Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Sweden: Stockholm: Aaway reer Kismayoodkii Sweden degenaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jubba

Unrecorded Date
War aaway reer Kismayihii degenaa Stokholm? maxaa meesha ku haysaan, waa maqlay inaa hadda xataa habrihii keenteen laakiin maxaa moorooyinkii iyo lo'dii u keeni weydeen?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samsam

Unrecorded Date
to jubb
adi waxlee sheege aan qaymo iyo xiisaba lahayn nagadhaaf taase waxkale sheeg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qalinle

Unrecorded Date
Samsam, siilka sac kaa leef, yaa ku yiri qiimee waxa dadku qoraan. Mise adaa ka mid ah qolooyinka moorada lo'da ku lahaa Kismayo. Waa la ogyahay inay reer Kismayo lo'ley yihiine maxaa difaacaysaa oo baas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAAGE

Unrecorded Date
WAAD SALAAMAN TIHIIN MARYOOLEY WAXAAD KAHADLEYSIIN KISMAAYO AAWEY MAGALAMADAXDII WAX HADAL HAAYO MA ARKI EE AAWEY DADKI REER BANAADIR SHEEGAN JIREY MALAGA HADLO SIDI WAX LOGA QABAN LAHA XAMAR ISO SIYAASADA XUN EE KATAAGAN WAAD MAHADSAN TIHIIN BYE RAAGE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamarcadde.

Unrecorded Date
Subject:
HA GUULEYSTO SHIRKA NABADEYNTA SOOMAALIYEED
Date:
Thu, 20 Apr 2000 14:38:21 -0400






Subject:
"HA GUULEYSTO SHIRKA NABADEYNTA SOOMAALIYEED EE
JABUUTI"
Date:
Thu, 20 Apr 2000 14:14:18 -0400






HA WAARO..HANA GUULEYSTO SHIRKA NABADEYNTA IYO DIB U DHISIDA
UMMADA
SOOMAALIYEED. GOGOSHA AY NOO FIDIYEEN WALAALAHEENA JABUUTI EE KA
DANQADEY DHIBKA UMMADA HAYSATONA HA KU DHAMAADO GUUL U SOO
HOYATA SOOMAALI OO DHAN.


Waxaan dhageystey BBCda oo laga wareystay wafdigii ka socday dadka iyo dalka
Jabuuti oo uu hogaaminayey Mr Cusmaan Axmed Yuusuf, wuxuuna sheegay in shacabka gobolka
Banaadir iyo nawaaxigaadaba ay soo dhaweeyeen iyaga oo horkacaayo Masuuliyiin badan iyo
Madaxda Maxkamadaha iyo Ururada Rayidka ah iyo qaar kale oo fara badan waxeyn muujiyeen
sida ay raaliga uga yihiin in nabad waarto loo helo dadka iyo dalkaba.

Isaga oo ka jawaabayo su`aal laga weydiiyey kuwa ka soo horjeeda shirka Jabuuti waxa uu ku
jawaabey "Waa macsuumiin lagu marti qaadey shirka nabadeynta Ummada Soomaaliya, waana
heystaan waraaqihii marti qaadka. Balse waxa ay doonayaan maxaa cidyeelan ama aan qeybo sare
ku yeelaneynaa shirka jabuuti. Taasi waxa ay cadeynaysaa mowqifka ay ka taagan yihiin hogaamiye
kooxeedyada diidan shirka dowlada iyo dadka Jabuuti Gogosha u fidiyey Ummada Soomaaliyeed
ee dhibka faraha badan kusoo jiray muddii 10ka sanadood aheeyd, iyo xaalufintii loo geystey
qayraadka dabiiciga ah ha ahaadeen Badweynta Ugaarta iyo dhirta sida ba`an loo jarayo.

Marka dhanka Puntlland ama gobolada Waqooyi-bari loo fiiriyo. Dowlad goboleedka isku
magacowday waxa ay isku dayday in ay rabitaanka shacabka ka hor istaagto shirka Jabuuti oo ay
xarig iyo dil u geysatey dadweynihii isu soo banaan-baxay go`aankii ay ka gaartey shirka Jabuuti.
Hase ahaatee markii ay soo gaareen madaxda dowlada Jabuuti waxey shir la yeesheen madaxda
dhaqamada gobolkaas oo shir ugu socday magaalada Garoowe. C\laahi Yuusuf ayaa si deg-deg ah
ugu dhoofay Garoowe oo isaga iyo madaxda dhaqamada oo wada jira u taageeray shirka Jabuuti.
Walibana wasiiradiisa qaar ka mid ah ay wafuudi Jabuuti ku soo dhaweeyeen garoonka
diyaaradaha ee Boosaaso.


Gabagabadii xageey la yihiin Hogaamiye kooxeedyada koonfureed ee shirka Jabuuti diidan?
Waxaan leeyahay "Dadkaada dhinac ka raac yaadan dhuminee dhinac ka raac intey goori goor
tahay." Waliba isaga oo Xuseen ku han jabay haddii ay Jabuuti ku adkeysato shirka in dagaal
sokeeye abuuri doonto arintaas. Waa su`aale ma garan weydeen waxa idinka iyo dadka aad
hogaamisaan idiin dan ah? Waakaas C\laahi yuusuf ka soo noqday mowqifkii uu ka taagnaa arinta
shirka Jabuuti oo uu waliba leeyahay yaa leyla meel dhigin hogaamiye kooxeed yada!!!!

Aniga oo soo gunaanadayo maqaalkey waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed u bislaadeen
diyaarna ay u yihiin sidii dadkooda iyo dalkooda ay si wada jir ah nabad ay ugu wada dabaali
lahaayeen una dhisi lahaayeen dowlad daacad ah oo dadka iyo dalkaba u horseeda nabadgelyo iyo
sinaan,iyo barwaaqo "Haddii uu Ilaahey subxaana watacaalaa idmo, nagana saaro Masiibadaan ku
habsatey Ummadaan."


Waxaa qoray: Maxa`d A.
c\o:
Toronto, CANADA