Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: KISSIMA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QuracQalooc

Unrecorded Date
EEr Sikima aad lasaamanhitiin

Aay eemsha ak oojga, arwiikna ah al leho.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
Noo lasaamantahay, daiga yio the real Sikmayo.
Xawaan ka muxahay ni sikmayo ay rashmuuto noqotay,
foq lawbana uu iska geeshto, xawaana basab u ah in the real reer Sikmayo ay passive ka qondeen gamaaladooda.
Lukigeen now diín lasaamaya ee goáada Sikmayo diinkay idin gusaysaa.
Niga xawaan goojaa Danmark

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
From sabaax
Tocanjeel
waxaan ahay gabar reer kisima ah laakin
waan kaxumahay kuma hadlikari fa jiniga marka walaal marka danbe waxaan jeclaan lahaa in aad ku hadashid af somali si aan kuu fahmo igana raali ahoo waan xiseenayaa dadka aan isku meesha kanimid so i hope marka danbe in aan ku fahmo waxaad soo jeedisid
BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
From sabaax
Tocanjeel
waxaan ahay gabar reer kisima ah laakin
waan kaxumahay kuma hadlikari fa jiniga marka walaal marka danbe waxaan jeclaan lahaa in aad ku hadashid af somali si aan kuu fahmo igana raali ahoo waan xiseenayaa dadka aan isku meesha kanimid so i hope marka danbe in aan ku fahmo waxaad soo jeedisid
BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO: Qurac and,Canjeel
Walaalyaaal wa idin salaamay salaan kadib
marka hore waa ku mahad san tihiin (to be real kisima)
maka kale waan ka xumahay waayo kuma hadlikari fa nijiga so marka kale aad kahadleysiin kisima fadlan somali caadi ah ku hadla igana rali ahaada .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
To; Sabaax,
Salaamantahay walaal, waa runtaa dadka ah real reer kisima si gooni ah ayay u xiiseeyaan in ay wada xiriiraan, dhibka jirese wuxuu yahay in real reer kisima badda lagu daray, oo dad aan shaqo ku lahayn kisima ay isku haystaan. Marka taas ayaa keentay in aanu u bedelano af niji, waayo inkastoo ay jiraan dad aan reer kismayo ahayn oo fahmaya, hadana kuwa hadda isku hardinaya waan hubaa oo ma fahmayaan.
Qoraalkayga u horeeya waxaan ugu baaqayaa the real reer Sikmayi in ay ka gudbaan Passivenimada, oo kisima iayaga umbay sugaysaa.
Aniga Kisima mar hore ayaa iigu dambaysay, laakin wali asxaabta reer kisima af niji yaan ku wada hadalnaa. meesha aad joogto ma joogaan reer real Kisima ?It will be nice if we could establish our own network.

Yours Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
to sabaax ii dhaaf magaca ani kaliyaa forum ka isticmala magac kale ma waysay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO> SABAAX
waan kusalaamay salaan kadib

SIS THIS IS MY REAL NAME SO I DONT
HAVE TO CHANGE MY REAL NAME JUST
FOR YOU SO GET YOUR REAL NAME

BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO CANJEEL
HI
Walaal waad ku mahadsantahay in aad ku hadasho af somali.
Mideeda kale saas iskuma aragno reer kismayo
marmar ayaan isku argnaa xaflad ama aroos
laakiin taleefoon ayaan ku xiriirnaaa inta badan
waayo waxaan mashquul ku ahay school
Laakin waxaan kasii jeclaaan lahaa in aan laxiriiro kuwa wadamada kale jooga
I HOPE IN AAN XIRIIRNO
BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED

Unrecorded Date
to> caljeel iyo kuwa meesha isku soo aruursaday.

waxaan idin dhihi lahaa waryaada idinkaa kismi
halkaas dhigay hadaad isku xirlaan laheedeen dhulkiina aad difaacan laheedeen arintu halkaas magaarteen ani inkastoo aan kisimi kudhalan lakiin waan kusookoray mana jecliy dad aan waligood arag aanan tagina ay kufaanaan dhibaatooyinka ay marwalba markay qabsadaan kadhigaan ee waxaan jeclaan lahaa dadka ru reer kismi ah ayaa meel iska taagaan dantoodana gartaan intaan meelaha wareegeyno oo aan dhagaha kaxiranayno dadkaas baahalkaas lehaanaaya sheekadu maanta uma baahna hadal ee tilaabo bay ubaahan tahay anigana waxaan kujiraa dadka ulaawanaa sanadkaa magaalada kisimi inkastoo naloodiiday in aanu nimaadno laakiin waatagidoona sikataba ha haatee marka idinka waa inaad xaqaragtaan aannasi xaq ah uga hadashaan!!!!

salaan iyo ciidwanaag san dhamaan tiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
To:
Inta aad sheegtay oo idil waan kugu raacsanahay, u are right, we are helpless creatures, who are waiting mercy from galti goon dheer.
canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaa ma jabeeto

Unrecorded Date
Kissimaay kibis macaan intee kuu soo maraa,
waddada ii soo marteed
waddada baabuur ey rabtaa
Baabuur ii soo raacdeed
Baabaaur beesow rabaa
ooohoooo hoooyaaa lahaaaa ooo hooooo

Galti goon dheer garxir balow balow Ilaahay meeshaad ka imaateen idinku celi.

Yicaal Sikima xamaa galu yeehaa sheema.

Warka i siiya waa burursanahaye, saar aa i haaya, nimanyahow geedkii quraca ahaa ee galtida lagu xiri jiray ma qallalay mise wali waa ku yaalaa. War magaalada ha la soo dhiciyo.

Ii soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Alla ma jabeeto
Haddaad bururtay bilaawaha dhiig u yeel.
Haddii kale diisoow ma iska cayaartidoo
Diisoow heleyaa, oo hoo helaya..
cagata ku dhufta.

Laakin saarkaaga brother,
It reminded me of Harry Belefontas song:
Heneri,
go and fetch the water
with what shall i fetch it.....
with a bucket..
there is a hole in the bucket..a hole
then fix it.......
with what shall i fix it
with a straw.....
with what?....
with an axe..
the axe is too dull..
then fix .....
with what..
try water..
with what shall i fetch
with a bucket..
there is a hole in the bucket
Ar galti geedkii in lagu xiro, waa fiicnaan lahaydee, laakin jid ay naga baxsadeen.
Aniga marka ugu horaysa Kisima aan taga, quraca in aan siyaarto waaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO maxamed
WAlaalkiis waan ku salaamay marka
hore waana kugu raacsanahay fikradaada
laakin manoo bilaabi kartaa fikradaada
waayo waxaan umaleynayaa in aan iloownay
magaaladeyna marka hadaad haysid fikrad fiican noo soo gudbi
BYsabaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaamajabeeto

Unrecorded Date
Salaam

1991-kii bilowgeedii markii Xamar laga soo qaxaayay oo ay magaalada Kismayo ciireysay ayaa anagoo badan oo reer Kismayo ah oo meel ku sheekaysanayna ayaa nin dhalinyaradii ka mid ah wuxuu talo ku soo jeediyay sida: Wuxuu yiri meesha la yiraahdo "Jamaluubi" aan dhigno isbaaro oo dadka ha la kala saaro wixii reer Kismayo ahna ha soo galaan wixii kalena meesha ha laga celiyo haddii kale waxaad arki doontaan iyadoo hal qof oo reer Kismayo ah laga waayay magaaladaan" waxaan wediinay sababta uu saas u leeyahay wuxuu yiri Somalida waxay ku maahmaahdaa "Biyo fadhiya biyo socda ayaa kiciya". Arrintii sidii ayay noqotay ee hadda maxaa xal ah oo loo hayaa magaaladii?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kkkns

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin reer kisima intaas kadib waxaan boga qeybihiisa hore ku arkey laba gabdhood oo isku heysta magaca sabaax walayaab gabdhaheena reer kismaayo weli makumaqlin magacaas magacyada caanka ka ah kismaayo waa khadiijo khadra cabaro isniino cabdiyo aamino ceeblo caasho nuurto iftiin nadiifo iwm
bye kkkns=king kong karakti new star ama asad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Aaway Batuulo iyo Haajiro ma hilmaantay iyo Dhuubo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO KKKNS
WALAALKIIS WAAN KAXUMAHAY IN AAD MAQLIN MAGACAYGA .
LAAKIN MAGACYADA AAD MEESHA KU SHEEGTAY WAA MAGAC YADII LAGA
ISTICMAALI JIRAY TUULOOYINKII KISIMA
MARKA WAXAAD UBAHAN TAHAY
IN AAD SIFIIACAN AAD U SOO BARATO
REAL KISIMMA
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
To: Sabaah
Real Kisima waxay ka yimaadeen tuulooyinka u dhow,
wallaahi aniga waligay kisima waa joogaya, laakin Sabaax ma maqlin, laakin magacyada ay Nuurto,Nadiifo, Batuulo iyo Qulaay ay ka mid yihiin.
Sabaax walaashiis faŽnijiga loo lioobe aad hedheesay,faŽama la lioobo, naiga Sikima balaatan sanao ka hor aa iigu madaysay.
Walaashis soo dhowoow laakin galti goon dheer ha nagu noqonin.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fanole,barlugabaxsi

Unrecorded Date
riifi niiga naafolle shaneemo yaan ga'teed rugigegeena, faaxadaas ku shadadey,.mmmmmmmmmmm
long time haaa
waa cuslaadey carrabkaa i cuslaadey, yiidho yaa
yaqaan.
ok waryaa waad salaamantihiin, xoogaa baan aqriyey wixii aad ku sheekeysaneyseen,
waa fiicantahay reer kismaio in halkan lagu kulmo, xoogaa waxaan idiin ku raacsanahay.
in afjinniga lagu hadlo, imtixaan laga qaado qofkii halkaan soo galo.
haduu afjinni ku hadli waayo waa la garanayaa.ok
aan u soo noqdo, magaca sabaax ee aad ka wada hadasheen, horta waa run oo magacaas kismaio caan kuma aha, hase ahaatee, waqtiga iyo casriga magacyada cusub, waa iska jiraan,
niiga lewigey ma maqlin gamacaas,but we dont mind
si kale u imtixaana gabadhaas,
sida waxaad weydiisaan, maqaayadii .
1. maqaayadii takar mataqaan?
2. shaneemada gaasha gabadhu mataqaan?
3. minishibiyo dii hore xagee ku taal ahahhaha?
4. filinka marka la naadinayo sidee loo nadiyaa kismaio/
5. FILINKA MARKA LA DACAAYADEYNAYO YAA UGU FIICNAA DACAAYADEESKA FILINKA.
choice, billy ka honge.
mise galti ilcad.
6. dini mahadi dini kooxdee u ciyaari jirey?
7. GOAL-keeperkee kismaio ugu fiicnaa?
8. baar makarios miyey taqaan, mise wey maqashey
xaguu ku yaal?
9. baar della rocko, intee ku yaal?
10.dios miyey taqaan?
suaalahaas weydiiya qof kii meesha idiin ku wareeriyo.
soo gallootiga chance ha siinina.

igala soo xiriira halkan.
ahmedd2@excite.com
anaa idiinka dhicinayo kii is waala.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO CANJEEL
Walaalkiis waan ka xumahay in aad i dhahdo gati goon dheer , mida labaad se reer kissima badan koo waxay ka jimaadeen walidkooda
meesha ay galtida ka timaado oriijinkeeda
ee marka iska dhaafa cunsurinimadawaxa aad
rabdtid ku fakar waxaan kuu cadayn karaa in aan ahay real reer kissima xataa anoo ku had li karin af jinigamarka ha qaldamin mideeda kale
sabaax waa magacayga dhabta ah laakiin
naaneysteeda ayaa l iigu yeeri jirayoo ay dadka badan kiisa ay ii yaqaanana walow aan inta kuugu sheegi karin marka somali waxay tiraah daa (intaad falin ka fiirso )marka ha qal damin aan ku dhihilahaa


by sabax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO FANOLE BARLUGABAXSI)
(QAALIHUURSHE)
walaalkiis waan ku salaamay salaan kadib.
horta way fiicantahay qofka markahore in la im tixaamo in uu yahay real reer kismayo but waaxaad imtixaantay wrong person
Hadaan kaaga jawaabo su"aalahaaga
1_WAAN KAXUMAHAY TAAS MA"QAANO
2_SHALEMO JUBA SHALEMO UMADA.SHALEEMO AYAAN
3_WAAGAAS MABA DHALAN AY JIRTAYMANASHIIBIYADII HORE
4_WAXAA LAGU NAADIN JIRAYGAREETO.
5_GALTI GOON DHEER
6_WAAN KAXUMAHAY KAMA HELI SPORTIGA SO IM NOT A GOOD FUN FOR SPORT
7_GOOLHAYHII WUXUU AHAA (CABDI XAAQ)
8_BAAR MAKARIYOOS WAXAN SII MARIJIRNAY ANIGA IYO AABAY (ALAHAU NAXARIISTO)MARKAAN AADAYNO ASEENDADEENII YOONTAY.
9_WUXUU KU YAALAY SHALEEMO JUBA DHABARKEEDA WAXAANA AGTIISA DAGNAA (REER CABDI RICO HADII AAD TAQAAN)AMABA LHAA.
10_WALIGEEY MAMAQLIN MAGACAAS.
Markawaxaan umaleynayaa in aad ifahantay
waliba waxaan kuu tilmaamayaa meeshan
kissima kadagneen
MATAQAANAASUUQA CALANLEEY EE BADA KU AGYAALAY WAXAAN DAGNAA AKTIISA
GURIGEENA WUXUU KU DHAX YALAY HADAAD MAQASHAY MAKIINADA HINDIGA EE CAJIINKA SHIIDA IYO MASAAJIDKASUUQA AGTISA AH MASAAJIDKA WAXAA KA SOO HOR JEEDAY
ISBATAALKA TIIBISHADA EE YARAA ISBITAALKA WAXAA KU DHAGNAA XAFIISKA CALAN LEY OO AY KU CIYAARI JIREEN GABDHIHII BAASKIDKA CAYAARI JIRAY OO AY KA MIDKA AHAAYAN
(MUXUBO CARTAN OO CALANLEY DAGANEEDIYO XORIYOQALIIF KAARSHEIYO KUWO KALE OO AAN HADA XASUUSAN)ERIYADAAS WAXAA ILA DAGNAA REERAHA AY KAMIDKA YIHIIN
(HADAAD MAQASHEY REER CALIMADHIGAY .REER CALI TALYAANI.
REER CALI MUKULI, REER CLI QOORSHEEL.
REER MAXA"EDCABDALLA OO LAHAA SHANEEMO UMADA AYGANA AAN ILMO ADEER NAHAY. GADAASHEEY WAXA DAGNAA ASHARAAF BADAN IYO ISLAANTII AAN KU SOO KORAY MUUFADAY DA (KHAALI MARYAN ALAH U NAXARIISTO)
IYO REER CABDI CASALEOO AY KADHALATAY SAAXIIBTAY(TAWREEDOO KU MAGAC DHEREED DEEQ DOORO)WAXAA KALE OO AKTEYDA DAGNAA NINKII KU LAHAA BIIBITADAXAFADA CALAN LEEY OO LADHIHI JIRAY HAADIEE ASHARAFTA AHAA AGTIISA WAXAA DAGNAA WIIL LADHIHI JIRAY
(JOHN HADI KU MAGAC DHEERA JOHN BASTAR WAXAAN UDHAWAA BIIBITADII UU LAHAA ALAHA U NAXARIISTO NIN LA DHIHI JIRAY JAMAC TIMO FARAS IYO XAASKIISA CARBTA AHEED OO LADHIHI JIRAY JIMCO BAAN GAS OO AY DHASHAY WIIL LA DHAHO (CABDI WAXID OO GUURSAN JIRAY
DUNIYO MAXA"MUUD CALI XARBI OO DAG NAAN JIRTAY BAAR LUGA BAXSI GADAASHIIS MIDEEDA KALE FOOM FOORKEEGA IYO FOOM 3 WAXAAN DHIGAN JIRAY GANAANE WAXAA II DHAWAA BIIBITADII LADHIHI JIRAY(SOOMALISTAR)
MARKA WALAALKIIS WAXAAN ASXAB AHAAN JIRNAY GABDHIHII UU DHALAY NIN LADHAHO XAAJI CABDIYARE OO DAG NAA
BAR LUGABAXSI GADAASHIIS IYO DADAAD
TAQAANID REER XAAJI HIIRAD OO DAGNAA ARGADA AKTEEDASIIBA AYAAN XAAJI IYO OOJOYO
MARKAA WAAD I DAALISAY QAALI HUURSHOOW HADII AAD WALI SU "AAL AAD QABTO ILA SOO XIRI LAKIIN WAAD CEEBOOWDEEN MARKAAN ADIGA IYO CANJEELBA


BY SABAAX


P.S INTAAS HADEE KU QANCIN AAD BAN UGUXUMAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO RAALI GALIN
DADAKA AAN MEESHA KU MAGACAABAY
WAXAAN WAY DIISANAYAA CAFIS IN AY IGA RALI NOQDAAN MEESHAN AAN MAGACOODA KU XUSAY WAAYO LABO NIN
AYAA I IMTIXAAMAY IN AAN AHAY REAL KISSIMAMARAKAIGA RAALI AHODA
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Sabaax,
Gacmo furan ku soo dhowow, no doubt u are a real reer Kisima, ma dhalan baad ku jawaabtay suaalaha qaarkood, no problem, anigaba ganane ayaan ka baxay, laakin waxaan u malayn inta aadan dhalan.
Never mind welcome to the club!

Mr. Fanole-Baar luga baxsi
Noo ku lasaamay, sheemtii noo raŽkeesa xawa ka cadhaaya, talo ma haysaa? Sikmayo roogmaa kuugu madaysay, naiga xawaa iigu madaysay ramkaan ka xabay Ganane 1980.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Majango

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Sabaax, walee inaad reer Calanleey rasmi ah tahay anigaa qiraya maxaa yeelay waxaad tirisay oo dhanba qof aanan garaneyn ayaaba iska yar ee ogoow inaan caawa meesha qaraabo ku yeeshay. Anigu waxaan la yaabanahay sida aad xulafadeyda qaar ka mid ah magac dhawday iyo wiliba xaafadii aan ku koray. Waxaan u maleynayaa inaan wax badan magaalada ka xusuusatid aniga markii aan refresh ku suubiyo maskaxdeyda ayaan laga yaabaa inaan xusuusto maxaa yeelaay 92 ayaa iigu dambeeyay da'deyduna way yareed inkastoo aan caan eeryada aad sheegtay amaba kismaayo oo dhan caan ka ahay hadii ina ayaheyga la sheego. Anigu waxaan dhigan jiray Khalid Bin Walid form threena ku gaaray schoolka aad sheegtay oo ah Cabdiyarena waqti dheer dhiganayay xaafada Majangona u badnaa maadaama aan ahaa ciyaal xeebta. Inkastoo aad wax badan xustay laakiin waxaan kugu raacsanahay sidaad xaafada Calanleey oo dhan u sheegtay from Suuq Weyne to Somali Star to Luga Badan to Iskufilan Village to Bilowga faanoole, (luga baxsi & school cabdiyare) walee inaad tahay dadkii la raadinayay. Waxaa laga yaabaa long lost friend inaad tahay ee keep posting more.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dowdhanaan

Unrecorded Date
dhamaan waa salaaman tihiin.

aad ayaan ugu faraxsanahay in ay si gaar ah u wada sheekeysano,runtii aad ayaa loogu baahan yahay in la is ka war qabo waayo aniga haddaan iska hadlo magaalada aan deganahay aniga kaliya ayaa reer kismayo ka joogo sidaa darteen ayaa xiiso gaar ah u qabaa dadkeyga kismayo ka yimid.. sikmayo ha luugeysato,ha rowdo lihaahey xawaan uga rabyeenaa nitey raxowdo ram dhow..

bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO CANJEEL
WAAN KU SALAAMAYSALAAN KADIB
DI"IGA RIIFI HADAA LEEDAHAY MIYAA
WLC TO THE CLUB BRO IS TOO LATE
MAR AAD I TIRI GALTI GOON DHEER
CALAA KULI XAALWAAD MAHAD SANTAHAY DHIGOOWIN AAD IGU SOO DHAWAYSO CLUB KA
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO MAJENGO
WALAALKIIS SALAAN SALAAN KADIB
WAXAAD TAHAY SXB DADKEYGA
WAADNA MAHAD SANTAHAY SAAD WAX IIGU SHEEGTAY AAD BAANA U XIISAYNAYAA DADKEEYGA REER KISSIMA
MARKA WALAALKIIS HALAGU MAQLO
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO DOWDHANAN
WALAAL WAAN KU SALAMAY SALAAN
SALAAN KADIB .
SXB SOO DHAWAAW WAXAAD TAHAY
DADKII LA RAADINAAYEY MARKA I HOPE
INAAD CIDLOONIN MARDANBE
EE HALGU MAQLO
BYE
SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO REAL KISSIMA
WAAD SALAAMAN TIHIIN
QOFKII DOOD IGA QABO
WAXAAD IGALA SOO
XIRIIRI KARTIIN EMAIL KAAN
HANA_CABDALA@HOTMAIL .COM
SO SEE YA
BY
SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baajuun

Unrecorded Date
to:sabaax

waa ku salaamey.

walaal sidaan sheekadaada ka aqriyey waxaa tahay qof reer kismayo ah mideeda kale waxaa ku dhalley saleebaan.g. allah u naxariistee.walaashey intee joogtaa reer kismayo asali ayaa tahay.aniga xataa waxaan ahey cilaal calanley suuq weyne agtiisa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO BAAJUN
WAAD SALAAMANTAHAY
MIDA LABAAD WAAN KA XUMAHAY IN AAD U SHEEGTO ADUUNKA DHAN INA AYAHAYGAWAAYO ANIGA BA UMASHEEGIN DADKA LAAKIN WAAN U DULMARAY.
HADII AAD RABTID IN AAD ILA SOO XIRIRTO WAA KAN EMAILKEEGA
HANA_CABDALA@HOTMAIL.COM
BY
SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaamajabeeto

Unrecorded Date
Fanole, BarLugabaxsi,

War ninyahow meeshaan waa la isu abtirsadaye, adigu ma waxaa tahay DHIIYOS, waxaa ninkaas iigu war dambeysay isagoo jooga KUWAIT aad baana saxib u ahayn, xitaa waxaan raadiyay walaashiis Fadumo oo joogta CANADA si aan u weydiiyo telefankiisa. Bal haddii aad tahay ii soo sheeg.

SABAAX, maashaa-Allah walaashey waa abtirsatay, qofkii dambe oo ma tihid ku dhahana ii soo sheeg. Anigu waxaan deggenaa Fanole dhinaca Ceel Minishiibiyo laakiin dadka aad sheegtayna waa wada aqaan.

Reer Kissima, naw u deejaa sheema lagti am ku rijto, xawga sheema oos laggayna raqaabada yaawe. ha la iska war hayo.

Fanole Goolhayihii ugu fiicnaa waa Maxamed Barkaan, filin naadiyihii ugu fiicnaana wuxuu ahaa Billi ka banoo baahungee, oo markii ay reer biifka dhaheen DJango naagtaan yaa waaye, intuu xanaaqay uu yiri Pollaki, mar dambe farmashiyaha Xaashi dhinacaas yaa loo dhaafinin tabeelaha.

Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baajuun

Unrecorded Date
Sorry sabaax

waa ku salaamey iga raali noqo mideeda kale qof kasta oo reer kismayo ah wuu garan karaa ina aayahaaga waayo sida aad meesha ugu qortey ayaa waxay tahay mid si cad loo garan karo,runtii aniga si wanaagsan ayaan kuu aqaan in kastoo ay mudo ka soo wareegtey,hadda ma garan karo inaad i xasuusato mideeda kale asxaabtaada aad meesha ku xustey ayaan is ku fiicney laakiin adiga aqoon saas ah kuma laheyn in kastoo aan dhow jeer wada ku laney,,,,wixii dheeri ah halkaa igala soo xiriir. bye.igana raali noqo magacaada ay meesha ku qorey.

warsame@lovemail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ashcab

Unrecorded Date
Ar see la yahay qaraabooy,

aaway dhalinyaradii deggeneyd Bar Lugabaxsi, agagaarka C/hi Qorsheel, Xaaji Mumin, Salaad Maneeno iyo Garab Yare. Maxaa warkiina loo waayay, aaway dadkii ka xadi jiray Beedaanka Eedo Casaro banoonigana ku ciyaari jiray qabuuraha Hunuuda iyo Kaambo Siin. Waa la kala dhumay ee ha la iska war helo. Waxaa i qabtay Homesick markaan waxaan qoraayay.

Ii soo barya hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baajuun

Unrecorded Date
yaanbo sabaax.
waa ku salaamey sabaax..
walaashey waxaa ku weydiiyey asxaabtaada sida carfoon ma la xiriirtaa iyo towreed,mise waad hilmaamtey.towreed waxaa la iigu sheegey inay london degan tahay waana la guursadey ee adiga ma guursatey mise wali wax barasho ayaa ku jirtaa,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
dios, waakan , hahahaha waa iga qosolsiisey.
i dhageysta ninkan allamajabeeto aad baa iga qoslisiisey, waxaa i soo xasuusisey, billi, sheekooyinkiis. xaafadda shaqaalaha, siiba farmashiyo xaashi wixii ka dambeeya wixii ka dhacay waa tariikh, war nin yahaow is sheeg
dijango, franco nero waa dadkii dhahay xay tahay gabadhaan, sii jeeda oo timaha guduudan,
hehehehe lol, billy maa lintaas go,aan buu gaarey in mar dambe u dhaafin farmashiyaha xaashi.
hehehe mm my GOD, WHO THE HELL U GUYS.
billy, waa ninkii dhahay, zonkaas waxbo yaa la
wediinin, waxna yaa loo geynin. hehehe
zona bullacci, hehehehe.
sabaax raali naga noqo, dunida waa lays imtixaanaa, imtixaankiina waa ka gudubtey.
laakin adiga ma dhalanin waqtiga aan ka hadleyno hehehehehe lol she is so young.
qofka la dhaho ASHCAB, WAR HUNUUDA GAROONKAAS dadkeedi baa kula hadlaayo.
waa dhios , ila so xiriir.
kullanti wacan dhamaantiin.
waa runtaa weli kuwait baan joogaa.
hehehe my GOD,
war waxaad igala soo xiriirtaan,
ahmedd2@excite.com

meeshaan badanaaba ma imaado.
laakin i will try my best to visit
from now on.

by dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
from dios, to sabaax.

suaalaha 9 iyo 10
aan dib ugu noqonno.
baar della rocko meesha aad sheegtey kuma yallo.
magaca dios weligaa ma maqlin na .
laakin waan saxiixney inaa tahay original
but you are so young, ragga qaarkiis halkan jooga waa ku dhalikaraan
hadabo sualo jale kuma weydiineyno.

cabdi xaaq na waa i soo xasuusisey,
dharka iyo kabaha baan u dhiibi jirney
markaan ciyaareyno, looma ogolaan jirin
inu garoonka soo galo. hehehehe waaw
long time isnt it .
the good old days.

heheeh lol billy cunoqabateyn buu ku soo rogey xafadaas, siiba wixii farmashiyaha ka
dambeeyo , mareykanka markaas si wax loo cuna qabateeyo ma ka seynin markuu billy billabey,


ciao.

ciao.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaamajabeeto

Unrecorded Date
Waryaa Dhios,

Ma waxaad tahay raggii duq Mireysato muufada ka dhameeyay. Hunuuda ma kula ciyaari jirtay ragga ay ka mid ahaayeen Madagaani, Jamac Jirrid, Xasan George, Duubo, Qoosh, Gaagaabey, Xulusey, Mukhtar iyo Ilmo Qaali-kabo-cadde iyo Apollo Gulley. Bal haddii ad raggaas wax ka garanayso isa soo sheeg markaas ayaa lagu ogaanayaa inaad dadkii hore tahay iyo in kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi waad salaamantihiin.
war nin yahow horta waa dios, laakin aniga
brain wash baa igu dhacay, marka xasan george
wuxuu ahaa my favour weerarka xagaa gool dhaliska waa ninka qura ee tiimka iga soo horjeedo difaacooda eyan celin karin.
laakin xasan george markasta wuxuu i weydiisan jirey difaac adag. hadabo difaaca ugu fiicnaa
ciyaal hunuuda garoonkeeda waxay ahaayeen
kow cusman ali basal, cabdi shiikh muse, dios
oo ah aniga maxamed cabdi dirie hehehe
sadexdeenaas xasan george haday difaac u yihiin
wel wel ma qabo george, galabtaas habeenkaas
wuu isku hubaa in u shaneemadiisa iyo cashadiisa
helayo, shilin shilinka galabtaas anaagaa iska leh hehehe nin walba habeenkaas maqaayadiisa iyo xagil shaneemo waa toosantahy.
duubo markuu arko cabdisheekh muse dhiyo,cusma
basal waa qusan jirey iyo xasan george oo
oo weerarka joogo no9 kooxdeena, duubo shilinkiisa
wuu ogyahay in caawo shaneemada gaasha lagu
gelaayo isagana u fiid seexanaayo.
xuruuf al jar ayaa hadda ka hor xasan george la weydiiyey isagoo iskoolkii talyaaniga laga soo
celiyey isaga iyo bando kale
macallinkii masriga ayaa yiri xuruuf al jar sheeg xasan, heheheheheh
al muhim, ninkan weligiis kelmad carabi ma qorin
laakin akhirikii garoonka u noogu keeney isagoo
ku heesaayo al xuruuf al jar.

can ilaa fii al baa al laam
can ilaa fii al baa al laam wal waa.
hehehehehe.
cismaan cali waxaa igu dambeysey in uu kismaio joogo, qaad cun buu noqdey.
xagee jirtey galbtuu xasan george diley will
mareexaan ah, ilig ka tuurey,

hehehe habeenkaas ayaa xasan george is ogaadey inuu isagana yahay mareexaan hahahaha
markii xaal loo fadhiistey uu wuxuu maqley
wiilku waa wiil mareexaanee kan iliga laga tuureyna waa wiil mareexaanee ha leys cafiyo hheheheeh.
xagee jirtey galabtuu wedi king kong jebiyey
omar qacle hehehe wedi habeenkaas
wuxuu ku hoydey saaca moojo.
wiilkii qacle ayaa waxaa jebiyey wedi king kong
qacle oo ahaa fiisho governatore, oo will laga jebiyey, waw ahahahaha.

heheheh war nin yahow caley muufo xaguu ku dambeeyaa,
shanbaraa aad ilawdey ima aadan weydiinin.
shantow iyo garxinni.

hehehe
by dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hey allamajabeeto, hi all.
ha ii dhuumanin mireysato abtigey bey dhashay
hiiliye ma taqaan, wuu dhintey koo yaa xabad ku dhuftey, war adiga horta ma maqashey
nin la dhihi jirey kuuja ?
kuuja xaguu ku dambeeyaa?
kuuja markii dambe wuxuu ku soo biirey
ragga difaac ka ciyaaro garoonka hunuuda.
muxuu ugu so biirey kooxdeena waayo waa is hubaa shilinka ma ka dhimanaayo,
1. axmed busur, goal keeper(inkasto uu jeclaa in uu guduha ka dheelo mar mar)
2.cabdisheekh muse.
3.cosman ali basal.
4.kuuja.
5.dios.
inta kale oo dhaxda aad uma xusuusto hadda.
laakin xasan george isaga
wuxuu ahaa 8,9,10,intaas isagaa noo ahaa.
heheheh nin hor istaagi karo majiro.
hehehehe

kooxdaas waxaan xasuustaa,
o ka mid ahaa kuwa mar walba naga soo horjeedo.

hehehe shantow, bashiir goobe, baanjo,
qaloocow, allah u naxariistee,
lorenzo, allaha u naxariistee,
xulusey, gaagaabey,
and so on and so forht come on....

shilimaadka ayey galab walba noo keeni jireen.
dhegahaan karaacnaa fiidkiina wey seexan jireen, iyagoo ka fekeraya berri intee shilin ka helee.
hehehe hehehehe hehehehe hehehehe
heheeheh ila so xiriir by
heer sikmaio niiga xawaan goojaa niita

sabaax jaamac jirri ma taqaan?
sabaax xsan george ma maqashey?
xuruuf al jar weligaa ma maqashey.
heheheeheh by c ya guys
dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
To: Mr. Dios,
War ninyahow xamaa kugu cadhay , Kisima noo ceebeenaysaa, dahalkaaga ka riifso oo gamacyada aad geesha geeshi sika faadh.
Midda kale sheemta inaad baqiil gamaciisa geeshto am aha , maxaa yeelay ramkaan Sikmaayo goojnay baqiil am la qaoonin, adka aad geesheeso intooda badan noo qaáan, laakin baqiilkooda am qaáano niaan rabtana ama baro.
Midda kale meesha ha nagu ceebeen, reer kisima oo dhan ciyaal raqay iyo muufo xada kaliya ma aheen, away iskoolkii mishinka iyo Miss Rank, away asxaabtii sharxi jirtay foormalada atom bambka,
away asxaabtii liiska artificialka ka sameeyay timir iyo timo.

one question to all of u.
_______________________

Waxaan filayaa in taariikhdu ay ahayd 1969, annaga oo ku dabaalanayna xeebta calanleey ayaan waxaan kaxaysanay doomihii kaluunka mid ka mid ah, waxaa dharkeenii qaatay ninkii lahaa , boolisna wuu u yeeray, markaas ayaa kaalshiraha nala geeyey ilaa iyo habeenkii, qaar badan baa ooyay alla hooyooy! ilaa aabayaasheen habeenkii noo yimaadeen, war nimanyahow qisadaas qof xusuusta ma jiraa?
Midda kale qof dhigan jiray ma jiraa dugsigii macallin Cabdi ee naadada u dhow,markaan macallinka ka cararro away raggii isoo qaban jiray? wali ulihii way igu yaalaan.

Away gabadheenii Sabaah, sis raggu waa reer Kisima , qaar iska dhib badan oo dalac bilaash aa jira, laakin between real reer Kisima no hard feelings.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi salaam kulligiin, to canjeel iyo reer kismaio oo dhan.
canjeel, waad salaamantahay, horta wallahi waxaad i soo xasuusisey, miss rank, miss rank was
my teacher, and i will never never forget her.
adigase waxaad ahayd ciyaalkii iskoolkaas dhigan
jirey, laakin meeshan oo dhan ciyaal kismaio
aa joogaan, ceeb ma aha in aan dib isu soo xasuusanno, xataa magacyadeena in aan halkaan ku qorno, waa waajib, annaga ma nihin dadka hadda
magaalo ugu horreysa, we are the real citizens
of kisimaio, ama aan dhahno Aborigins ka
kismaio, besides, gabdhaha halkan nala jooga
annaga waa walaalaheen, inkasto aan dhali karno, tariikhdeena iney alhristaan waa ok.
marka ama canjeel, dheh ama asch dhaha ha la isa sheeo.
hehehe, xasan george waa ciyaal kismaio asli ah
maalintaas ayuu xataa isaga is ogaadey inuu qabiilkaas yahay hehehehe.
annaga qabiilka sida dadkaa hadda joogo uma isticmaaleyno , laakin waagaas qosol iyo shaaciro, ciyaal hunuudaa qaar aa habeenkaas
iyakoo hurdaayo qoslaayey siiba habeenkaas
arrintaas dhacdey, .
aan u soo noqdo missionka, my GOD waenin yahow canjeel bal miss ranka hadda xagey ku dambeysaa.
miss rank ma xasuusantahay waagii dhismaha lagu billabey shaneemo ayaan oo hadana la joojiyey
shaneemo ayaan dhismaheeda dhaxdiisa in ay garoon ahayd ma xusuusantahay lagu ciyaari jirey
balloni, miss rank guriga ku dhegan shaneemada ayey deganayd, kor ay naga fiirsan jirtey,

kambiyaha marka aan u fariisanno, xoogaa la nasanayo ma xusuusantahay in maal maha qaarkood
shaah iyo coffe iyo dolshi nasiin jirtey,
my god miss rank aa caawa i soo xasuusisey.

hadee ma xusuusantahay maqribkii marka aan magaalada ku soo geli jirney annakoo dameeraha
kor kooda saaran sidii jango oo magaalada geeskaas ka soo gelayo, iyo santana oo dhinaca kale ka soo galay.

ha ii dhuumanina haddi dhuumasho iimaato
mar dambe meeshan ma imaanayi,
ha la isa sheego,
miss rank baa i xasuusisey iyo mission.
koo kalena ciyaal hunuuda uu ka hadley
maxaa la isga dhuumanaa .
war hanala sheekeysanina, ciyaal kismaio
dhumasho iyo is qaris ma yaqaanaan.
ok bro .
we are a well civilized people, we are more than that,
abikar suufi oo naar jiin ka soo dhacay,
bucdina uu hoos taganyahay, bucdi waxaa u muuqdo
naarjiinka uu gacanta ku hayo abikar suufi
suufigana gacan aa jabtey, hehehehehe

so by guys this is my last time to visit
here,
i am planning to make a world wibe web for this city kismaio.
coz here is just a small place to chat with u.

by u know my e mail u can contact me.
by all
dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
canjeel iyo allamajabeeto.
waad salaamantihiin, mar labaad baan soo noqdey.
iyo ciyaal kismaio oo dhan.

doontaas aan ka jawaabo ragii saarna aan ka
mid ahaa,laakin aniga maalintaa la ima qaban.

doonta waxaa ku dhax harey markey meel fog nala tagtey baddna aad u soo buuxsantay, ciyaalkii
cabsadey oo aan ka boodin,aa loogu yimid.
qaarkeen waa ka boodney wana ka dabaalaney

taariikhda waa qaldey oday 1969 ma ahayn.
intee noo wadaa waa warey, 1974 ayey ahayd.

war ninyahow ninkan islaantii la dhihi jirey
casaro beedankeeda ka hadlayo
walaalow deris baan ahynee ila soo xiriir.
missionkana war hadee ninka miss rank ka hadlayo
war ma isku miss baan fadhiisan jirney.
missionka ciyaalkii dhigan jirey wax yar bey ahayeen.
goormaan dhuudhuuman jirney.
goormaan been isu sheegi jirney.
war odayaal, waa dhiyos or dios.
beedanka casaran wax badan baan cuney,

weliba waxaan kugu daraa qofkii xusuusto
ma xusuusantahay commisario mahdi ciiro.
ismaciil mahdi , iyo axmed mahdi.
heheheh

iyakoo balakoonaha loogu xiirayo
annakan aan gob iyo qoone aan xadeyno,
ilaaladan ama poliskana ay na raadinayaan.
hoos ey naga raadinayaan anakan gobka
aan saaranahay,
hadan atom ka waan sharixi jirney,
ilaalo maxaar yaa xusuusto.
markuu qoonaha laftiis kugu soo turo
hadey kugu dhacdo bil ma ka soo kaceysid. hehehehehe lol.

suaal arbitihii ugu fiicnaa
markaan ku ciyaareyno liido subaxa jimcaha yuu ahahah?

1. abukar suufi.
2. shariifo, kii dhalay luula iyo layla.
3. jaamac jirri


iskoolkii rugta warkiisa ha la isiiyo.
waxaan ugu jeclaa macallimadii salma.

iyada ma jecleenee barfuunkeedaan jeclaa.

by dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaamajabeeto

Unrecorded Date
Waraa Dhiyos,

Ma xasuusataa anakoo fadhino biibitada Nimco Diiriye adoo wato kabo iskaalso la'aan ah oo waagaas fashion ahaa oo qof intuu ku weydiiyay iskaalso ma wadataa uu Salow dhahaayay haa iskaalso jaalle ah ayuu wataa.hahaha.

Wedi king kong maalintii uu jebinaayay Cumar Qacle waan joogay, maalintii uu wedi king kong intuu fuulay dameerkii Xabbaani oo Jaanka daaqaya oo siduu ula soo ordaayay uu la soo galay gurigii Xabbaani.

Maalinta uu Abukar Suufi(Abtigaa) ka soo dhacaayay naarajiinta wuxuu yiri markuu dhulka ku soo dhacay "Ashidanti"

Cabdi Sheekh Muuse (Kadyaani) wuxuu joogaa Sucuudiga, Cusman Cali-na wuxuu joogaa Gobol agteyda ah oo la yiraahdo OHIO, isaga iyo walaashiis Nimco oo uu guursaday Xasan Caato.

Ms Helen May Rank aad baan u xusuustaa waa tii na dhihi jirtay hooyaday waxaa dilay Cancer ay ka qaaday sigaarka ee ha cabina, in kastoo aan arday xun xun noqonay oo dhios aniga iyo adiguba aan cabi jirnay. Ninkii ahaa Kuuja waxaa iigu war dambeysay Tanzania, Caleey Muufana waa Business Man-ka ugu weyn gobolka hadda.

Waraa Carabka dhageyso, intee joogtaa hadda, weli ma Kuwait ayaa joogtaa, ninka kula hadlaayo waa Mukhtar.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Hej Dios & others,
Horta abtigiis waad iga yartahay, oo waxaan ahay lotatkii kaa horeeyey, aniga rugta waxaan ka baxay 1974, doonta aan sheegayo iyo midda aad sheegi isku mid ma aha, maxaa yeelay aniga 74 ciyaal ma aheen , i was a teenage and had a girl friend, so iam your big brother, laakin way u badantahay in aan rugta isku soo gaarnay, to mention my class wuxuu ahaa 5B, 6B, 7B, 8B.
Waxaan isku galaas ahayn nin magaciisa la dhihi jiray ASHCAB, ashcabkaan miyaa ku kale miyaa ma aqaan.
Ok hadda waxaan soo xusuustay sababta ashcab loogu bixiyey, in aad xusuustaan ma ogeyee waxaa jirtay sheeko buuga carabiga ku qornayd oo uu ky jiray nin dhuuni ah oo ashcab la dhaho.
Saaxibkeen ashcab waxaa lagu yiqiin dhuuninimo, wuxuuna aad u cuni jiray qubada oo ka soo uri jirtay. War ninyahow ashcabkaas maad tahay?
Bro waxaan aad ugu faraxsanahay in aad ku fakartid in website u sameeyso Kisima, and i hope this will help us to come out of the bushes.
until then magacayga waa canjeel, waxaana aan deganahay Norway.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi waad salaamantihiin, mukhtar waad ii dhuumatey,
canjeel sidoo waad salaamantahay, horta canjeel
aan ku hor maro doonta, waa laga yaabaa doonta iney tahay mid kale.
tan aniga aan ka hadlaayo waa badda lido midda
xigta dhinaca fanole, mukhtaar xataa waa xasuusan karaa doontaas, badda aa caari ahayd waan u lugeyney, waan fuulney markaasa badda aad u soo buuxisey,xeebtii waa naga fogaatey, ciyaal badan oo doonta saarnaa dabaal fiican ma yaqaaniin,
waxaa ka mid ahaa shanbaraa, oo dabaasha ku xumaa, oohin xeebta waxay noo jirtaa ilaa 300mtr.
bajunkiina waa imaadey, xeebta baajunka ayaa na ga xigo hadabo intee loo dabaalanaa, waana la cabsanaa oo libaax baa laga cabsanaa, baajunkana waa nagu soo socdaa.
mukhtaar weli kuwait baan joogaa igu salaan
saaxiibadaa wixii ku ag degen, aniga weli meeshii aad igu ogeedeen, waa bidaarestey, bidaar weyn aa igu talo
hehehehe bambellmo weli ma soo gelin usa. iga soo waran.
kaaley adiga kooxdii duboo aad ehayd weligaa oo naga soo horjeedi jirtey
oo shilinkooda habeen walba aan shaneemo ku aadi jirney heheheh saasaa u dhuumanee yaa.
adiga waxaa duubo u ahayd difaac waan ku ogahay
laakin xasan george meeqaa mar u ku jiirey. heheheeheh, come on mukhtar ha la iska war helo.

salow ciilkiis aa i hayo. khalad buu iga galay, hadda iskaalso ma wato,.
ilaa hadda badanaa kabaha iskaalso la'aan aan qaataa. hehehe
waxaan ilaawey abukar suufi markuu soo dhacay
shilin u geedka hostiis ku arkey hehehehe
wuxuu ku waashey shilin aan heley
shilin aan heley
hheheheehe.

nin yahow ismaciil mahdi waagii balakoonaha loogu xiiri jirey ma xusuusantahay,
hehehehehe, annakan aan siligga gadaashiis aan
taagannahay
heheheheeh by guys
c ya canjeel waa isku soo garney rugta

sure i am sure, laakin ma xusuusantahay
waagii galab la dhigan jirney some classes.
std 5 galab baan ku billawney mukhtaar wuu xasuustaa.
std6 aan subax noqoney, wiito away, we were same lot
hadaad wiito xasuusato.

by guys mokhtar igu salaan cosman difaaceena.
adiga difaaca duubo ahayd. heheheh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all to ASHCAB, CANJEEL, ALLAMAJABEETO.

mokhtar labadaas magac waa igu wareeganayaan.
ashcab iyo canjeel.
ashcab isaga weliba ciyaal campo siin iyo ciyaal
hunuuda ayuu ka mid yahay, canjeel isaga wuxuu ku leeyahay
waan idiinka weynahay, laakin u maleynmaayo.
canjeel war nagama weynidee isku waqti baan nahay ee bal xoogaa bannanka isa soo dhig.
waagii fisikiska lagu sharaxi jirey
kabganka ma joognee hadda internetka ayaan ku sharaxnaa heheheeh ,
canjeel adigu ma waxaad isku loot ahaydeen
dhaban xalwo diritorkii schoolka rugta.
heheheh mise salma macallimadii
ugu quruxda badneyd iskoolka rugta,

macallimadaas halkan bey ila joogtaa.
waan isu sheegey, qosol, halkan baa lagu qabaa weli sidii bey barafuunka isugu shubtaa.
weli waa gabar yar, waxay igu tiri kismaio aan kuu raacaa, haddi nabad dhalato.
canjeel macallimaddaas ma taqaan.

mokhtar war nin yahow labadaas nin canjeel iyo ashcab
soo raadi,

duubo hadda xaguu joogaa, apollo guley canda
aan ku ogaa isagoo taXI WATO.
GAAGAABEY SIDOO KALE CANADA AYUU JOOGAA.
XULUSEY WAXAAN U MALEYNAYAA IN KISMAIO LAGU CELIYEY.

YUUL ISAGANA TRONTO AYUU joogaa.

ha layska war hayo.

dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allamajabeeto

Unrecorded Date
Waryaa Carabka,

Dhageyso Salow iiga warran, siduu kuu galay, markaad lacagta u soo dhiibeysay oo aad tiri u gey habaryartay Nimco, wuxuu ila joogay Nairobi wuuna ii sheegay, waxaa arrintaas iigu xigtay isagoo leh waxaan u socdaa Sweden, ee ma lcagtii ayuu ku tegey?.

Bambeelmo wuxuu joogaa Canada, Yuul ma aqaan waxaa iigu waar dambeysay Germany isaga iyo Sadiiq Cali cabdulle, Apollo waa runtaa oo Canada ayuu joogaa isaga iyo Gaagaabey. Duubo, Qoosh iyo Buudiiste waxay joogaan Kismayo. Waxaan ku weydiiyay Salma see ku garatay? Xamiid Kuduraati ma xasuusataa?

Aniga iyo adiga ma xasuusataa habeenkii isugu ken dambeysay? Baar Mubaarak intaan ka casheynay labadeena iyo Sadiq Cali Cabdulle oo aan ku ballanay Curuuba oo aan is weynay, anigana maalintii ku xigtay aan ku noqday shaqadii.

Wiito wuxuu joogaa Nairobi, aniga waxaan joogaa meel la yiraahdo Boston waxaan isla joognaa Maxamed Cabdi (Boosh), Cabdi Cawaafe iyo Ceydaruuskii la dhashay Jamal Gacamey. Wixii la yaqaan ee kula jooga igu salaan.

E-mail-keeygu waa sidan (sharif88@hotmail.com)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin dhammaan,

War nimanyahow wax idinka maskax badan, waxyaabaha aad ka hadlaysaan in badan waan ka xasuustaa, in badanna maskaxdayda ayay ku wareegayaan. Horta waa runtaa aniga markaan rugta dhiganayey Dhaban xalwo ayaa diritoor ka ahaa, ,Ok haddaan xasustay Xamiid Kudaurati wuxuu ahaa macalinkii hindiga ahaa ee Pysics iyo chemistariga dhigi jiray, waxaa kale oo aan soo xusuustay Faruuq oo ahaa masri, ninkii xanaaqa badnaa maalinbaa annaga oo dhiganna 7B waxay isku xanaaqeen nin aradada ka mid ah, markaas ayaan kala qabanay wuxuu nagu dacweeyey in aan ku goobanay. Dhaban xalwo waxaan xasuustaa maalin intaan soo daahnay in uu damcay in uu na garaaco, yaa ka yeelaahe, aniga oo saaxibtay la socda, todobo bari aa la i eryey. well an good, at least i have impressed my girl, lakin qofta slama ah ma xasuusto ma laga yaabaa in markaan Ganane u gudbey la keenay, may be!
Agostadii ina dhaaftay waxaan imid Boston, wax reer kismayo ahna laba qof ayaan ku arkay,dadka waxaa is xasuusta baan u malayni dadka sida gaarka ah u wada socon jiray, 24 yrs ayaa kismayo iigu dambaysay, marka ha laga raali ahaado haday dhacdo garsho laáan.
Aniga hadda meel agtayda ah waxaa jooga nin yaraantii i baadi jiray, laakin nasiib darro isaga ma xasuusto, waayo mar walba ninka ay dhibaatada ku dhacdo ayaa xasuusta.
War nimanyahow what ever sheekada ha la wado, arimuhu way is furfuri doonaanee.

Waad salaamantihiin saaxibayaal.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Allaamajabeto

Unrecorded Date
Canjeel,

waa iga qoslisay, Faruuq waxay is dagaaleen wiil la dhihi jiray Bashiir oo Kenya ka yimid oo markii diinka imlaa' loogu yeeriyay ayuu wuxuu u qoray laatiin, Faruuq ayaa yaabay.

Ma isku soo gaarteen Barre Aw-Gaab Dagaal, Yusuf Quuqle iyo Siciid Dig. Salma waa macalimadii ahayd masaarida oo carabiga dhigi jirtay oo xataa markay qosleyso aan bishimaha kala qaadi jirin.

Boston ma waxaad isku aragteen Murshid Sh. Xasan iyo walaalkiis Maxamud. Norway ma waxaa isla joogtaan Cali Gaas iyo Tarreey oo la yiri waa qaadwale.

Dhiyos,

Ma seexatay saxib, iiga warran ninkii ahaa Siciid Curri iyo Saalax intey ku dambeeyeen, Fadumo waxaa la ii sheegay iney Canada joogto. Faizo (Fanya) ka warran intey ku dambeysay. Xuluseey waxaa la sheegaayay in laga soo tarxiilay Canad isagoo leh waxaan ahay Nabi Daa'uud.

Soo wada warka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
canjeel adiga xabashow ma taqaan, wiito,
cawad kashiisho, ibrahim muse, mise adiga xasan khaliif baa isku class ahaydeen, haddii
aad xasan khaliif isku class ahaydeen waad naga wayntahay.
laakin almuhim rugta waan isku soo gaarney
time the good old days oo GOD.

MOKHTAR saciid curri waa dhintey .
saalax isagoo nairobi joogo aa igu dambeysey.

oo muxuu ku arkey nabi daaud xulusey.
canjeel xulusey aan sheegeyno waxaa dhalay
salaad maneeno.

mokhtar cosman ali basal telfoonkiis ii soo raadi.

salow waa sida aad sheegeyso lacagtii buu ku tegey, reerka oo dhanna waxay joogeen mombasa.
aniga iyo salow waxaan isku nahay ma taqaan.
salow abtigiis cabdullahi sagaar ayaa wuxuu qabaa eedadey luul dirie, wuu ila soo hadley
wuxuu i dhahay dadkii oo dhan waxay yimaadeen mombasa xero ayey ku jiraan na soo gaar.
yaasin walaalkey wuu jogey markaas nairobi.
laakin waxaan is dhahay salow baa ka weyn
isagaa wax kala dabiri karo waan la soo hadley
waxaan iri lacag baan kuu soo diri ee reeraha
u kala qaybi, carrurta abtigiis dhalay anna
eedadey baa dhashay, lacagtii aad ogayd baan ku soo xawiley
gadaal ma fiirinin, hor loo u socday.
illa hadda addreskiisa waan raadiyaa.
sweden waan la ahay.
hadda ciyaalkii eedadey dhasahy boosaaso ayey igala soo hadlaan halkaas baan ku masruufaa.
isagan xataa ma soo salaamo. by the way
addunyo waaye saaxibkeenna wuu ahaa qaraabona waan ahayn,
ok mokhtar, halkan wax reer kismaio hadda ma joogaan keligey baan ahay, xoorow baa ila joogi jirey isna waa iga tegey.
keligey baa halkan joogo.
war canjeel adigu ma waxaad tahay qoladii marka braktime quraac la doonanayo quraacda
u doonanan jirtey majengo.
rugta inta aad ka lugeyso ilaa majengo
si aad ugu soo quraacato hilib qubo.
hehehehe heheheheh hahahahaha.

horta canjeel yaa deris ahydeen.
aniga iyo nonkaan mokhtar deris baan ahayn.
villagio nuove , markii danbena waxaa lisku
dhahay faanoole waxa oo dhan.
meelaha aan fariisano waxaan u badneyn.
mataqaan via marian bello.
via xali dahir.
aniga iyo odaygan halkaas baan u badneyn
fadhigeenna .
labadaas jid aan kuu soo sheegey.
mid wuxuu u dhaxeeyaa faanoole iyo xaafadda shaqaalah.
midna wuxuu u dhaxeeyaa faanoole iyo calanley,
hahahahahahahaaaaaaaaaaaaaaaa
almuhim waa jida hor mar ambulatyoryada hadaan si kale u sharraxo.

mokhtar i got your e mail thanks u got mine too.
miss rank aa xoogaagan i bartey aan ku hadlayo.
lama ilaawi karo.

mokhtar waxaad i soo sheegtaa maxamed xasan kuulow.
akhbaartiisa.
walaashiis jidda ayey joogtaa.
the state man .

ok guys waa inoo mar kale.
by dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Dhiyos,
Waa ku salaamay, horta aan ku bilaabo The State Man, waxaa iigu war dambeysay Xamar inuu dhintay iyo in kale ma garanayo xataa wax sheegaya ma maqlin.

Canjeel waxaad weydiisaa, Billiardiga Yusuf Gurey inuu yaqaan, ama Muse Mallay, Xiito iyo Ubeer, ma la socotaa Ubeer inuu guursaday Dahabo Xasan Kuulow? ama waxaad weydiisaa Maxamed Muse (Xabbaani) iyo Goobdoon (Allaha u naxariisto) ama Axmed Beatles, Cabdi Takar.

Cusman Lambarkiisa waxaan ku soo hilmaamay xaafada ee hadhow ayaan kuu soo qori doonaa, iyo waliba Salow lambarkiisa.

Nabadeey

Canjeel war ha lagaa helo oo ninyahow is sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
War nimayahow sheekada noo wada, lakin inaan is sheego wali diyaar uma ahi, later on, muhimaddu waa in waayo waayihii lasoo xasuustaa.
Ha la iska sugu sheekada iyada ayaa is fur furi doonta,hadda ayaad soo dhawwatay mukhtaar aniga waxaan isku galaas ahayn Xabbaani, oo aan hadda maqlay Amerika ayuu joogaa, iyo Ahmed beat oo aann meel ku ogayn, xiito iyo cabdi takar magacyada ayaan xasuustaa laakin wajiga ayaa iga maqan, maya haddaan gartay cabdi takar soo makhaayada kuma aanay lahayn afar iridoodka hadaanan khaladanayn, waayo waayo , war ninka aad baan saaxib u ahayn, war maya waan ku khaladayaa yusuf afmagad.
Aniga caruurnimadii waxaan deganayn calanley , dirisoonka leegada agtiisa, ka bacdi waxaan u soo guurnay faanoole, cabdi cawaafe ma xusuusto, laakin waxaan xasuustaa walaakiis cali cawaafe.
Aniga kuwa quraacda majaango u doonta ma ahayn, dadka zoonahaas degan khatar bay ahaayeen, yaraantii ha raacina ayay waalidka na dhihi jireen, waayo mar ayay tubaakada i bari gaareen.

Waad salaamantihiin
Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
salaam , ok waan fahmay e mailkaadana waan heley,anaa kula soo xiriiri doono,
state man weli xamar muu jooga, ok GOD KNOWS.
cabduqaadir muse (goobdoon) ma dhintey.
allaha u naxariisto. allaha u naxariisto.
caadi muu u dhintey mise waa la diley,
alla yarxam, ninkaas maxaan is feerney, maalin walba
aniga iyo isaga, waa isfeeri jirney, markaan ka
imaado dugsiga jidka uu istaagi jirey, waa isugi jirey, my god ilaahow u naxariiso.
cawad kashiiso waan maqley in kismaio lagu diley.

xabbani isagana kismaio muu joogaa, waxaa igu dambeysey isagoo ay reer ceelbuur u bixiyeen gaduudow.
xabbani meesha u gaduudow ka noqdey ka waran dadka joogo sidee u egyihiin, hehehahahahehehehahah.

by the way waxaad warkiisa i siisaa.
saaxibkaa qowdhan, qowdhan ninkii aad qaadka wada iibsan jirteen,
qowdhanna qaad bey bareen, soomaali dadka iney dhibaan , oo dhaqan xun keenen kismaio,
akhirkii qowdhan qaad bey bareen.

wagaas abukar suufi markuu magaca qowdhan maqlo
waad ogayd xoogaa xashiisna waa ku soo dhuftey,
markuusuu keligiis iska qosla, saacad, wuu ku celceliyaa qowdhan, qowdhan, qowdhan, wuxuu moodaa
in somalileenta keliya magaca la bixi karto.
ma ba believgareysna in nin reer kismaio la dhi karo qowdhan,

abtigey waa ninka yiri waadna maqashey
sure markaan dhashay waxaan ku dhashay
anigoo qamiis qabo, qamiis waad taqaan
kan ay wadaadada gashadaan, anoo lebisan
qamiis aan dhashay, heheheeh u believe.
sure mokhtar sheekadaas waad maqashay,
cali nur isagana abtigey, eeli. ( ina nuuney xirsi) wuxuu uugu jawaabey hadaad ku dhalatey adoo qamiis lebisan, maa wadaad noqotid,
anigana waa dhax fadhiyaa labadabo waa abtiyaashey.
abukarna waa ugu jirtaa, dekedda laga imaadey,
guriga (GURIGA NUUNEY XIRSI) AAN QOL KA IJAARANEY aniga iyo abuukar suufi,
sidee u kala saaree oo dhexdhexaadinee haday
labaduba abtiyaasha yihiin , heheheheheeh.

canjeel ciyaal calanely waaye, faanole aad ma
u iman jirin, saas aan ku qiyaasaa,

haye abukar waa u xiisey, haddana waxaan u maleynaa inuu joogo germany.

ok salaam
see you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi to canjeel, horta hadii aad cali cawaafe aad deris ahaydeen, waa in lagu gartaa,
reer fanole oo dhan badonkood waxay ahaayeen
reer calanley, siiba faanoolada zona baar luga
baxsi ex villagio nuovo ayaa la dhihi jirey.
midda kale , ma waxaad ciyaalkii
ku dukan jirey masaajidka shiikh muse,
oo habeenka israa wal micraaj, la xusayo
burka kutumbuwaha ka dhameeyey masaajidka.
ama marka la soo manyahay, maqribka
intaan la gaarin xabad moos ah iyo xabad timir ah
iyo xabad kutumbuwe hor u sii qaadan jirey,
oo masaajidka sii fadhiisan jirey inta laga aadaamayo, ma xusuusantahy odaygii aadaami jirey
allha u naxariisto, duuktiisa wan ka qayb galay.
waad soo dhowaatey mar hadaad tiri cali cawaafe ayaan deris ahayn,
xabbani hadaa isku class ahydeen, waxbo nagama weynid if you were standard 7b, we were 6b.
heheehe mmmmmmmmmhahahahaa.
so dhowow oday , annagaba kaama yareysano,
waa la duqoobey, qurbaha na maskaxdii buu dhaqay,

xabbani warkiisa aan ku siiye lawyer ayuu ka ahaa
magaalo la dhao ceel buur,intii dawladda jirtey,

gaduudowna waa u bixiyeen, waxay dhaheen, wiil
gaduudan ayaa naloo soo direy.

hehehehe
by ceelka
dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
heheh sorry not ceelka, its canjeel
by canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO DIOS
Walaakiis salaama .marka hore
dadka aad leedahay waa kaa waaween yihiin
maxaad kawadaa?
aniga ahaan si daan u fahaymay wax i dhalikara
makujiraan meeshaas waayo ninka kaliya oo
idhelikara waa nin jiro50 sano iyo wixii kaweyen
so hadaad tihiin wax 50 sano kaweyen alora waxaad tihiin odoyaal cajiib ah waayo waaba dad aan fikrad kaqaadan karo .
hadaan u soo laabto su aalaha 9/10 aad sheegeys sidaan aniga u qaatay baar dala rico
waxaan u maleeye meeshan ku sheegeylaakiin haday tahay qalad so sorry mida kale su aasha kale magaca aad shee gey so ma aqaano waayo meneshiibiyo ma ihi oo dadka kissima dagan ma xisaabiyo.
mida kale sabaabtaan u dhahay ma dhalan waqtiigii ay jirtay manashiibiyadii hore waayo maba aqaano meeshee ku taalo saasna aan u
dhayma dhalanlaaakiin waan ka weynahay dada aad igu til maamatay ee raali ahoow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
Hej Sabah,
ku soo dhowoo klaabka dhallinyarada cuslaatay, waxaan kugu qiyaasayaa in aad 30 iyo something jiro, anna xoogaa leen ku dheerahay. well and good
Laakin dios adiga bidaar baad sheeganaysaa, nasiib darro, aniga wali gava voltadii waan hayaa, ee bal ma idinku jiraa qof kava volto samayn kara. any way we are not that old!!

canjeel
markaad canjeel ka daashaan ii sheega ,
Janaa cabdalla ayaan u badalaniyee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Canjeel,

Kaava Volto ma ahan ee wa yululuq iyo yaago waxaan ku samayn jirnay buur sideed, waxaana macalin noo ahaa Bootaan iyo Xasan Kuus. Haddii aad Xabbaani isku lot ahaydeen wax saas ah nagama weynid, Xabbaani wuxuu joogaa magaalo la yiraahdo Riverdale oo ku taala gobolka Maryland, labo jeer ayaan ugu tagay, waxaa u dhow gobolka Virginia oo ay joogaan Khaliif Riike iyo Maxamed Cabdi Balooley iyo nin la dhaho Maxamud C/hi oo uu dhalay governor-kii Kismayo C/hi Goobe.

Dhiyos,
Abukar Sufi wuxuu joogaa Germany waa runtaa, waxaan mar walba xasuustaa (Ashidanti shilin aan helay). Anigoo ka shaqaynaya U.N.-ta Kenya oo qaxootiga ku samaynaya repatriation, waxaan ka qaadi jiray Mandera ilaa Bardheere ayaan Bardhere waxaan ku arkay Abshir (Jaambiir).
Al ciyaalow kharrabooni al gaari fil wayaan.
Min?,
walad xaggii, wa walad Cali Basal wa walad Cali Cabdulle.
Min, Sadiiq?,
La',
Abaara?
La', waaxid xishfirro jaaboon min caabud waaq, heheheh ma xasuusataa, ninkii intaad jaadka isku darsataan ku dhihi jiray war maxaa la gaatmaysaa. Carrabey (Bookhaani) iyo walaashiis Amino Saleban waxay joogaan gobol la yiraahdo Minnesota oo aan ugu tagay summer-kii hore. Goobdoon waa dhintay caadi ayuu u dhintay lama dilin ee waxaa la dilay Maxamed Khalif Biil. Saaxiibkaa Sayidii Abuukar ma ka war haysaa inuu soo galay Sweden.

Canjeel an kuu soo noqdee saxib, Fanole markaa u soo guurteen intee ka degeneydeen, zonaha lee sheeg waa lagu soo saaraayaaye.

Waa inoo hadhow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Hello...Heloooooo, war ma la seexday, reer Kissima maxaa dhacay, Canjeeeeeeeel, Diooooooos, Sabaaaaaaaaaaxey, war aaway dadkii. Ar uwwwwwww, maxaa rabtiin sidii reer Arba Qarsaa inaan idiinku yeeraa?


Dios, Ma la hadashay nimankii, gaar ahaan Salow bal waxaan rabaa wixii uu kugu yiri, heheheh. Odeygii Cusmaan ahaa asaga waa ogahay in ay adagtahay si lagu helo odeyga wuxuu noqday tropo shaqo, bal soo afuuf warka.

Sabaax, yaraanta maa diidantahay, dadka waaba jeclaan jireen marka la dhaho waa yartahay, annaka wali ma gaarin 50 sano, marka sidaa darteed kuma dhali karno laakiin waa kaa weynnahay, ninka la dhaho Dios wuxuu ku weydiinaayay waa magaciisa, Bar Dela Roco wuxuu ku yaalay Isbartiivo Vechio agteeda ama sarta Qubada haddii aad taqaan.

Canjeel --Adigu ninyahow waxaan u malaynayaa inaad tahay Maxamed Xuseen (Dhoorey).

Nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Dios
wali waxaad isku mashquulinaysaa in aad ogaato qofka aan ahay, waxaa ila quman sidaan horay kugu sheegay in aad wakhtiga u daaysid.
Mr. Mokh.
Ma ahi Mohamed Hussein Dhooreey, lakin isku galaas ayaan ahaan jirnay waligeen, nin aad u cod wanaagsan ayuu ahaa galaaska, waxaan soo xasuustay mar annagoo 6 dhagana uu ku ku jiray riwaayad uu atoore ka ahaa , luul ahmed guhaadna ay atariisho ka ahayd, waxaa lagu dhiagay dugsigii hooose ee u dhowaa kaniisada.
Dios aar maxaad darbiga ka booday marka riwaayad la dhigayo, ii sheeg waan ilaabayee birtii dheereed ee shaneemada agteeda ku taalay magaceeda, aar maxaad in badan dusha uga baxday.
Dios iyo Mokh. aar maxaad shaneemada idinkoon waxba haaysan ka biloowdeen, adeer taana iga dhimanee iigu dar.
Warkuu wuxuu ku idilyahay madqadii wali ma gashataan mise waa dhaafteen, hadda malaha qaad badalay.

Uaal aad horay ii waydiisay, masaajidka sheekh muuse aniga waan ku tugan jiray, lakin ciyaalkiina naga yara yar ayaa sabta iyo timirta u soo doonan jiray

Canjeel ina arbaa qarsaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muriidi

Unrecorded Date
Canjeel, lolol aad baad iiga qoslisay, adeer taano ayaa iga dhiman iigu dar, illaa hadda waa qoslaayaa, birtii munaaradda maa sheegeysaa mise darbigii shaneemada gaasha ee Mondo la dhihi jiray. Madqada ciyaal Fanole waa looga fiicnaa hawlahaas Calanley ayaa lagu ogaa. Ninyahow riwaayadaas waa xasuustaa oo intii nala dhahay uniform-kiina soo gashada ayaan waxaan nimid anagoo dabagaabkii buluuga ahaa wadano iyo shaatigii caddaa oo waxaan ku galnay saf anakoo gaardineyna. Safkaas ayaan ku soo xasuustaye, ma taqaanay shariifow, ayaa habeen wuxuu noogu imaaday anakoo adeer taanaa iga dhiman ku hayna shineemada Somalida horteeda cowboy fiicanna uu socdo, ayuu asagoo sakhraan ah intuu noo yimid ayuu na yiri saf gala ciyaalow, safkii ayaan galnay, wuu na gaardisiiyay ilaa shinemada aan ka galnay, qoor dheere oo iridda joogay wuu cabsaday tartiib ayuu naga leexda, niman waaweyn oo boos gadaal fadhiya ayaa hal saf laga kiciyay oo uu na yiri fariista, markaasuu wuxuu noo qaybiyay loos iyo nanac fara badan. Habeenkaas Sharifow duco fara badan ayuu naga qaatay.

waa inoo hadhow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asad

Unrecorded Date
to: maxaa aqbaar lagaaga waaye sis.mideeda kale
maryaniyoabdi rashiid intee ku dambeeyaan???
bye cio

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
waad salaamantihiin, mukha canjeel,muriidi,iyo
sabaax, at last Asad,
war sheekada qor dheere na ma soo gashay iyo shariifo, heheheh horta , waa sida laguu sheegey, bahashaas gashashadeeda ciyaal calanley
aa naga badiyaan, canjeel adigaba waad ka cabsan jirtey in lagu baro,
sabaax suaasha 10naad weli kama aadan jawaabin,
sharrifo indkaa sheekada wadee mar aan kismaio
tegey waxaan arkay isagoo wadaad noqdey.
oo tusbax dheer wata, bas xamar u socdo ayy nala soo raacey wuxuu u socdey jilib, waan salaamay
arkaasaan waxaan dhahay sharrifo wadaad aa noqotey, wuu igu soo boodey, uu mar labaad
isalaamay, wuxuu i dhahay dadkaan baska saaran
ima kasaayaan, walle adiga ciyaal kismaio asli
aad tahay hehehehe,
mukha waadf salaamantahy, sabaax ma waxay ka xanaaqdey, waad yartahay, sabaax mar labaad
waxaan ku leenahay carrur baad tahay,
sabaax weli hariiso ma ka cuntey maqaayadii
cali khamiis, hadii jawaabtaadu tahay, maya
hadabo carrur baad tahay,
shimbir ka warran sabaax xaguu ku dambeeyaa.
mukha weli qowdhan saaxiibkaa ima sheegin halka uu ku dambeeyo.
qowdhan ninkii aad wada qayili jirteen,
ninkaas adaa barey qaadka.

mukha weli lama hadlin labadooda laakin
mar dhow baan la hadli, xoogaa mashquul baan ahay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
to canjeel, canjeel masaajida shiikh muse
maxaan isku argney aniga iyo adiga iyo mukha.
habeenada israa wal micraaj, adoo meesha
fadhiya, habeenadaas masaajidka waxaa la soo
buuxin jirey xalwo, timir, burkutumbuwa,
moos, sambuuse, heheheh cali caawaafaa deris ahydeen, masaajidka laba tallabo ayuu kuu jirey,
maxaad u inkiree, heheeheh oday,
waxaan soo xasuustey, dadkii atomka ku qayixi jirey geedka weyn ee bar lugabaxsi hostiisa.

waxaan fadhiyey geedkaas maalitii afweyne uu xukunka qabsadey, waxaa meeshaas ila fadhiyey
dhalinyaro iga waaweyn, ay ka mid yihiin axmed beatless walaakiss ka wayn, angelo, dhegodermi
xabbani, iyo dhaliyaro kale oo aan hadda xasuusan, waxay yiraahdeen fallady waxay ahyd,
kacaankan dhashay isku fillansho ayaan gaareynaa, aniga ma hadli karo waa liga weynyahy.
dhageystayaasha ayaan ahay, angelo wuxuu yiri
horumar weyn beynu gaari, waxaa soo boodey axmed beatless walaakiis, haddan wax walba aynu sameysani, dayuurado, gawaari, atomic bomb,
waxaan noqoneynaa dawladahaa addunka ugu quwad badan, heheeh i will never forget this discussions it was morning about 10,00 in the morning, war nin yahow odayaashaas xagey ku dambeeyaan,
hehehehehe canjeel odayaashaas wax ma ka taqaan.
iyaguu waqtigooda waxay ku fiicnayeen basket balka,
war nin yahow canjeel, iskoolkii rugta, markii
break time la qaato, oo quraac la doonan jirey,
ma xusuusantahay sambuusihii buushashka lagu iibin jirey, macaankiisa , weli waayahan quraacdaas oo kale ima soo marin.
gabdhii sigaar baradka ahaa oo mareeraha
hoostooda la geli jirey sigaarka ma xusuustantahy mid ma ka taqaan,
muriidii halagaa war helo.
mukha abukar suufi inuu yiri anoo qamiis qabo
aan dhashay ma ogtahay, oo eli (ina nuuney xirsi) oo isagan ah abtigey ah, uu la murmaayo
hal hal mijin ay na horyaallaan, oo eeli uu
leeyahay, oo hadee hadaad dhalatey adoo qamiis lebisan, maad wadaad noqotid oo xirta ku biirtid,
oo dadka hanuunisid, hanoola imaanin waxaas.
markuusuu abukarna leeyahay waa kan wiilkan
dios aan abtiga u ahay weydii, isagaa og .
kanna waa abtigey kanna waa abtigey , maxaan
dhahaa abukar hadaan dhaho waa beentaa, hadee
waa lagu kala tegayaa fadhiga eeli na gurigiisaan fadhinaa, abukarna kharshka uu bixiyey heheheheh,
horta runtii annagoo aad u yar yar ayaan maqli jirey abukar isagoo qamiis lebisan buu dhashay.
oo cawradiisa lama arkin, markuu yaraa . heheh bucdi qaloocow, iyo aniga oo hooyadiis la fadhino xaali daahir ayaa arrintaas la isku soo
qaad qaadey, bucdi allah u naxariistee,
markaasey qosol ka wareegtey, abuukarna waa dhega cuslaa markaasu dhegaha tagaa annagana
aan hoos u hadleynaa, markii dambe ayna tiri
iga taga abuukar ha igu dirinee eedadiis baan ahay hehehehe.
mmmmmmmheeehehehhhh
ok guys
dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios, saaca moojo

Unrecorded Date
war ninyahow, annaga habeen walba shneemadeena
diyaar bey iska ahayd, oo mukha iyo duubo
shilinkooda ama nusshilikooda ayaa diyaar noo ahaa, dheghaha ayaan ka soo raacnaa marka kambasiin
ama garoonka hunuuda la isugu imaado,lacag bisil baa kooxdaas oo mukha ka tirsanaa ka qaadi jirney
isaga iyo duubo cali, garoonkaas ayaa shaneemadeena ka soo saari jirney.

heheheeh canjeel hadaad magaca bedesho anna
waxaan la bixi saaca moojo.
saaca moojo ma taqaan ?
mukha taarikhdii farmashiya xaashi ka dhacdey ma
xusuusataa?
canjeel meesha u farmashiya xaashi ku yaal
waagii hore waxay ahayd maqaayad maqaayadaas waxaa iska laha cabdi takar abihiis.
waadigii yiri abdi takar ma xusuusto.
maqaayadaas waxay caan ku ahayd burka kutumbuwa
la dhihi jirey heheheheeh.

war soo bar barya waan seexanaa.
by dios
waa inoo kulan dambe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAC

Unrecorded Date
TO.REAL KISSIMA
Waad salaaman tihiin salaan kadib.
canjeel waad mahadsantahay soo dhoween
taada enyway thanks again.
Asad cabdarashiidwuxuu jooga boosaso
maryana waxay joogtaa kismanyo.
MUKHA IYO DIOS waan ka xumahay in aad
hadalkeeyga aad u qaadateen in aan
xanaaqay laakiin waxaad tihiin somali maryooley
waayo hadalka dadaka iyigoo dhuuxin ayay
u qaataan sida ay iyaga u fahameen but
that"s wrong ma aan xanaaqin waayo wax aan ka xanaaqoba meesha ma yaalan .
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO DIOS
WAAD SALAAMAN TAHAY .
WAA AYO SHIMBIRKA AAD
I WEYDIINAYSO MABA AQAANEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Dios, Canjeel, Sabaax iyo Asad,

waa idin salaamay, Dios, Canjeel waxaan u malaynaa wuxuu ku jiray qoladii Mukhtar Giirgiirow ay Xalwada intay baafka kala baxaan inta salaada makhrib lagu jiro kabaha ku guri jiray. Saxib waa xasuustaa Abukar Sufi, maxaa dhacay anagoo yaryar ayay sheekada khamiiska socotay oo xataa aan ka baqi jirnay oo la dhihi jiray owliyo waaye. Ninka aad leedahay Qowdhan ma Jimcaale Madhiimba miyaa. Ma xasuusataa Yuul oo "wanted" (ayaantii franco pollo=da)oo aad isla degteen Hotel Kismayo ay ugu imaan jirtay NSS-ta oo Xamar diyaaradda loo saaro uu ku dhihi jiray ninkii waday sun ayaan cunay anigoo meyd ah aa Xamar iga dejinee, oo kii nabad sugidda ahaa uu dhihi jiray waryaa ha dhimanin haddii kale waa ku xiraa.

Waxaad i soo xasuusisay sambuuskii quraacda Rugta, ee duqdii biyatooniga ka ahayd iskoolka Xalimo Cali, Najiib Allaha u naxariistee hooyadiis ay samayn jirtay, waxaa nala joogta gabadheedii halkan. Waa rerkii uu la joogi jiray Cabdi Gas.

Xuseen dhega darbi wuxuu deggen yahay gobol la dhaho Minnesota oo aad u qabow waxaa la joogta hooyadiis Feynuus Xayle.

Soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
Salaan Mokh.
Horta waxaad i soo xasuusisay dad aanan 20 sano in ka badan maskaxdayda ku soo dhicin, xuseen dhaga darmo iyo angelo, laba lot ayuu iga horeeya, waxay isku lot ahaayeen najiib alla u naxariistee.
Waxaan la la ilaabi karin sambuusihii eeedo xaliimo cali.

canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
to all, hahahah hahahaha .
mukha jimcale ma dhimba ha waa ninkaas. hahahah
qowdhan,
haye faynus weli ma north america ayey joogtaa.
she was the first somali mother to visit north america, sheekadeedii waan maqley wagii ugu horeysey ay canada tagto, hahahahahaa.
yuul waa ninka waagaas nss ta afka ii geliyey.
anigoo iska hurdo albaabka nalagu soo jebiyey.

sabaax shimbir waa nin la yaqaan oo ciyaal
calanley ah aslkiis ,
okay sabaax adan sabca iyo gubbe waad taqaan
sidee shimbir u garan weydey?
nina kuma oran waad xanaaqdey inaan soomali
maryooley nahayna muran kuma jiro, hahahaha
adiga ba soomali maryooley baad tahy.
hadaadan aheenna hadee waa saan horey u sheegey
muwalad baa tahay, never mind reer kismaio aad tahay, horaan u sheegey mukha iyo canjeel way arkeen waxaan iri sabaax magacaas waa magac carbeed, hana cabdallla e mailkaada,
marka abayo magacyadaas waa magacyadii mowaldiinta.
hahahah ok ha xanaaqin.
mukha mr madhimba ama qowdhan haa waa ninkaas
ninka aan sheegayo.
war nin yahow sambuusahaas iyo quraacdaas
quraac ka fiican weli ima soo marin.

war nin yahow maskaxdaada mukha weli waa fresh,
muktaar girgiirow waa iga dhaqmey, hahahaha
waa runtaa ninkaas marka salaada la xirto
oo odayaasha ay salaadda galaan, isga iyo banda kale
in ay xalwada gacmaha la gelin jireen,
hahaahahahah so canjeel is silent.
i dont know why.
canjeel intaas ka badan we cant feed you.
your hard disk in your mind is full now.
so try to xoom and produce something at least
try to refresh and reload your brain hahahahaha.
mukha sabaax shimbir ma garaneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios.

Unrecorded Date
to all of you, ciyaal kisima.
sual to sabaax, maalintuu afweyne xukunka
qabsanaayey oo kacaanka dhashay, xagee joogtey
canjeel maalintaas wuxuu ahaa standard 5b.
aniga iyo mukha waxaan ahayn standard 4c.

walaaley maalintaas xagee joogtey?
annakoo iskoolka subaxaas ku jirno oo waan xasuustaa mathmatics teacher ka uu na hortaaganyahay ayaa askar lebisan iskoolka soo gashay, amar waxaa nalagu siiye in nin walba gurigooda aado uu xaroodo, xataa macallimiinta.
ilaa amar dambena aan iskoolka lagu soo noqonin.
annaka farax mar hadii nala dhahay, baxa guryihiina aada, hana soo noqonina.
marka sabaax hadaadan yareen maalintaas
xagee joogtey 21.oct.1969.
mukha qowdhan warkiisa isii, tiimkiinuu ka tirsanaa, dhexduu idiinkaga ciyaari jirey,
laacibna waa ahaa oo ballooniga ku dhegan
oo aan dadka pass siinin, hahahaah.
ninkas dembiguu galo adaa laguu haystaa.
awowgiis wax uu cunin (qaadka) ayaa barteen.

by guys
dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Dios,

Waxaan ku qoslaayaa maalintii ay qowdhan u baxday, anakoo qaad raadinayna ayaan waxaan soo kor istaagnay Aar-doon, oo jawaanka ku mashquulsan, markaasaan iri war qaad naga iibi, asagoon kor fiirin ayuu yiri, imisa, markaasaan iri, anigoo fiirinaaya Madhiimba "War Qowdhan imisaan qaadanaa?", Aar-doon ayaa is yiri ninka Qowdhan la leeyahay bal fiiri, mise wuxuu arkay Jimcaale Madhiimba oo korkiisa taagan markaasuu yiri "Hayaay, war ma cirkii baa dhulka yimid" heheheh, Ma xasuusataa maalintii uu Xasan Xamari qaadka la cararaayay.

Ninkii ahaa Caato C. Basal ayaa maalin intuu lacag waayay, anakoo taagan Siinaay ayuu qaadkiina afarta dhinac ka soo galay, biririn biriririn, Caato talo ayaa ku cadaatay, markaasuu yiri seen yeelnaa nimanyahow, Abshir ayaa wuxuu ku yiri, Adaa Duul Baahan ehe dhulka ku rafo, markii la dhaho war wiilka maxaa ku dhacay, anakana waxaan dheheenaa qaad la'aan baa haysa, qaad walayaashana kulli waa Duul Baahane way ku siinayaane. Markaasuu yiri habartaa u sheeg.

Canjeel, ma taqaanaa nin la dhihi jiray Cabdirashid Yasin Maxamed "Dheedheerow", iyo ninkii la dhihi Guled Biit, oo iskoolka ku imaan jiray kabaha giirgiirta oo taayarka ahaa,waagii la dhihi jiray dacas lama ogola, iyo Saalax Arbaca Allaha u naxariistee, iyo gabadhii la dhihi jiray Mumino Xaji oo la dhalatay Maryan Xaji.

Soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO DIOS
Salaan marka hore salaan kadib .
sxb aad baad iiga qoslisiisay waayo waxaad
igu noqotay qaali huurshe .
mida labaad in aan ahay somali maryooley
shaki ku majiro .
mida kale xanaaqa aad lee dahay ha xanaaqin
walaaal horta iska ma xanaaqo bilaa micno
daro .
tankale nimanka kale aad sheegeyso aniga magaranaayo saan hore kuugu sheegey
mi "ihimana shiibiyo oo dadka wada taqaan.
Marka hadaan u soo noqdo su"aa shada
WAXAAN KU JIRAY MALINTAAS CALOOSHA HOOYADEY.
Mida kale magacayga dhihi laheeda muwalad
ama somali waa mid aan anigu hesto
waxaan ahayna somali is ka dhal ah so
saa rabtid u qaado.
by sabaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Sabaax,

Ninka la dhaho Dios anaa aqaan waa nin kaftan badan ee wax alla wuxuu dhaho run ha u qaadanain. Waxaan u malaynaa wuxuu kuu maleeyay Dhusgum, ma taqaanaa gabadhii Minashiibiyada ka shaqayn jirtay, Ragga uu ku weydiinayana waa dad qarnigoodii uu dhamaaday oo aniga xataa waxaa iigu dambeysay anoo carruur ah. Laakiin waxaa laga yaabaa inaad magacyadooda maqashay. mise waxaa taqaanaa Xorriyo Khalif iyo Xaawo Abshir iyo guruubadaas, mise waa ka yartahay kuwaasna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi to sabaax,mukha,canjeel.
canjeel isaga ayaamahan waa la waayey.
sabaax, walaaley weligey magacaan sabaax, iyo
hanaa iyo cabdalla, kuma maqlin kismaio.
mukha ma beentey baa, adiga ma maqashey mukha come on.
marka aniga waa qiyaas magacaas abdalla calanley waxaa la bixi jirey yamaniyiinta.
mukha ma maqleysaa sabaax, maalintaa caloosha
ayey ku jirtey, walle sabaax hadaan ictiraafey
haddiba maalintuu afweyne xukunka qabsanyaya
ay caloosha ku jirtey she is great.
excuse me sabaax,the diffrence is only 9 or 10yrs. siiba aniga iyo mukha intaas aan ka weynahay, canjeel se la ma yaqaan.
weli lama garan canjeel adiga se waa isa soo saartey, booskaada waad xiratey sabaax.
maalintaas anna missionka hortiis aan fadhiyey.
iyo baar luga baxsi. already muufo badan aan cuney hortaa.
mukha cabdirashiid a.basal waan maqley maalintaas
laakin yaa u maleynaayo inuu terra fame yahay.
waxaa loo maleynayaa ciyaal iskoriskii baar
dhalacadde, haddu dhulka ku rafto, ama is goglo
wuxuu laha timo gudguduudan oo rough ah, so
wuxuu u ekaa ciyaal dhalacadde,
dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi again, ina jimcale ma dhimba adaa qowdhan u bixiyey, adaana baray qaadka ninkaas, mashuunguli.
abukar sufina ciyaar ciyaar kuma qoslo waaninkaas
aad taqaan, laakin marka uu maqlo qowdhan
oo loogu yeerayo ina jimcaale madhimba, qosol inta uu billabo, ayaa ilaa dhareer ka soo daato
ma joojiyo, weliba waxaan ilaawey kuuja isagana
marka u maqlo magaca qowdhan labadooda suufiga iyo kuuja waa isku dul dhacaan.

ok sabaax cease fire. xabbad joojin aan kala saxiixanno, inkasto ey weli xabbada kismaio ka
socoto, dad aan reer kismaio ahayn isku dilayaan
aniga iyo adiga oo reer kismaio waa inaan ka tashanna sidee kismaio u soo celinaa oo gacanta
ugu dhignaa, iska ilow wiilashaas adan sabca iyo gubbe iyo shimbir,
waxaan dooneynaa governatore reer kismaio ah
oo asli ah xataa ina jimcaale madhimba ha noqdee
wuu istaahilaa, ama kuuja, ama mukha, ama adiga
ama canjeel, ama sharifo ama aniga oo na xukumo.
oo kismaio u taliyo,
aniga ima mareyso waxa hadda ka socdo kismaio,
marna morgan marna hebel warsame, marna jess.
etc,etc,etc.
aniga hadda waxaa oo keliya aan maqli karaa
nin reer kismaio ayaa magaalada gacanta ku hayo.
oooo canjeel where are you.
mukha waagii dhaban xalwo diritoorkii rugta.
uu diidey in dacas iskoolka lagu imaado.
aad baan u xasuusanahay, kaasna waan xasuusanahy
oo kabihii giirgiirta ku iman jirey iskoolka.
kabihii la dhihi jirey water proof.
mukha ma xusuusantahay qolo elji lagu keeni jirey subaxii iskoolka.
dadka oo dhan waa ka soo hormari jireen,
carrabey baa ka mid ahaa,
eljiga korkiis iyakoo saaran gabdho iyo wiilal.
oo aad moodo iney safar dheer u socdaan,
mar alla markey ka soo degaan eljiga, ayey waxay
ku carari jireen quraac in ay dhaqso u cunaan.
itaan gambaleelaha dhicin.
hehehehh sababta oo ah waxay aheen ciyaal
darawiish askar buurta romano ayey ka soo dhaadhici jireen, iyagoon weli quraacan,
carrabey aa ka mid ahaa.

by guys.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
waryaa mukha dhusgum aa isoo xasuusisey.
ina saleeban g, sabaaxeey, ku garaney
dib baan waxa kor ku qoran oo dhan u soo aqriyey maanta.


mukha sabaax waa ina saleeban g.
dhusgum iyo xabbani waa kala war la'yihiin.
by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Dios,

Walaahi waa iga qoslisay, oo ninyahow maxaa u lahayd Brain Wash baa igu dhacay haddaabad eljigii iyo Carrabey xasuusato, waa wareey, I don't think anybody can remeber that!!!Cajiib!!

Laakiin mid ayaa kuu goysay, magaca Ashcab qofkii la dhihi jiray, sow ma xasuusatid, maalintii naloo akhrinaayay casharkii af carabiga ahaa ee ninkii dhuuniga ahaa, oo markay sheekadii dhamaatay Gaabow Cabdi Baydhabo intuu i soo fiiriyay uu i dhahaayay Ashcab, oo adiga iyo gaagaabeyna aad ii hirgeliseen oo xaafadda keenteen, in kastoo uusan igu dhagin magacu, haddana dad yar ayaa ii garanayay. Gaabow waxaan ku maqlay Sweden.

Yaa xasuusto habeenkii uu Gubbe ka soo dhacaayay birta shaleemada Somalida ee munaaradda oo intuu ku kor dhacay tabakaayadii Qoor dheere ay la dumeysay.

Waa isu soo laabanaynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Ani waa yaabay!
Waxaan ka yaabanahay ninka la dhaho Dios, horta wali kuma aanan garan, lakin waxaan ka yaabay maskaxdaada sida ay meesheedii wali u taaganatahay.
Wakhtiga aan ka hadleeno almost 30 sano ayaa ka soo wareegtay, walina sidii waagaas ayaad u fakaraysaa.Reer kismayo waad na ceebeeseen, war waxaa la dooni in aad ragga qeerkiin wax la qaybsataan, ee sheekada raqiiska iska dhaafa, let us get serious.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baajuunad

Unrecorded Date
Bilaash aa kuligiin reer kismaayo,kismaayood,iskuugu waceesiin,kismaayo doesn't belong to u,fairenough u were born there and so was ur father and so on...,but however ksmayo is not ur ancestrol land or city,in other words and to be up front,darrood pplwho r fighting,destroying and killing the true kismayans,r notthing but recent settlers and arrival,and there for r notting bur KOOYTO.As we all know kismaayo,was always inhabited by mainly by Hawiyo,Reewin and the bajuun tribes.It's quite obvious u don't love the land and couse great destruction,even trying unsuccessfuly,with the grace of allah to terminated the indiginous ppl,of kismaayo.If i had the power (and i know most fellow bajuun ppl,would prefer) i'd get rid and expell those teribale darrood from all southern somalia.Now don't get me wroung here,but i think dorrod ppl are camel-men(geeljireyaal) and nomadic ppl who have notthing else in mind to destroy and expand,especially,those jewish like majiirteens...
u r wasting ur time and ur life,kismayo belongs to kismayans and the darrood we'll be chased same as muqdisho and other places they claimed for themself...inshallah it will come soon for the good of all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cajeel

Unrecorded Date
To: all real Kisimas( Dios, Mokh,Allamajabeto, Qurac qalooc, Sabax,Asad, Muriidi etc)

Sheemta foq isku geeeshaaye Jaabuun, oo kaan siŽka gidhaaya aan soo lagay, Xawuu baraa niáan baqiil baqiil ka dahalno, oo siága oo lake aan qonano, ramka xawaa ila muqan foqna niuusan u bajaawin, dahii lake siága oo lake aan lukigeen qonanaynaa. Foqkaaga Lagti goon dheer yaawe, ( dosnŽt deserve comment).
Galti goon dheer in qurac qalooc lagu xiro umbaa looga aarsan karaa.

Dios iyo mokh aar maxaad ciyaal balooni ka dafteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi mukha,canjeel,sabaax,etc.

no comment,its a cheap discussion,my point of view guys is just to cool down,and ignore,
we are tired of this blah,blah,blah.

let me add one thing, the irish are immigrants
they are not from north america,
and they are running there.
the idigenous people like red indians
too are running their daily affairs ,aha.

no more comments its premature.

dios.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all canjeel, wax la qaybsiga ragga kel maxaa ka wadaa, ma dhinaca siyaasadda, ma dhinaca economiga, ma dhinaca daily affairs biziness.
come on canjeel, they brain wash you,
they told you yicaal sikiima xawna hama.
who told u that, did some other somalis
told u that.
man here we are just discussing the past,
and past is history, not politics
not machine guns.
not bililiqo, not i am gonna be the president
of somalia, we just here met to discuss
about kismaio, not discussing how to share meat
with other somalis, we mind our biziness.
they they the other somalis mind theirs.
is that clear,
thats what is kismaio is all about.
every body should mind his own affairs.
we from kismaio know how to tackle our own.
there fore canjeel, dont think ciyaal
kismaio are weaker than other,but they are
more intelligent, more educated, more civilized
than others(call themself somalis).

and let me say without past there is no future.
we just here at this stage talking about past.
thats history, and every nation has history.
mukha Ashcab hadda aa i soo xasuusisey.
hehehehehehe.
canjeel, when u left kismaio,i guess u never
saw or discussed with ciyaal kismaio
but u were with other somalis thats why u said these words .
thats what they call brain washing.
or milking you out all what you got.
where is my sister sabaax.
mukha mar dambe ha ii dhuumanin.
by so hargala.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO BAJUUN
ow please grow up ,and we don"t need a gay
or girl what ever you"re and now you have to
think about what u gonna say next time
if there is next time so sis or bro don"t be
stuped again.
by
sabaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabaax

Unrecorded Date
TO ALL KISSMA
Waad salaman tihiin salaan kadib
canjeel so bro waan ka xumahay in aan u jawaabo baajuun waayo mah"aha axad laga
aamusi karo marka sorry bro.
mucha sxb gabdhaha aad sheegey so ma"aha
dadka aan isku lood nahay waa dad iga waa weyn.waana runtaa ninka ladhahaayo waa nin
iga yabshay oo kaftan badan lakiin dad ka daran aan arkay.
dios walaakiis hadad garatay in aan xabad
joojin sameeno ok waan kaa aqbalay
waa inoo ismaqal danbe.
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all to kissima,
sallam or shalom.
ok deal sabaax.
hahahahaahahaahahahahahaaaaa.

canjeel, we are well civilized, and we can build
our future, and will build the future of kisima.
man, dont be like those somalis, all of them
are politicians, but we from kisima we cant be all politicians, therfore maxaa ka wadaa waxlaqaybsiga.
mukha where are you i dont see ya.
sabaax walaaley ciyaal calanley nafta ay noo keeni jireen markaan yar yareen.
keli cunid aya lagu barbaariyey.
annaga hadaan ciyaal fanole nahay wax laqaybsiga
ayaan ku fiicnayn, dadka kale oo reer kismaio ah.

ma run baa walaaley?
mukha gaabow cabdi baydhabo aa adigan i soo
xasuusey.
bal isagoo gaabnan badan ayuu wuxuu isaga keen
dhigi jirey inuu basket ball lagu gaareynin.

ceel jaale kismaio warkiisa isii mukha canjeel.
sabaax ceel jalle ma soo marinee.
maalin aa hooyadey allah u naxariiste
waxay i soo qaadey xalwo ilaa shan kilo
iridda ceel jaale ayey timid, waardiyo waxaa ahaa mid ciyaal calanley ah, markaasu wuxuu ku
yiri, eedo maxamed meel fog u tababar u jiraa
adiga iska tag anaa siinaayo xalwada markuu
soo noqdo, hadee ilaa hadda xalwadaas ima
soo gaarin hahahah hehehehe hahahaha.

ninkaas xalwadeyda qaatey mar hore u dhintey
magaciisa ii gambiyey, allaha u naxariisto.

mukha weli osman lama hadlin, hadaad la hadasho igu salaam. salow waxaan ka cabsanaa
in uu telefoonka qarxo hadaan la hadlo.
by mukha, sabaax, canjeel.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi again i agree with sabaax,
who ever she/he is behave and mind you daily life.
we not here to discuss, some filthy,
uncivilized topics.

good day.by.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all.
real kisima how you doing guys.
to day i am alone, you not around why whatzup.

sabaax hi .
mukha hi.
canjeel hi.
i never forget my ex girlfriend in calanely.
but ciyaal calanley nafta ay ii keenen.

they will not allow u to talk their girls.
if you are from fanole they will try to
beat you, to death.

what you say mukha, sure i am telling the truth.

but why ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Ar see lagu barye maanta,

Dios be honest, u never had a girl friend, haddii kale ciyaal calanleey ma tihid, ciyaal calnleey tubaako iyo in ay buq buqqa fiiriyaan u dhaaf, we the civilised from Fanoole and their neibours, ayaa markaan gabdhaha shaneemada u soo raacno aad sidii gaalada jidka noo fariisan jirteen oo na fiirsan jirteen.
No hard feelings bro, lakin aniga calanleey banooni la dafo,tubaako iyo rabsho leen ka xasuustaa. I dont mean we should talk about politics/clan like the galtis, but we are grown ups now with family responsibilities and competent jobs, we must act some times asuch!
When i grew up, kisima was the best place to grow up in the whole world, we awe alot to kisima.

canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all where is mukha and sabaax.

waryaa canjeel aniga kuma dhihin ciyaal calanley baan ahay, hahahahahaahah lakin runta baad
sheegtey ciyaal calanley,
marka aniga ma difaaci karo ciyaal calanley
waxaan u maleynaa sabaax ayaa halkaas difaaceyso
sabaax is the representative of xaafadda
calanley, hahahaha

ok man as u said but its our past, and kismaio
is our future,it was the past and its the present
and its gonna be the future.
therefore i dont mind to remember
like let me say, my past teachers,
like barre AW dagaal,or iwould like always
to remember my friends playing together.
let me ask you what is iskoolka rugta.
isnt that school a history now.
or the elementary school near the police station
of kismaio. these two schools are main schools
of kismaio, they are history,

canjeel every city had a history all over the world, so lets preserve the history of kismaio.

garoonka kismaio kooxaha ay ku ciyaari jireen
ugu horreeyey, is past but we can make it history,

suaal kulligiin.

1 kooxihii ugu horreeyey kismaio magacyadooda
ii soo sheega?
2.kooxdii digri,cabuudi,caliyare,ay u ciyaari jireen magacood.
3.garoonka wuxuu ahaa della-rocco.
4.tifoosihii ugu weynaa oo ugu magac dheeraa
odayaasha kismaio magaciis?
hahahahahaahhahhhah ok iga raali
ahaada
sabaax iyada suaalahaan kuma aha khasab
inay ka jawaabto.
canjeel adiga peace corps adkii la dhihi jirey
ma xusuusataa.

war soo har gala.by.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
sabaax odaygan ciyaal calanley dhibey
maad ka qabatid sabaax waa canjeel.


horta sabaax waxaan ku weydiina walaaley
ma guursatey haddi jawaabtaadu tahay haa
hadee ma yahay odaygaaga reer kismaio,
mise waa wageeni,
haduu wageeni yahay bal muxuu kaga duwan yahy
ciyaal sikiima.


wageeni means galti. hahahah

by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canjeel

Unrecorded Date
Xusuusta aan dib ugu laabto.
Kooxaha waxaan ka xasuustaa, studenti, minishibiyo, kujo etc
cali yare wuu darba kululaa , laakin fulay buu ahaa, isaga iyo digri waxay u cayaari jireen munishiibiyo, waxaan xasuustaa iyadoo maalin lagu cayaarayo della roco, aa banooniga bannaak u soo baxay, markaaasnaan darbeeyey maxaa iga raacay, si kale kuma garatidee farahaa i qaloocday, markaasaan oohi la fariistay.
Aniga waagaas ilmaan ahaa, laakin mar aan dibadah isku aragnay waan isla ekeen, marka dios sabaax foorjada ka dhaaf wax ee naga yartahay majiraan.
Cabuudi waxaan u malaynaa inuu u cayaari jiray kujo, tarsiini uu ahaan jiray , waxaan xzasuustaa maalin uu digri feeray,
Biis korps maa la ilaabi karaa, gaalkii iigu horeeyay ee aan arkuu ahaa, ilaa hadda waan ka sheekeeyaa, oo maalinkii oo idil ayaan daba soconay.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Hi Guys,

Iga raali ahaada labadaan beri waxaan na haystay "Audit" ama Xisaabi xil ma leh. Waanse akhriyay wixii i dhaafay oo dhan.

Waan arkay carqalad yar oo Bajun isku sheegeysa ayaa na soo dhex gashay laakiin sidii ku habboneyd ayaad ula dhaqanteen "IGNORE ASSSSSHOLES".

Waryaa Canjeel, maxaad ilaa hadda ku diidantahay inaad is sheegto? Waa Cajiib, Maxaa dhacay ma self confidence-kii ayaa kaa lumay, mise dambiyo ayaad gashay oo in lagu garto ayaad ka baqaysaa. Just kidding, Laakiin waxaa cajiib ah inaad garan weyday Dios adigoo sidaad sheegtay deggenaa agagaarka Cali Cawaafe, waxaa idiin dhexeeyay, guriga garab yare, oo horey u ahaan jiray dukaanka Cabdow Yare, jib cadde, iyo dukaanka Cabdow Dheere, oo aan wax badan ka gaday nus shilin subag ah, rubac sokor iyo taano caleen. Ballooniga, mushkaakiga, baajiyaha, xalwanaasigaiyo shukuleetka waxaan ka dafi jirnay ciyaalka carabta kaliya

Dios, Haye, Cusman weli lama hadlin, ninku wuxuu ka bixi la'yahay shaqo, oo wuxuu rabaa Marekan inuu lacag ka sameeyo, oo kuwii ka horreeyay ay ka sameyn waayeen, marka odeyga rafasho ayaa dishay. Sheekadii Al-ciyaalo ma akhrisay, Kharraboonil gaari fil wayaan, hehehe.

Sabaax,

Waa qiyaasaayay inaadan dadkaas le'ekeen laakiin aad siku xaafad eheedeen. Ma waxaad joogtaa Sweden oo ay u badan yihiin ciyaal Calanley.

Soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Helloooooooooo, war aaway dadkii,

Canjeel horta xasuustaadu ma xuma laakiin waxbaad isku qastay, waayo Digri iyo Cali Yare waxay u ciyaari jireen Studenti, ee ma ahayn Minishiibiyo. Kujuu waxaa u ciyaari jiray Baaquli, Xassaana Shiita, Giirgiiri oo aad u jeclaa inuu kabo la'aan ciyaaro. Waxaad ii sheegtaan Zaciimu qoladuu u ciyaari jiray iyo walaalkiis Cabaas. Canjeel ninka la dhaho Dios wuxuu ahaa difaaca ugu adag xaafadeena aad baan u necbaa markuu iga soo horjeedo oo ahayd inta badan, wuuna darbo dheeraa, oo darbadiisa waxaa loo yaqaanay Apollo.

Dios, qoraaladaadii hore ayaan waxaan ku arkay adigoo leh Bucdi Allaha u naxariisto ee ma dhintay anigu nolol baa iigu war dambeysaye. Waxaan dhimasho ku maqlay ninkii ahaa C/Casiis Dawaco-ina Asli Saleban- Ninkii ahaa Bob waxaa ugu war dambeysay Sucuudiga.

Sabaax kumee kuma arkee kumee

Nabad aan isku ognahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all
canjeel horta xoogaa waxbaa isku qastey xagga della rocko
laakin mukhtaar baa kuu saxay.
qolada aad sheegtey badankood studenti bey u ciyaari jireen.
balloniga waqtigaas maqaar run ah ayuu ka sameysnaa hahah oo adag.
mukha ha waxaan maqley bucdi in uu dhintey.
sacuudiguu joogi jirey, laakin ma hubo waa un maqley, lorenzo ma aadan maqlin isagan
lorenzo sacuudiga uu ku dhintey, bas uu saarnaa
aa waxaa jiirey gaari wayn, allah u naxariisto,
cosman weligiis sida odayaasha waawyn buu dhaqmi jirey he will try to make money sure isaga iyo
duubo waxay u dhaqmi jireen sida odayaal waaweyn , wey waano badnaayeen.hahahaha

duqa canjeel u wad isma sheegaayo
dukanka cabdow iyo labandaayadii baa noo dhaxeyso mana rabo inuu si sheego.
bal waxaan weydiina lavandaayadii uu lahaa
ninkii la dhihi jirey waan ku jeclahay.
iyo dukaanka cabdow dheere.
mukha adiga waa roontahay, laakin duubo markuu
i arko anigoo ka soo horjeedo, ciyaarta oo dhan
wuu nici jirey, weliba markuu arko
aniga iyo cabdi sheekh muse.
aniga iyo cabdi sheekh muse ayaa maalin soo daahney cabdiqoosh koox uu la jiro ayey
ka dhaliyeen labo gool, dubo iyo kooxdiisa,
iyakoo faraxsan oo isleh maanta shilinka waa
hesheen farihiinuu ku jiraa aan imaaney.
markuu cabdi qoosh na arkay labadeena,
ayuu labo kooxda ka id ah fariisiiyey,
annakaa bedelney hadee duubo hahahah
cagihii dhulka waa u qaban waayeen,
waa bareejeyney duubo weerar waa ka cararey
dhexduu iska wareegaaleystaa hahaha
bareejo ay ku dhamaatey arbitaha waxaa ahaa buudiste, budiste isaga bareejadaa u fiicn
si labada koox u lacag ooga goosto.
shilin walba hal kumi buu ku leeyahay
marka barejo ku dhamaato .
maalintaas waa ninkii dubo is hayn waayey
maxaa idiin keeney maxaa cabdi qoosh ugu
ciyaarteen oo ula safateen. hadee cabdisheekh muse waa taqaan hadalladiis,
wuxuu ooga billabey ma adaa na dhaley markaan rabno aan imaneynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all .
cabuudi waxaan ku jeclaa ninkii af jinni kula hadlo markuu xamar joogey wuu soo dhoweyn jirey.
wuxuu joogy jirey meesha baaburta loogu
sameeyo buugga oo lagu baaro baaburta
marka hadaad keento baabur oo af jinni kula hadasho isla markiiba waa kuu dhameynaa waraaqahaada,
hahahaha
wuxuu ahaa nin aad u jecel ciyaal kismaio.
tifoosayaasha u gu waaweynaa waagaas.
odaygii dekedda ka shaqeyn jirey oo la dhihi jirey
cali....... wuxuu ahaa tifoosha ugu fiican.
waxaa ku soo xigey khaliif biin.
odayga cali waxbaa loogu deri jirey naneys.

0day dheer u ahaa oo marka cali yare gool dhaliyo intuu u yeero garoonka dhexdiis
20 shilin ku siin jirey, mar walba.
20 shilin oo waagaas ah.
waaaaw, odayga ii soo xasuusta willkiisa
waxaa la dhihi jirey osman gabow.
waxay deris ahayeen owgaani iyo maxamed sulub
iyo george,
xataa waxaan maqley odayga markii dambe xoogaa buu ku dhuftey markuu weynaadey.

nin yahow eljigaas uu carrabey soo raaci jirey
ma ilaawaayo berke mar buu i sigey anigoo
ordaayo iskoolka agtiisa subaxnimo,
aniga iyo gaagaabey, marka elji la ilaawi karo
ma aha.

mukha iyo canjeel ma xusuusantihiin macallinkii
carabiga dhigi jirey oo soomaliga ahaa oo aad qamri cab u ahaa,
oo maalin wax soo xafida inta uu na yiri
dad badan baan soo xafidin aniga waan soo xafidey
iyo cabdi eeley cabdi cali eelaay,iyo waxaan u maleynaa cabdigaabow, ka dibna UU macallinkaas allifey riwaayad af carabi ah.
markaasu aniga iyo cabdi eelaay iyo gaabow
nagu darey riwaayadii oo wuxuu noo maleyey
in aan af carabiga foorto ku nahay.

waa riwaayadii ugu horreysey oo aan dhigayaasha
riwaayadda ka mid noqdo mukha ma xusuusantahay.

riwaayadaas cabdi gaabow waxaa loo sheegey
inuu difaaco cilmiga iyo sayniska.
ku kalena inuu difaaco xisaabta .
anigana waxaa la i barey sidii aan u difaaco diinta.
cabdi eelayna waxaa la barey siduu noo dhaxdhaxaadiyo waa . hahahahaha

hahahaha afcarabi baan ku qudbeynaa intaan
soo istaago stageka, hahahaaha ma xusuusataa mukha.
gaabow u leeyahay aniga cilmiga waa fiicanyahy
waxwalba waa ka fiican yahay
anna waxaan leeyahay diinta wax walba ka fiican
cabdi eelayna u afcarabi ku leeyahay labadiinaba
isu kaalaya, anaa idiin dhexdhaxaadinayo hahaha

waaw hahaahaa ok.

by all c ya .
habeen wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Carabka haye,

Horta aan ku bilaabo odeyga tifoosaha ahaan jiray waa Cali Dooni Jiid, waa Dacay iyo Olyo aabahood.

Riwaayadda aad sheegeyso waan xasuustaa. Buudiiste wuxuu joogaa Kismayo meelna ugama bixin intii ey wax dhacaayeen oo dhan, hadda waxaa la sheegayaa inuu beer uu lahaa odeygii Saalax Gaab ee carabka ahaa uu ka tabcado gosha, Yoontooy.

Canjeel miyaad seexatay, maxaa dhacay wa lagu la'yahaye.

Qurac Qalooc ninka la baxay ee topic-ka bilaabay aaway asagu. Dios Qurac Qalooc ma taqaanaa meeshuu ku yaalay, waa geedkii ku yaalay biifka guriga Maxamud Ismacil iyo agtiisa ma xusuusataa.

I'll ba back soon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all.
yes ok waa cali doonjiid odayga aan sheegayo
mukha waa saan sheegey brain wash aa igu dhacay
odayna waan noqdey, odaygaas reer magal buu ahaa odayaashii hore , wuxuu dhihi jirey ninkii gool dhaliyo labaatan shilin baan siin inta ay ciyaarta billaban ahahahahaah waw great man,
ii warran, mukha haye oo nin yahow goormaa
xisaabiye noqotey soo aad xisaabta uguma xumeen.
xisadda xisaabta soo taan ka dhuuman jirney.

mise waayihii dambe ayey kugu soo degtey
xisaabaadka, barre aw dagaal aad baan u nicbaa
marka u noo soo galo.

barre aw dagaal waa macallinka xisaabta i
nacsiiyey.
maalin buu hadley waa waagii aan galab dhigan jirney rugta, markaasaa waxaa qosley ciyaalkii waaweynaa
sida cawad kashiisho alla yarxam,
iyo cabditakar , wiito,xabashow,ibrahim muse,
bulaale, adiga classka inta badan,
markaasu yiri car waa ninka mar labaad qosla.

wuu sii jeestey, waxbuu isla haa qor, wey qosleen mar labaad all waa lawada qosley.

barre aw dagaal indhihiisa aniga ayey ku dhaceen
qosolkeyga oo sii dhamaanaayo, hadee wuu ila kacay
i jiidey, bananka uu ila tegey, ul buu ii soo qaatey sadex buu igu dhuftey,
muxuu saas u yeelaa ku kale ma jiidi karo waa dad waaweyn waad xasuusantahay waa ugu yar yareen
maalintaas laga billabo xisaab waan nacay.
ilaa hadda xisaabta waan isku liidanna.

haye soo bar barya.
waa inoo mar kale, igu salaan canjeel, iyo sabaax.

by dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi again.
riwayadaas markaan aniga difaacayey diinta
aa waxaa la isku raacey in la ii geliyo qamiis.
gaabowna u difaacayo sayniska, hadabo qamiiska
waa la raadiyey waa galab, riwaayaddna caawa aa la dhigaa
bal kismaio oo dhan waa laga waayey qof qamiis la iiga soo qaado ahahahaha ahahaha u believe
waa la isku waashey qamiis maleh , mar dambe oo
maqrib la dukadey aa la soo heley qamiis jajaban

jajaban oo malaha sanduuq ku jirey muddo 10 sano

ilaa hadda qamiiskaas qof laga heley ma garananyo.

qurac qalooc aad baan u xasuusanahay, laakin

zoona haas waagii dambe gabar baan ka jeclaa
habeenno bada baan ku lugeeyey kabahaa
iiga dhamaadeen.

hahaha waw saalax gaab buudiste ha fasho waa istaahilaa ilaa hadda haduu kismaio joogo.
war nin yahow hadda shir somalida lagu heshiisiinayo ayaa ka socdo jabuuti, marka
magaalo walba odayaal baa ka yimid,oo magaalada
ka socdo, laakin kismayo waxaan maqley
ilaa hadda ( tabsho ) aa jabuuti joogo oo reer kismaio mathelaayo ma runbaa.
warkeeda jabuuti ma haysaa.
tabsho maxusuusantahay, the third generation waaye tabsho isaga ayaa hadda noo joogo jabuuti.

ok mukha wixii cusub anaa idiinla soo socodsiin doono.

by.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all.
iska warrama dadkii halkan joogi jirey aaway
muddo labamalmood qofna iima imaanin.

mukha iska warran maxaa haysaa.

aaway saaxibkaa canjeel.
aaway saxibteen sabaax.

soo hargala.

wixii cusub ha la ila socodsiiyo mukha,

by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Diaz, aaway magacaas ma illowday.

Zono Qurac Qallooc waagii aad ka jeclaatay gabadhii yarayd ee quruxleyda ahayd ee dhigan jirtay Ganaane aad baan u xusuustaa, war ninyahow intey ahayd meeshii aad ku sugi jirtay een kugu dacaayadeyn jirnay, hehehehe@@@@.

War ninyahow xisaabta waayihii dambe ayay igu soo degtay oo bahashu sidaan u maleynaynay maba aha oo waa intaad ka fahmeysid, oo waagaas waxaa na nacsiiyay Barre Aw-Gaab Dagaal, iyo ardayda oo kaa niyad jebinaayaan sida Gaagaabey iyo Gaabow oo kale.

Saxib shirka la sheegaayo waa maqlay, hadduu Tabsho reer Kismaio ahaan uga qayb galo ee uusan qabiil ahaan uga qayb galin aad baan ugu taageeraynaa ee waxaa ii daran in la duufsado dad badan ayaa is beddelay oo ay galtidu jiidataye, in kastoo hal qof ka badan loo baahnaa, aaway odayaashii magaalada intey ka bexeen, mise Kenya ayay qaxooti ku yihiin.

Aaway dadkii meeshaan ka soo qayb gali jiray, mooryan maa la tagtay.

Ciao guys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi mukha,
waad salaamantahay, war nin yahow waxaan u maleynaa waa daaleen, labadaas, sabaax iyo canjeel.

aniga iyo adiga aa ku soo harney halkan.
tabsho un baan maqley in uu ka soo qayb galay
isagoo mathelayo kismaio, laakin dad kale ma maqlin.
tabsho aa wuxuu noo noqdey siyaasiga kismaio.

waan fiirsadaa shirka mar mar through the satellite, dijabouti tv.
odayaal aa meesha isugu yimid, laakin midna kama
aqaan, xero gooni ah ayey jabuuti u sameysey.
oo ay leedahay halkaas ku heshiiya.
lama bixi karo ilaa aad ka heshiisaan.
halkaas ayey mareysaa sheekada jabuuti.
wixii cusub anaa kula soo socodsiin doono.

anaa mar walba fiirsado tv ga jabuuti habeen walba, waxay ku leeyihiin prograam la dhaho
dib u heshiisiinta soomaalida.

diaz iyo colombus, iyo magellan, waan xasuusanahay.

macallinkii la dhihi jirey killer.
killer waxaan ku arkay hadda ka hor isagoo
hargeisa joogo, wasaaradda waxbarashada hargeisa.
anigoo jabuuti u sii socda wagaas 1979.
wuu i salaamay wuxuu i weydiiyey waxa aan hargeisa ka sameynayo, waxaan ku iri jabuuti
baan u socdaa, markaasu i yiri hargeisa
yaan laguugu dilin ka carar halkan waa la isku dilaa. hahaha qosol .
sida kismaio ma aha halkan dad waa lan baa joogo, isaga reer hargeisa buu ahaa .
laakin noloshii kismaio buu la qabsadey.
dad qabow oo nabad jecel, wuxuu yiri waan la qabsan lahay.

ok mukha salaam igu salaam asxaabta kula joogto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi mukha,
waad salaamantahay, war nin yahow waxaan u maleynaa waa daaleen, labadaas, sabaax iyo canjeel.

aniga iyo adiga aa ku soo harney halkan.
tabsho un baan maqley in uu ka soo qayb galay
isagoo mathelayo kismaio, laakin dad kale ma maqlin.
tabsho aa wuxuu noo noqdey siyaasiga kismaio.

waan fiirsadaa shirka mar mar through the satellite, dijabouti tv.
odayaal aa meesha isugu yimid, laakin midna kama
aqaan, xero gooni ah ayey jabuuti u sameysey.
oo ay leedahay halkaas ku heshiiya.
lama bixi karo ilaa aad ka heshiisaan.
halkaas ayey mareysaa sheekada jabuuti.
wixii cusub anaa kula soo socodsiin doono.

anaa mar walba fiirsado tv ga jabuuti habeen walba, waxay ku leeyihiin prograam la dhaho
dib u heshiisiinta soomaalida.

diaz iyo colombus, iyo magellan, waan xasuusanahay.

macallinkii la dhihi jirey killer.
killer waxaan ku arkay hadda ka hor isagoo
hargeisa joogo, wasaaradda waxbarashada hargeisa.
anigoo jabuuti u sii socda wagaas 1979.
wuu i salaamay wuxuu i weydiiyey waxa aan hargeisa ka sameynayo, waxaan ku iri jabuuti
baan u socdaa, markaasu i yiri hargeisa
yaan laguugu dilin ka carar halkan waa la isku dilaa. hahaha qosol .
sida kismaio ma aha halkan dad waa lan baa joogo, isaga reer hargeisa buu ahaa .
laakin noloshii kismaio buu la qabsadey.
dad qabow oo nabad jecel, wuxuu yiri waan la qabsan lahay.

ok mukha salaam igu salaam asxaabta kula joogto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi mukha,
waad salaamantahay, war nin yahow waxaan u maleynaa waa daaleen, labadaas, sabaax iyo canjeel.

aniga iyo adiga aa ku soo harney halkan.
tabsho un baan maqley in uu ka soo qayb galay
isagoo mathelayo kismaio, laakin dad kale ma maqlin.
tabsho aa wuxuu noo noqdey siyaasiga kismaio.

waan fiirsadaa shirka mar mar through the satellite, dijabouti tv.
odayaal aa meesha isugu yimid, laakin midna kama
aqaan, xero gooni ah ayey jabuuti u sameysey.
oo ay leedahay halkaas ku heshiiya.
lama bixi karo ilaa aad ka heshiisaan.
halkaas ayey mareysaa sheekada jabuuti.
wixii cusub anaa kula soo socodsiin doono.

anaa mar walba fiirsado tv ga jabuuti habeen walba, waxay ku leeyihiin prograam la dhaho
dib u heshiisiinta soomaalida.

diaz iyo colombus, iyo magellan, waan xasuusanahay.

macallinkii la dhihi jirey killer.
killer waxaan ku arkay hadda ka hor isagoo
hargeisa joogo, wasaaradda waxbarashada hargeisa.
anigoo jabuuti u sii socda wagaas 1979.
wuu i salaamay wuxuu i weydiiyey waxa aan hargeisa ka sameynayo, waxaan ku iri jabuuti
baan u socdaa, markaasu i yiri hargeisa
yaan laguugu dilin ka carar halkan waa la isku dilaa. hahaha qosol .
sida kismaio ma aha halkan dad waa lan baa joogo, isaga reer hargeisa buu ahaa .
laakin noloshii kismaio buu la qabsadey.
dad qabow oo nabad jecel, wuxuu yiri waan la qabsan lahay.

ok mukha salaam igu salaam asxaabta kula joogto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi mukha,
waad salaamantahay, war nin yahow waxaan u maleynaa waa daaleen, labadaas, sabaax iyo canjeel.

aniga iyo adiga aa ku soo harney halkan.
tabsho un baan maqley in uu ka soo qayb galay
isagoo mathelayo kismaio, laakin dad kale ma maqlin.
tabsho aa wuxuu noo noqdey siyaasiga kismaio.

waan fiirsadaa shirka mar mar through the satellite, dijabouti tv.
odayaal aa meesha isugu yimid, laakin midna kama
aqaan, xero gooni ah ayey jabuuti u sameysey.
oo ay leedahay halkaas ku heshiiya.
lama bixi karo ilaa aad ka heshiisaan.
halkaas ayey mareysaa sheekada jabuuti.
wixii cusub anaa kula soo socodsiin doono.

anaa mar walba fiirsado tv ga jabuuti habeen walba, waxay ku leeyihiin prograam la dhaho
dib u heshiisiinta soomaalida.

diaz iyo colombus, iyo magellan, waan xasuusanahay.

macallinkii la dhihi jirey killer.
killer waxaan ku arkay hadda ka hor isagoo
hargeisa joogo, wasaaradda waxbarashada hargeisa.
anigoo jabuuti u sii socda wagaas 1979.
wuu i salaamay wuxuu i weydiiyey waxa aan hargeisa ka sameynayo, waxaan ku iri jabuuti
baan u socdaa, markaasu i yiri hargeisa
yaan laguugu dilin ka carar halkan waa la isku dilaa. hahaha qosol .
sida kismaio ma aha halkan dad waa lan baa joogo, isaga reer hargeisa buu ahaa .
laakin noloshii kismaio buu la qabsadey.
dad qabow oo nabad jecel, wuxuu yiri waan la qabsan lahay.

ok mukha salaam igu salaam asxaabta kula joogto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Unrecorded Date
Dios,

Macallinkii la dhihi jiray Killer aad baan u xasuustaa sow ninkii kuu bixiyay ma aha Gurey kabo tole!!!! ma xasuusataa?

Arrimaha kale ee aan ku weydiin lahaa waxaan kuugu soo diray e-mail, inaad heshay iyo in kale ila soo socodsii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
Warnimanyahow ma aanan daalin, laakin waa iska mashquulay, mar walba waan eegaa waxyaabaha aad qortaan.
Killer soo ma aha ninkii dheeraa ee Historyiga dhigi jiray, waa dhowayd waxaan CNN ka arkay isaga oo la waraysanayo, ninkii mar diritoorka ka ahaan jiray Ganane ee oran jiray Cabdi Haibe.
1994 mar aan tagay Addisababa waxaan ku arakay macalinkii carabiga dhigi jiray ee la oran jiray Jiiroow, waad xasuusataan baan filayaa, Waa ninkii af faransiiska ku hadli jiray ee bidaarta dheeraa.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Unrecorded Date
hi all .

waad salaamantahay canjeel, soo noqod wanaagsan.
waxaan filayaa in aad hadda soo yara dhowaatey.

wixii aad illawdey oo dhan xoogaa xoogaa ay kugu
soo degayaan, waa ilaah mahadiis.

mukha iyo dios ayaa halkan ka heshey oo kugu
soo dabaaliyey kismaio and the good old days.

wayo halkan waxaan ka dareemay in aad muddo badan
aadan la fadhiisanin wax reer kismaio ah, ama aadan arkin, ok canjeel, cabdi haybe aad baa loo
xasustaa, killerna waaba ninkii magaca uu mukha
sheegayo ii bixiyey,
mukha weli ma furin e mailka waayo ilaa hadda
waxbaa iga hortaagan, ilbaabka waa ii furmi waayey mar mar baa belo aadan garaneynin ku
horistaageysaa oo saacad iyo ka badan bey igu qaadataa, waa xoolo jinni .

bal hadda ayaan mar labaad xaawilayaa.

soo nabad ahaada , markuu ii furmo ayaan
kaga soo jawaabaa.
war canjeel halkaas ka wad.
by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Thursday, June 15, 2000 - 05:40 am
Waa tijaabo,

Salaaaaaaaaam to all Kissima sons, beryahaan Somalinet oo isku dhex yaacday darteed waxna waa la qori waayay waxna waa la akhrin waayay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Sunday, June 18, 2000 - 07:27 pm
hi waa dios.
iska warrama mukha haye war masawirradii ma ku soo gareen mukha.
jawaab kaama helin isbuucan.

ha la iska war hayo by mukha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Friday, July 07, 2000 - 07:10 am
TO. TO ALL KISSIMA

Waad salaaman tihiin salaan aad u diiran .
waan ka xumahay waayadaan in aan soo booqanin
reer kissima but I"m back.
Waxyaalo badan aa isoo dhafay siiba ninka
u soo dhigtay (reer calanley).marka waan soo
noqon doonaa oo ka jawaabi waayo waxaan arkay
aniga kaligey in aan ahay reer calanley.
So waa inoo markale.
BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Monday, July 10, 2000 - 10:54 am
hi salaan iga gudooma mukha kumee.

hi sabaax, goormaa noogu kaa dambeysey
waayahan laguma arag, meesha markaa doonto maa imaaneysaa markaa doontana waa iska tegeysaa.

sabaax ma ogtahay in ay muddo badan halkan
wax ku qori weyney oo meesha ay isku
dhex yaacdey,aniga iyo mukha aan yaabney
oo labadeenna aan ku sheekeysan jirney
e mailka waan garan weyney somalinet siiba
qaybtaan way isku dhex yaacdey, xitaa waxaan xaawiley
qolada webmasterka ah ee somalinet in aan la xiriiro.
almuhim akhirkii bey meesha isku toostey,
mukha halmar buu meesha ku soo noqdey
ka dib maba uu soo eegin.
iska waran sabaax reer calanley waa walaalaheen.
wax xun kama eynaan sheegin, waalidooda ma hee.
marka loo fiiriyo ciyaal faanoole
ciyaalka calanley waxay ahayeen dad fudud
oo dagaal miiran, rabsho, hheheehehehe
laakin ciyaal faanoole dad deggan, oo qabow.
so hadabo inadeerey maxaad ka leedahay
arrintaas, mukha try to come back here.

haye sabaax,
waa dios.
by c ya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Wednesday, July 12, 2000 - 06:41 am
TO DIOS.

MARKA HORE WAAD SALAAMAN TAHAY WALAALKIIS .
AAD BAAD IIGA QOSLISIISAY WAAYO BEEN MA AAD
SHEEGIN IN AY REER CALANLEY AY RABSHO BADNAYEEN
TAASNA ANAA KUU QIRAY SO MARKA MEESHAAS AYAAN UGA HARAY SHEEKADII REER CALANLEY.
WALAAHI WAA RUNTAA IN AY AYAAMO MEESHA AY ISKU DHAXYAACADAY ANIGABA WAAN SOO GALI WAAYEY SABAABTAAS AYAAN U MAQNAA IYO MIDKALEBA
MARKA MAXAAD MEESHA KU HAYSIIN LABADII BARI EE UGU HOREYSAY LEE MEE AHEED XIISA ADIGA IYO MUKHA LEE SHEEMTA KU RIJTIIN AWAY REER KISMAYOODKII KALE MISE WAY KA DHAMAATAY.
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, July 12, 2000 - 10:03 am
Wow, dad maqnaa iyo dalmarraa yimid.

SABAAX, walaashiis iska warran? ma ii faaydaa? cidda see lagu yahay? wax caano diiday ma leh ayaan filaa? Ilaahow haddana ha na tusin. Sabaax horta adigiiba haddaad qirtay inay dhib badnaayeen Ciyaal Calanley waxaad tahay qof wax garad ah, dadka qaarbaa kiiska iska waali lahaa ayagoo og. Maxaa dhacay aroos maa gashay beryahaan, xataa gabalkaan xalwada ku dhinta adiga iyo Dios ma jirto miyaa, Xalwo Baasande aan soo xasuustay. Sabaax intee joogtaa walaashey, dad baan kaa wareysan lahaaye.

Dios, war meesha wax imaada markaan waayay ayaan ku caajisay, ee meesha ha la shido, saaxiibow beryahaan haddana qabowgii iyo barafkii ayaa naga dhamaaday markaasaa la baashaalayaa oo inta badan PC-ga maba ag imaado, waxaanbo haleelaa inta aan shaqada ku jiro kaliya.

Dhagey Basal ayaa wuxuu is yiri Marekan ilmaha yey kaaga hallaabin, intuu inta fag ka yiri, oo sagaal ticket gooyay ayuu carruurtii Bosaaso ku shubay, bal yuu ka yaqaanaa, muu Kismayo iska geeyo oo haddii la bursado duqushkuu ka bixi lahaa uu yaqaano, saxibow bil asagoon joogin ayuu haddana soo cararay oo Marekan ku soo noqday, sagaal ticket oo kale haddana.

Ha la iska war hayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Wednesday, July 12, 2000 - 10:47 am
waad salaamantihiin , horta caawa waxaan ogaadey
sabaax in ay afjinniga taqaanno, saa way ku hadashay kor hadaan dib u eegno oo tix raac aan
ka dhigno, laakin markii ugu horeysey waxay
ku doodey laazim miyaa inaan afjinniga aqaan
hadaan reer kismaio ahay,waxay ku dartey muhim
maha inaan aqaan fa niji.
mukha dhegey markii horeba bosaaso ayuu ka yimid
markuu kismaio imaanayeye waxaan u maleynaa
wuxuu rabay in uu hirgeliyo maahmahdaas
alkul yarjac ilaa aslihi. hehehehe.

mukha e mail baan ku soo direy.
oo aan ku sheegayo in odaygii osman a.basal
ama magicii loo bixiyey aad ii sheegtey awees
aan telfoon u direy waxaa la igu yiri
meeshan ma deggena meel kale ayey ii sheegeen
telefoon kalena waa isiiyeen, laakin weli madirin
bal mar kale ayaan tijaabinaa.

sabaax meesha annagaa fadhinno inta aan noolnahayna aniga iyo mukha waan joogeynaa
adiga un yaa lagu waynin,
inaan mar mar vacation u baxno mahee, laakin
waan sheegeynaa marka vaCAtion loo baxayo.

mukha sawiradii kale way soo socdaan
gurigii weli kama aadan guurin miyaa.
hadaa ka guurto ii soo sheeg,

sabaax sheemtaan rugigenna yaawe
ha is martiyeynin mukha usa buu joogaa.
aniga kuwait baan joogaa.
hadii aad wax ooga baahantahay labnada meelood
ani time sister.

besides tell us where are you.

mise ghost aad tahay oo kismaio naga soo
raacay heheheeheheheeheheh.
ok guys dios by.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Wednesday, July 12, 2000 - 11:47 am
heheheheehh sagaal ticket dhegey
ima aadan sheegin waaba ilowsanaa, waxaa igu dambeysey isagoo macdaar furtey ka furey
jidka farjanno marbaan tegey fasax oo ann isku argney jidkaas isaga oo mashquul ah oo odaygii
oo xaas weyn ah wagaas aa igu dambeysey,

mukha hadaad argto igu salaan.
mohamed salaad miyey isku meel joogaan.
walaakiis ma xusuusantahay.

war nin yahow inaan fasax(vacation u baxo aan rabaa kismaio inaan aado ayaan jeclahay
laakin weli meesha nabad kama dhalanin.

aad baan ugu xiisey, kismaio bacaad badan.

sheekadii jabuuti weli wax cusub kama soo bixin mukha habeen walba waa fiirsadaa
shirarkooda weli wey fadhiyaan maalin walba waxay
leeyihiin dawlad baan dhiseynaa.

reer jabuuti ayaa guubaabo iyo heeso meesha ka
wado oo maaweelo ayaa meeshaas ka socoto.
ma garanayo waqtiga ay wax sameyn doonaaan.

anaa idiin la soo socdsiin doono.

by dios

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Thursday, July 13, 2000 - 09:39 am
Dios

Gurigii waa ka guuray laakiin wali inta bishan ka hartay addresska waa isticmaalayaa, markaa wixii bishan ku siman waan helayaa, haddii aan ka guurana micno ma leh boostada ayaan siinayaa "Forwarding address" ayagaa ii keenaya.

Odeygii Dhegey aha wuxuu noqday saaxibul ciyaal, meeshaana hadde kuwii ku dhashay ayaaba labo ka badan aan dhalaynin oo waxay ogyihiin koriskooda iyo ka warhayntooda iyo college kooda dhibta ay qabto, markaasuu odeygu wuxuu la yimid hal kurjad oo ciyaal ah, hadde ma wuxuusan sii carar soo carar noqonin baa.

Shirkan Jabuuti ma wax bay sameeyeen mise wey iska fafadhiyaan oo xoolo dadow bey meesha ku cunaayaan.

Keep us posted

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Sunday, July 16, 2000 - 10:57 am
hahahaahaha igu salaan dhamaantood, sabaax waayahan naguma soo noqon.
dhegey igu salaan, awees na igu salaan telefoon kale uma dirin awees, waayo wakhtiga aniga aan free ahay isagu waa maqanyahay,
wakhtiga aan aniga shaqo ku jirana isagu wuu joogaa.

xaaskiisa ayaa ila hadashay way igaratay.
inkastoo aan aniga kasin waxay igu tiri
waxaan ahay reer kooreeye,
maxasuusan tahay reer kooreeyey gurigooda wuxuu ka soo horjeedey masaajidka alaha u naxariistee
muuse dhiidhi, cabdiqaadir muse abahood masaajidka uu dhisey.

masaajidkaas rag badan aa laga raacay oo caasi ahaa,
maxamed xaashi waa ninka annagoo salaadda maqrib
xiranay oo dadkii oo dhan salaadda galay
qofna aan dhaqdhaqaaqi karin

ku yiri imaamka masjidka waagaas oo aha
macallin garxinni by by garxinni macasalaama
mar dambe ima arkeysid, kulligeen salaadda
aa noo xiran qof gadaal eegi karo ma jirto.
garxinni faataxada maqribka isagoo aqrinaayo
ayuu hadalkaas yiri faataxadii ayaa ka qaldantay markaasu garxinni acuudi billahi yiri.
oo dib faataxada u billabey malintaas ka dib
maxamed xaashi waali ayuu billabey, loogama horeynin, maxamed xaashi ma xusuusantahay.
farmashiyo xaashi odaygii lahaa ayaa dhalay.

shantow ama shanbaraa isagana halkaas ayaa laga
raacay, ciyaalka dukanaayo markey sujuudaan
oo ay wejiga dhulka dhigaan ayuu cag intuu barida ka saaro horey u tuuri jirey, ama
marka aad tiraahdo salaadi waa dhameystay
oo salaama noqso ayaa waxaa midktaada ka
arkeysaa markaa tiraahdo salaamucaleykum
lug buuran oo cadiin miiran ah oo madow
oo dhinaca midkta kaaga imaaneyso
salaama noqsigii labaad kama gaareysid
oo dhinaca bidixda horey aa ka boodeysaa.

adoo u maleynaayo lugtaas iney tahay lug sheydaan.
heheeheheheeheeh shanbaraa waagaas ayuu wuxuu billabey waali oo isagana sababahaas aa waalida
ooga timid, inta iskool laga eryey oo dhaban xalwo eryey la yiri aabahaa keen,
oo subixii dambe wuxuu soo xirtey macawiis
cimaamad soona qaatey bakoorad iyo oo kiyaalo
aabihiis lahaa oo guriga laysaga tuurey,
markaasu dhabanxalwo diritoorka iskoola u yimid
yiri maxamed muuse shanbaraa anaa dhalay
dhabanxalwo soo dhaweeyey oo shaah u shubey
oo kala hadlay arrinta hehehehehe
intaas dhaban xalwo ma fahmin.
heheheehe maxuusantahay wuu ka adkaadey dhaban

dhaban xalwo ilaa wagaas ma uu fahmin plan ka shanbaraa qofna uma sheegin laakin ciyaalka oo dhan wey ogaayeen heheehehehehe

ok mukha waa inoo mar kale,
maalamahan shaqo iyo kuleyl

almost 60degrees centigrade.
badanaa maalintii bannaan uma baxo
inaan shaqo leeyahay maa hee.
waa lagubanaa xitaa gaariga isteerinka lama
qaban karo u can cook u food inside the car.
hahahahaahah my GOD.

really mukha addunyada meesha ugu kulul waa meeshaan 60 degrees.

carabaha kale xataa waa ka kulushay.
waa warqad dheer ma wada akhrin kartid
take 2 days to read heheheheeheh by/.

by c ya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, July 18, 2000 - 01:19 pm
ARISKAWARAMA QARAABO,AAD AYAAN OGU FARAXSANAHAY,INAANKA SOO QEYBGALO,AMA AAN LAHAASAAWO,REER KISMAAYOODKEE HORE INKASTOO REER (BELAAJO-NOVE) AY SHEEKUDO U BADAN TAHAY HADANA,MICNAMALAHA WILGOODBAY NAGA ILBAXSANAAYEEN
OO MUKH IYO DIOS MARKA NEWSWEEKA AY KUXARANGOON
JIREEN ANIGA (RIIGA-RIIGA0) AYAAN SHANEEMO AYAAN
INTA AAN LADHISIN KU CAYAARI JIRAY.
SOO BARYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, July 19, 2000 - 04:21 am
Dios

Waa la isa soo galay, haye, qof dadka kasaayaa imaaday, laakiin hal khalad ayuu galay oo Shinema Ayan oo qabyo ah waa taan annakaba banooniga ku cayaari jirnay oo Newsweek lagu xarragoodo waagaas ma gaarin. Qofkaan is yaraynaayo yaa waaye?

Ma xasuusataa Salow iyo Kuuja oo salaad isku xiranaayo oo Salow Imaam yahay, faataxadii markuu dhameeyay oo uuna ogyahay inuu Kuuja Quraan kaseenin oo asga wuxuu akhriyo ka daba akhrinaayo, ayuu yiri Tab...., Kuuja oo u maleeyay inuu Tabbat akhrin doono ayaa kaligiis yiri Tabbat, wax lagu darana ma kasaayo, markaasuu yiri wad nooh!! hahahahaha

Anonymous

Haddii aad leedahay reer Villagio Nuove wey naga ilbaxsanaayeen, maxaa ku keenay Shinema Ayan oo qabyo, mise waxaad ahayd dadkii ka soo guuray Via Afmadow oo ninkii la dhihi jiray Billi ka Bannow uu u bixiyay Zono Pollacki

Ar ii soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faantoy

Wednesday, July 19, 2000 - 09:34 am
Ar Sikiima ii warrama

Reer Qooqaani iyo Arba Qarsa dad ka imaaday ma rabtiin, annaka haddii nala dhaho inteed ka imaateen waxaan iska sheeganaa Kismayo illeen waa magaalo madaxdeeniiye, iskoolna hadde waaban ka dhigan jirnaye.

Meejan shaahna nama siineysiine, afkiiyaa uun saan u kala taageynay na qallalaye.

Waa sii kacaaye eggiid keceesiin ha iga kicina waa isla keceenaaye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Friday, July 21, 2000 - 12:16 pm
well mukha waad salaamantahay.
the unknown anonymous waad salaamantahay.
faantooy waad salaamantahay.
sabaax hadaad soo noqoto salaan iga gudoon.

aan bilaabo qofka is qarinaayo oo hadana
yiri shaneemo ayaan aan rigo rigo ku ciyaari
jirey iyadoo qabyo ahahaah waaw heheheeheh.

heheheeh war nin yahow mukha qofkaan maxaan ugu jawaabaa, heheheeh is qari ama isa DHIG BANNAKA walle ama aniga iyo mukha waad naga weyntahay ama waaba hee maxaa la dhihi jirey
isku jin hehehehe isku jin kelmadihii hore
oo reer kismaio isticmaali jireen aan kaaga
dhaadhicinaa isku jin adiga iyo aniga hehehe

haye soo dhowow oo nin yahow hadaad rigo
rigo ku ciyaari jirteen filinkeed aad u jecleed
cow-boygee heeheeh ma waxaad iska dhigi jirtey
santana, mise gringo, mise muchachos.

faantooy abaayo soo dhowo meeshan kismaio
shaah waarikow ahna ma haynee laakin walle
waxaa laga yaabaa in aan isku glass ahaan
jirny ardey badan oo qooqaani nooga timid
isku class baan ahaan jirney.

nur abdi ubsiye, cumar, iyo walaashiis.

yaa kale khaled, abdiraSHIID abokor heheheheeh

kuwaas wax ma ka taqaan.
walle dhaliyaro aad u fiican baa waagaas ka yimid qooqaani, lama ilaawi karo.
abaayo welcome our home fantooy.
meejan kismaio iyo gobolka oo dhan aa leh.

ha is martiyeynin.
reer qooqaani igu salaan .

mukha hadee wax ka dheh ninka shaneemo
ayaan rigo rigo ku ciyaari jirey.
heheheeheheh war nin yahow ma jamac jirri
baad la ciyaari jirtey rigo rigo.
mise miss helen rank oo guriga u xiga shaneemada degeneed markaas hehehehehehe.

welcome both of you fantooy and unknown.

dios
c ya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Friday, July 21, 2000 - 12:29 pm
kuja wuxuu dukan jirey marka u wax rabo
waxaan u maleynaa maalintaas salow aa xoogaa hayey saa daraadeed ayuu salow salaadda ugu xirtey, heheheh
ama garoonka hunuudda uu u socdey oo shilin shilin la ciyaari jirey uu ilaah wuxuu ka
baryaayey in uu galaabtaas helo.

ama soon ay ahayd oo wuxuu iska dhigi jirey
inuu soomanyahay heheheeh.

isaga iyo abukar suufi oo aan soomaneen
oo hadana meel ay wax ka cunaan waayeen ma argtey qosol heheee

ok guys by c ya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Meeraamaamajinni

Saturday, July 22, 2000 - 11:43 am
Dios,mukh iyo dhammaan reer kisimi waan idin salaamay,haddii aan kajawaabo su aashii ushii uu Dios isoo weeydiiyay,filimka kaaboyga ee aan aad xusuusta(JANGO-OO SONDUUQO SOOJIIDAYO).midda kale Dios adiga iyo mukhtaar waxaaad ka mid aheydee reggii (Baar-Makaariyos) uligeyn jirey anigana waagaa meeshii iigu fagoyd ee aan tago waxay ahey(ceel-Caafimaad) iyo Istaalka (Ameericaan).Haddaba taas ayaa markhaati kaaga ah in aan aad idinkaga yarahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Monday, July 24, 2000 - 10:54 am
hi all .
heheheheeheheheh maxaan dhahaa?

bar makarios heheheheeheheheh.
war nin yahow magaca aad ku soo gashay meesha aa iga qosolsiiyey, bal soo dhowo.
isbitaalka gaalka mareykanka lahaa sheekadiisa
wallahi iyadaan ba taariikh dhow ahayn.
hehehe odaygaas dr isbitaalka lahaa
markiisi hore wuxuu u shaqeyn jirey shirkadii
dhistey dekedda kismaio.
ka dibna marka dekedda la dhameeyey
wuu diidey inuu ameerika ku noqdo.
wuxuu yiri waxaan degaa kismaio shirkadii
waa ka haray daktoorkaas wuxuu noqdey nin
reer kismaio ah oo mareykan ah xataa
waxaan xasuustaa maalintii loo sameeyey
teesaro minishiibiyo oo waxaa laga dhigey
nin somali ah oo reer kismaio ,
wuu ku farxay inuu somali noqdo heheheeh.
marka taariikhdaada ma dhowee.
bal meesha ka wad.
mukha hal maswir baan soo direy.
odaygaan isagaa bannanka is keeni doono
annaga ma khasbeyno. heheheheheeh
by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, July 26, 2000 - 10:58 am
Meeranaamjinni

Ceel caafimaad iyo dhakhtarkii Mareykanka aa!!! wallee ma dhowid, markaan bar makarios ulaha ka dooneyno, waxaa laga yaabaa inaad ku jirtay dadkii habeenka jimcaha tuwiska ku ciyaari jiray, hehehe. Jango oo sanduuq jiidaayo, waxaan fiirsaday aniga oo fadhiya dhulka screen-ka hoostiisa oo habeenkaas qoorta ayaa i jabtay saan kor ugu fiiraanayay, adna waxaa laga yaabaa inaad boos gadaal ku jirtay oo loos iyo maastiko daandey aa ku cuneysay.

Dios
Beryahaan waxaan ku jiraa Vacation, illaa laga gaaro next week, marka haddii la i waayo ha la ii dul qaato. I promise I'll be back>

Faantoy, Qooqaani, Arba Qarsa, Xararka, Cag libaax, Mandheer Kuruma, Qodqod iyo Cabdalla Biroole intaba haddaad ka timid aad baa laguu soo dhoweynayaa.

Bye guys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABAAX

Unrecorded Date
TO.dios iyo mukha
Waad salaaman tahiin walaalihiisa hala iga
rali ahaado meeshan in aan markaan rabo soo galayo marka kale aan ka baxayo ee arimo kale ayaan ku mashquulay ee sorry.
Mida kale aad ayaad ugu mahad santihiin in aad
enytime aad meeshan ii joogtiin so thank"s
Mukha walaalkiis waan fiicanahay wax caano diiday majiraan mana guursan , hadii aan guursan lahaa waxaad tihiin labada qof ee ugu horeya ee maqli lahaa waxaan jooga holland.
walaahi wax hadii aan idin sheego waaba idin xiisay siidii dad aan waligeey meel wada joognay
II SOO BARYA WAA INOO MARKALE
BY SABAAX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Unrecorded Date
Waa la idin salaamay,
Waa ninkii Canjeel ahaa oo fasax dheer galay.
Meel badan ayaan tagay oo intooda badan Europe iyo Afrika ah, Kisima agteeda ayaan tagay, laakin m a aanan tagin oo waxay noqotay meel iska qasan.
Any way, war ninyahow dios nin kaa xusuus badan, reer qooqaani xattaa waa xusuusataa, nuur cabdi ubsiye hal galaas uu iga hooseeya aan u malaynaa.
Somaliya mar hore ayaa iigu dambaysay, aragtida hadana kuma aanan soo farxiin, waayo dadka maskaxdooda caadi ma aha, waxaana aan ku qiyaasayaa in ay caadi noqoto ilaa iyo 30 sano, waana marka aan pension noqon , markaas umbaan tagi doonaa, guri yarna badda agteeda ayaana degi doo ee what about that?!

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Monday, July 31, 2000 - 12:09 pm
salaan iga gudooma heer kisima.
waa dios, soo noqod wanaagsan sabaax.
soo noqod wanaagsan canjeel.
sabaax weligeen meel waa wada joogney
bal hadii aan kismaio ka wada imaaney
inkastoo laba xaafad aan ka kala imaaney.
hadana waa kisima hadabo welcome again.
bal wax kale ma rabnee xalwo gishaato
keli noo soo dhig ups ama boostada deg degga ah
marka wax cusub kugu soo biiro. lol hehehe.

mukha canjeel waa kan soo noqdey.
welina waa gilgalanayaa weli wuxuu ku jiraa
meeshii aan ku ogayn,
canjeel soo dhowow nuur cabdi ubsiye iyo baando
badan oo qooqaani nooga imaatey berigaas
si ay iskool intermediate ooga dhigtaan
kismaio waayo qooqaani berigaas intermediate ma laheen qoladaas lama ilaawi karo.
inkastoo xoogaa ku hadalka afsoomaliga
aan kala duwaneyn hadana arday aad u wanaagsan
bey ahayeen oo maskaxdooda fresh ah.
maskax fresh ah ayey wateen berigaas.
tan ciyaal kismaio waXAA KA BUUXDEY tubaako
cunid habeenkii shaneemo, galabtii football
iyo wax yaabo kale oo aan halkaan ku sheegi
karin laakin ciyaalki waagaas qooqaani nooga imaadey maskaxdooda nadiif iskoolka
guriga raashin cunid iyo hurdo,
wixii la xafidayo iyagaa ugu fiicnaa
lol qooqaani heheheheeheeh

sidee loo ilaawi karaa .
mukha masawirkii ma heshey,
haye maalin wanaagsan.

dios c ya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Tuesday, August 01, 2000 - 10:37 am
Sabaax, Canjeel soo dhowaada ha is martiyeynina, guriga waa gurigiina, gambar qaata ha la idiin keeno gaxwo xaraar iyo bur kutumbow ka bacdina xalwanaasi iskaga dajiya hahahaha

Meeranaamjini
soo dhowow guriga hore u soo gal, laakiin kabaha banaanka ku siib meeshaan dacaska lama xadee.

Dios
Sawirkii waa helay, thanks. Waxaan hadda la hadlaayay odeygii ahaa Cusman ama "Awes Jeilani" oo aad kuu eedeynaayay, waa loo sheegay farriimahaagii laakiin wax telefan ah kama tagin ayuu leeyahay oo meel aan kala xiriiro waa waayay. Bal waxaad ii soo dirtaa e-mail telefankaagana iigu soo qor aan u gudbiyee.

Qaraabooy soo nabad ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Sunday, August 06, 2000 - 01:05 am
mukha hi heer kisima hi.

awes jilani labo mar aan wacay mar waa laqaban waayey marna xaaska aa iga qabatey waxay ii sheegtey inuu shaqo jiro, laakin marka ay xaaska iga qabatey ma dhihin awees ma joogaa
ee waxaan ku dhahay cosmaan ma joogaa.
waxaan ka cabsadey in ay igu xanaaqdo.
oo ay i dhahdo aweeska aad sheegeyso waa kuma
hehehehehehe lol.

meesha maalmahan waa cidlowdey.
sabaaxna hadee bishii mar ayey nagu soo leexataa.
canjeel isaga waa frsh from africa nasasho ayuu ku jiraa,

haye soo nabad ahaada.

meeshii somalia ahyd na dawlad baa soo dhow
shirarka jabuuti ka dhacaayo wey dho dhowdahay.

isbuucan war cusub ayaa ka soo baxaayo,
anaa live u daawado waan idiin la soo socodsiin
doonaa inshaallah.

by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M.N.JINNI

Sunday, August 06, 2000 - 07:45 am
Qaraabo waan idinsalaamay waa ninkii (M.N.jinni) ahaa oo fasaxgaaban kasoo laabtay,waxaan aad ooga xumahay in dad aan udaneeynin (kisima) inay sameeyeen (kisima2) haddab,waxaa ay ila tahay inaan loobaahneyn labo (kisima),middan ayaa inaga baddan oo (kisimi2)kala qeybsanaan unbay inoo keeneysaa.Haddaba waxaan soo jeedinayaa in xiro(kisim2).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shark

Wednesday, August 09, 2000 - 02:52 am
TO: M.N JINNI

SXB WAAN KU SALAAMEY WAXAANA KU WEYDIINAYAA
XAFADEE KA DAGNEED KISIMA WAXAAN QOF LA YIRAAHDO
M.C JINNI OO REER CALAEY AH MARKA SXB
MA ADIGAA MISE WAA QOF KALE
thanzz bro

kisima peace and love

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, August 09, 2000 - 04:27 am
OK guys, enough said of the past, let's contemplate of the future.

Maxaaad u maleynaysaa inuu xal u noqon karo sidii magaalada loogu soo celin lahaa gacanta dadkii u dhashay, oo ay iyagu u noqon lahaayeen dadka ka taliya aayaha magaalada?

Waad ogtihiin sida loo galay magaalada sannadihii ugu dambeeyay ee xukunkii Siad Barre, waxaana sabab u ahaa dad aan u dhalanin oo aan dan ka lahayn ayaa loo dhiibay maamulkii magaalada.

Hadda waxaa la galayaa xilli ay u baahantahay dad u hagar baxa, waayo waxaa laga soo bilaabayaa "from scratch", mana u maleynayo in ay galti kuugu hagar baxayso.

Your comments, ideas and suggestions are welcome, but only if you are from Kissima.


Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatxi

Thursday, August 10, 2000 - 02:28 am
WAAD SALAAMANTIHIIN DHAMAAN TII DHAMAAN TIIN.
waxaan ahay wiilkayimid magaalada kismaayo 4/7/1998 and I know ewvery thing about kismaayo ee waxaa fiican inlaga wadahadlo maxaa xalfiican u ah magaalada kismaayo maanta maxaa yeelay waan ogna hay inta maan ta micna daro uugu dhimatay maatadii iyo dhalinyaradii hada sookaceeysay so lets talk about the best resualt of our country and lets say those people who casme from a nather countery go back

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Monday, August 14, 2000 - 10:22 am
Ar uuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuwwwwwwwwwwwww ar reer Kissima ar intee la aaday, yaab waayee.

Aniga waxaan ku talin lahaa, horta magaalo waxaa halbowle u ah miyiga, markaan miyi leehay uma wado baadiyaha ceel dhiig iyo buulo xaaji ee waxaan ka wadaa inta aan ka ahayn magaalo madaxda, sida Afmadow, Badhaadhe, Jamaame iyo Jilib, haddaba haddii ay magaaladii weyneyd qasantay oo wir iyo wir ay taagantahay, aan culeyska saarno sidii aan ku hanan lahayn degmooyinka, markaa ka dib caasimaddu iyadaaba iska imaanaysee. waayo koytadu ama galtida waxaa u cad oo kaliya Kismayo, annagana waxaan naqaana laga bilaabo yaaqa sac mooja, qodqod, Cabdalla Biroole, Canjeel, Matoorka Biibi, Arba Qarsaa, Hoosingow, Mandheer Kuruma kor kala soo gaddoon ee gosha afka aadi, Gobweyn, Buulo Guduud, Yoontoy ilaa Sunguuni iyo Jamaame iyo Jilib loo gaaro wax nagu heysto ma jiro, dadka deggen waa dadkii asalka ahaa, ee aan ayaga taageerno. Ka dib Kismayo iyadaaba gacanta soo galaysee.

Nabadey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Thursday, August 17, 2000 - 01:24 pm
salaam .
waad salaamantihiin waayahaan waan maqnaa.
mashquul baan ahaa waqti waa waayey aan ku soo fadhiisto.
iska warrama maxaad haysaan.
qolada cusub ee nagu soo biirtey soo dhowaada
mukha mar dhow fasax baan u baxaa welina goaan
ma gaarin halka aan aadi doono Ilaah baa yaqaan.
hadaa i weyso fasax baan ku jiraa, ilaa labo
bilood awes igu saalaan iyo qaraabadii
reer kisima .

dawladda jabuuti ka dhalateyna la soco akhbaarteeda .
its better than nothing, waa an interim government 3years its city will be
baidoa baydhabo ayey degenaaneysaa ilaa
sadex bilood .
UN waa garabistaageen arab countries
said they will recognize in the meantime
and some western countries like italy,

in the meantime it started functioning
in jibouti a small town called (carta)arta.

they fixed a parlimnet and the coming few
days they will elect a president,

then they will go to baidoa .

i guess it will run for now.
there is a big hope for this government.

99% of the somali population are with this
new interim government.

waxay boqolkiiba boqol u dhowdahay in hirgasho
dawladaan lagu soo dhisey jibuuti
waayo shicibka somalia wey rabaan badankooda.

anaa kula soo socdsiin doono wixii cusub.

awees intaas iga garsii iyo heer kisima.

ilaa axadda madaxweyne ey dooran yaan.
waa doorasho .
ninka cusub bal horta kisima gudaheed
iyo xaaladeeda ka warran,
dadkeeni maxaa ka nool sidee u noolyihiin.
aqbaarta nasii intaan horta fallo kale gelin.


by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Thursday, August 17, 2000 - 01:34 pm
salaam .
waad salaamantihiin waayahaan waan maqnaa.
mashquul baan ahaa waqti waa waayey aan ku soo fadhiisto.
iska warrama maxaad haysaan.
qolada cusub ee nagu soo biirtey soo dhowaada
mukha mar dhow fasax baan u baxaa welina goaan
ma gaarin halka aan aadi doono Ilaah baa yaqaan.
hadaa i weyso fasax baan ku jiraa, ilaa labo
bilood awes igu saalaan iyo qaraabadii
reer kisima .

dawladda jabuuti ka dhalateyna la soco akhbaarteeda .
its better than nothing, waa an interim government 3years its city will be
baidoa baydhabo ayey degenaaneysaa ilaa
sadex sano .
UN waa garabistaageen arab countries
said they will recognize in the meantime
and some western countries like italy,

in the meantime it started functioning
in jibouti a small town called (carta)arta.

they fixed a parliament and the coming few
days they will elect a president,

then they will go to baidoa .

i guess it will run for now.
there is a big hope for this government.

99% of the somali population are with this
new interim government.

waxay boqolkiiba boqol u dhowdahay in hirgasho
dawladaan lagu soo dhisey jibuuti
waayo shicibka somalia wey rabaan badankooda.

anaa kula soo socdsiin doono wixii cusub.

awees intaas iga garsii iyo heer kisima.

ilaa axadda madaxweyne ey dooran yaan.
waa doorasho .
ninka cusub bal horta kisima gudaheed
iyo xaaladeeda ka warran,
dadkeeni maxaa ka nool sidee u noolyihiin.
aqbaarta nasii intaan horta fallo kale gelin.


by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Friday, August 18, 2000 - 07:51 am
Dhammaan reer kisima waan idin salaamay.
Anigu ma ahi reer kismaayo waligayna ma tegin, but it was my biggest dream to visit there and still it is. Laakiin waxaa hadda isoo jiitay af jinniga oo aan ku hadlo aniga naftaydu.

Am lamayn raktid disa naa guu u rafxay ramkaan rakay fa niji nita uk roqon, xawaan ladaag guu u qontay yaawo yaawo.


II soo Jaawa hee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, August 23, 2000 - 01:34 pm
War intee laga baxay dadow see camal waaye, ma waxaa rabtiin inaa meesha keeno qaxwo iyo hariiso iyo bur kutumbow si aa ku imaatiin.

Deeqa

Ha is martiyaynin meeshaan waa Kismayo iyo kistaada iyo kaskaaga iyo karbuunadaada, martida waa jecelnahay haddii eey yihiin saddex bari, laakiin haddii eey yihiin 25 sano ma qaadi karno, magaca kor ku xusan wuxuu noogu baxay sababtaas. Dad ayaa waxay ka imaan jireen gobolada kore, markaas ayay waxay marti ahaan jireen 25 sano, markii la dhaho war waxaan martinnimo ma ahane ordaya oo shaqaysta, ayay dacaayad suuqa noo galiyeen oo eey dheheen reer Kismayo dad ma rabaan oo waa xaasid.

Li'aahey da'igoo ramti eh ha ku neeko Sikmayo, disaan kuu soo wodheen halaa da'igaa baayi helaa.

Qaraabooy soo nabad ahaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Wednesday, August 23, 2000 - 01:36 pm
hi all.

deeqa soo dhowoow mininka minkaagaaga yaawe.

sheemtaan sikima sheem ciifan yaawe,

war warrama mukha canjeel sabaax iyo asaxaabta kale.

ha la iska war hayo inkastoo aan mar dhow fasax u baxayo

ha la ii sii wado meeshaan yaan la harin.

ha socoto sheekada almost 2 months
i will be away.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

canjeel

Sunday, August 27, 2000 - 05:04 am
Now la idin la saamay lukigiin.

Canjeel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Monday, September 04, 2000 - 12:23 pm
hi reer kisima.


waa nabad dawlad cusub na waa noo dhalatey.
waa ilaah mahadiis, hala soo dhaweeyo dawladda
cusub,

iska warrama bishan 10 keeda ayaan dhoofayaa.
Ilaah baa og waanse jeclahay inaan kismaio gaaro.

by the way somalia ayaan u socdaa.
aad baan ugu xiisey, shicibkii somalida
waa dadaaleen dagaal baa dhibey, hase ahaate
nimankii dagaal ogayaasha ahaa bannanka bey
dhigeen awoodda shicibka ayaa bannaanka dhigtey.
Ilaah ka so kow.

marka aan soo noqdo wixii khabaar ah waan idiin la socodsiin.

soo nabad ahaada.

mukha nabadey mar dhow sikima inaan tago ayey
u badantahay,

khabaar aan kaa helo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dios

Monday, September 11, 2000 - 01:40 pm
hi reer kisima .

waad salaamantihiin dhamaantiin.

mukha khamiista labo maalin ka bacdi aan baxaa
igu salaan asxaabta .

markaan soo noqdo insha allaah anaa idiin la
soo xiriiri doono.
e mail ii soo dir ilaa 15 berri kas bacdi.

by soo nabad ahaada heer kisiima

sheemta ii sii gooja.

by dios


i will try if i can visit kisima.

by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Wednesday, September 13, 2000 - 01:47 am
Waaw maanta waa maalintii igu horeysey aan meeshan soo booqdo waana ku farxay in aad i soo xasuusiseen waxyaalo badan oo ku saabsan kismaayo hanoqdeen muufadii reer butish ama xalwadi basanda ama mushkaagii calanley gadaashiisa aniga waxaan ahay reer calanley kuligiina waan idin salaamey
xamaana di in leeyahay byeeee yio rixiir riifcan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, September 13, 2000 - 01:18 pm
Dios

War haye maxaa tiri Kismayaan u socdaa aa? wow wow wow, u kaadi xaaji meesha wax aa taqaan ma joogaane, war meesha lagti aa qaseysa ee ninyahow tartiib, Nairobi iyo meelahaas intaad ka dhegedhegeysid, oo raadiyaha aa kala hadashid Duubo ama Qoosh ama Buudiste, ka warayso in la tagi karo iyo in kale, haddii kale lagtidaan dhegeheey kaa babinaayaan.

Canjeel

Maba aadan na soo salaamine ma na soo ursatay saxib?

Najma

Maxaa jeceshahay, Hariiso, Xalwo Basande mise Cabdalla Saciid, Mushkaag, Xalwanaasi, bur kutumbow (kii ciidaha la samayn jiray oo kor sokorta ka saasaarneyd)mise malabis (kii warwareegsanaa oo asna macaanka badnaa). Sister soo dhowow ha is martiyeynin, minanka minankaaga waaye. Calanleyda fog maa eheed mise Calanleyda dhow?

Soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Thursday, September 14, 2000 - 05:41 am
Mukha waad mahadsantahay lawaalkis kismanyo waxaan uga xiisey waa hariisadii iimaankad iga soo ridey markaan arkey. ani calanleyda dhow aan ahaa kisimana waxaa igu danbeysey1997kii laakin aduunkaas aad meesha ku soo qortey ma yaalin aan ka aheen xalwada wax la kasooyana faro ku tiris ey ahaayeen oo anaaba ley dhihi jirey martidaan intey idinka imatey!!!!!!! sow cajiib ma ihin meeshaad ku dhalatey ku kortey oo marti lagaa hedhaayo?
Markaan tegey waxaan u dhaarsanaa macmacaankii hadii mise maxaa ii dhiibatey sheemta diclo.
Hadase waxaan ku faraxsanahay in aan akhristo sheekooyinkiina taasoo xasuus wacan dib igu soo celineysa. waa idinsalaamey kuligiinba by

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zak

Thursday, September 14, 2000 - 11:58 am
Asalamu caleeykum.
reer siKmaayo xamaa sheemta lagu yaahaa, Xamaan mu,aleeynaayey xaw reer siKmaayo ni,uu rijin naamta, naiga yicaal naFole aan ha,ay.

Haloo guys you all from my Hometown??? "woow"

Anigu waxaan ku dhashay kismaayo xaafada Fanole gaar ahaan Lugabaxsi, waxaan joogay Shineema ayaan iyo macmacaanka ku hoosyaala shineemada nafteeda waxaana ka soo horjeeday Gas stationka waxaana dhinaca ka xigay madbacada.

Badanaa waxaan balooni ku ciyaari jiray bada Liido waxaana fadhiisan jiray oo aan ku baashaali jiray Farmashiye Qacle aniga iyo asxaab badan oo ay ka mid ahaayeen Liibaan Qacle,Cabdifataax Filqe,nin la dhihi jiray Zizey,Xabaani,Quruuf,saciid cabdi diiriye {saciid Curi} iyo asxaab aad u tiro badan aanan halkaa ku wada sheegi karin.

I LOVE KISMAYO.
bye aqyaarta ii soo bariya nasoo dhaweeya hee aniga iyo NAJMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Friday, September 15, 2000 - 05:13 am
Zak

Meel dheer ma jirtid haddaaba farmashiyevQacle sheegtay, sow ma ogid ninkaan kor ku qoran ee DIOS inuu yahay Siciid Curri walaalkiis ka weynaa, laakiin dad aan isku da' eheen aa isu keentay, maxaa Xabbaani idin dhex galiyay, intiina kale waaba gartay da'diinee.

Najma

Gambar qaado, adaaba war hayee, maxaa tiri waxaa iigu dambeysay 97' aa?, ar meesha iiga warran, rajo ma leedahay mise lagtidii aa sidii qoryaha u wadata. Wax la kasaayo ineysan joogin waa iska qiyaasaayay. Waxaad fileysay miyaa macmacaankii Maxamed Haadi inuu weli furanyahay, oo aad is lahayd Bajiye, Sambuusi iyo Kabaab intaa saxan ka soo buuxsatid luuq la gal oo ka noolow. Dhareer aa iga imaaday markaan waxaas soo xasuustay.

Akhyaarey gamaaladii na'aka eey na guseysaa niaan xaw u baqano oo lagtida ka raasno.

Ii soo barya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Friday, September 15, 2000 - 05:41 am
Arxmaad sheemta toobo ku seehaan kismaayo fa ka lee ka cejashihiin laamintii la hedho xaw ha loo ru,uuriyo yaa rakaayaba foq? si ka faadh ni aad soo shecetaanee ramka naiga xamaan hedhi lahaa lagtida ma si ka caartiino ya aka ha di in kuxumaaneee??
Taas waxaan u leeyahay waan aqaan reer kismaayo waana ku dhashey ku korey xabadlee iga ceeyrisey ma ogiyee maan ka soo tageen daha botan naso uu gadaalka cosdey lewi aay rakey dim reer sikmaayo xas ah oo kuxuma magaaladeenii am rijo luki noo soo racarteen ramka qudooshinka samaaniikta ah ha ku ridina lagtida.
Mukh shiaad ka xibisey xamaan u raadhsanaa jaabiyihii iyo nasbuusigii waaey hee?? sikmaayo sikmaayo ma ihin.
Zak ku so dhawoow doonta ha is ramtiyeen bro.
dhamaan xamaan idin leeyahay sheekeysi iyo xiriir wacan yaana leyga xumaan runtaan ka hadlee.
Zak and mukh waa salaamantihiin iyo dhaman kisimaba

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Saturday, September 16, 2000 - 09:55 am
Asalamu caleykum.
Haye Aqyaareey ii warama nabad ma jirtoo, Najma thanks sister, and thnx too bro Mukha.

Mukha sxb dadkaas aan soo sheegnay waxaan ka wadaa isku meel ayaan fadhiisan jirnay kuligeen horta ninka la yiraahdo Xabaani isaga yaraan iyo weynaan ma aqaanin waa da walba la fil.

ee waxaan idin weydiiyey soo sheega hee meesha aad joogtaan anigu waxaan dagenahay New York inkastoo Somalida ku yar tahay hadana wax reer Kismayo ah waxaa ka Jooga Aniga, nin la yiraahdo Mahamed Ali oo reer calanley ah iyo reer Cadbi Macoow oo calanley ah ayaguna.

Ninka la yiraahdo Xabaani waxaan ugu tagay Riverdale Maryland,waxaan kaloo Boston ugu tagay oo si fiican iigu soo dhaweeyey Cabdi cawaafe,Caydaruus (UUS),Xasaneeti,Mohamed iyo Liibaan Citile,iyo Fu,aad Indho feynuus.

Marwalba aan fasax yar helo waxaan tagaa Toronto,Canada laakiin wax reer Kismaayo ilaa iyo hada Kuma hayo.

Hadee ha la is wareestee Mukha Iyo najma iyo intakale oo dhan intee daganeydeen bal tilmaama yaa kula dhashay dadku ha is barto see weeyaan anigu koley hadii aad i garan weydaan i beleive inaad walaalaheey kale garaneysaan.

Nabadeey heee Dioz adigana is sheeg sxb
ii soo barya
zAk at new york.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Monday, September 18, 2000 - 01:07 pm
Najmo,

You are funny, saacad dhan baan qoslaayay, toobada reer Kismayoodka aa, ar ha na kashifin, lagtida dahey qamlaan xamey hedhaayiin, Liiw maawo, leyw dumug aa ka ciifan. Najmo, sis, aniga waxaan aqaanaa nolosha qiimeheeda, oo ma ihi cawaan inta wax lagu soo akhriyo dadka maalaayacni u dhameynaaya, waxaan ogahay berri haddii uu waddanku dego, inaan gurigeyga galtiga ku jira ka saari karo, oo kii buushka ka dhistay laamiga dhexdiisana uu qaban doono Siyaax ama Hoolaa oo dib looga dhigi doono minishiibiyo, dhusgumna ay rajiistraha noo heyn doonto marka dadka la tiro koobaayo. Guri cid laga ijaarayana ma jiro illaa eey lagtida baxaan.

Zak

Oo ninyahow amaan is aragnay markaad Boston timid, ragga aad sheegtay oo dhan waa isla joognaye, oo xataa ilmo Cabdi Macow qaar ayaa Boston deggene. Aniga waxaan deggenaa tuubada biyaha oo ka korreysa C/xakiim sciid iyo Rashiid Curri una dhow Heriiney iyo, haddii aad dadkaas taqaan. Bal tilmaan meeshaad deggeneydeen, Maxamed Dumuje biibitadiisa kolbo kama fogide, intee ka jirtay Yaasiin Wall (Darbi). Saxib New York meel dad fayow joogaan ma ahanae maa iskaga soo tagtid.

Sidaa iyo nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Tuesday, September 19, 2000 - 12:01 pm
Asalamu caleykum.

Mukha Ninyahaoow reer cabdi mocoow horta way ka soo guureen Boston waxay dagan yihiin Rochester New York kuligood, Mida kale waxaad isoo xasuusiisey ninkaas la yiraahdo "Hiriiney" meeshaas aad sheegtay ee tuubada biyahana waa reer Saajin iyo aktooda soo maaha waxaan dhigan jiray dugsiga cabdi yare ee ingiriiska lagu dhigi jirey ee ku ag yaalay tuubada.

Biibitada Dunbuje waan fadhiisan Jirey iyo tii reer Beeldaaje labadaba, gurigeena wuxuu ahaa hadaad kaseyso reer Qoorsheel guriga ka dambeeya oo ah reer muuse lugay kan ka sii dambeeya ee ku dhagan Salaado yarey ama reer Kuuloow ama reer colaad hadii aad taqaanid waxaan la dhashay hadii aad taqaanid nin la yiraahdo Mohamed Mumin "MakhMakh" oo balooniga u ciyaari jirey dakada iyo ninka kale oo la yiraahdo cabdi Gaaboow oo u cayaari jiray Warshada Hilibka ee Kismaayo. sxb Mukha meel ka fiican ma hayo New York. nabadey ii sooo barya heee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biifka

Tuesday, September 19, 2000 - 07:58 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaa laga yaabaa qaarkiin inay i gartaan hadaan is magacaabo laakiin ma jiraan wax reer BIIFKA ah; meelaha aad sheegaysaan oo dhan waxay ii ahaayeen meelahaan bulshada u doonto. Waxaan iigu dambeeysay 1992 (long time; I got homesickness) Reer biifka, I should say CIYAAL BIIFKA meeyaye! WAVE YOUR HAND IN THE AIR! School CABDIYARE waan dhigan yiray, sidoo kale, khaalid bin walidna waan dhigan jiray. Ma laga yaabaa inaan helo long-lost SCHOOL MATES? or CIYAAL BIIFKA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Wednesday, September 20, 2000 - 01:29 am
Waan idin salamey dhamaantiin Mukha oo rugigiini taxaa am ka seehiin yimaa sikmaayo?anaga nasiib aan lenahay weli ma nalaga daaqin. dimta lake xamaa reer sikmayo rohta runta u diidin??.
Zak waan farxey markaan akhriyey qoraalkaadan kore Walaalkis waxaan akhriyey in ey reer cabdi macow aad taqaanid familkaas waxaa ku jira saaxibadey ee ma la joogtaa nuurta cabdi macoow? ani soonaha reer cabdi macoow aan degenaa waxaana hada joogaa xurintii ey u badnaayeen reer kismaayoodka in SWEDEN. mararka qaarkood waxanba dareema in aan weli kismaayo joogo. oo marmar aan xaflad u gaar ah gabdhaheena qabsano waxaadba mooda in haadi iyo baasande joogno Zak hadaad kismaayo u xiistey soo booqo kismaayo yareey yacni sweden gaar ahaan stockholm.
walaalihiis kheer aan isku og nahay.
waxaan hilmaamey mukha ramkii aa qondhaneysid ii geesh di i gaan kugu ganbanaa disaan ra ko xamaan u lameenaa in disaad hanbuurgarki USA u nuceysey aa qondhatey badal nibiaadan.
nabadey kuligiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Wednesday, September 20, 2000 - 11:31 am
Zak

Waa i wareerisay saxib, sug, guriga reer Colaad waxaa ku xiga Salaado Yareey, waxaa ku xiga reer Xassan Kuulow, waxaa ka soo horjeeda guriga Eedo Casaro oo aan Beedaanka ka xadi jirnay, waxaana u haystay Makhmakh (Allaha u naxariistee) iyo Cabdi Gaabow inay deggenaayeen Calanley ee see waaye saxib. Bal ii soo faahfaahi.

Biifka

Magacaas markaan maqlo waan qoslaa, oo waxaan soo xasuustaa nin la dhihi jiray Cali Gaas, oo intuu maalin anagoo saaran buurka Kabganka, intuu xaafadda shaqaalaha saas u fiiriyay ayuu yiri, ninyahow bal qiyaas guriga ugu fiican maxaa yaala, markaas ayaan iri ma aqaan, wuxuu yiri guriga ugu fiican waxaa yaalla Raadiyo Philips ah oo kii battannada lahaa ee hore, haddana saas eey tahay habeen kasta waxay ku dhahaayiin, xalay tuug aa noo soo dhacay, maxaa laga qaadanaa uu yiri.

Najma

Rugigeena wukoo raqaabo aa ku rijaan, na'aka lukigeen oow ka soo xabnay Sikmaayo, aay la liddaa hee, qoddon lee midhanaayo. Najma saxib waxaan maqlay cudurkii lagtida aa idin saameeyay haddaad tihiin reer Stokholm, oo reer Kismayo ma jirtaa la yiri waa la kala baxay, annakiina kurbo aa nagu disheen. Nimanka la kala yiraahdo C/lahi Yassin, Salow, Shube, C/qadir Muse, Ciise Ruush, Qalbi ar meesha mexey dad heysaa iyo Shantow, nimankaas ma joogaan mase taqaanaa.

Summer-ka dambe ayaan rabaa inaan imaado meesha, summer-kaan ayaan qaldamay oo intaan tagay Ingiriiska ayaan waxaan ka waayay wax reer Kissima ah, wxaan arkay Niinow, kii talyaaniga ahaa oo kaliya.

I'll be back

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Najma

Thursday, September 21, 2000 - 01:48 am
Waa salaamantihin dhamaan kisima. Mukha adi rer kisima si fiican maba u taqanid reer naafoole le qataan yimaa? london waxaa degen reer kisima aad u tro badan hadaan wax kaga soo qado sharuurow, cadnaan bulxan, rer cabdirikoow, reer maxamed abuu iyo ciiso ruush iyo kuwa badan oo la so koobi karin.
dadkaan kale aad i soo weydisey c/lahi yasin, shube, salow waa aqaana weyna joogaan iyaka ciyaal fanole ahaan aa u taqaan haye, dimta lake na aka bagdhaha sikmaayo am si kala xibino xawga dimtaas ku rijto liiwasha yaawe weliba kuwa ah..........
marka walaalkis iyo dhamaan reer kisima soo nabad ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mukha

Thursday, September 21, 2000 - 04:13 am
Reer Kissima

Boggaan aad ayuu dheeraaday, marka waxaan rabaa inaan furano mid kale oo loogu magac daro "KISSIMA 2)waa haddaad igu raacsantihiin.

Idinkoo aad u mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zAk

Saturday, September 23, 2000 - 09:37 am
Mukha maxaa waaye address changigaan aad sameeysay bro, Mukha ninyahoow waxaan ku weydiiye
guriga reer colaad waxaa ku xigay guriya salaado yareey soo maaha, yaa ku xigey salaado.ika dhaaf dhinacaas iyo Dhaayoow iyo xagooda dhinaca kale bro, mida kale waxaan sxb aad u aheen ninka la yiraahdo HILIYE hadaad taqaan,waraa nin yahoow intuu ku dambeeya Maxamed Khaliif "Washington" ar dakii intee ka baxeeeeeeeeeeeeeeeeeen. byeeeee he ii soooooo barya .

halkaan soo booqo bro marmarkloo.

http://Communities.msn.com/SomaliCommunityofNewYorkState