    Abdullahi | Unrecorded Date Haweenka soomaliyeed waa la gumeystaa, ee somaliyeey baraaruga diintana barta. Habka loo gumeysto waa sidan :- Raga gumeysanayo waxey isticmaalan diinta islaamka oo ay qalad u faafiyaan, sidaa awgeed waxaan haweenka somaliyeed ku baraarujinayaa in ay iska illaliyaan ragaas Waxyaabaha ay dhahaan waxaa ka mid ah:- Wax ma baran kartid Guriga in aad joogtid ayaa waajib kugu ah Rag lama hadli kartid, oo hadalkaaga waa cowro Shir siyaasadeed kama qeyb gali kartid, oo fikradaada ma dhiiban kartid. Naagaha oo loo sameeyey hab qaas ah oo u labistaan oo dhib badan. IYo waxyaabo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin. |
    Faaisa | Unrecorded Date abdulaahi you must be the amxaar called yohanis if you not ilaah ha iga cafiyo but hadaad nin somali tahay doqon baad tahay sida gaaladii oo kalena waaad u warameysaa maxeeytahay gumeeysiga aad sheegeysid gaal baa tahay aan u maleeyni oo doonaya diinta islamka inuu uxumeeyo hablaha ama aad soo jiidatid some of the westrenize maangaab sisters diinta islaamka ma ahan mid la isku gumeeysto koleey intaas aad meesha ku soo sharaxdey ila ma ahan gumeeysi tan wax barshada naagta la qabo uu ninkeeda u diidaayo wuu ku qaldanaan karaa mid jaahil umbaa taa diidi karo ineey naagtiisa wax barato hadhow isaga iyo caruurtiisuba wey anfici doontaa couse qof jaahil ah oon formal education laheyn waa qatar aqoon la aan waa iftiim la aan couse qofkaan waxba baranin wuxuu noqonayaa qof aduunkaba ka indho iyo dhago la'a oo la hagaayo so if the husband alouws to educate his wife it might be help on the future so that if he may die she can take care of herself and her kids naagta iyadoo xijaabkeeda wadato ey sameyn kartaa you may have point on the education part but yes waa coowro naag la qabo nin aan ninkeeda aheeyn ama raga caailadeeda a heeyn sheeko kalama dhaxeeyn karto mana u haboona rag kale la hadal kooda oon ka aheyn salaanta muslinka iyo gaalada ka dhexeeyso xitaa hadeey gabar tahay taas waa tan diinteena islaamka ah ey dhigeeyso yes naag la qabo iyo midaan la qabinba waa ineey gurigeeda joogtaa oo ay ku asturnaataa unless ey wax dan ah u baxeeynin tan la qabona waa ineey ninkeeda amarkiisa ku baxdaa labiska dhibka ah oo aad leedahay waa lagu qasbay soow ma ahan xijaabka iyo asturnaanta diinteena nagu amartey hadey naagtu tahay mid la qabo iyo mid madax banaan gumeeysiga ku jirta tan maxeey tahayne marka hadaadan fidno iyo isku dirid aadna u danlaheeyn abdulaahi adiga waxaad u hadleeysaa sidi kufaarta kala furtay qooyses badan oo naago badanoo jaahil ka ah diintooda looga furay ragoodi oo markey qurbaha yimaadeen lagu yiri nimankiina idin ma amri karaan this is free country such as this is north america or europe that is kufaar's freedom and you sound just like them now i may not know enough diin to debate but i sure know enough not to fall for kufaar's trap hadaan wax qalad ka tabiyey diinta intaan kor ku soo sheegey ilaahey ha iga cafiyo walaaladeeyda diinta iga badiyona way i sixi karaan nabadeey |
    abdullahi | Unrecorded Date To:- faiso sis waad ku mahadsan tahay jawaabtaada iyo diin jaceylkaaga, Laakin Waxaan anigu rabo in aan halkaan ku cadeeyo waa in waddaado badan oo somali ah ay habaaninayaan dadka siiba haweenka, sidaa awgeed in qof walba uu isaga ku dadaalo in uu diinta barto. Gaal ayaad marar badan soo qaadatey, Hal mid aan sis kuu sheego, Diinta ha isku adkeyn, gaal naceeb daraadiis, Illahey dhib lama doonin ummadiisa. Illahey diintiisa waa fududahay,ee fududeyso. Hadal badan haan ma buuxsho ee ka fiirso waxaad dhaheysid iyo illahey aad ku been abuuraneysid. nabadgelyo |
    Mujaahid | Unrecorded Date BY Mujahid To Abdullahi Waan qosley.....oo qosley waxa kaa raacey mesha...sxb somalidu waxay tiraa"INTADAN FALIN KAFIIRSO" wax loojik ah oo la miisaamay baa lala shir yimaada,lakin hebel iyo kuwasi waa xunyihiin!yaan la raacin! waa wax aan caruurtayadu kaa qaadanayn. Gabdhahayaga inaan la gumaysanin ee bal ay adiga kaa aqoon badanyihiin waxa u daliila walaashey FAAISA sida sharafta leh ee ay kugu jawabteyna waad u jeedaa,ee ninyahow kuwii ku soo dirsadey way kugu khasaareene ee ka kud mesha! To Faaisa Walaashey aad baad u mahadsantey,ilaahayna kheyr ha kaaga abaal mariyo. |
    Faaisa | Unrecorded Date Abdulaahi hadaan si saxa kuugu jawaabey ma diinteeyda baad iga qal qalineeysaa what you mean diinta ha isku adkeeynin gaal naceybe dertii ee diinta fududeeyso diinteeyda waan ku adkaanaaya mana ahan wax la fududeysto islam is the best and its the light of our life i wish inaan ahay dadka diinta ku taqasusey ee sidi biyihi u cabey inaan ahay waanan baran doonaa insha alah laakiin like i said b4 i know enough not to fall for kufaar's trap and thier ruufiyaans waana inaan karaahiyeeystaa gaalka diinteeyda soo faro gashto iyo dadka adoo kale ah oo somaali muslim ila sheeganaayo hadana waxaan oo kale ku hadlayo wadaad haduu dhaho naagtu waa ineey xijaabato cowradeedana asturto oo gurigeedana ku ekaataa wadaadku ma wax buu habaabiyey amase wadoda uu wax ka leexiyey? wadaadada seey wax u habaabinaayaan ma sheegi kartaa hadeey intaan kaaga soo jawaabey tahay wax meesha kuma heysid ee fidnada la tag hadii kale soo cadee waxyaabaha kale eey wadaadadu wax ku habaabinaayaan halagaa jaahil bixiyee qofka haboowsan waa adigee baro diintaada wadaadana meel ha uga dhicin pleaase soona sheeg meeshaan ilaaheey uga been abuurtay mise markaan ku iri diinta si fiican uma aqaano baad is tiri ka qal qali oo u hanjab TO brother MUJAAHID jazaakalaahu kheyrak |
    abdullahi | Unrecorded Date Faisa Waxaan hadalkaaga ka fahmayaa in ay kuugu jirto diin jaceyl, taasna waa mid somalida oo dhan ku jirto, waxaa iga talo ah (intii aad halkaan wax aan la hubin ku sheegi laheed,diin jaceyl awgiis ) in aad baaris ku soo sameysid shanta qodob ee aan kor ku soo sheegay oo lagu xad gudbayo. *Haweenka wax ma baran karaa ilaa heer jaamacad? *Dabadeed ma ku shaqeysan karaan waxbarashadeeda? *Codkooda ma cowraa, rag ma la sheekeysan karaan, ama ma u qudbeyn karaan (maya salada jimcaha). *Shir siyaasadeed ma ka qeyb gali karaan, haba ahaado mid jaaliyad somaliyeed? *Sidee leysku xijaabayaa? Habka somalida ama carabta? Midda kale oo in aad is weydiiso u baahan waxey tahay!!!!!! Adigu jidkii saxda ahaa ma heysataa? Ma heshay fahamkii saxda ahaa? Mise faham qaldan ayaa ku soo gaarey oo diin ka dhigatay? Hal mid ayaan ku xasuusinayaa in ay jiraan waxyaabo badan oo bidco ah oo somalidu diin ka dhigatey ee iska jir. |
    LUG G'O | Unrecorded Date AKHASU NAAS AYAAT TIHIIN REER SWEDEN SI LOO HADLABA MATAQAANAAN EE MEESHA ISAGA TAGA PEEJKAANA WAAD KHASAARISEEN WAADNA IGU SOO LUG GOOYDEEN UF UF UF IGA WAT ANAABA MAALIN DANBE CHAT USOO DOONAN DOONINEE. |
    mujahid | Unrecorded Date BY MUjaahid To Lug'o WAAr adaba is sheegay waxa tahaye! ka kud meha meel ka mowduuc fiicanba ma'arag ee laga roonayahow shaqa yeelo. |
    Mujaahid | Unrecorded Date By Mujaahid To kan isku shegay abdullahi Salaani ha ahaato kuwa hanuunka raacey.waxad tahay nin wax iskaga qasanyiin. waxane ku faraxsanahay in gabadhayadu kugu filantahay ooy meel kaga soo hartey,lakin sheydaanka allaa subxanu watacala baa sheegay oo wuxuu yiri:SHEYDAANKU WAA KHANNAAS KASO WASWAASIYA LAABAHA DADKA. Marka la naarona wuu gabadaa,marka kalena wuu soo baxaa si uu dadka was waas ugu abuuro. Marka sheydaanow magrigaagu waa daciif,ee markaad Madfac wax ku qaadi weydey miyaad is tiri marin habaabin wax ku day! To Faaiza Wa'iyaakka ukhtii |
    Maxamed | Unrecorded Date Moxamed To All Walaalahayga muslinka ah ee doodayoow ku dadaala sharafta doodda isuna nasteexeeya. Diinta islaamku waa mid raxmo ku jirto, qof walba oo idinka mid ahna waxaa la rabaa inuu u naxariisto walaalkiisa muslinka ah. To: Cabdullaahi Walaal haddaad su'aal qabto weydii walaalahaag kaaga cilmiga roon diinta islaamka ah ee ha ku degdegin inaad tiraahdo: "Raga gumeysanayo waxey isticmaalan diinta islaamka oo ay qalad u faafiyaan, sidaa awgeed waxaan haweenka somaliyeed ku baraarujinayaa in ay iska illaliyaan ragaas" Please watch your choise of language, because it can be sin you know. Isku day inaad adigu barato diintaada si aad talo wax ku ool ah aad u siiso walaalahaaga soomaalida ee muslinka ah. To: Mujaahid & Faisa Walaalayaal waan fahmi karaa reaction-kiina laakiin walaalayaal ku dadaalo inaad si wanaagsan aad ula dhaqantaan oraahyada noocaan oo kale ah. Nin baa wuxuu igu yiri maalin "soomaalidu diinta cidey soo geliso iska daay kuwii ku jirey ka saareysaa" Markaan akhristay waxaad qorteen waxaan ninkaas oo aan diidanaa hadalkiisa. Waxyaabaha igu dhaliyey arintaa waa sida markaad dhaheysay Fa'isa : "abdulaahi you must be the amxaar called yohanis" in kastoo aad rabbi cafis weydiisatay hadana ma aha wax goob lala tago waayo waxeey ka careeysiineysaa qofka kula doodaaya oo waxaa bilaabanaaya warxumo. Please even you two watch your language. To: Wadaadada maanta Aniga waxaan aamin sanahay ineey dadaal weyn sameynaayaan kaasoo ay rabaan ineey ummad ku badbaadiyaan, maxaa qaladoo ku jira? Dhibaato waxeey ka imaan kartaa marka ninka diinta fidinaaya uu la yimaado waxyaabaha aan hoos ku soo xusi doono: maadaama uu diin fidinaayo waa in wuxuu dhahaayo iyo wuxuu sameeynaayo ay is lahaadaan this is very impotant haddi kale waxaa dheceysa in ay timaado hypocrisy laba codle taasna Nabiga ilaah wuxuu ka yiri sidaan: Abuu Hurayrah ilaaheey nabad haka yeelee wuxuu yiri: Nabigeenna (NNKHY) wuxuu yiri, "waxaa jira sadex caalamado oo lagu garto laba codlaha: Waa mide markuu hadlaayo, been buu sheegaa; markuu baln qaad sameeyana, wuu jebiyaa ama ka baxaa; iyo marka la aamino wuu qiyaan tamaa." [Al-Bukhari iyo Muslim]. Marka arintaan ha leyska ilaaliyo. Teeda kale nimaan diinta aqoonoow ha ku degdegin falan qeynteeda iyo dad xukunkiisa, dadka culumaa'udiinta ahna ka xishooda haddaad idinku rabtaan inaad sharaf soo hoyitaan. Ingiriiska ayaa wuxuu ku maahmaahaa "little knowledge is dangers" Hadalkeyga waxaan ku soo gaba-gabeynaayaa sideey walaalaheey Cabdullaahi iyo Fa'isaba sheegeen aan diintanna baranno oo ku camal falno, waayo anigu ma arko nin leh aan diinta islaamka ka baxno ama wey xun tahay taasna waa ilaah mahaddii. Kitaab gaabloow waa qatar ee nin waloow iska hubso wixii laguu sheego ee diinta waxba haka sheegin ogoowna in nabigeennii uu dhahay muslimiintu waxeey u kala bixi doontaa 74 farqo farqo kaliyaana xaqa raaci doonta. Ilaaheey hanaga dhigo kuwa xaqa raacay. AAMIIN |
    Shabeelnaagood | Unrecorded Date To Abdullaahi.... Waxaan soo xasuustay nin masiixi ah oo soomaali ah oo wali wata magaciisa iyo qabiilkiisa markaasna jecel inuu faafiyo diintiisa... Haddaba dhagayso... ..... Horta laga yaabee inaan khaldanahay laakiinse qoraalkaaga waxaa ka cad inaad tahay nin masiixi ah haddaan bartay raggaas siday u hadlaan... >>>..Waxaad tiri "adigu jidka saxda ah ma haysataa?"..."Ma heshay fahamkii saxda ahaa?" "Mise faham qaldanbaa ku soo gaaray oo diin ka dhigatay?"...Yaa malcuun dhagayso...Marka hore naclatullaahi callal murtadiin, wa munaafiqiin, wal mushrikiin....Markaad leedahay arimahan waxaa cad adigoo og in Faaisa gabadh muslimad ah tahay ayaa leedahay haddana .."jidkii saxda ahaa"... ....Waxaad kaloo weydiisay Xijaabka "habka soomaalida mise habka Carabta".....Malcuun waxaa ah qofkii diinta Islaamka ceebeeya...ALLAHA ceebeeya kaasna... ....Waxay ila tahay su'aalahaaga dhamaantood inaysan u baahnay jawaab laakiinse ay u baahantahay adiga in lagu weydiiyo dantaada? Haddaad ku qanacday diin kale..so be it.! isku day uun inaadan soomaaliya imaan illeen Murtad baad tahaye!.... |
    abdullahi | Unrecorded Date Shabeelnaagood Saxiib hadaan ku hadlo hadalo aadan hore u maqlin, ma waxaad igu xukumeysaa gaalnimo. Taas ayaa ku tuseyso in aadan wax badan maqlin, waxaa iga talo ah in aad maqalka badsato. Mujahid & Faiso Diin jaceyl ayaa idinka muuqdo, laakin fahamkii saxda ahaa ayaa idinka maqan,( sidey aniga iila muuqato). Rag badan oo sidaada oo kale ah ayaa magaladaan ku heynaa oo diinta islaamka dhaawacyo badan u geysta, oo sameystey caadooyin ka duwan tii uu rasuulka sameyn jirey (SWC). |
    anony9 | Unrecorded Date Asalaamun Calaa man Itabacal Hudaa Waxaan salaamayaa walaalaheyga Muslimiinta ah meel walba ay joogaan waxaana ugu bishaareynayaa inuu Ilaahey ajar iyo xasanaad u qorayo inta ay xumaanta reebayaan wanaagana dadka farayaan. Waxaa intaa ii dheer, in maanta la hayo dantii laga lahaa dadkii Muslimiinta ahaa oo wadankoodii laga keenaya ayadoo danta ka dambeysa ay aheyd in toodii la dhaafiyo tii kaniisadana aysan gaarin, yacni kama duwana ethopiyaankii wadankoodii laga soo qaaday markii tel aviv la keenayna sida xun loola dhaqmay. Waxaan ku faraxsanahay inay walaalahey si wacan ugu jawaabeen mida ku andacoonaya diintaad jeceshihiin hadaa maxaan jeclaan lahaa? waxaan jeclaan lahaa inuu hadalkaan meel aan ogahay (somaliya) la soo shir tago. To: Abdulaahi Walaal magaca aad wadatid iyo fikradaha kaa muuqda is malaha ee bal dib u tasho oo is fiiri waxa kaa khaldana daraasho ku suubi. Anigu waxaan kuu sheegayaa inuusan jirin nin (wadaad) xaaskiisa waxa aad sheegaysid ee waligeyd isaga hor yimaadeen laakiin ay gaalada iyo CILMAANIYIINTA tashwiish uga dhigaan muslimiinta. Waxaanan ku waydiinayn inaad adigaba tahay nin cilmi aduun wax ka yaqaan laakiin aanan diinta Islaamka wax ka aqoon taasn waxay culumada ku sheegaan hal bacaad lagu lisay. Qofku haduu heer doctorine gaaro laakiin uusan garaneyn siduu Alle u caabudi lahaaa waxaa ka fiican xoolaha iyo geedaha iyo darbiyada maxaa yeelay intaa oo dhan Alla inoo sheegay inay tasbiixsadaan laakiin gaal iyo gaal-raac maxay tasbiix ka yaqaanaan. Quraafaadka aad kor ku qurtay wax ka jiraan ma jiraan waxaadna raadisaa dumarka xijaaban waydii su'aashaas noona sheeg percentagka fikradaas kula qaba. Anigu waxaan marag ka ahay familkeyga inay gabdho iyo wiilal, ay gabdhaha xaga waxbarashada inooga fiican yihiin waligeedna saas ayey aheyd xataa wadankii markii la joogay. waxaana maanta jira labo gabdhood oo ila dhashay midna tahay doctor midna tahay physician wiilal hadaan nahay heerkaas wax gaaray iysan nagu jirin. Marka argumentigaaga wax jira ma aha ee muslimiinta caysda iyo gaalo ka tusaale qaadashada iska daa. Mida aad tiri diinta ayaad jeceshay, ALLA YAHDIIK, hadaan diinta aan sheeganayo jecleen maxaan jeclaadaa? Ma waxaan noqdaa QUN-YARA SOCOD sida carabta oo kale mis CIZI iyo SHARAF ayaan diinteyda ku raadsadaa? Ogoow diintaada hadaan dhumisid inaad aduu iyo aakhiroba khasaartay. diinta wixii kaa hor isaatagana isaga tag diin la'aan waa duli ku noolaan. Meesha aad leedahay hadalkood waa cowro; War maxaa jaahil kaa dhigay oo aad diinta u baran la'dahay. Aayad quraani ayaa leh gurigiina ku nagaaa hadalkiinana hoos u dhiga (tan micnaheedu ma ah wax ha baranina ama gumeysi ku jira, bal jaahilnimada ayaa gumeysi ah rag iyo dumarna cilmi doonin way ka siman yihiin). Xijaabkana maanta lama hayo gabdho muslimiin ah oo xaga asturka kaga fiican dumarkeena Ilaahey xijaabka ha ku sharfee. Heer waxay gaareen ay culumada carabta dumarkooda ku waaniyaan inay sida gabdhaha soomaalida u labistaan oo xijaabka noocaas ah qaataan. Ilaahey ha ka abaal mariyo cida saas u aliftay gabdhaha muslimaadka ahna xijaabka Alle ha ku ilaaliyo. Iga raali noqo wixii xdgudub ah |
    abdullahi | Unrecorded Date Saxiib si fiican ayaan kuu fahmey, Masawirka aad iga siineyso somalida waa mid aan jirin. Hadii reer wanaagsan oo diinta fahamsan aad tihiin, macnaheeda ma ahin in ay soomali dhan saas yihiin oo diinta saas u fahmeen. Diinta islaamka xuquuq buuxdo ayey siisay dumarka, Laakin culumada somalida oo aan aad u aqoonin diinta ayaa faham qalad oo bidco ah wadaan, sidaas awgeed ayaan dadka ku baraarujinayaa in ay digtoonaadaan, ayna iska illaliyaan qofka ay darsin ka dhageysanayaan. |
    Yuab | Unrecorded Date Ku: Dhamaantiin. Naxariista Eebe korkooda ahaato kuwa adeeca Eebe & nabigeenii Muxamed (NNKH). KU WADA CIIDA CAAFIMAADSAN. Waxaan filayaa in aad islaheydeen wax suuban sameeya, hase ahaatee dadka qaarkiis si kulul ayuu u hadlay. Wanaag in leys faro, xumaantana leyska reebo ayaa wanaagsan. Haddaad ku qeylisaan kii/tii "xoogaa" dabeysha galbeedka yurub leftaba u maleyn maayo infa'ido badan la dhalin karo. Waxa ila haboon in si qabow oo naxariis ku jirto leys kula hadlo. To: A/lahi(haduu yahay magacaaga runta ah iyo hadii kaleba): Walaal! somali waxay tiraahdaa hadal intuu afkaaga ka soo bixin ayuu miisaan mudan yahay. Ha isku qaldin dhaqan iyo diin, carab naceybna diintaada ha ugu tuman, ee marka hore si fiican u soo daris intaadan wax la soo shir tagin. Diintaadana (diinta islaamka) mid ka wanaaagsan ma jirtee ku dhaqan, gacantaadan ku baro, oo ha dhageysan dad diinta dacaayada uun la raadsanaya. Nabadeey. |
    falago | Unrecorded Date Reer Sweden maxaa idi heley,nin kaliya ayaa dumarkiini idin kudiraya,hal xabad unbaa kufilan, abihii wasahaas aad sheegaysaan muu holland imaado aniga ayaa personally tooganaya. waxaan ididhihilahaa meeshaas wax ka qabta. anigu malihi dumarka soomaaliyeed halagumeesto,waxaana dhihilahaa ninkii dumarkeena sixun uladhagma wax halagaqabto. diin islaam waxbadan kama'ogi lakiin waanladagaalamayaa ninkasta oo umadeena wax xun kasheega. peace,nationalista. |
    abdullahi | Unrecorded Date Falaqo waa kaa muuqataa in aad tahay maskax gaab. Laakin kuma ceynayo ee waan kuu duceynayaa in ilaahey wax ku fahamsiiyo, yuab diinta ma ceynin ee waxaan wax ka sheegeyaa dadka qaladka u fasirayo oo dadka jid qaloocan marinayo. |
    Yuab | Unrecorded Date Ku: Abdulahi(haddu magacaaga yahay?) U maleyn maayo dad si wax qaldan in uu qof kale kaga dhaadhicin karee waxaa haboon sidaan hurayba kuugu sheegay carab naceyb diintaada iyo walaalahaaga muslinka ah ha u nicin. Kan waxa qaldan sheegayo intaad iska dhaafto isa sax adiga, qof kastana ha isa saxo, sidaasaan u wada saxmeynaa ama Eebe noo hagaajinaa. Ku: muslinkoo dhan Ku wada ciida caafimaadsan. |
    Muslimad | Unrecorded Date To,Cabdulaahi walaal haddii aad tahay qof rag ah,maxaad uga hadleysaa afaaraha haweenka,ood wax uga sheygeesaa dharkooda mawaxaadan ku faraxsaneyn in ey jirkooda kaa asturteen oo waxaad dooneysay in aad dhexgashoo aad wada sheekeysataan aadna wada fara kacayaartaan,walaal anagu haddaan haween nahay weynu kufaraxsannahay waxa aad guumeysi kumagacowday,ee haddaad is mooday nin wax wanaagsan dadka kubaraarujinaya,sidaasi ma'ahanee isqabo oo cilmiga aduuba kaamaqan yahayee soo baro waa iga talo oo waxaad kusugantahay jid qatar ah. waxaad dhib kusheygeesidna dhib uma aragno,nimco Illaahey noogu gargaaray mooyee. |
    falago | Unrecorded Date My brother muslimad you said it all and i don't have to say no more. abdulahi ma naagbaad tahay misa qaniis?? peace ya'll,only love for ppl in sweden. holland out. |
    falago | Unrecorded Date Ciid mubarak to all ppl in sweden. |
    abdullahi | Unrecorded Date Ayad quraan ah ayaa ah in macruufka leys faro ,xumaantana leyskaga digo, sidaas awgeed ayaan idiinkaga digayaa waxyaabo badan oo bidco ah oo hadaan somali nahay aan diin ka dhigano. bye |
    dr xaayow | Unrecorded Date to abdulahi ninka sheeganaya cabdulaahi anigu kuma dhahaayo gaal baad tahay balse xusuusnow marka aad leedahay naagaha soomaaliyeed waxay xirtaan dhar aan fiicneyn inaad ku gaftay aayad ilaahay aaqirona xisaabtaada ilaah baa ku siin doona marka teeda kale yeeysan ku qaldin social welfare marka hadii aad tahay arbetslös somali ah oo doonaya inuu conflict abuuro waxyaabo aan lagu kaftamin ayaa jira ee mind your own affair iimaankaagana waa daciif sida aan kaa dareemayo balse hadii ay gaaladan qaawan kula fiicanyihiin gabdheheenii soomaaliyeedna kula xun yihiin adigaa ka soo hari doona ( Bob Marley oo xitaa gaal ahaa ayaa yiri: Dont lett them fool you or even try to school you: marka kala bax meesha fowdada ( Gobsanaa hablaha yagu) |
    abdullahi | Unrecorded Date Xaayoow !!!!!!!!!!! oo maxaa wadan gaalo ku keeney,hadaad gaalada aad neceb tahay!!!!!!!!!!, Ujeedadeydu ma ahin fidno, Ujeedadeydu waa diin faafis, Iimaankeyga intuu yahay illahey bas baa og. Adiga saxiib waxaad iila eg tahay nin fiican oo shaqeysto. Aniga Arbetslös ayaan ahay waa runtaa, laakin waqtigeyga waxaan oga faa'iideystaa in aan diinta "islaamka " faafiyo, oo aan wax u sheego dadka soomalida ee lunsan. Maalin kale ayaad i fahmi doontaa. waa ku mahadsan tahay booqashada aad soo booqotey Örebro. nabad gelyo. |
    RAAN | Unrecorded Date salama alaykum: to abdullahi: walaal waxaad tiri waxaan ahay nin muslim ah oo diinta faafinaya waxaanad doodaadu ku salaysan tahay baad tiri wadaadada diinta sida xun u faafinaya , lakiin waxaad iloowday inaad dadkaa aad sheegayso adigu ugu horeeyso horaana loo yiri qofku markuu isagu wax istaruu cid kalena wax tari karaa lakiin adigii oo haboowsan oo xag aakhiro/aduunba ka lunsan maxaad wax waanin kartaa ama talo u soo jeedin kartaa. xagii diinta walaalahay oo ay ka mid yihiin faisa & mahamed .. ayaa si buuxda wax kuu tusay waa hadaad wax ku qaadanayso dooduna waxay ku fiican tahay marka uu qofku wax uu khibrad u leeyahay ama yaqaano ka hadlo lakiin adigii oo diintaadii aqoonin maxaad ka duwan tahay wadaada aad ku eedaynayso inay si khaladan ah dadka wax u barayaan? tii aduunkana saxiib waad ka dhacsan tahay waayo waadigan adiguba qiranaya inaadan wax shaqo ama iskuul ah haynin ee saad leedahay diintuun faafisid ? markaa waxaad noqotay sida maahmaahda ah dawacadii socodkeedii ka tagtay ee tii nabigana(NNKHA) gaadhi weeyday.markaa waad lunsan tahay dhinac kastee ala haku soo hadeeyo. markaa saxiib waxaad halkan wax ugu soo qortay inaad dad lunsan saxdid bay aheeyd u jeedadadu lakiin hadii aad adigu lunsan tahay oo laftirkaagii lagu waaniyey maxaad isu difaacaysaa maad qaladkaaga saxdid dooduna kuma haboona (mindi mindi ku taag ) ee waa in wax lakala qaato (wixii fiican uun) ee ama wax fiican la soo shir tag ama iska gaabso. waa sideey aniga ila tahay waanan khaldanaan karaa asalama alaykum walaalayaal. |
    abdullahi | Unrecorded Date Saxiib shaqo ma i siinee adiga, shaqo ma ii heysaa!!!!!!, saxiib nin cuqdo shaqo ku jirto,oo kalsoonida ka lunsan tahay ayaad iila eg tahay. Aniga nolosheyda aad ayaan ugu faraxsan ahay, Dadka kalena kama maseyro habkey u nool yihiin. ee adiga noloshaada ma ku qanacsan tahay.? Habkaad u nooshahay maad rabtaa in dadka oo dhan u wada noolaadaan, taas miyaa ku farax gelineyso. """""Nolosha adiga waxa aad qiimeyso, dadka oo dhan ma qiimeeyaan""""""". Meeshaan waxaan oga hadleyney haweenka iyo xuquuqdooda, ee maxaad ka dhaheysaa taas. Aniga diin-baris uma imaan halkan. ee waxaan idinku baraarujiyey in aad diinta barataan. oo iska jirtaan bidcada. bye |
    dr xaayow | Unrecorded Date to cabdulaahi war nin yahow örebro kuma ogeyn dad adiga camal ah waayo doodaadu waxay ku saleysantahay gabdhaha soomaaliyeed waa la gumeystaa iyo waxeey xirtaan dhar aan fiicneyn walaaloow marka habeenkii joornaal ayaa la tuuraa ee shaqo raadso marka aad shaqo heshona adigaa ka bixi doona waxa la yiri iyo maxaa la yiri ee nabadeey. culimadana ha u gafin ee xishoo |
    abdullahi | Unrecorded Date Xaayow Nin fiican baad tahay, oo dantiisa yaqaan, illahey ha kuu siyaadiyo. Sidaan hore kuu sheegey, meeshan waxaan oga hadleynaa xaquuqda haweenka ee maxaad inoo siyaadineysaa. nabad gelyo. |
    Anonymous | Wednesday, January 31, 2001 - 04:32 am örebro dumarka ayaa laiska furyaa ayaan maqlay maxaa ka yira oo naag ciyaal badan dhashay ayaa wadaa guursaday kadib markii uu isku diray |