    Caasha Cismaan Bonn | Wednesday, January 17, 2001 - 04:27 pm Jarmalka muddo ayaan joogay, laakiin sharci kuma haysto. Xaas baan ahay oo ninka iyo carruurtuba waa ila joogaan. Waxaan maqlay in Norway laga helo sharci deg-deg ah, masruuf ama cayr badan, lacag khaas ah oo uurka lagu qaato, lacag lagu qaato ilmahaaga oo aad korsato iwm. laakiin dhibaatada aan ka maqlay ayaa ah inay baraf badan, oo qabow badan tahayoo haddana isfuridda soomaalidu aad ugu badan tahay, oo dumarkoo dhan ay keligood ilmihii korinayaan, nimankii oo aan dulqaad lahayn ama naagihii oo kibray ha noqotee. Bal talo igu biiriya oo ma rabo inaan qurbo afar keligay ku koriyee. Mahadsanadiin!!!!! |
    Oday | Thursday, January 18, 2001 - 07:08 am As. Calaykum Caasho. Ma kaftan kaa ahataa mise dhab, siday ila tahay ayaan kuu sheegayaa. Anigu reer Norway ayaan ahay mudo ayaana daganaa. Waxba ha isa soo dhibin ayaan ku oran lahaa waayo. Qof kaste oo Somali ah meesha uu joogo ma,ahe meesha kale ayaa la fiican oo anaga oo dhan ayaa reer guuraa ah, markuu yimaadana wuxuu yiraahdaa meeshaydi hore ayaa la,ii qaatay. Sida aan safarkaas ugu jirno ayay qiyaamuhu dhici doontaa. Marka labaad Norway waxaa kaaga soo horeeya Norwiiji xir-xiran oo dhoorayaal ah iskuna meleeya inay dadka u fiican yihiin. Somali dhaqanka norwiijiga qaadatay oo xir-xiran aadna isku arkin. Gabdho soomaliyeed oo sigaarka buufinaya Wiilal jeego xiiran oo caqli jaad ku jiro Dad badan oo cayr qaata laguna canaado Isfurka kama warqabo waayo xaasba ma lihi, laakiin Yurub ayay la siman tahay. Qabow oohin kaa keena. Caruurta oo aad gaariga ku riixi waydo Lacag dhalmo oo joogsatay ama shuruud badan lagugu xiro. Norwiiji Islaamka aad u neceb. |
    Caasho Bonn | Thursday, January 18, 2001 - 03:20 pm Oday aad ayaan kuugu mahad celinayaa, warbixinta noocaas ah oo xaqiiqo ku saleysan ayaan raadinayey. Jazaaka-llah. Fikraddeydii imaanshaha dib ayaan u liqay......n/gelyo |
    Oday | Friday, January 19, 2001 - 12:39 am TO Caasho Bonn As. Calaykum! Casho Bonneey adaa mahada mudan, waana wax laysku leeyahay in xaqiiqda la,iskaga waramo. Aad ayaana ugu farxay sida aad talada daacada ah u qaadatay. Adiga war bixin ma iga soo siin kartaa Jarmal-ka iyo sida uu yahay? Waxaana rajaynayaa inay Jarmal-kaaga kuu macaanaato isku kaana dhacdo. Wasalamu clkaykum |
    maxamuud | Monday, February 05, 2001 - 01:49 pm Caasha iyo odayga iyo afarta caruurta ah: marka hore waad ku mahadsantahay caasho taladii oday in qaadatay,suaashaada mid sahlan ma aha xaqiidii waayoo dadkii ninba nooc buu u fakiray 1-niman badan oo wadaada ah caruurtii ku dhalatay waa ka kaxeeyeen laba sababood 1-lix jir dugsiga markuu bilaabo waa qasab in wax laga baro diinta masiixiga; 1-lix iyo tobanjir gacanlagu hayaa ama guri waalid joogaa waa faro ku tiris. marka tan 16 jir yurub baan la wadaagnaa walow lagu kala daranyahay,laakiin qaniinyada lix jirka la sii bislaysanayo,shilinka lagu gaadayo noo dheer dakuna ka dhoohanyihiin ama dan ay ka laheen,waxaa igu soo dhacda waagii qaxootiga soomaaliya ayaa gabar dhaanto ku tiri(GAAL GAAL IIMA DHAAMEE GANAY KEENII GALBEED) iyadoo guulwade olole iyo wax la mid ah ka xanaaqsan oo galbeed la wanaagsanaaday,waxaa la haa qofku abaal darnaa anigii soo dhawaynay baabay gaal xabashi nala simaysaa,maanta tii lama joogo laakiin hadaan la hureen soomaaliya waa laba gaal oo waliba kan sii daranyahay!? wa bilaahi towfiiq |