Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Norway: FORELDRE & BARN
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
S/ALAYKUM

bogaan waxaan u furay inay aqoon isku waydaarsadaan waalidiinta ,si ay wixii talo ama tusaale ah uga helaan waalidka kale ama kuwa aan waalidka ahaynba ,

waxaa dhacda in dad aad u da,yar ay ilmo dhalaan
markaasna ay dhibaato ku noqoto si ay wax yeeli lahaayeen ama ay ubaahnaadan wax la taliya dhinacyo badan ,

inta badan norwey HELSESTASJON ayaa talooyinka waalidka siiya laakiin wixii dhaafsan wallalihiina aqoonta uleh inaad waydiisaan ayaan rajaynayaa

P.S qaybtaan waxay qusaysaa sidoo kale ilmaha schoolka gaaray iyo sida ugu fiican ee lagu barbaarin lahaa .

waa salaaman tihiin dhamaan,and wada shaqayn wacan


BY SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
waxaan waalidiinta caruurtooda ay gaareen scoolka u sheegayaa in ay maadada (KRL) ama diinta schoolka laga bilaabay ay codsi ka qoran karaan ah in ilmahooda maadadaas aynan jeclayn ayagana aysan larabin .

Kadibna ay rektorka scoolka ilmuhu dhigto u gudbiyaan ,macalimiintana la socodsiiyaan arinta

Arintaan waalid badan baa ku guulaystay oo ilmahooda waxkale qaatan markay xiisad diina socto
markaa waxaan rajaynayaa inaad intiina hartay jawaab fiican heshaan.

p.s arintaan ma aha wax sharciyaysan , ee waxay ku xirantahay schoolka ilmahaaga dhigto iyo sidaad uga dhaadhiciso.

waxaan idiin rajaynayaa in laydinka ogolaado arintaas.


BY SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WALLAALEEY WAAD KU MAHADSANTAY INAAD QEEBTAAN FURTO ANIGU CIJAAL MALIHI LAAKIIN WAA LOO BAAHAN YAHAY IN ARINTAAN LAGA HADLO . DHINACA DIINTA AAD UGA HADASHAYNA ILAAHEEY QEER HAKAA SIIYO.
JAAW SOOMAALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lADAN

Unrecorded Date
Waa runtaa Sahra ani xataa waxaan aqaanaa dad laga ogolaaday inayan caruurtoodu KRL-ka qaadan.

Du er klok Sahra, synes jeg!
waa loo baahan yahay mawduucaaneyto runtii, gaar ahaan inaa ka hadalno ciyaalka iskoolada ka taga, sababtay uga tagaan iyo sidaan wax uga qaban leheeyn, sababtoo ah caruurta (gaar ahaan kuwa jooga meel ay wax ka baran karaan ) waa jaaniska kaliya oo aan haysano umad ahaan, mana aha inaan iska dayacno waa masuuliyad na wada saaran, dhamaanteen.

Markaan fiirino dadkii dhashay 1990 iyo ka dib ama markaas iskoolada bilaabi lahaa waxaan arkaynaa inaanaan haysan janarayshan waaraya, sababtoo ah aduunkaan maanta jooga qofkaan la soconin tartiib ayuu isaga soconayaa.
VI MÅ GJØRE NOE, FØR DET ER FORSENT!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABSHIR

Unrecorded Date
Waxaan u sheegayaa dhamaan walidiinta haysta caruurta yar yar in ay iyaga masuuliyadooda saaran
tahay dhinac kasta hadii ay noqon lahayd xaga diinta loo dhigayo caruurta marka ugu horaysa waalidka wuu ka doodi karaa arintaan sida horay loo yiriba sharci ma aha dalkaan u yaala. laakiin
ma jirto qasab la leeyahay waa inay caruurta dhigtaan KRL marka waxaa haboon waalidiinta hadii jiorto qoysas kale oo soomali ah oo iyagana haysta caruur in ay samaystaan malcaamad iyaga gaar u ah oo loogu dhigo diinta islaamka oo caruurta ay noqdaan qaar iyaga barta diinta islaamka waa hadii aysan u dhowayn malcaamad diinta islaamka lagu dhigo ama masjidba.
Tan kale xitaa hadii qoyska kaligii uu dagan yahay
meesha waa waajib ah in hooyada ama aabaha uu
midkood u dhigo diinta islaamka waana arin aad u
muhiim ah in caruurta yar yar ee maanta aan kala soo cararnay dagaalada iyo dhibaatada aan dhibaato taas ka daran oo adiguna aaqiro lagu suaalaayo aanan u horseedin waana in caruurteena
soomaaliyyed loo dhigin wax aan ka ahayn diinteena islaamka .
wabilaahi towfiiq
asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO LADAN

abaayo ladan waad mahad santahay,
waana ku faraxsanahay inaan isku meel wax ka aragno ,sidaa sheegtayba ilmaha skoolada dhigta aad ayay u ayar yihiin oo inta badan way ka tagaan,
kamana faa iidaystaan jaanisyada ay haystaan iya goo jooga wadan ay waxkasta baran karaan
kuwii wadankii joogayna jaanisba mahaystaan ,
markaa sidaa horay u sheegtayba bacaad baan ku dhaganahay dhinaca hormarka hadaan somali nahay ,

markaa waxay ila tahay ladan inaan u baahan nahay dad wax bartay oo ilmaha skoolada dhigta waaniya ,daruusta ka caawiya,

intooda badan ilmaha schoolka dhigta mayaqaanan waxay noqon doonan markay klass ka 10aad ka baxaan ,wayna ku adkaataa inay horay usii wataan schoolka .

waxaan kula talin lahaa ardaydeena somaliyeed kafaa,idaysta maanta jaaniska aad haysataan,
sababtoo ah ma,ogidin inaad bari heli doontaan,
waxaana jira kuwa faciina oo aan helin waxaad maanta idinku haysataan.

walaalayaal ila aqrista qoraalkaan yar oo ku magacaaban MAANTA

DAGEN I DAG

dagen idag
er en underlig dag
-den er din!
dagen i går
slapp deg ut av hendene,
den kan ikke få annet innhold
enn det du alt har gitt den.
dagen i morgen
har du ikke noe løfte på,
du vet ikke om du kan regne med
å råde over den.
men DAGEN I DAG HAR DU.
det er det eneste du kan være sikker på.
du kan fylle den,
du kan fange den,
gi den innhold,
men kalle den tilbake
-det kan du ikke.
i dag kan du leve slik at noen i kveld er glad
for at du er til!!
DAGEN I DAG
er en betydningsfull dag
(DEN ER DIN!!)

markaa bro/sis, maanta ka faaidaysta illaah ayaa og bari waxaan ku sugnaan doono ,
qofna wali waqti kama tagin , qofwalba maanta ka faaidayso bari waxba hawdhigan siday noqon ma,ogide.

sis ladan hadii laheli lahaa arday badan oo sidaa doo kale u fakaraysa wax waa kala socon lahaayeen ,
walashiis hadaan somali nahay waxaa dib noo dhigay erey ladho (MAXAA IGA GALAY QOFKAAS, AMA WADANKAAS, AMA ARINTAAS)
markaa taasna waa xuntahay oo wax kasta waa naga galeen ardaygii schoolka ka taga ,oo waa kii bari markaan duqoowno wax natari lahaa.

so ladan waa sidaa sheegtay ,waa inaan wax kaqabano ardayda schoolka ka tagaya ,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO ABSHIR

walall arintaad soo jeedisay waa arin aad u wanaagsan .

masuuliyada waalidnimaduna way adag tahay ee waxaan ALLAH uga baryayaa waalidiinta in ay ufududaato
ilmahoodana uga dhigo kuwo wax maqla


peace all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
sahraay waad la dadaalaysa ardayda ee kuwii wax barta alaha ka dhigo

sahraay af somali ma ku gabyi kartaa hadaa norwiji ku gabayday

aloow na soo hanuuni

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Unrecorded Date
QARACAN.

waa nasiibdaro in dadkii wax sixxi lahaa ay af norsk meesha kusoo qoran meeshii ay caruurta kubaraarujin lahaayeen afsoomaaliga iyo suugaantiisa.
taasi waxay tisinaysaa heerka fikirkeena uu joogo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
to somali

walal waad salaamantahay

waxay ilatahay in wax nasiib daro ah aanan sheegin ,waxaana nasiib daro ah in aan anagii critic ama far far ku fiiq aan is ku noqono

walal waa runtaa oo way fiican tahay in luuqada hooyo lagu wada hadlo ama caruurta wax loogu sheego laakiin wax dhibaato ah ma keenayso hadii luqad kale wax lagu sheego oo waatay wax ku bartaan,
waxaa kaliya oo dhibaato keenaysa in anagii waa waynaa isku soo jeesano intaan ayaga wanaagooda wax kasta ka hormarin lahayn

mida poet ka aan meesha ku soo qoray waa mid aan is iri ciyaalka ha ku faaidaystaan oo iila muuqday mid fiican ilaahadana iila muuqda sidii

so bro waxaan rajaynayaa inaan danta guud wada eegno oo ah caruurteena ,oo aan wixii fikrado ah aan u soo jeedino luuqada ay rabto haku qornaadeene.

i hope inaa i fahamtay

to Anon
thanks bro/sis
kuma gabyi karo somali ama luuqadkaleba.
laakiin hadaa adi ku gabyi karto U ARE WELCOME
sidaa sheegtayba alaw na soo hanuuni


peace all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Unrecorded Date
SAHRA
Walaal adaa mudan, Imase aadan fahmin ujeedadaydu ma'ahan in aan cid eedeeyo waxaan doonaayay oo kaliya in aan idinku baraajiyo wax yaalaha ugu waaweyn ee caruueteena maanta inlaga caawiyo ay ubaahanyihiin waxa kamid ah afkoodo hooyo marka ma'ahan in afkale lagula hadlo ama wax loogu sheego hadii aynan ahayn lagama maarmaan, sida aad sheegtana luuqaduhu iskugu kaaya mid ma'ahan ee qolo walba waxay leedahay luuqad u gaar ah marka maxaa teena karaama kaqaaday?, waad aragtay sida ay ujecelyihiin norsk-hu cida afkooda kulahadasha!. waxan filayaa in aad ifahantay arintuna yayna naga noqon dood iyo jiid jiid ee aan mawdicii meesha loofuray kahadalno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
til somali


wallal waan ku fahmay 100% ,waana fiican tahay in luuqada lagu wada hadlo .

laakiin magaranayo inaad norge dagan tahaye, waxaa jira macalimiin u qaas ah oo luuqada somaliga ka caawiya ardayda

wallal waxaan u malaynayaa in somali forum cidna luuqad lagu bari karin,

waxay aniga ila tahay in waalidiinta lagu baraarujiyo in ay caruurtooda ka caawiyaan af ka hooyo , waa guriga midka af ka hooyo lagu bartaa

mida kale ee wanaag san waxay tahay in laqoro buugaag sheekooyin ah oo af somali ku qoran si ay ardaydu u xiiseeyaan aqriska af ka hooyo

wallalkiis is jiid jiid meesha mayaalo ee wax baan is ku sheegaynaa kii qaldana in lasaxo dhibaato male ,

peace all


SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
mahad allaa iska leh,

waad salaamantihiin walaalayaal dhamaantiin waxaan si gaar ah usalaamayaa sahrqabanqaabiyihii bogan

haddaan mawduucan waxku yara darsado inkasta oo aanan ahayn qofsidaa usii aragti dheer ama khibrad badan uleh dhinacyada waalidiinta caruuraha iyo qaybo badan oo mujtamaca ka mid ah haddana waxay ila noqotay markaan boggan soo booqday ana inaan ku darsado aragtidayda laxidhiidha dhalinyarada. halkan waxaan doonayaa inaan kaga hadlo arrimo la xiriira dhinaca dhalinyarada iyo sidii aynu ubadbaadinlahay if, iyo aakhiroba (alle hayna garansiiyo) marka hore inta aanan wax ka tilmaamin fikradahayga waxaan doonayaa inaan waxka taabto aragtida guud ee dadku qabaan waxayn tahay inla jelo macalimiin caawisa caruurta inla helo dad ah oo ayaga la xiriira oo ayaga wax tusa inla helo macalimiin ugaar ah dhinaca diinta. mraka intaa iyo inka badanba lahelo macnaheedu waxa weeye inla hannankaro caruurta. waa aragti waxaanan qabaa inwax la aanta ay dhaanto taa oo ay ujeedadeedu tahay inaanay caruurtu falaagoobin. balse maahmaah soomaaliyeed baa oranaysay cudurka gala fardaha haddii laga gubo dameer dawada lama gaarayo waxaan ula jeedaa horta marka hore aynu ogaano waxay caruurteenu u baahanyihiin
MAXAAD LA JECESHAHAY ILMA HAAGA AMA ILMA SOOMAALIYEED OO KU NOOL WADANKAN NORWAY.waxaan umalaynayaa inay iska cadahay jawaabtu. waxayna tahay in qofwalba la rabo ilmihiisa inuu ka horumaro dhinaca adaabta iyo dhinaca waxbarashada.
intaa hadii aynu isla garanay.maxaa wax loo baranayaa?waa maxayse wax barsho? haddaan ku horeeyo tan fudud waxaa wax loo baranayaa in cilmi la helo waana wax waadax ah oo qofkastaa ogyaha.waa maxayse cilmigu? maxaase inaga anfaca inaga oo aynu uga baahanahay intaanan ka gudbin su.aashan bal aan kala saaro cilmiga laftiisa aanan iraahdo wuxuu uqaybsamaa laba qaybood oo kala ah ARTIS IYO SAYNIS AMA (ADAB IYO MAADI)
sidaynu inagu unaqaan.
adab wuxuu inoogu jiraa halka ay iyagu ka leeyihiin artiska. asag saynisku ama maadigu waa isku mid meel kasta oo dunida aad ka tagtid waana cilmiga caalamka ka dhexeeya. intaanan ku noqon su,aashaydii ahayd cilmiga qaybtaynu uga baahanahay aan sharaxo artiska iyo wuxuu ka koobanyahay maadaama aan idhi cilmigu laba ayuu uqaybsamaa. waxaa ka mid ah cilmiga bulshada muusiga barashadiisa, barashada dhaansiga, barashada habka filimada loo matalo oo ay ku jiraan fawaaxishkii oodhan,taariikhdooda,sharciyadooda waa looyarada. habdhaqaaleedkii bulshadooda, iyohabdhaqankoodii oo dhan. arimahaa aan soo sheegay oo dhan mid innaga anfacaa kuma jiro. waayo bulshada soomaaliyeed dhaqankeedu waa diinteeda. waxaana cad qofka wadooyinkooda raacaa inuu lumayo.
arimahaa aan soo sheegay oodhan waxay ina tusinayaan inaanaynu ubaahnayn cilmiga qaybtaa waayo waa qaab nololeed ay ka raali noqonayso qofka diintiisa iyo aragtidiisuba taasina waa waxyaabahaynu ku kala duwanahay.sabbabtoo ahwaxaynu ognahay marka dhaqamadu kala duwanyihiin in dadka aragtidooda guud ay kala duwanyihiin. waxa taa cadaynaya tusaale ahaan marka qofwax tilmaamayo waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto meel uu duulo ama (utgangspunkt) tusaale ninka norwayjiga ah markuu wax tilmaamayo wuxuu soo qaataa filasoofyadoodii reer galbeed oo aynu ognahay meelahay waxka eegaan.inaguna markaan wax tilmaamayno ama ka hadlayno waxaan ka duulaa siday diintu ka aaminsantahay ama
tusaale ahaan inanta noorwayjiga ah haday khamri cabto ama ay nin raacdo guurla,aan ceeb uma arkaan waayo dhaqankoodii baa ogol. laakiin innagu waynu ka duwanahay waayo dhaqankeenii baa diidan. tusaale kale habeen dhawayd gabar soomaaliyeed baa ka heesaysay magaalada aan deganahay waxana igu maqaala ah inay aad caan tahay dhinaca gaalada tv-ganna laga soo daayo siiba mtv, balse waxa iswaydiin leh xagay bulshada soomaaliyeed kaga jirtaa WAA DAYRO! dayro macnaheedu waxa weeye qof asaga oo nool laga samray ama ka hoos maray xadkii lagu qiimayn lahaa ee la simayey bulshada intaada kale. haddaan intaa kooban kaga baxo dhinaca aragtiyada kala duwan iyo dhinaca cilmiga aartiska.

aan usoo gudbo dhinaca maadiga oo ah waxbarashada qaybtaynu uga baahanahay.
sidiisaba cilmiga qaybtani waa wax kooban. narka hore aan ukala horaysiino habka loo barto iyo siduu ukala baxo, wuxuu (1)xisaab (2)kimistari(bay oolaji)iyo(fiisigis) waxaynu ognahay sida manaahijta loo dejiyo aduunku inay isku dhowdahay waa ilmuhu markuu hoose/dhexe marayee waxaa loo bilaabaa xisaab ilaa hadba heer markuu gaaro ayaa maadooyinka kale yimaadaan. taasi waxay ina tusinaysaa inay XISAABTU tahay mida laf dhabarta u ah waxbarashoodhan uguna muhiinsan waxaa layiraahdaa ama aan hubaa ilmaha ku xariifka ah xisaabta inuu maadooyinka kale oo dhana uu ku xariifsanaado. suuro galna ma aha qof aan xisaab aqoon inuu bilaabo wax barasha sare ama heerka gaadho waxbarasho. tusaale ahaan haddii aanu xisaab aqoon fiisigis, kimistari, bay,oolaji midna ma baran karro. waayo maadooyinkan oo dhan haku kala badnaatee waa wada xisaab asalkooda iyo shaqadooduba.markay intaasi inoo cadaato aan ugudbo caruurteena.
waxa aan shaki ku jirin inay maadadani tahay tay ugu liitaan sababtoo ah ayaga oon horay usoo baran iyo hadda aanay helin waxka caawiya kuna diiri galiya waxaana suuro gal ah inaan waalidku intiisa badani aqoon ulahayn wax tarkeeda ama aanu aqoonba waxa ayadu tahay. waxaan hore usoo tilmaanay maadadan la,aanteed inaanqofku waxbaranayn ama aanu waxbarankarin ma odhankarno waa luqadla,aan oo qaarbadan oo halkan ku koray ayaan garanaynaa ama luqada siwanaagsan uyaqaan oo falaagoobay sababtu waxay tahay intii hore ee uu afka baranaayey wuxuu ka dhacay maadadan markii uu afkii bartay noqdayna qofyara koray wuxuu lakulmay ama soo foodsaaray xumihii kaga imaanayey ardayda uu skoolka la dhigto ileen wuxuu sitaa dhaqan midab luqad iyo aragti tooda ka duwane ama macalimiinta oo mararka qaarkood aandhegaha uga duwin. tusaale ahaan marka wax xun laga hadlyo waxay carabka ku dhuftaan muslimiinta ama waxay ugu jeedhaan dunida seexatay (saddexaad) kuma koobi karo waxyaabaha uu kala kulmo iskuulka halkan ilmuhu.
markay ardaygii yaraa intaasi isu raacdo dhinicii maadigana aanu soo rogan wax ka garanayn wax ugaraabayaa ama og dhibkiisana aanay jirin casharadii loo soo dirayn waxka caawiyaa aanay jirin. wuxuu bilaabayaa inuu aad uwelwelo oo uu canaanta waalidka iyo tan macalinkaba aad uga welwelo. welwelkaasi wuxuu isu togayaa baqbin. baqdintuna waxay isu rogaysaa cadho. ka dib wuxuu ilmihii bilaabayaa inuunoqdo keerlas ama waxkasta nagatifka uga jawaabo waa ku xigta inuu joojiyo skoolka cidda masuulka ahna ugu hamjabo inuu guuri doono. intaasi markay dhacdo su.aasha meesha taalaa waxay tahay muxuu qabanayaa maadaama uu skoolkii joojiyey? waana qofyar oo tamar badan baa ku jirta wuxuu qabanayaa waxa keliya ee uu qabankaro.waa inuu dhinacyada xiirtaa dhegta durtaa balwado bilaabaa dukaamada xadaa ileen balwadu lacag bay ubaahantahaye lacagna mahaysto.ka dibna uu noqdaa falaag wedna u noqdaa kun aan horay u falaagoobin ileen wiilka ama gabadha falaagoowdaa ee soomaaliyeed way ka falaagayn ogyihiin kun noorwayjiya

alaahu aclam waxaa intaa ku soo gabagabaynayaa mowduucan aan kaga yara hadlay waxbarasha iyo siday ula xidhiidho caruurteena inay haday waayaan waddada ugu wanaagsan uguna macquulsan ay waxku baran lahayeen kalifi karto in noloshoodu gunta ka go,do wasaalam calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
to abuucubayda

wallaal aad ayaad ugu mahadsantahay salaanta

walaal wixii loo baahnaa in laga dhaho dooda dhinaca ilmaha iskoolka dhigta adiga ayaa soo koobay ,

sidaad sheegtayba waxaa wanaagsan in lagu dadaalo dhinaca diinta , inta kalena way hoos imaanayaan sida adaabta ,

waalidiinta dibada jooga waxaa wanaagsan in ay diinta ilmaha ugu bilaabaan iyaga oo yaryar si ay goor hore sax iyo qaladba u kala ogaadaan ,waxa kaliya oo ay ku kala ogaan karaana waa diinta iyagoo si fiican loo baro inta ay yaryihiin

bro marlabaad waad ku mahadsantahay sida wanaagsan eed uga qayb qaadatay qaybtaan and i wish inaad markale soo booqto.

peace all

SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
SAHRA, SOMALI , ABUCUBAYDA.....MAHADSANIDIIN

Abuucubayda innleggiisu aad buu u dheeraa waana ka xumahay inaana wada aqrin, laakiin waxaan rabaa wax yar inaan ku iraahdo somali.
dhibka ugu weeyn ee caruurteena haysta maaha somali aqoon la'aan, ee waa tarbiyada oo sidii la rabay aan ahayn, waalidka oo aan luqada wadankaan baran qaarkoodna aqoon hore lahayn, iyo ku dhaganaanta waxyaabo badan oo aan xal ahayn hadda.

Ilmuhu waa hibo ilaahay ku siiyey mase aha shey aad adigu leedahay, xaq buu kugu leeyahay waajibna wuu kaa saaran yahay. Maadaama aysan suurta gal ahayn sidii aynu caruurta u tarbiyeeysan jirney (oo ay ila tahay daldaloolo badan iyaduba inay lahayd), sida gaaladana aanay dan inooku jirin maadaama aan da muslim ah nahay waxaa la rabay inaynu samaysano si sadexaad oo ah SIDEE XEERO LOO XAGTAA ILKONA KU NABAD GALAAN.

1-in la hagaajiyo xiriirka ilmaha iyo waalidka oo meesha lagu soo daro wax la yiraahdo wada hadal iyo is afgarasho.
2- in waalidku ay xadidaan amar siinta, oo tarbiyada inteeda badan ahaato rådgiving.
3-in la dhagaysto ilmaha ilaa xad
4- in ilmaha la tuso inuu masuul yahay
iyo waxyaabo kale oobadan
Waa ka xumahay inan ku dheeraaday, dad badan ayaa neceb innleggyaasha dhaadheer, sida aniga an u necbahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
salaan ka dib

to ladan :

waad ku mahadsantahay inaad iisheegto in laga fiicanyahay inladheereeyo qoraalada. aniga laftaydu markaan dhameeyey ayaan xusuustay inaanay halkan ku haboonay in sidaa waxloo qoro. marlabaad ayaan idinwada salaamayaa dhamaantiin

mid gaar ah waxaa leh sahra
wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suge

Unrecorded Date
salaan dhamaantiin .

barne er ikke min sak?

laakiin dumarku miyaanay tarbiyada iyo wax usheega ayaguna ubaahnayn. ileen hore ayaa soomaalidu ugu maahmaahday duulku waa caruur raadwayn.marka waxay ila tahay aniga horta in ayaga arintooda iyo tarbiyadooda la hormariyo

wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
s/alaykum

wallal suge aad ayaan uga xumahay in fahankaaga
intaas gaarsanyahay waana nasiib xumo aad u wayn

run ahaantii waxay ila tahay inaadan u qalmin jawaab ,laakiin hadana waan isaga kaa jawaabayaa.

marka u horaysa caruurtu waa sak wayn oo na wada quseeya anaga oo dhan hadaadan saas u aragna waa nasiib xumo labaad.

mida haweenka tarbiyada maa labaro ahna .walal haweenka waalidkood ayaa tarbiyada soo baray hadana caruurtooda ayay baraan,
hooya kasta waa tiirka guriga tarbiyadana ayada ayay katimaada ,markaa bro intaadan maahmaah qalada meesha la imaan iswaydii dumarku maxay kuu qabteen adiga .

hadaad caruur cag wayn ugu maahmaahday dumarka hooyadaa inaydumar ahayd ma hilmaantay

i am sorry inaan ba kuu soo jawaabay sababtoo ah uma qalantid

p.s qaybtan waa foreldre og barn so hadaadan wax quseeya in taa wadin waqtiga ha naga dhumin

peace all

SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO ABUUCUBAYDA

WALLAL AAD AYAAD UGU MAHAD SANTAHAY SALAANTA

SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaan u mahad celinayaa gabadha soo bilaawdey qaybtaan abaayo waxaan ahay wiil haaaya ilmo uusan dhalin oo uu abti u yahay waxaana aad uga faaidaystay qaybta aad ka tiri dhinaca diinta ardada iskoolks aada
markaan aqristayba waxaan warqad u diray iskoolka halkaas oo laga joojiyay casharadii diinta ay qaadan jireen aad baana kuugu mahad naqaynaa sahro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suge

Unrecorded Date
TO:SAHRA


salaan ka dib:

walaal sahra waxaan ka xumahay inaad i aflagaadayso aniga oo soo jeediyey fikrad aan qabay. amase dad badan oo waalidiin ah ila qabaan. aragtiyaha iyo fikirka dadku waykala duwanyihiin.tusaale ahaan adiga iyo anigu waynu kala fikir duwanay marka abaayo ma qofkii kaa aragti duwanaada ayaad sidan ula hadashaa

waxaan umalaynayaa gabadh adoo kale ah waa looga wanaagsanyahay inay qof qaldamay sidaa wax ugu sheegto waayo qofka haboon inlagu daydaa waa inuu had iyo goor sida ugu edaabta badan dadka waxugu sheegaa kuma lihi waad edabdarootay. laakiin waxaan ku leeyahay waa laga fiicanyahay sidaas oo kale.

xaajo tuurlihi nin la toosan!
wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
TO:DHAMAAN.
maxaa loo caajisay aaway fikradihii fiicfiicnaa aaway soomaali, ladan, sahro ,


to.sahro adaa mudan abaayo
wasalaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Suge sahro kumay aflagaadayn sidaan anigu u arko, balse waxaanba kaa sugeynaa inaa xaal na siisid, sababtoo ah maahmaahyo jaahilnimo ah oo aan noo qalmin ayaad noogu hadal qabatay.
Tan kale caruur iyo waxaas hadayna ku quseeyn maxaa uga carari weeysey ciwaanka markaad aragtay?!
tan sadexaad, fikrad kala duwanaan iyo meel uga dhac waa laba eray oo kala duwan, hadaa fahmeeysid waxaabn ula jeedo.
Soomaalidu waxay dhahdaa INTAADAN FALIN KA FIIRSO, annagu waxaan aaminsanahay dumarka inay ka xumeeyn ragga sababtoo ah WAA GABDHO(NAAAAAAAAGO).
Aadaan ugu faraxsanahay ineey fikradaada caawisay dad sida bro:Annon SAHRA, soo ma aragtid inaa wax lee sameeyn karno xataa hadaa hadal fiican dadka u sheegno.
nabadeeeeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suge

Unrecorded Date
to. ladan
haddii aanay aflagaado ahayn malaha waxaad ku tilmaamidoontaa inay amaan ahayd. taasi waxay cadaynaysaa qodobkii aan hore u idhi ee ahaa in dumarka sigooniya oo maskaxi ku jirto loo tarbiyadeeyo. waligaana waxaad iska ilaalisaa hadii aad dhexdhexaadiye tahay inaad dhinac ubadato.

nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUSSEIN

Unrecorded Date
MRS SUGE
BARNE ER IKKE MIN SAK?
Adeer waxaan ku waydiiyey hadii aanaad xiiso uhayn sababta boga loo furay oo ahayd foreldre og barn.
Maxaad dumarka boga ufuray waliidka iyo caruuraha somliyeed inay ka faaiidaystaan aad werarka cad iyo aflagaadaha ugu wadaa.
Adeer garta waa lagaa leeyehee hadii aad hayso wax ku saabsan foreldre og barn badka soo dhig hadii aad hadal ujeed tahayna bog kale furo.

TO SAHRA

Walaal waad ku mahadsantahay bogan xiisaha leh aad furtay, fikradini waxay caawinaysaa dad faro badnaa oo islahaa xiisada diinta kristanku waa khasab.
Markaa halkaa halaga sii wado, mrs SUGANE HA UJOOJININA HADUUNA ISBEDEL KEENIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
suge aynu dumarka tarbiyadeynee, bal yaan ka biloownaa.
HOOYADII ADI KU SOO TARBIYADEEYSAY?!
qof u arka qofkii soo tarbiyadeeyey inuu tarbiyad u baahnaa MAXAA HADALOOBA KA FURAN AGTIISA?!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO HUSSEIN

wallal adaa mudan ,kuna soo dhawoow bogaan cusub
waana u baahanahay dad badan oo adoo kale ah ,

TO ANONYMOUS
walal adiga ayaa mudan.
wallal aad ayaan ugu farax sanahay in ilmahaaga laga joojiyay KRL markaa walal u sheeg qof kasta oo soomaliya oo taqaan si ay ayaguna u dalbadaan

TO LADAN

DEAR SIS
malayaabtay qaybta adaabta ,waxaan umalaynayaa in school anaga larabo in naloo furo oo edebta lagu barto LOL

sis waxaa layiri waano abuuris baa ka horaysay so
wax aan ka qaban karno baaba iska yar suge

TO ABUUCUBAYDA
bro wali waa joognaa dheel dheel meesha malooga tagaayo adina bal soo daa fikradahaaga wanaagsanaa
we need it

peace all

SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO WALIDIINTA

NEW INFO

SENGEVÆTING

qofkii yaqaan ama uu u joogo ilmo habeenkii sariirta ku kaadiya isgoo da,diisa u dhaxayso 5-wixii ka wayn, waxaa jira behandlingsformer caawin kara

1-Kiropraktor(waxaad kahelaysaa caawimaad badan markaa waxaad waydiisaa intaadan balan kasamaysan inuu ku jiro ama medlem ka yahay i norsk kiropraktor forening ) p.s wax risiko malaha

2-Alarmmatte (50-70 prosent way caawisaa intay is ticmaalayaan ,

3-Imipramin (waxaad wax kadareemaysaa 0-7 dager 50 prosent qofka is ticmaala wuu fiicnaada p.s waxaa dhici karta in lagu arko ilmaha isticmaalaya hurdo la,aan hjertebank,angst,uro, and tarmproblemer waana gift stoff oo hadii aad is ka badiso waa qatar,markaa hadii dhaqtarku tan idiin soo qoro waydiista inuu idinka badalo hadaadan hubin

4-Minirin(waxaad wax kadaeemaysaa 0-2 dager waxaanad heli kartaa iyadoo nesesparay ah or tablett ah 70 prosent way ku biskoodaan intay isticmaalayaan laakiin way ku soo laabataa haday joojiyaan.
tan daawo ma aha laakiin way caawin kartaa ilmaha , wixii ay dhibaato keeni karto magaranyo laakiin doctorka waydii intaadan daawada soo gadan

LYKKE TIL ALL

P.S wixii su,aal aad qabtaan waxaad waydiin kartaan (KLINIKK FOR ALLE ,TLF:22 85 35 00 AMA
22 71 34 00 .

p.s info wax cusub maaha ama daawoooyin cusub oo hada soobaxday maaha ee aniga ayaa new info ahaan idiinku sheegaya ee saa ula socda

PEACE ALL

SAHRA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadnan

Unrecorded Date
sallaam kadib
waxaan aqaan reer ay ujoogaan 2 ilmood oo sideed jir iyo toban jira oo habeenkii isku kaadiya markaan u sheegay fariinta aad qortayna waxay i waydiiyeen waamahay kirobarktoor, ma dhaqtarbaa
muxuuna ciyaalka ku samaynayaa wax hada kahor uu daaweeyay mataqaan markaa suaalahaas ma iiga jawaabi kartaa sahro inaan reerka ka dhaadhiciyo baan rabaaye


jaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
TO CADNAA

walaal cadnaa kiropraktor is not a doctor ,it is kiropraktor ,waxuu wax kabartay NERVE AND MUSKEL

walal anigu ma arag waxay daaweeyeen laakiin waxaad waydiin kartaan wixii su aala ah kiropraktorka dariska la,ah reerka ,intay san samaysan balanka way waydiin karaan wixii ay su,aalo qabaan

mida kale walal waxaa jira in xanuunkaan uu ARVELIG yahay ama dhaxal oo hadii waalidka midkood markuu yaraa uu qabay uu jaanisku yahay 40 prosent inuu qaado ilmaha siiba ilmaha labka ah (wiilasha )

so walal waxaad reerka ku dhahdaa tlf aan kor ku qoray ha wacdaan hana waydiiyaan wixii faah faahin in taa kabadab ,hadaysan oslo daganayn ha waydiiyaan kan ugu dhaw meesha ay dagan yihiin

i wish all the best

SAHRA