Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Belgium: Kahottegid kooxda burdada ah ee la baxdey DKM oo dadka u yaqaanaan kooxda Carta.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 27, 2001 - 02:21 am
To:Dhamaan dadka somaliland iyo puntland ee Belgium kunool.


Walaalayaa waxaan idin xusuusinayaa kooxda lamgacbaxdey DKM oo aan anagu u naqaano kooxda carta iney diyaar u yihiin carqaladeynta iyo burburinta dowladaha dimuquraatiga ah ee Somalilan iyo Puntlan oo duca qabayaasha ah.
Kooxdan burcadka ah ee Carta lugu sameeyey waxay muhiimadooda ugu weyn tahay burburinta argagixinta dowladaha Puntland iyo Soomaliland oo ah meelaha keliya ay nabad iyo maamul ka jiraan dhulkii hore ee exsomalia.

Markii uu ninka ku qaraabanaya madaxweynamimada umada soomaaliyeed oo xubin ka ahaan jirey xukuumadii maxamed siyaad bare oo wadankii soomalia la oran jirey burburka iyo ceebta badey, mar wareysi lala yeeshey waa ninka layiraahdo(CABDILQAASIM INKAAR XASAN) asaga oo jooga dalka mareykanka wuxuu yiri Somaliland iyo Puntland xoog ayaan ku maquuninaynaa.

Taasi waxaa idiin ka marqaati ah inuu weerar ku qaadey durbadiiba magaalada balcad oo si xun loogu jabiyey oo ay dhibaato ka raacdey, iyo inuu ciidan iyo ninka isku sheegaya gudoomiyaha baarlamanka uu u direy magaalada ceebarde oo halkaasi jab ka raacey, taasi kuma uu waana qaadanine wuxuu suuqa gashadey in ay wadanka wanaagsan oo deriska nala ah ethiopia uu faragelin kuwado soomaaliya , taas oo ah been abuur dadka oo dhan ogyihiin.

Wuxuu kaloo isku deyey inuu carqalad ka abuuro meelo badan oo exsomalia kamid ah gaar ah gobolada Bay, Shabeelada hoose, Gedo iyo Jubada hoose, waadna la socotaan inuu hub iyo saanad uu libiya ka heley uu u direy burcda magaalada kismaayo xaaraanta ku heysata.

Waxaa kaloo daliil idiin ah inuu maxamed qanyare oo ahaan nimanikii xamar baabi'yey uu ku sabsabtey inuu wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka bada noqodo oo uu isaga taageero.

Waxaan idin xusuusinyaa inuu taageero dhaqaale oo lagu qiyaasey 700.0000 us dolar uu ka heley wadanka sucuudiga oo taageero intaa ka badana loo balanqaadey isaga oo ku qaraabanay magaca soomaaaliya oo waa horey dhimatey.

Waxaa kaloo la sheegayaa iney maanta tegayaan wafdi dowladaha yurubta ka mid ah muqdishio waxayna u balanqaadeen taageero dhaqaale.

Dhaqaalaha lugu heley magaca umada soomaaliyeed ee waa hore dhintey, waxay muhiimadeedu tahay burburita dowladaha Puntland iyo Somaliland.
Maadama xamar ay baaba'dey Boosaaso iyo Hageysana waa iney baaba'aan ay burdcadu ku tashatey.

Waxaan ugu baaqaya dadka reer somaliland iyo puntland iney arintaa ka hortagaan.

Waxaan abuubuleynaa banaan baxyo ka dhici doona magaalada Brussells oo looga hortagayo iney dowladaha yurubta ah aysan taageero dhaqaale siiyaan kooxaha burcadka ah ee carta.

Waxaan kaloo idin la socodsiin doona in ayadana banaan bax isla maalintaa lugu qaban doono safaaradaha dowladaha sucuudiga, yemen iyo libiya si ay u joojiyaa kaalmada dhaqaale ay siiyaa burcadaa urutey.

Taariikhda banaanbaxyadaa dib ayaan idiin ka soo sheegi doonaa (please show you're strong Puntland and Somaliland identity).

Long Live Puntland and Somaliland..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahra

Wednesday, February 28, 2001 - 02:40 am
Walaal waan ku salaamey waana kugu raacsanahay, hadalkaad soo jeedisey.
Waxaan jeclaan lahaa inaa is barano si aan fikradaha isu weydaarsano.
Walaal waxaad ila soo socodsiisaa goorta banaanbaxa la qabanayo.

Waxaad si toos ah igala xiriiri kartaa e-mailkaan (sahra_2001@hotmail.com).

Walaal fikradaada ayaan ka heley BY By..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WADANI

Sunday, March 04, 2001 - 09:07 am
sxb dameer ciyay waxba madhaantid ee alow ayaa ku
yiraahda cedhaada iska qaato banaabax waa luguu
dhaamaa ceydha dowlad Belgium yeey kaa jarin,
mana shaqeeysid ee silac meelaha ha ugu dhiman.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 05, 2001 - 11:01 pm
To:Wadani.

Waan ku salaamey, waxaadba labaxdey wadani oo maxaa fikrada kaa xaalufiyey oo dameerka ugu abtirsaneysaa ma dameero ayaad lahaan jirtey?(kaftan)..

Waryaa araahdaada ka hadal ha caaytami please...

Peace brother....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cismaan deeq

Monday, March 12, 2001 - 04:14 am
To:Dameer
Waryaa ninka wadani isku sheegay, inaad abgaaltahay way noocadahay waayo abgaal iyo dameer waa isla dhaseen oo cuqdada aad qabtaan ayaa waxay tahay intaan dameero lagugu caayin dadka ku caay.
Maskaxda ayaad ka jiran tahay marka waxaan kugu waaninayaa inaad xamar u noqoto maxaa yeeley halkan dameero ma joogaan.
Magaca aad isu bixisey oo wadani layiraahdo, uma aad qalantide magacaaga waan naqaanaa oo yalaxow ayaa lugu yiraahdaaye sheego.
Maxaa yeeley weligiin wadani ma aadan noqon car waakaas iisheeg nin abgaal ah oo xoriyaddii u soo dhintey?, waxaad taqaanaa tuuganimo iyo mooryaan, taas ayaadana caankutihiin.....

By Cismaan deeq.