We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 21, 2000 - 01:20 pm To : Baadi goob Walaal waxaan baadi goobayey gabadha layiraahdo Ubax Shire Suudi deganayd xaafada kaluunka Somalia Fadlan hadaad garanayso halkan igala soo xiriir
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 03:22 am Ubah shire Faisal Walashis yeah i know her
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 03:08 pm To:Dalmar Walaal salaan kadib sanad wanaagsan aad baan ugu farax sanahay in aad tahay qof aqoon u leh Faisal Shire IYO Ubax fadlan xagee talefan ama adress ayaa laga heli karaa waaxaanu nahay dad aad isugu dhow nololna wada qeybsadey. Sanad wanaagsan By Parlaman
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 02, 2001 - 05:58 am to:Barlaman! Saxiib ma sharmaarke shire suudi walaashiisaa? maxaa dhacay miyey wasmo macaan tahay walaalkiis haddii aan maqlo meesheey joogto anigaa kula soo xiriirin doono.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 04, 2001 - 02:32 pm Walaal af fiican ma'aadan ku hadlin marka ka fiirso waxa aad ku hadlayso mise isku kay taqaan horta maxaa keenay hadal xumada iyo af lagaadada. Hadii aad taqaan fadlan sheeg hadii kale isaga bax meesha af kaaga xun.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 07:31 am Waa salaamantahay salaan kabacdi saaxiibow aniga waxaa saxiibo aheyn Faysal shire. Walaalihiis Ayaan iyo ubax kor ayaan ka aqaan. Faysal wuxuu joogaa Canada, Ayaana Holland ayay joogtay markii iigu danbeysay oo aan ku maqlay. Saaxiboow adiga ma kaluumaysiga degenayd? waxaa dhici karto inaan ku aqaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 09, 2001 - 05:56 am To:H Abdi Walaal Abdi ugu hotayntii waa ku salaamay waan ku faraxsanahay in aad taqaan Reer Shire. Waxan maqlay in ay joogto Sweden Ubax Shire wax xaafadii kaluunka deganaa in ay ka joogto Sweden ayaan filayay sidaa awgeed baan u raadinayey. Abdi haa anigu waxaan deganaa Xaafada Kaluunka halkaas oo aan ku soo koray kuna caqliyeysatay. Waxaan jeclaan lahaa in aan adiga aad si fiican isugu kay sheegtid Abdi magacaa hore waa u maqlay waana ay bedan yihiin marka Abdiga aad tahay iyo in aad ahayd reer kaluun iyo in kale bal saaxiib isu kay sheeg. Aniga magacaygu waa C/weli deganaa xaafada kaluunka mudo dheer.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 10, 2001 - 11:02 am Saaxib A/Weli To: Abdiweli Aniga ma degenayn xaafadaa, laakin saxibo badan ayaa kulahaa. Anigaba hada waxaan degenahay Sverige. Faysal saxibo aad ah ayaan ahayn, walaalihisna kor ayaa ka aqaanay. Waxaa kale oo saxibo aheen Maxamed "indho-weyne" oo guriga ku faysal guriga ku dhegen degenaa ama reer Xasan Gaamuur. Waxaa kale oo saaxiibo eheyn Cabdinasir Maxamed Cumar oo xereda dhexdeeda degenaa. Aniga waxaa dhigan jiray Dugsiga Sheehk Xasan Barsame. Saaxibow adiga issheeg inaa ku gartaa laga yaabaa.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 05:28 am To: H abdi Walaal waan ku salaamay aniga waxaan deganaa xaafada kaluunka sheeq xasan barsame ma dhigan jirin ee waxaan dhigan jiray Banadir Sare. Waxaan u malaynaa in aan ku aqaan bal fadlan si fiican isugu kay sheeg sida magacaaga, meesha aad deganayd, iyo naanays hadii aad lahayd, in aan kubad wada ciyaari jirnay xaafada ama Zona Key. Walaal aad baan ugu farax sanahay in aan maanta la xiriiro qof kala yaqaan dhalintii xaafada iyo weliba dadkii aanu meel kusoo wada kornay. C/Naasir waxa uu hada degan yahay London. Max'ed yare 'Indhooy'waxaa uu hada degan yahay America. Mustaf sidoo kale US waxaan uu u shaqeeyaa marineska US dhinaca computarada. waxaan jeclaan lahaa in aan la xiriiro dhamaan wixii ku nool Sweden oonu isku xaafad ahayn Kaluunka amaba aanu isku fiicnayn isna naqaanay sababtoo ah saaxiib dagaalkii siduu u dhacay dadka inta badan kama war qabo wax nool iyo inta geeriyootayba. Walaal hadii aad heyso ama garanayso adresska Ubax halkan iigu soo rid amaba talefan waxaan iyada ka heli karnaa talefan ama meel aanu kala xiriirno Faisal shire iyo weliba bah weynta kale ee ku nool Canada iyo US. Waan ku salaamay mar kale walaal
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 08:28 am Salaan, Abdi Weli Waa mahadsantahay. Aniga magacayga waxaa la yiraahdaa Hayaan Abdisalan. Waxaa isku kalaas ahayn Indhoweyne iyo Abdinasir. Hadaa aragtay ma aqaan laakin gaari toyota (laba shirley) ayaa wadan jiray. Lanbar afar hotell Naaso-hablood farmashiye ku dhegenaa aa laheen. Faysal saaxiibo ayaa ahayn markii iskugu keen dabeysay waxay ahayd Mombasa iyo Nairobi 1991-kii intuu Canada aadin anigana sweden soo aadin. Intaa halkaan Sverige imaan 2-3 ayaa isla hadalnay ayaa xusustaa.Abdinasir dhor bilood ka hor ayaan isla hadalnay. Waxaa degen reerkiisa halkaa Sweden, Aabihiis, xaaskiisa xaawo,liibaan iyo gabdhihii waxaa markii iigu denbesay degenaayeen Katrineholm. Saxibow Mustaf markuu maraykanka aadayey aa iigu danbaysay. Mataqaanaa Yoonis oo habaryartiis dhashay? oo dhinaca bangaariya agteeda degenaa? asgana maraykanka mase canada ayuu jiraa aya umalayna. Yoonis isku kalaas ayaa ahayn asagana. Var i Sverige bor du nu? vad gör du? isoo sheeg. Nabadgelyo saaxib. Mahadsanid iyo ismaqal danbe oo xiiso leh.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 10:58 am To:Hayaan Hayaan waa ku salaamay saaxiib waxaan maqlay inaad guursatay marka hore (awguuriyo) Xalwadana waa qarsatay saxiib. Waxaad iiga soo warantaa familkii Finland sidee yihiin sidoo kale Hibaaq waxaa iigu danbeysay markii ay joogtay Frace sidee tahay iiga soo waran. Yoonis waxaa uu degan yahay Canada ma garanaayomeesha uu ka joogo. Saaxiib waxaan aad ugu farax sanahay in aan kula xiriiro markale, waxaa iigu danbaysay adoo degan Upsala waxaad iiga soo warantaa xaaladaada iyo noloshaada iyo weliba meesha hada aad dega tahay. Waan ku salaamay markale
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 13, 2001 - 04:52 am To: Liban Liibaan waa ku salaamay marka hore, marka labaad mahadsanid. saxibow aad ayaa u cafimaad qabaa. Haa waan guursaday, xalwadana waa ogahay inaa qarsaday raali ahow waa laga xaal marinaa. Reerkii Finland way caafimaad qabaan kuligood. Aabe badanaa wuxuu jiraa Afrika oo ka ganacsadaa inta kalena Finland. Hibaaq waxay hadda degantahay Norway waa guursatay. Hibo iyo hodman iyaga waa guursadeen. Idil kaliyaa hartay. Aniga hadda waxaan deganahay Karlstad waxaana ka dhigtaa jaamacad, waxaa bartaa siyaasad iyo sharci. Saxibow aad aya ugu faraxsanahay inaa warkaga maqlo. Xaaladada ka waran adiga, xagee hada degentahay? maxa samaysaa? reerka ka waran? yaa dad war kaheysaa? iisoo sheeg. Mahadsanid. Hayan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 03:52 am To: Hayan Abdi Walaal waan ku salaamay aniga waa kuu fiicnahay weli waxaan deganahay Katrineholm. Aniga xaaladayda waa fiican waan guursaday kaligaa xalwada maad qarsan marka saaxiib hada waxaan lee yahay Laba caruura wiil iyo gabar. Waxaan ka shaqeeynayay Ericsson ilaa mudo magaalada Kumla ee Örebro ku dhow. Hada waxaan damacsanahay in aan dalbado högskolan. Saaxiibkaa C/nasir waa guursaday waxaa hada uu lee yahay hal gabar meeshii sii London ninki meesha caanuuba ka noqday. Waxaad igu salaantaa dhamaan reerka iyo weliba hibaaq Norway marar badanaaba aan tegay meeshaas. Saaxiib hada waxaa ila jooga Cumar-deeq hadii aad xusuusatid oo gurigeena deganaa waxaa uu hada ka yimi Holand waana uu ku salaamayaa. Hayaan saaxiib Polotico ayaaba baranee haye waa ku farax sanahay, Waxaad igu salaantaa dumaashiday waxaan jeclaan lahaa in aan mar is aragno waayo mudo dheer ayaa isugu kaaya dambaysay. Saaxiib Familka dhamaan waa fiican yihiin weli waa reer Katrineholm. Gabdhihii Amal waa la guursaday aroos weynaa loo dhigay waxay u guurtay Canada, waxaa jooga gabadhii noogu yarad waagii Somalia hadase sadex kalaa ka yar oo jooga. Hayaan waa ku salaamay saaxiib markale aad iyo aad baan ugu farax sanahay in aan kula xiriiro mar kale fadlan dhalin yaradii ila soo socodsii hadii aad dad ka aragtay Sweden.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, January 14, 2001 - 06:51 am To Liban Waa ku salaamay Liban, salaan ka dib waa ficanahay adiga iyo reerka dhamaana waxaa urajaynaya cafimad. Waa ku faraxsanahay inaa guursatay dumaashiday salaan iga gaarsii. Saaxibkey cabdinasir ayaan dhexdaas ayaa la hadlay, siduu iidhahay waa kusoo wacaa weliba war ma kahelin. Wuu iisheegay inuu gabar leeyahay. Saaxibow 1998 maraa Holland tegay ayaa isla hadalnay Indhey, marka wuxuu markaas rajaynayey inuu Maraykanka aado. Dadkii lakin weli wax kale ma arkin. Saxibow Kumla iyo Örebro waxay ii jiraan 1 saac iyo bar meelahas, marka mar isoo gaar markaa waqti hesho waa fiicnaan laheed inaa is aragno waqti ayaa kasoo wareegay intaana is arkin. Walalow igu salaan adeer Maxamed Cumar iyo eedo Xaawo, iyo gabdhihii oo dhan. Hibaaq waxay degentahay magaalo oo koonfurta Norway ah oo Kristiansand udhow. Waa kufaraxsanahay inaa högskola bilaabaysid mustaqbalka ayey u fiicantahay. Mahadsanid. Saxib waxa igala soo xiriirtaa e-mailkan hayan74@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 21, 2001 - 07:58 am Hayaan and Lii salaan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 25, 2001 - 07:53 am Gabar Waa lagu salamay walal. Liban Xagee ku danbaysay saxib? igu salaan rerka oo dhan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 15, 2001 - 06:04 pm kuligiin waan idin salaamay,barlamaan walaal aniga ayaa aqaana ilmo shire suuudi faisal wuxuu deganyahay Canada Ayaana Canada ayay hada degantahay waxay leedahay Afar caruur ah Ubaxna waxay joogtaa Virginiya USA, markaa walaal ubax ma, aqaano taleefoonkeeda waxaanse ku siin karaaa Ayaan marka iyada kala xiriir. Ayaan telefoonkeedu waa (416)767-4063
|