Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Sweden: Gothenburg (Göteborg): Maxaa soomalida ku nool Gothengurg u diiday in ay midoobaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Max'edCali

Unrecorded Date
WAA SALAAMAN TIHIIN WALAALAYAAL,SALAAN KA DAIB WAXAAN MAR WALBA IS WEEYDIIYAA MAXAY U HISHIIN LA'DAHAY SOOMALIDA KU NOOL MAGAALADA GOTHENBURG ,MAXAANA SABABAY IN AY KALA SOCDAAN SOOMALIDA HALKAAN KU NOOL OO UU UGU FAA'IIDAYSANAYAA NINKA SWEDISHKA AH ,MARKA SOOMAALAAY XAQIINA WAXAA KU HELI KARTAAN IDINKOO MIDOOBAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hersi

Unrecorded Date
To maxamed ali

Walaal tafaraaruqa soomaalida waa wax ka jira meel walba oo soomaali joogto, waana arrin aad u xun oo
dhibaatooyin weyn ku haysa bulshada soomaaliyeed ee joogta Sweden.
Jaaliyadaha kale ee ka yimid wadamada kale ee ku nool Sweden dhamaantood waxay leeyihiin ururo u taagan danaha bulshadooda oo u dooda xaqooda , waxaana suurtogal ah in jaaliyadahaasi aysan isku diin ,iyo dhaqan ahayn oo ay ku midoobeen uun wadanka ay ka yimaadeen iyo danta ka wada dhaxaysa ee ah sidii ay ugu noolaan lahaayeen wadankaan ay maganta ku joogaan.
Waxaan oran lahaa walaalahayga soomaaliyeed ee jooga Sweden midooba si aad u noqotaan umad leh meel loogu soo hagaago,oo xaqooda soo dhacsan kara.
Waxyaalaha aan ku kala tagsannahay waa wada naqaanaa wax wanaag ahna nooma laha, waana arrinta dhamaanteen na keentay meeshaan aynaan sharafta ku lahayn, ee soomaliyeey danihiina qabsadda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shariif

Unrecorded Date
To Maxamed Ali

Ha ka sugin saaxiib soomaali midowda tobanka sano ee soo socda hana la yaabin reer Gotenberg, waa dhibaato haysata soomaali meel kasta oo ay joogto. Anigu kuma nooli yurub ee waxaan ku noolahay wadan u dhow Fiji, magaaldda aan ku noolahay waxaan ku nahay 5 qof warna kuma heshiino iyo talo midna ee haku daalin meel ay joogaan 20 and above

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hiirad

Unrecorded Date
TO:walaalahay soomaaliyeed.
walaalayaal waan gartay in soomaalidu meelkasta oo
ay joogto tafaraaraq ka dhex jiro.
hadaba qofkasta way u muuqataa dhibaatadaa jirta,
laakiin isagu wuu ka baxsan yahay kuwa samaynaaya,
hadaba waa cidee?
sideese looga bixi karaa?
anigu kuma nooli yutaboori laakiin waxaan jeclaan lahaa in soomaalida kunool ay isku mid noqdaan ,
sida uu qofkasta oo soomaali ahi jecel yahay.
iyo dhamaan soomaalida kale meelkasta ooy joogaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geedi

Unrecorded Date
To:somali oo dhan.

yaa la quusan dhibta waa laga baxyaa hadii ilah idmo.sidaa darteed tusaalaha iyo talooyin aad bay u fiican yihiin. marka walaalayaal halkaa ka sii wada. qofkasta oo muslin ah dadkeena soomaliyed aad bay dhibataysan yihin ha loo duceeyo. wax kalena nooma furna.
waa mahadsan tihiin.