Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: Xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato ma leh...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MJ Holmalia

Thursday, January 18, 2001 - 03:52 pm
Maahmaahdaas waxaan uga dan leeyahay "Hablaheenna reer Norge maxaan ka yeelnaa?" Intii ishu qabatayba suuqay galeen oo noorweejigaaba dhaama cunsuriba ha iska ahaadeenee, waxaan uga jeedaa dhaqankii soomaaliyeed iyo kii muslinba waa ka xumaaday. Sigaar baa la cabbayaa, qaadkii baa raggii uu la haray ka badsadeen, caweysyada iyagaa u badan siiba kuwa afrikaanka iyo mid soomaaliyeed oo intay maalintii oo dhan hurdaan ayaaba habeenkiina la jilaa madowgii mareekankam, qabiilkana ragga waa ka daran yihiin oo mid suuqa ku jirta ayaaba qabiilna ku dhaqmeysa oo kolkay rag dulleysan oo iyada xiga la tuntaan ayey iyana afka taageysaa, labbiskii - sida noorweejiga ayaaba calooshii la banneystayoo funaanado horraaddihii ciriirya la gashtay. Bal mid noocaas ninkee u hunguriyoon lahaa? Carruur soomalinnimo u baahanse ma ababin karaan? Waana intii iftiimeysay intaan ka hadlayo oo intii kale ishuba ma qabato, haddaba maxaan ka yeelnaa? Naagaha cadcad tii na raacda ubad kala tegi meynee, maxaa noo dan ah????????Rabboow noo gargaar oo dumarka noo hagaaji,ubadkana meeshan ha ku dayicin......Aammiin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Akhyaar

Friday, January 19, 2001 - 12:54 am
MJ Holmalia
AsalmuCalaykum

Sxb waxyaalo badan oo aad sheegayso xaqqiqda ayay ku salaysan yihiin. Ragg badan oo ajaanib ayaa markaad la sheekaysato ku oranay maxaa gabshaha Soomaliyed ka xumeeyay gabdhaha ajaanibta kale ah. Walaahi waxaa Norway ku cadatay inay gabdhihii ka darnaadeen Norway. Waana wax la wada arkayoo hadaan xaqiiqda laga leexan. Arimahaasna waxaa sababaya waxyaalo badan ay ka mid yihiin
1. Ayagoo halkaan kju indha furtay
2.Soomaliya inay baadiyaheeda ka yimaadeen badankood oo ay u malaynayaan inay reer magaalnimadu tahay in saa loo labisto
3. Niman Soomaliyeed oo dulli ah kuna mashquulsan jaad, siyaasad aan cilmi loo lahayn iyo qabiil aan hormar lagu gaarayn.
4. Waalid oo aan la socon iyo walaal akhyar ah oo aysan haysan.
Iyo wax yaalo badan oo aan soo koobi karin.
Kamana wado Raggu inay dhaamaan balse laftigoodu waxaa ka buuxa dulli miiran laakiin xaggii diin iyo dhaqan ka taggida gabdhaha ayaa u badan.
Wana calool xumo iyo imtixaan aduunyo.
Ilaahow gabdhaheena wanaaji.
Gadaal ayaa ka sii wadi doonaa sheekada insha Allah.
Hilsen fra Akhyaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilhaan

Monday, January 22, 2001 - 10:03 pm
waa idin salaamay akhyaar ito Mjholmalia
walaalyaal horta aad aa uga xumahay inaa dareensan tihiin in aad naag aad kala baxdaan aysan joogin Norwey, laakiin ma idin weydiin karaa aaway wiilasheenii Soomalya Ragbaa qoysaska hogaamin jiray oo talada wadi jirey intee adeen kuwaas hada kuli grønland ay qaad ku ruugayaan teeda kale sow ma ogid gabdhaha aad ka hadlaysid waa kuwii halkaan dada yar kusoo galay oo jaahwareeray tasna waxaa keenaya labada dhaqan oo ay ku dhex jiraan oo aysan garanayn maxaa sax ah. waxaa booskoodii gabay aabayaashii waayo gabar yar oo 14-16 jirta oo abaheed ama ninka reerka u weyn jaad ruugayo hooyadii cayr ama alenemortrygd qaadato xagee iyada ka fiicnanee.
tan kale hadii ay gabadha sigaarkeeda waa idinka arkee ka waran wiilasha xashiihsda meel kasta la taagan .
dhaqanka in la qaato iyo ala ka cabsiga qof walba waa laga rabaa laakiinwaxaan ka xumahay inay soomalidu u aragto in ay gabdha keliya ku dhegnaato dhaqanka wiilashase aysan macno lahayn wax kasta oo ay sameeyaan.
ka wran ana markii la i dhaho maxaa u guursan weyday waxaan dhahaa yaa la guursnaa ku dhul dhaqaa oo aan rabin inuu wax barto iyo mid jaad ruugaa ay nimankii u kala baxeene, marka nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira