Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: Yaa wax ka qaba haddaan iraahdo somalida Norwey waa kuwa ugu nolosha............
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAOD

Friday, February 02, 2001 - 07:47 am
Dad badan ayaa waxa ey is weydiiyaan maaddaama soomaalidu ay reer guuraa tahay waa halkee meesha ugu wanaagsan dunida oo aay soomaali ku nooshahay marka laga reebo waddankeena.
Waqti dheer kadib waxaa ii soo baxday jawaabtan.
Norwey//// Norwey//// Norwey
Waayo waxaan aaminsanahay si dad badana ay ila qabaan in marka nolosha bulsho laga eega niyadda ay ku noolyihiin, hadafka ay hiigsanayaan xag shaqo xag wax barasho iyo xag qoys ama family.
Waxaan marmar la yaabaa dad badan oo soo maray waddamo farabadan sida Italy, Holland, germany, Danmark, Frans iyo...............
in ay yiraahdaan norwey waa meel xun, buura badan, dadka ama dhalinyarada joogtaa ay boorin yihiin, muddo kaddib waxaad waddooyinka ku arkeysaa qofkii oo dhoola caddeynaya oo dadkii la qabsaday .
MARKA INIGA WAXA AY ILA NOQOTAY IN DADKU MARKA AY NORWEY IMAANAYAAN AY 100 KIILO OO BOORIN AH XAMBAARSANYIHIIN........
Saaxiibada ila qaba fikraddan ama ka soo hor jeeda jawaabtiina kasoo dhiibta. :MAOD:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Akhyaar

Sunday, February 04, 2001 - 06:47 am
To maod
Asalimu Calaykum

Sxb fikradaas aa sheegayso wax xqiiq ku salaysan ma,aha, argument fiicana meesha lamaadan imaan. Norway anaa kula dagan meelo kalana aragnay ama maqalnay. Soomalida Norway joogta inta wax barata aad bay u yar tahay, shaqadana waa la helhelaa laakiin intooda badan ma shaqysataan oo jaad ayay Grønnland la taagtaagan yihiin. Sentral Statisk byrå waxay soo cadaysay inay Soomalaidu ay yihiin dadka wadanka ugu dakhli yar, shaqadooduna ay aad u hooseeyso, intooda badana ay caydh ku nool yihiin.
Xaga wax barashada anaaba ku dhex jira oo ka war qaba. Sababaha keenay sidaasna wa laguu sheegi hadad rabto. Saaxiib Norway Somali joogta cidna ha u faanin. Wax xaqiiq ku salaysana suuqa la imow.

Hilsen fra Akhyaar
Wasalmu claykum