ah markaan gibilka heenseeyey een galab carraabee dagaal ugu gacan-qaaday gadhka feerki aan kaga dhuftiyo gowsahiyo daanka gishaarada markii loo gogloo ganacya weyn taallo geelii gendigu uu cunee wada galoofay ee godolka laga waayey iyo caano laga gaaxsho gufaanuhu hashii uu cuniyo shilin gabaarreyda laga gaaryey laga gooy wixii gibilka boogeeyey geedaha caleentaa cillaan gooni ugu foofsha gurrinkeeda naaxiyo nirgaha gooni socodkeeda guuraha habeenkii ka jira tuugga qaa-tahaye bahal gowsa weyn iyo libaax gowracaa jira,e waligeyba waan goobi jiray Karanle guushiisa guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane sidii gaaggur geed lagu raroo gamashi dayreeda ka gu,iyo gu,yaal badan waxay gudub u saarraato shinnidoo galsheytiyo wuxuu malabku gaaneysto markii galabta loo fuulo oo daarka laga gooyo malabkii ku gaaxdiyo markii miidda laga gaaxsho ninkey gaajo heysaba markii loogu gacan haadsho Karanluhu geddaa weeye iyo gallad Ilaaheeye baalshada macaan iyo jannaan gacan ku nuugnaaye waligeyba waan goobi jiray karanle guushiisa guuleysta weligiinba waad gacan sarreysaane.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 30, 2001 - 11:44 pm Qoslaaye saaxiib wali qisadii miyaad wadaa, waxaa tahay ma daale CABDULLAAHUI BAARUUD Saaxiib gabyada waa la igaga dheereeyaa, laakiin gabayga danbe waxa uu u eg yahay gabay uu tiriyay abwaankii weynaa AXMAD MAHDI(axmad gindhish), qiyaastii sanandkii 1895. axmad gindhish waxa ay gabyo iswaydaarsan jiren MAXAMAD CABDULLE XASAN. ARKAAYE saaxiib waxaa tiri qoslaaye waa ALI--I, maba waa IS-------IIL, ma waxaad ula jeedaa ALI ISMAACIIL SKEEKH NUUR, anigu waxaan u malaynayaa inuusan ahayn. BIISAAYE-YARE Sida odayaashu kuu sheegeen ha ui jawaabin raggaa hudhudka ah , ee raba inaay jaho kale afka kuu saaraan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 01, 2001 - 12:29 am Waad salaamantihiin Ree-Ceelbuurow Anigoo tix raacaya maqaalka uu qoray walaalkey Mr:Copenhagen ayaan marka hore uga mahad celinayaa guubaabadiisa marka xigtana inkastoo ay Abwaannada Reer-Ceelbuur iska badnaayeen haddana Axmed gindhish ma ahayn gabyaa ee waxa gabyi jiray wiilkiisa oo la oran jiray C/kariim Axmed gindhish, gabayga kor ku xusunna asigu ma tirin ee waxaa tiriyey Abwaan kale oo haddii aan magaciisa helo aan idiin soo gudbin doono inshaa-Allaah. Abwaan C/kariim gabayadiisa waxaa ugu caansanaa gabay uu tiriyey asigoo 14 sano jira wuxuuna u jawaabayey gabay uu Oday marreexaan ahaa ku caynayey beesha Ceyr (habargidir) oo si guud u cambaareynayey Magaca hawiiye, iyo laba gabay uu geela iyo fardaha ku kala amaanayey. Afar iyo toban jir gabayadiisa laga daba dhacay ma qiyaasi kartaa xigmadda ku dheehan gabayadii uu konton jirka ku tiriyey , ilaa hadda waxaa jira odayaal xafidsan gabayadaas haddii aanan lagala harinna wey la tegayaan, dhanka taariiqda Abwaanka waxay isku xilli ahaayeen Ugaas fara-cadde wuxuuna ahaa saaxiibka iyo la taliyaha koowaad ee Ugaaska, gabyaannimada ka sokowna wuxuu ahaa garyaqaan geedka laga qaddariyo,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 01, 2001 - 01:08 am Qoslaaye Saaxiib aan ku saxee cabdikariim axmad gindhish waxa uu ahaa Clan leader( hogaamiye dhaqameed), ee waxa gabyi jiray waxa uu ahaa aabihis AXMAD GINDHIS, waa runtaa waxa uu ahaa gacnta koowaad ee taageeri jirtay UGAAS FARCADE alaha u naxriistee.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 06:42 am "" dhamaanta dadka sharafta leh ee isugu timid maqaalkaan aad ayaa u mahadsantihiin kii ku hadlay wax aan loo baahneen & kii ku hadlay taariiqda qadiimka ay leedahay MAGAALADAAN Hase yeeshee ninkii ay dhibayso magaaladaan ""KA NAX OO NAFTA WAA""
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 05, 2001 - 02:51 am Weligey waxaan raadinaaye meel ceel-buur looga hadlaayo waxaanse xiiseynaa dadka wax ka yaqaan ee ka hadlaayo kuwa anoo kale ah ha iska aamuseen noo wad saaxiib sheekada ceel-buur.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 05, 2001 - 10:32 pm TO:MR:Copenhagen Sx arrinta aad iga saxday waan kuga raacsanahay sababtoo ah markaan dib u raacay sheekooyinkii C/kariim iyo Axmed-gindhish oo Aabbihiis ahaa ayaan garowsaday inaann qaldanaa maxaa yeelay gabayada oo badanaa ku taxalluqay nolol baaddiyood waxaa tirin karay Axmed-gindhis oo inta badan noloshiisa ku qaatay miyiga, balse Cabdi-kariim wuxuu ahaa Reer-magaal wax bartay seddax luqadoodna ku hadli jiray "sida la sheegay" haddaba labada Nin waxay ahaayeen Abwaan iyo aqoonyahan is dhalay. intaas keddib waxaan salaamayaa dhamaan walaalaha Reer-Ceelbuur ee ka qeyb qaatay hannaan socodka Page-kaan waxaana idiin rajeynayaa qeyr meel-kasta aad joogtaanba.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 06, 2001 - 03:28 am DHAMAAN DADKA REER CEELBUUR waa idin salaamay sharaf ayaad leedihiin.Waxaan idin leeyah dadka kaxun boga sharafta leh ee aan leysku caayey.Yaanan lagu dayan kharaarkuna haayo Waligeed laguma yakhaan dad xun reer ceelbuur. salaama.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 07, 2001 - 02:36 am Dhamaan Reer-Ceelbuurow ciid wanaagsan, Afraxmiig waad ku mahadsantahay waanada iyo ammaanta aad walaalahaa usoo jeedisay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 07, 2001 - 07:33 pm aryaa waa Abdi Fidow wiil ceerbuur , hadda ku noqaa oon Hotel ka dhisaa ceel buur.....waa magaalo ninkeedu yaqaano.....ka tag ha u bixin.. ciid wanaagsan........
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 08, 2001 - 02:35 am Reer-Ceelbuur Ciid wanaagsan Walaalayaal aadbaan ugu farxay habsamida aad boggaan iskugu dubba riddeen ee sidaa ku wada, Aniguna waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinayaa tix uu iska lahaa Abwaankii qoraaga ahaa ee Ustaad Cabduqaaddir oon kasoo guuriyey bogga Suugaanta-Ceelbuur. Waana tan tixdi oo guubaabo iyo caraadis isugu jirta. Calankiyo dhulkeennii Dhawaqa iyo murugada Miyaan dhabanna heys iyo Ugu beerin mahadhada Malayiin miyey dhiman Dhurwaayadu daldalanoo Dhunniyee dhankee jiraan Kuwa dhaanka aadoo aan ku dhaayaneyno asigoo jawaab ka celinaya calaacalkaasna wuxuu yiri. Kuwa dhaanka aadoo Lagu dhaadanayaa Waa dibi duguuguman Dibadaha wareegee. Denbiga iyo beentana Derbiyada la joogee Daamo-dheel duneystee Daanka qaad daliigmee Daba feed ku daal ba,ay. Dahabow duulkaad rabtid. Waa durriyo naareed Doqomoo la kala dilay Dacayeysi gaal oggol. Diracyada iyo diintana Diidayow docdow ridi. Daango duug ah booboo. Daba orodka gaalada. Duunyo doon ka yeeshee Dulliba dullibay la diin yihiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 11:25 am Walaalayaal soo daawada aqalka cusub ee Deyniile. Waxaadna halkaas ka heli kartaa wargeyska Qaran oo lacag la`aan ah. http://www.deyniile.bizland.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 13, 2001 - 02:14 pm walaalayaal aadbaan ugu farxay hadii eyba idinku dambeyso xasuus tii ceelbuur iyo magaaladeeni quruxda badneyd anigu mar hore ayaa iigu dambeysay sidaanse la socdo ama wararkuba igu soo gaareen ceelbuur waa sidi waxba iskama badalin dadkine sidi ayey uwada degenyihiin qofwalbo oo reer ceelbuur ahna waxaan kula talin lahaa in uu dalxiis utago ceelbuur waad mahad san tihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 14, 2001 - 03:28 am Ugaas faracadde Sx waad mahadsantahay bogga waan booqday waxaana ka helay aqbaar aan maalmahan raadinayey Thank U brother,
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, March 20, 2001 - 11:17 am Hi walaalaha reer CEELBUUR siiba Qoslaaye Qoslaaye saaxiiboow runti waxaa sheegtay dhan waa sidii ayeeyo deey iiga sheekeey jirtay oo dhab ah. marki aan yaraa. habeen walbo marna mako baaqan jirin maxaa yeelay aad aan u jeclaa.... saaxiiboow sidaas ku siiwad dudublahaana iska dhaaf Galhareeri aan inta kasoo racdeeyey eey baahi u dhamaadeene ..... waa mahadsantahay.
|