We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 26, 2001 - 10:45 am Maqaal ---------------------------------------------------------------------------------------------------- Hogaamiye Kooxeed mise Qabqable Dagaal? Anigoo wax ka oranaya, sida ku qoran bogga aragtida ee Ayaamahapress, codsi ay dad badan codsadeen in la joojiyo magaca Hogaamiye Kooxeed ayaan waxaan fikraddeyda si xoog ah ugu biirinayaa dadkaas oo aan aaminsanahay iney aragtidooda ku wajahay magacaas ay ka duwan tahay kuwa loogu yeero ama cinwaan (title) ka dhiganaya. Marka hore, hogaamiye waxaa la oran karaa midka leh waddaniyad dhab ah, aragti dheer ahna leh, tusaale fiicanna u horseeda ummadda, dadka uu hogaamiyana ka mid noqon kara, kana fikira danaha guud ee dalka iyo dakaba. Haddaba aniga waxaan qabaa in ragga loogu yeero magacaas "hogaamiye kooxeed" in aysan lahayn mid ka mid ah tusaaleyaasha aan kor ku soo sheegay, waana sababta aysan u istaahilin in loogu yeero magacaas. Waxaanse filayaa iney ku haboon tahay in loogu yeero Qabqable Dagaal, waayo tan keliya ee ay ku fiican yihiin waxay tahay iney dab ka dhex huriyaan dadkooda iyagoo adeegsanaya magaca Qabiil, u adeegaan dano shisheeye iyo iney burburin dhinac walba ah u horseedaan dalkooda hooyo. Arinta ah in cod loo qaado in Maxkamad Dembi ah la soo saaro Nimankaan, anigu waxaan u arkaa iyey tahay mid aad iyo aad u haboon oo waan taageersanahay arintaas, codkeygana waan ku darayaa inta aaminsan iney haboon tahay arintan. Maxkamadda ku haboona waxay tahay midda caalamiga ee hadda ku howlan iney sharciga ku qaado raggii kuwaas la midka ahaa ee dambiga ugu weyn (crimes against humanity, violation of human rights and genocide) ka geystay dalka Rwanda 1994tii. Waayo waxaan aaminsanahay iney tusaale weyn u noqon lahayd rag badan oo Afrikaan ah, Soomaalina ka ah, oo weli ku hamiyaya iney wadadaas oo kale qaadaan. Nimankaasna arintooda waxba ma dhaanto sida kuwa Rwandese-ka ah, maxaa yeelay dembiyo intaas la'eg ayey u geysteen dadkooda iyo dalkooda. Haddaad fiiriso ... maxaa mustaqbal u ah Soomaaliya carruurteeda, haweenkeeda, waayeelkeeda, odayaasheeda, caaqiladeeda, aqoonyahanadeeda, iyo ciiddeedaba? Jawaabta halkaas ka soo baxaysa waa (NIL) "waxba". ... yaa saba u ah? Jawaabtuna waa "Nimankaas" ... sidee wax looga qaban karaa? Jawaabtuna waa in dadweynaha Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadda, danahooda, mustaqbalka carruurtooda, iyo tan dalka guud ahaan. Marka waxaan fikraddeyda ku soo gaba gabeynayaa in Nimankaasi ay xag Alla maxkamad ka saaran yihiin oo adduun iyo aakhiraba aysan wax wanaag ah ka kasban, maxkamad lagu soo saaro adduunkana aysan dembi dhaaf ku heleynin. Mahadsanidiin. WQ: Cabdulqaadir Cali Sheekh email: nunali@yahoo.com
|