Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: North America: USA: MUXUU GALAA AMA GUDAA WASIIRKA GAASHAANDHIGA EE DOWLADA (CARTA) EE MUQDISHU?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aaran-Doojiye

Saturday, February 10, 2001 - 12:37 am
AARAAN-DOOJIYE

Anigu asal ahaan waxaan ku abtirsadaa Gobalada ay ka jirto dowlada putland.

Hadaan cadadeeyo fikrada aan ka qabo wasiirka gaashaandhiga ee dowlad beenaadka CARTA ee Ismaaciil geele iyo xulatadiisu ay ka asaaseen Gobalka Jabuuti ee ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee siyaasada guracan ee nintooxsiga ahi ay na kala qaybisay.

Wasiirka (Cabdulaahi Boqor Kingkon) waqtiyadaan dambena ku magac dheer "Boqor mooryaan".

Waxaan filayaa markay ka raaceen guuldarooyin doorashadii guud ee ka dhacay Gobalka Putland ee uu uga guulaytay xukun ku dhankaxe "Korneel Cabdulaahi Yuusuf Axmad" oo asagu ka jecel wiilkiisa iyo wiil kuu dhalaba xukun ayaa Boqor mooryaan caro darteed wuxuu ugu cararay Gobalka Jabuuti isagoo ku andacoonaya in uu doonayo maslaxad doowladeed oo Soomaali weyn dan u ah laakiinse ujeedadiisu waxay ahayd in uu ka guulaysto kornaylka xukun jacaylka lagu manaystay. Boqor mooryaan wuxuu u barya tagay Ismaaciil Geele oo isaguba tiisa la ciirsan aana ka talin urur iyo midnimo soomaaliyeed in uu kala gooyo mooyee.

Ismaaciil haduu wanaag wado oo nin soomaalinimo dhibayso yahay markay soomaali weyn dhacday
ayuu soomaalida ka hogaamin lahaa Gobalkiisa kana codsan lahaa Gobalada xasilan ee ay ka mid yihiin waqooyiga Gabeed, Putland iyo Gobalada kale oo u soo raaci lahaa Gobal Gobal inay raacaan haduu doonayo dadkiisa (umada Soomaaliyeed) in uu wax u qabto.

Boqor-mooryaan isagoo ah Boqorkii soomaaliyeed in uu magan siyaasadeed u doonto Muqdishu waa wax layaableh.

Boqorku ujeedadiisu ma ahayn in uu dowlad Soomaaliyeed dhiso ee xin buu Xamar u tagay uu doonayo in uu ku majoxaabiyo kaligi xukun u xayte korneel Cabdulaahi jiri. marka mooryaan ku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in uu jiriga jagada ka tuuro una adeego mooryaanta kuna soo hogaamiyo gobalada Boqortooyada ee ka bilowda Gaalkacyo ilaa cayri gaabo.

Qulquladu say doon taba ha u dhacdee isimada sida caaqilnimada ah wax u maamula waxaan ka codsanaynaa hadaanu nahay umada soomaaliyeed ee wax garadka ah in ay dabka mooryaanta iyo jirida ee ishardiyaya inay biyo ku shubaan kana asaasaan nabad galyo waarta oo loo dhan yahay, marnaba ay san ogalaa nin wax-magaradka warka wanaagsan in uu ratigiisa ku kacsan maatada maal daradu haysato iyo dadka garaadkooda aragtiiisu ayna dheerayn.

Waxaan hadal kayga ku soo gaabinayaa Boqor mooryaan ibtilada uu maamula ka argti dheeraada. nin tiisii gabay tu kale madaryeelo Boqorkuna isagaa tiisii u danla.(Soomaaliya hawaarto, ololkuna ha ka ba'o. Allow baryo samo beeshayada gaarsii, aamiin Allahayoow.

Sidaas iyo nabad galyo

QORE :
Waa Aaran-Doojiye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ararsade

Saturday, February 10, 2001 - 11:59 pm
Aaran-doojiyow arin la yaable ayaa soo yeeray la afkaaga lakiinse waxaad u jeedaa in wakhtgan dambe ummaddeenna hogaankii siyaasadeed ka dhimay oo carwasaa ay dalkeennii iyo dadkiisii ku sugan yihiin. In gobolka ibto hayso waa wax aan shaki ku jirin wakhtigan hadda. saan qaadkii siyaadsadeedna waa naga haboosan yahay. Anigu waxaan hadalkayga ku soo koobyaa in Alle ibtilada maanta ummadda ha haysata ka sabata bixiyo. nimanka aad kor ku xustayna wanaag iyo dadnimo ay leeyihiin ma jirto ee iska ilow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar

Thursday, April 05, 2001 - 11:04 am
Waryaa putlaan kuma abtirsatid ee raga afkaaga urayanooga daa, boqorkana mardambe mooryaan kuma sheegi kartid , mooryaan adaa ah maxaa boqorka keligiis ku tusay meeqa wasiir baa dowlada ku jirta indhaha lagaa tuurye