Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: UK: UK: Somali Consumers Association (SCA)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

S.C.A

Monday, January 01, 2001 - 09:40 am
Ururka Macaamiisha Soomaaliyeed ee SCA oo ku shaqo leh ilaahinta xuquuqda macaamiisha Soomaalliyeed, ayaa wuxu soo gudbinayaa Abaal-marinhii sanadka 2000, ciddii ku guuleysatey.
ka dib markii uu ururku sameeyay baadhitaano uu ku eegayay cidda ama hey'adaha u qalma in wax-qabadkooda laga abaalmariyo gaar ahaan marka la eego sida loogu dadaado ilaalinta xuquuqda macaamiisha iyo raali-galintooda, waxa loogu kala guuleystey sidan:

-Kaalinta koowaad waxa sanadkii 2000 ku guuleysatey Idaacada BBC laanta Af-Soomaaliga iyo shaqaalaheeda, oo ku muteysatay iyada oo ah loona aqoonsadey in ay tahay hay'ada ugu macaamiisha badan, iyo sida uu shaqaalaheeedu ugu dadaaley raali-gelinta macaamiisheeda iyo waliba iyada oo laantu kaalin laxaad leh ka ciyaarto Ilaalinta xuquuqda dheegasha (Coppy Right)ee soomaalida dhexdeeda.

-Kaalinta labaad wax ku guuleystey shariikada Xawaalada lacagaha ee DAHAB-SHIIL oo iyaduna abaalmarinta ku muteysatey ka sakaw raali-gelinta macaamiisheed iyad oo shariikadu markasta xil-iska saarka in ay marwalba tixgeliso duruufaha la soo gudboonaada dadka soomaaliyeed iyo waliba iyad oo qeybo badan oo macaamiisheeda ka mid ah u u fududeysey in ay wararka caalamka oo af-soomaali ku baxa ay kala socon karaan aalada Satellite-ka.

- Kaalinta Sadexaadna waxa ku guulaystey Kooxda SOMALINET ee qaabilsan Internet-ka oo runtii aan halkan lagu soo koobi karin hawlaha balaadhan ee dadkooda u hayaan oo ay ugu horey in suurto-gal ka dhigeen in dad badan daafaha aduunka ku kala nooli si sahal ku wada xidhiidhikaraan.
-Kaalinta afraad oo loogu yeero Xeynta looxa amaanta iyo abaalka waxa wada galey :ÄL-BARAKAAT,WARGEYSKA JAMHUURIYA.WARGEYSKA QARAN, SOAMLILANDNET, IYO PUNTILANDNET.