    maxamuud | Monday, February 05, 2001 - 01:19 pm Runtii marka aad fiiriso dhibka na haystaa waxaa ka wayn ka caruurtaa soo koraysa haysta una baahan in loo dajiyo qorshe guud,waxaa laga yabaa markii qoyswalbaa talo dhiibto,waxaa laga yaabaa mid aan haysan in uu helo ama ka wareersaneed talo,waxaa jeclaan lahaa in marka hore la fiiriyo dhibka caruurta 6 ilaa 10 jir ee soomaaliyeed degan Norway maxaa ka dhaxeen kara,maxaase loo qabankaraa talo ka soo dhiibo 1-suuragal matahy in la abuuro dugsiyo quraan oo qorsheesan ka dib wada hadal masaajidka iyo waalidiinta? 2-ma wadaadada uun baa wax laga sugayaa in ay wax qabtaan xaga wax barista diinta? 3-yay saarantahay masùuliyadaas ma waalidiinta mise wadaadada? 4-xaafadaha soomaalida ku badantahay ma waxay wax ka sugayaan masaajid mise way is abaabulikaraan oo wax bay qabsan karaan haba yaraatee iyagoo joogaa xaafadahooda? 5-imisa dugsi ayaan ka furi karnaa oslo!!? yaase diiday? ------------------------------------------------- 1-xagga wax barashada caruurta ma laga caawin karaa sidee? 2-caruurta soomaaliya ka timaada ee yar yar luqada wadanka aan aqoon,ma la caawin karaa soomaali ahaan 3-kuwa ku dhashay Norway ee soomaaliga aan si fiican ugu hadli karin,dhaqan iyo af meel lagu baro ma loo sameenkaraa!? suàalahaas waxaa igu dhaliyay runtii markaan wax yar joogan dugsiga quraanka oo lix jir lagu bibaay sanadkan aakhirkiisii,sidda arddada u baahan u badantahay iyo sida aan taladeedba loo hayn ama ay u jartahay,seddded fasal iyo caruur ka baddan seddexboqol 300 boqol baa isugu yimid maalmaha sabdi iyo axad hal iskuul. Nasiibdaro iskuulkii waa nalaga xiray sabab buuq iyo dhowritaan laàn.maxsuulkii muxuu noqday. 1-cidwalba in ay caruurtii iskala noqatay kuwii dhiganayay iyo kuwii liiska sugida ku jirayba.isku dar qiyaastii 500 ku dhow dhow 1-hadaba baahidii caruurta ma baabiìn xaqoodii wax barashana waalidkuu saaranyahy sidii wax la yeelaa ? 1-ma masjidbaa masuul ka ah? 2-ma jaaliyadbaa musuul ka ah? 3-ma waalidiin baa musuulka ah? noocee lagu abuuri karaa dantaas caruurto u baahantahay mise nin walbow waa idiga sida aad caruurtaada wax u bari lahayd? bal waxaa filayaa in bal dhowr irimood laga soo hadlo wixii aan awoodo anigu diyaarbaan la ahay labadfaas maalmood sabdi iyo axad (10:00-2:00)Oslo bartamaheeda wixii ah. |
    Akhyaar | Tuesday, February 06, 2001 - 11:33 pm As. Calaykum Saaxiib mawduuca aad meesha kusoo qortay waa mid aad u wacan laakiin Soomalida dad jecel inay ka wada hadlaan dhibta haysata ma,aha!!! Su,aalahaaga aad bay u fara badan yihiin mawduucuna wa dheer yahay, aniga wakhtigaaa igu yar marka hadaan labo suaalood ka jawaabo. 1. Wadaadada kaliya masuuliyada masaarna ee Soomali wayn oo dhan ayay saaran tahay, soomaliduna magaca wadaad ayay khalda ka fahmeen si xuna u isticmaalaan. Laakiin Akkhiro nin walba caruurtiisa isaga la waydiinb doonaa ee wadaad lama waydiin doono. 2. Waalidinta ayagaa looga baahan yahay inay olole dugsiyo ay sameeyaan caruurtoodana la harjadaan, waayo iyagaa dhalay iyaga ayaana dhul gaalo keenay, marka ma,aha inay wadaad kaliya wax ka sugaan, Teeda kale diinta Islaamaka waa loo wada siman yahay, wadaadadana in si gaara loogu leexiyo, ma,aha Taas macnaheeda ma,aha xaga wax barida ee xagga ku dhaqanka iyo hirgalinta, nin walba oo Islaam sheegta bay ku waajib tahay. Sxb wakhtigu waa cariiri ee As. Calauykum |
    dige | Thursday, February 08, 2001 - 01:53 pm Dudsigii waa la xiray laakiin masaajidka ayaa loogu dhigaa inta uu qaado oo saacado ayaa loo qeebiyay yar yar iyo waaween,sabdi axad,iskool kalene waa lagu maqanyahay,Toten Skole ayaa la rajaynayaa mardhow waxoogaa kiradda ayaa qaali ah gudigii baa laga war sugayaa sideey waalidiinta u sheegeen walina jawaab lama hayo ka soo qeebgal shirka waalidiinta la xiriir masaajidka, wasallamu caleekum, |
    xray | Friday, February 09, 2001 - 01:35 pm waa suàalo badddan runtii lakiin u baahan waqti maxuma haddad caruurta ka fikiraysaan salaamu calaukum. |