    Xoriyo | Monday, December 11, 2000 - 04:47 pm Waxaan ahay gabar deganeed gaalkacyo qeebta kaabada askarta oo hadana ku nool North America. Marka qofkii deganaa gaalkacyo, please welcome. |
    bardacad | Tuesday, December 12, 2000 - 06:48 pm xoriyooy,hadaad tahay taan mooday tahay shiikhaal biibito.kulahayd dhowntoonka alaa ikaa baree warka soo.cadee |
    goobe | Saturday, December 16, 2000 - 06:42 pm xoriyo ku.aaway waxaagu waxay noqdeen miroow qarxi waxbaad qortay hadiiba lagu maqlo yaakhay soo noqo walaashiis |
    Anonymous | Sunday, December 17, 2000 - 07:35 am ku xoriyo oo mageceeda badashey bardacad oo ina bardoca ahaa iyo goobe oo aanan garaney inuu markaa goobo lahaa ama bilibiqada siduu uugu qaadayey tuur yeeshey dhamaantiin salaama anaa wiil gaalkacyo ah baasto iyo digirna dhagaxaan kutuurey ee hala idin helo aanu kasheekeysano bardodheere,yool gaduud, cirjiife iyo yameeska cidii ku dabaalan jirteyba>>>>>../ |
    dayax | Sunday, December 17, 2000 - 09:36 am ku,,,anonymous gaalkacyo,dhinecee,daganayd ama xaafadee ma garsoor,,ma wadajir,,ma horumar,,ma israac iskuulkaase eight uga baxday cumarsamatarse magaartay loodkeese ahayd qaydarkase waligaa caday maka doontay ama malmal |
    anonymous | Sunday, December 24, 2000 - 07:19 am Mr: dayax; waxaan dumnad ku ciraari jirey, dabakaayooyinkii candho dhexe, fadhi xun, iyo baraxley, in badana aad ayaan qaydarta iyo doonyaale,agagaarka laantaba waan ka doontey malmal, iskuulkaan dhiganjirey waa bardo cad eight na uu ga baxay umarsamatar waxuu ahaa dugsigii sare reer reer mudug ee ma aheyn mid dhexe. sidaas waaye boowe... jr adiguse ma fake baa magacaagan tell me xaafadaada iyo meeshaad dhagaxa ka tuuran jirtey ? |
    car i taabo | Monday, January 15, 2001 - 07:42 pm waryaya waan idan salaamay yaa weligii dugsigii quraanka ee macalin karweyne intuu ka soo dhuuntay siciid tarabi ALLAAH ha naxariistee u buufiyey dab, yaase kawtan ku dheeli jiray makiinadii badarka shiidi jirtay horteeda,yaa ciyaal intay isku dagaaleen yamayska yiri ii sug aan bariis kuu soo cune ha is qarinee is soo sheega. |
    car i taabo | Monday, January 15, 2001 - 07:52 pm ku anonymous! walahaahi rer kalkacyood inaa tahay marag anaa kaga ah ee dugsigee dhigan jirtay waxaan ka cabsanaa inaa tahay koo qataa intuu lacag kaxaday u soo kexeeyn jiray ceelikii ilama cisaaman xaaji oo ku yiri intuu hooskiisa tusiyey wakaa ninkii soo xaday lacagtada waryaa toosh aan kugu radinayaa oo maskiinku ina adeerkay buu noqday car isi soo sheeg hadaa digir tahay iyo hadaa baasto tahay ha cabsane ha la is maqlo gacal baynu nahaye. |
    geesood | Wednesday, January 17, 2001 - 03:20 am to reer gaalkacyo oo idil, walaalayaal waxaan la yaabanahay sida cajiibkaa ee car i taabo uu u yaqaan gaalkacyo iyo waliba reer cismaan xaaji iyo makiinaddi ilko jairac ee badarka shiidi jirtay, waxaan soo xasuustay waayo waayo iyo waa hore oo la halmaamay ee laga gudbay. waxaase xasuus igu reebay sheekodii aan la socdayu siday u dhacday ee ninkii qaataa soo kexeeyay ee yiri lacgtaadii halkaan ayay ku jirtaa ayuuba ka sheekaynayaa, laakiin maxaad uga sheekayn la'dihiin MIROOW QARXI XAAJI BAADI,CIRFAANNO,SALAAD DHEERE,CUMBULUQ, YUHUUD, iyo ragii caanka ahaa oo idil ee reer gaalkacyoodka ahaa.. reer gaalkacyoodka dadka kale waan ka jeclahay kolleey inigu waan idin salaamayaa..... as salaamu calaykum w.w dhiigoow. |
    car itaabo | Friday, January 19, 2001 - 10:16 pm geesood; walal waan ku salaamay galkacayo wacad Alle waan jecelahay marqaati adaa ka ah sidaan u jecelahay waxanan ka hadlin fornadii rootiga macaneey iyo siciid tarabi birtiisi dabka buufin jirtay maxaan intaan dugsi u soo gooyay dab u buufiyey, hadaan adayaa galkaciyo fan oo dhana ka soo dubyaa Insha Allaah. Asalaamu Caleeykum Waraxmatulaah. |
    Anonymous | Sunday, February 11, 2001 - 07:59 am ku reer gaalkacyoodkoo dhan saxiibbayaal, where are you, mida labad hadaad reer gaalkacyood tahiin magaraneysaan ilmo Gacmagod siiba ( Sanweyne ) oo ahaa darawaliintii caanka ka aheyd Gaalkacyo iyo aga gaar keedaba, hadaad taqaanaan fadlan meeshuu ku danbeeyey noo sheeg....? |
    Galkacyo2 | Tuesday, February 20, 2001 - 12:08 am Asalaama Calaykum- Gaalkacyo ayaan inatiree ka soo raacay oo aan soo aaday Xamar, waagaa bus ma jirin. nin baa wuxuu yiri haddii Gaalkacyo aad ka timid waxaa Galkacyo laga baqo matakhaan, maya baan ku iri, wuxuu yiri hee adiga reer Gaalkacyo ma tihid. Gaalkacyo waxaa lagaa baqaa Cusmaan Xaaji iyo Baadi. - waxaan xasuustaa anoo yar baadi oo ka qaadaya lacagtii arbacadda masaakiintii oo dhan. cirfaan iyo cirfaano oo xanaaqsan oo lacagtii maanta oo dhan soo tuugsanayeen baadi qaatay. qaataa oo faal dhigaya sidii uu lacagtii uga soo ceshan lahaa baadi. mukulaalihii oo hilibkii ay soo dafeen baadi ka qaatay. anoo xanaaqsan oo ku dabaalan waayey laanta oo buuxda sababtoo ah shuuke baa dadkii ku maquufinaya. yamayskii lama aadi karo ina macalin baa qarka kale iska soo tuuraya oo dadka ku muquufinayaa. |
    Ina Qurufle isbriijiye | Tuesday, February 20, 2001 - 12:09 pm balaayow ku burbur war heedhee baadi ma nool yahay ; cismaan Xaajuu ka baqan jiray . yamayskii cammbe ma lagu beeray |