Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: North America: Canada: Wanaag wax kaama bi'iyee Dhibaato iska ilaali
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdullaah

Unrecorded Date
Markaad fiiriso siday Soomaalidu ugusoo qulqushay dalka maraykanka walina aanan la garanayn inuu joogsan doono qulqulkaa iyo in kale, ayaan waxaan ku fakaray maadaama hadda ay jirto fidsanaan dhaqaale ama horumar dhaqaale waddanka maraykanka guud ahaan, gaar ahaan magaalooyinka ay ka mid tahay Minneapolis, oo Soomaalida ku nooshahay nolol wanaagsan, dadkooduna wax ka taraan, ayaan waxaan is iri bal toloow hadii dhaqaalaha maraykanku hoos u dhoco oo shaqa wayto dhacdo, shabtana la joojiyo, dadkaan tira badan xageebay aadi doonaan sideebayse rabi lahaayeen inay ugu noolaadaan xaaladaas adag? Anigoo ogsoon in ilaahay uu kafaala qaaday risqiga gaalka iyo muslimka labaduba, haddana waxaad ogaataa in barwaaqo waliba ay ka danbeeyso dhibato ama abaar hadii kale nabi Yuusuf riyadii boqorka kuma fasiri lahayn in dadku dhigaal sameystaan sannadka barwaaqada jirto, si hadhaw ay ugu noolaadaan dhigaalkaas asaga ah sanooyinka abaartu dhici doonto. Waa qorshe wanaag iyo qorshe xume waxaan ka hadlayno haddaba oo aan mar danbe soo bandhigi doono haduu ilaah yiraahdo.

Maxay idin la tahay. Mise markuu waaga baryaa la carari doonaa sidi reer Canada oo kale? Ka fakar!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

siyaasi

Unrecorded Date
saaxiib waa su,aal muhiim ah, dabagaaluhuba(uunreeys), waxa uu godadka ugu gurtaa miraha inuuu abaarta cuno, anaguna waxaan filayaa inaanan tukulush ka caqli xumayn. aniga qof ahaan lug ayaa dalkii iigu jirta lugna europa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam...

Soomaalidu asal ahaan waa dad reer guuraa ah...
Waxayna marwalba u guuri jireen meesha uu roob ka da'o....Marka haka walwalin in dhaqaalaha USA hoos u dhaco iwm...
Adduunka Allaah baa weeneeyey...Sidaad ogtahay Soomaalidu waxay samayn jireen odoros (forcast) la eegayo meesha ugu naq iyo roob badan...Kadibna ayadaa loo guuri jirey...
Marka hadda daraasaad ayaa lagu jiraa la odorosayo waddamo kala duwan ooy ka midyihiin China....
............Salaama....