Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: North America: USA: ATLANTA & Xaaladaheeda!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BIDHA

Thursday, December 14, 2000 - 02:02 pm
ATLANTA & XAALADAHEEDA!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bidha

Thursday, December 14, 2000 - 02:19 pm
Atlanta waa magaalo runtii aad u jawi fiican lalana qabsan karo si fudud. Magaaladu waxa aan u bogay jidadkeeda markii ugu horaysay ee aan cagaha soo saaray, teeda labaad dadka dagan oo nooc walba leh, si fican ayay u wada dagan yihiin,,
Hdadaba soomalida dagan magaaldadni maxay kaga duwan yihiin soomalida dagan wadankan maraykanka intiisa kale? Anigu markaan sidaas u eegay waxa aan discover gareeeyay in magaalada dadka dagan ay cuqdad yari ku kala dhex jirto taasi oo ah in nin walbaaba uuu la socdo amaba uu ku ekeaado dadkiisa inta ay isku meel ka soo jeedan( qabiilka yihiin} iyada oo ay sidaas tahay soomalida dagan ATL aad ayay uga yar danbeeyaan somalida dagan wadanka intiisa kale marka ay noqoto is dhex galka bulshada soomaliyeed. Hadaba waxa aan ATL ka waayay qof soomali ah oo niyadiisa ay ka madhantahay cuqdadaas foosha xun oo soomalida qaar kood ay wali ka bogsan laayihiin una yeeshay dabeecad aad u qadhmuun oo marka aaad salaanta iska qaaadaan isla markaaba ku dhalinaysa in uu ogaado cida aad ka soo jeedid. Ula jeedadaydu waxa ay tahay amaba aan u soo jeedinayaa dhalinta ku nool ATl in ay iska ilaabaan fikrada foosha xun ( qabiil) oo ah ta halkan ina keentay inooguna wacan duliga & sabool nimada.
bye!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 16, 2001 - 04:32 pm
sxb horta hore waa runtaa magaalada qabiil ayaa ka jiro hadana waxaa jirto in dadka qaar aaysan sidaas wada aheyn hadaan kaaga waramo xaladaas waxa ugu wacan wayo magaalada waxaa u badan dad ya koo soo jeedo qeybaha qabiilka looga dhaqmo ee somaliya taasna waxaa sii dheer waxaa uu tartanka dhaxeeyaa labada qoys ee ugu badan magalada oo dhaqan duway kuwii kale sxb taas waxaa sii dheer in magaaladu aay gaartay horomar fiican sida dhanka odoyaasha hadana dhalinta waxaay ukala baxaan labo qeyb 1- qeyb ku dhaqanta arinta qabiilka 2-qeybtaan ayada waa ka caagantahay arintaas ayada ah marka waxaase badan dadka hore waayo magalada waxaa u badan dad ka yimid badiyaha oo aan aqoon isdhexgalka dadka hadana sidas aay tahay magaalada waxaay gaartay horumar baaxadweyn oo waxaay ka midtahay magaaloyinka horumaray ee somalidu degto waxaayna ku jirtaa qeybta labaad tan kowaad oo ah mnpls
marka sxb waxaa ayadana xusid mudan gudiga odayaasha & kanduugta oo ah mid lagu tilmaamo inuu mudanyahay ku dayasho.
hadaba waxaan idin shegayaa magaaladu iney tahay tan ugu sareso cimilada dalkaan
waxaana idinleyahay soo dhawaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 16, 2001 - 04:35 pm
ATLANTA WAA MAGALO HORUMARTAY OO KU DAYASHO MUDAN WAXAAYNA LEEDAHAY LABO IDACADOOD & TV KU HADLA AFKA
SOMALIGA WAXAA SII DHEER WAXAAY LEDAHAY GOOBAHA GANACSIGA WAXAAYNA TAHAY MAGAALO KU DAYASHO MUDAN GUDIYADANA SIDOO KALE COMM. SIDOO KALE