Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: France: Dadka caytamaa miyaysan caadi ahayn.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Moh

Tuesday, January 02, 2001 - 09:52 am
walaalayaal waxaan jeclahay in aan bulsho waynta Soomaaliyeed ee internetka isticmaasha waydiiyo in marka qofi uu wax waydiiyo ama ra'yi soo jeediyo ay dadka qaarkiis ay caayaan ama aflagaadeeyaan marka waxaan dadkaas u sheegi lahaa haddii aad rabto in aad faahfaahin ama jawaab ka bixiso mawduuc lagu qoray internetka fadlan si aadaab leh uga jawaaba anigu kama hadlayo kuwa mawduucyada cayda ah soo qora.waad mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Monday, February 12, 2001 - 03:32 pm
mohamed,runtii waa arrin aad loola yaabo waxaan uun kolayn u aanaynayaa xagga saxaafada oo soomaalidu aad ugu liidato,waayo hadii aad figrada qofka ay kuu cuntami waydo waa uun laga gar baxaa qofka laakiin cay ayay intooda badani miciin ka dhigataa,waana fudayd iyo qoraalka internetka oo ku cusub uunbaan filayaa,waxaanan rajaynayaa in laga gudbo falkaa xun.runtii qaarbaa marka ay iska kaa caayaan aad adiga oo la qastay uun arkaysaa goor dambe.ishaad ka riday ,waa arin jirta.byeee.