We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date sidee ba soomaaliyeey dhibaatada ina haysa, xal looga gaadhi kara ma jiraan dhalinyaro ka fakaraya sidii dhibka looga bixi lahaa mise sheekadu ha israacado diidee ha is raamstee daa ?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Baraf: ma reer MN aya tahay? Waxaan maqlay in magaaladaasi noqotay tan koowaad ee Soomalidu ku noolyihiin maraykanka ee maxaa ka jira? Nolosha magaalada iyo soomaalida deggan nooga warran macalinka sida dhinacyada amaanka, waxbarashada iyo shaqooyinka. maxaa Soomaalida dhan magaaladaa isugu keenay? Aliyare
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ali yare waa su,aal meesha ku jirta maxaa somalida isugu geeyay hal magaalo??????????????????? koley maqashay in somalidu aad u jeceshahay waxyaabaha free-ga ah hadaba gobolkaas oo aad u qabow ayaa waxaa ka jira shab aan laga aqoon wadanka intiisa kale hadaba somali iyo welfare la kala reebi waay saxib sababtas ayaa ku kaliftay in ay BARAFKAAS dhex joogan iyaga oo ka shaqeysan kara state-yada kale oo aan lahayn qabow iyo cadibaada ku heysata gobolkaas marka jawaabtu waa noocas
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Ma ruun ba? Waxaa la yiri Minnesota waxaa isugu tagay reer baadiye? Reer Canada, oo jecel welfarkana halkaas bay uu wada guureen!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date lol@@@@@@Mr Ohio, maya, ruun ma'ahan!!!! waxa hilmamtay, qaxootida oo future leheyn, o mantodhan factory raban iney kashaqayan.. peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date BY Mujahid Laydinsalaan,waad iga qoslisiiseen qoloadiina minyabuls duulaanka ku ah,laakin reer minyabulis jawaab baan ka sugayaa arrintaa waxa ka jira.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Canada - lagu jeclelaa laguna cay ogaa! Magaalada toronto ee Canada waa caasumada soomaaliya manta leedahay. Halka magaalo oo soomaalida degani ay self suffient tahay waa Toronto. Qofkaa la sheekeysato ream-kiisa waxaa kamida inuu mar Canada soo taabto. Fankii soomaaliya - Toronto Weydii Cayaartoydii soomaaliya - toronto weydii Somali Entreprenuers From small factories to Hi tech - Toronto weydii. Kaftan hadaan intaa ku dhaafo waxaan idiin sheegayaa in dadka Soomalida ahi ay isku dhaqan, diin iyo bulshaba yihiin LAAKIIN waxaa kala duwa waa environment-ga ama meesha ay ku noolyihiin. Hadaba qofka magaalo X jooga oo caynaya qofka magaalo Y jooga wuxuusan ogeyn in sababta ay magaalooyinkaa u kala joogaan ay tahay qadar Rabbi iyo waayaha. Waxaa kaloo aad iyo aad caqli darro u ah in ay dadka badankoodu ogeyn in sharciyada ay ku hoos noolyihiin loo dejiyey umado kale oo aynaan diin iyo dhaqan midna wadaagin. hadaba kan ku heesayoow anaa kaa magaalo fiican waxaa ogaataa in magaalada aad ku nooshahay sharciyada la isku maamulo aan adi laguu dejin. Waxaa kaloo ogaataa maanta haddii hal qof oo Soomaali ahi uu waddanka marayykanka wax u dhimo in dhamaan Soomaalida la ugaaranayo. Tusaale waxaa kuugu dhiman maanta dadka mgacyada Carabta wata oo xuduudka maraykanka raba inay Canada ka soo galaan tan haysata. Akhristow waxaa jira labaatan qof oo carab ah inay maraykanka ku xiranyihiin waqti aad u dheer ayagoo aan weli la xuxumin. Sharci maaha in qof aan danbi lagu hayn uu iska xirnaado laakiin qodob dastuurka maraykanka kamida oo aan waligi la isticmaalin ayaa lala tiigsaday. Hadday rabaana maanta intay fariistaan ayey sharci cusub soo rogayaan. Markii dagaalkii labaad socday talyaanigii iyo chinesse-kii Canada ku noolaa tii ku dhacday rabaa ogaa. Taarrikhdan yar waxaan idiin siinayaa waxaan rabaa inaad mar walba ogsoonaataan inaad Soomaali tihiin meel walba oo aad aduunka joogtaan. Qofka Soomaaliga ah ama tuug ugu wac ama xawayaan laakiin walaahi isku dooni ayaa saarantihiin. Hadda hadaadan ogeyn waxyar qurbaha sii joog adigaa fahmi doonee. Ninkii oclohoma qarxiyey cadaan ayuu ahaa sheekadiisiina meeshaas ayey ku dhamaatay laakiin haduu Soomaali ahaan lahaa walaahi maanta soomaali badana waa xirnaan leheed kuwo kalana wanted ayey ahaan lahaayeen. maadaama aan qoraalka ku dheeraaday let me vent out some personal anger:) Mar aan magaalada Toronto jaamacad ka dhiganayey ayaan waxaan layaabay macalimiintayda qaar kamid ahaa. markuu arday cadaan ahi su'aal weydiiyo waxay isku dayaan inay qanciyaan laakiin aniga iyo labadoo kale oo aan cadaan aheen markaan wax weydiino macalinka waxaa u malaysaa inay koroto qabsatay, jawaab aad u gaaban ayey ku siinayaan ama adigii ayey su'aashii kugu soo celimnayaan si'aad ugu ekaato qof aan waxba fahmin. Inkastoo aan qurbaha waqti badan joogay hadana runtii dadka Soomaalida ah malaga yaabo inaan meel uga dhoco sababtoo ah waa aniga. Gabagabadaydu waa soomaali waa aniga haddii uu qof Soomaali ah danbi galana waan kula jiraa kor iyo hoos sidaa daraadeed soomaaliyeey qurbaha si wadajira halooga dabaasho. Magaalada Toronto aad ayaan u jeclahay waana magaaladaan ku qaatay noloshayda inta qaan gaarka ah laakiin waligey iima buuxinayso meeshay soomaaliya iga joogto. Hadaan is cuno sida caadiga noo ah: soomaali - soomaali = 0 Hadaan ka dabaalano qurbaha hand in hand: soomaali * soomaali = soomaali^2 Waxaan ahay electrical engineer laakiin hada waxaan aad u bartaa social science iyo history si'aan u fahmo sababta aan u nahay waxaan nahay. Waxaan aad uga danbeyn jirey Einstain laakiin hadda waxaan bartaa taariikhda prophet Mohamed, Mahadma Gandi, Luther King, Malcom x, Bob Marley, Madlella etc.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hi All; Torantoman; Electrical engineer hadaad tahay, ma fahmi weyday positive and negative of electrical charges iyo xiriirka ka dhexeeya aayadda Qur'aanka ah ee úu alle ku leeyahay "Wajacalnaa Likuli sheyin Ithneyni" Electrical engineering + social science+History.... No surprise then......!!! mise shaqo la'aan ayaa meesha ka jira?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Yaaska: Your first paragraph is irrelevant and off topic, therefore, I decided not to respond. Waxaan kaaga jawaabayaa qaybta danbe ee qoraalkaada. Ma rabo inaan judgement kugu sameeyo laakiin qoraalkaada waxaan ka fahmay inaad wax u barato inaad ku shaqaysato. Hadaba waxaa jira malaayiin dad ah oo waxay fahmi waayaan cilmi baaris ku sameeya. Si cad oo luqadaada hooyo ah ayaan kuugu iri "hada waxaan aad u bartaa social science iyo history si'aan u fahmo sababta aan u nahay waxaan nahay" Waxaan filayaa inaan kaaga jawaabay su'aashaadii.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date salaam TorontoMan; Waa runtaa oo dadku sidaas ayey u qaybsamaan, laakiin waxaan rajaynayaa in ay kuu kala cad yihiin sidoo kale in dadku u qaybsamo labo nooc oo kala ah acedemic oriented and professional oriented. mid kastaana dhinac gooni ah ka xiiseeyo arinta dunidda. Ma jecli in aan falsafadeeyo arinta, laakiin mathematical logic-ga way ka soo horjeedaa waxa aad sheegayso... "si'aan u fahmo sababta aan u nahay waxaan nahay" through social science???? Haddaad aad xiisayso ama aad jeceshahayba in aad ogaatid arintaa I give you a pointer.... Waxaad barataa cilmiga loo yaqaano "Laahuutka"!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date salaam TorontoMan; Waa runtaa oo dadku sidaas ayey u qaybsamaan, laakiin waxaan rajaynayaa in ay kuu kala cad yihiin sidoo kale in dadku u qaybsamo labo nooc oo kala ah acedemic oriented and professional oriented. mid kastaana dhinac gooni ah ka xiiseeyo arinta dunidda. Ma jecli in aan falsafadeeyo arinta, laakiin mathematical logic-ga way ka soo horjeedaa waxa aad sheegayso... "si'aan u fahmo sababta aan u nahay waxaan nahay" through social science???? Haddaad aad xiisayso ama aad jeceshahayba in aad ogaatid arintaa I give you a pointer.... Waxaad barataa cilmiga loo yaqaano "Laahuutka"!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waad salaamantihiin dhamaantiinba. MR ohio iyo missx waxaan idin odhan lahaa in aad ogaataan meesha aad ka shaqayso wax kasta ha ahaatee in ay shaqo tahay waxna aanad dhaamin qofka warshad ka shaqeeya macnana aanay sameyn gobolka aad ka joogto u.s.a.Waxaa fiican in aad joojisaan yasniinka hore looga maahmaahay oo la yidhi qof is faanshey waa ri is nuugtay qofku meesha u ka shaqaysanayo iyo magaaladu joogaba xor buu u yahay ee xagee baad idinku ku nooshihiin oo aad noo amaanaysaan sow koleyba ma aha qurbe?haddii aad wax ku biirinayso walaaladiina si asluub ah ugula taliya. ciid wanaagsan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waryaada bilaash ayaad u cayneysana minneapolis maxaa yeelay banakiin hadaan joogtaan north american sheekadeeda waad heysaan amaba vacation ayaad ku timaadeen ee war moog ha iska dhigina, way jirtaa dad cayr qaata laakiin waxaa labo jeer ka tiro badan inta shaqeysta. intiina ka maqana waa idinka saa ugu soo qulqulaya qaarkiin ku fakaraya inay yimaadaan. hal problem oo jira, reer canada iyo reer europe ayaa qormiyay waxaan ka mid ahay dadkii ugu soo horeeyay magaladan wax party, sogotis, separation, single mother, riwaayad la yirahdo ma jirin hal community kaliya ayana ka jirtay lakin wanaag badan ay subiyen aya jira balse dhibka ay gesten aya ka badan hadan mel laga daba qabto ma jirto
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date THE twin cities ,,,,minneapolis ii saint paul, waa meel aan aad iyo aad an u jecelahay,ee walaalayaaloow ha iga caayina minahaha,,haiwatha, franlklin,,roosvelt,,olson high way ,,, CALAHOUN iyo west lake ,,,,LAFFAYETTE,,cider,,portland ii sara gaagaabta,, maskiin koris minneapolis,,shaqa badan minneapolis,,qaxooti hiishaay,,reeraha kalkaashaay minneapolis ,,,,,,,,hoooyeey soomalaay ,,ma ilaawi karahayeey minneapolis ii dhaafa ,,ha iga caayinee ii dhaafa,,,,,,, byeeeeeeeeeeeeeee,,,,,,NEEFOOWKANIINI
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Anigoo ka xun inaan hadda ka hadlo moowduucaan mar hore laga tagay, haddana waxaan rabi lahaa inuu Mr. Yaska inoo sheego meeshay quraanka uga jirto aayadda uu ku tilmaamay inay tahay " Wajacalnaa likulli sheyin Ithneyni" Hadii uu ula jeedo in ilaahay uu wax waliba lammaane ka abuuray waa OK laakinse oraahda iyada ah meelay quraanka kaga jirto ha inoo tilmaamo si aan u raadino. Mahadsanid. Cabdullah
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hi people toronto is a very happening place and really wicked people. toronto ha ceynin walaal. best somali people there and am from lousiana. later peace.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date By Galbeyte Sxiibayaal ha isku mashquulinina' Magacyada iyo magaalooyinka North America? Ee wada SARAHA'DHAADHEER' QAXOOTI' isku tilmaami laheydaa ama Qani you know whereyou came from' and what you are! Isi soo agdhiga. fikrado. afkaar.ajeendooyin.IWM. Ee wadan keenii anfacaaya Waan wada ognahey TORONTO iyo qayr keeba in aysan wadan noqon doonin ..........ha'ilaaawin,wadan baa ku sugaayee,,!!!!! SALAAMA CALEYKUM AXMED GALBEYTE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date By Nasir Xaashi Galbeyte Asalaamu Calaykum. Waxaan Jeclaan lahaa Walaalahay Somalida in aan way diiyo hal Su'aal oo ah. WAA MAXAY WADDAN, AMA WADDANINIMO?. Marka hadii aad hayso JAWAAB. Ilaa soo socodsii Plz. Email kaygu {nasirw@hotmail.com,nasirw@hotmail.com}
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, September 04, 2000 - 11:57 am dadka dagan. MLP waxay jecel yahiin afaalnta dagaalka maxa oga helaan sheekooyinka dagaalka
|