Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Europe: Italy: SU'AAL REER ITALY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.

Waxaan ahay wiil soomaliyed oo jooga USA.markaa waxaan jeclaa inaan barto dhakhtarnimo laakiin waxaa igu kululaaday waxbarashada maraykanka xaga dhakhtarnimada.
Waxaa la iiga baahday luuqad saraysa oo waqti igu qaadanaysa,kaaga sii darane waxaa qofka looga baahan yahay afar sano oo uu biolagy iyo kimistary iyo xisaab uu qaadanayo,afarsano ka dib ayuu bilaabaya dhakhtarnimada,markii la isku daro waqtiga waxay dhaqtarnimadu qaadanaysa dhawr iyo toban sano,markaa qof baa ii sheegay italia in luuqadu sanad ama ka yar igu qaadanayso horayna aan dhaqtarnimo ka bilabi karo maxaa ka jira.
iga soo qanciya si xogogaalnimo ah.
MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr.Somali

Unrecorded Date
To Somali,

Waxan ahay inan Somali ah oo Italy dhakhtarnimo ku soo bartay, hadana degan USA, marka waxaan jecelahay inaan wax kaaga sheego xaalka Italy oo aan soo maqanahay qiyaastii hal sano.

General rules:
-Italy sidaad Medical School ku gasho waa mid ka sahalsan tan USA, balse sidaad u dhameysato waa mid aad uga adag.

-Beyskaaga waxbarasho hadduusan dhisneeyn Italy ha isku lugeeyn, waayo wax caawinaad ah ama facility ah Macalimiinta ama generally Collegeka kama helaysid. Waxaan aqaan dad badan oo 15 sano ama inka badan degree loogu tala galay 4 ama 5 sano weli wada. As long as you pay the annual accademic fee you can stay there, may be in some University forever. But you won't graduate till you pass all exams, and in Italy almost all exams are oral exams (These are really tough exams and to pass them need language skills and a lot of effort)

-Tuition fee-ga aad buu u jaban yahay, marka loo eego kan USA.

-Nolosha sicirkeeda Italy and USA waa isku dhadhawyihiin, balse in Italy haddii aadan Scholarship helin ama dibadda lagaa masruufeen, Loan ma helaysid, misna sidaad shaqo part-time ah ku heshid waa adag tahay.

Taladeyda waxey ku soo biyo shubaneysaa: Haddii aad tahay nin waxbarashadiisa aasaasigana dhisan tahay, balwadna iska ilaalin kara, dantiisa yaqaana (Italy waxyaabo badan oo distraction kugu sameenaya ayaa dhooban), dhaqaale dhibkiisana haysanin, fursad aad u fiican oo aad Dhakhtarnimo ku baran karto ayaa taal. Wixii intaas ka soo haraa aniga makuugula taliyeen.

Waqtiga aay waxbarashda dhakhtarnimada kaa qaadaneeyso Italy and USA qiyaastii waa isku mid, maxaa yeelay hal sano luqadda ayaad ku sameeyneysaa, Medical schoolkana mudadiisa theoretically waa 6 sano, but less than 10% of good Italian students will finish within that duration. approximately 50% of students need more than 7 years to finish it. Taqasuska mudadiisana USA & Italy waa isku mid. Shaqada dhankeedana USA ayey fursad iyo lacag taalaa, ogow haddii aad wax ka baxsan USA ama Canada aad wax ku barato, rabtana inaad USA ka shaqeeysato xitaa haddii aad USA citizen tahay, National Board exam ayaa ku sugaya.

Good luck

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Unrecorded Date
to:Dr Somali.

Aad baad u mahadsan tahay jawaabtada qiimaha leh,runtii anagu waxaan nahay dad isu
sheekeyo ama is waalo,waxaana isa siina
informationo wrong ah,waxaa la iigu sheegay
italy inay less than 5 years igu qaadanayso dhakhtarnimadu sidoo kale waxaa la ii sheegay
carabaha inay aad uga fududahay,
laakiin wali ma hayo akhbaar sax ah.
waxaan arkay ama fiiriyay waxbarashada dhakhtarnimada ee USA runtii aad baan u niyad
jabay,xataa yar soomali ah waxay u dabo galeen
si xun oo ay test kasta ku ridaan asagoo classka ugu wax barasho fiicna hadana wuu isga haray,mana kaaga sheekaynayo
hadaad hada halkan joogto yasmada iyo xaqirada
taal.aniguna ma xiiseyo wax aan caafimadka ahayn
markaa DATORE ila soo tali meel ama wadan aan ka bilabo.ardayda kale ee soomaliyedna way ka faa'iidaysanayane
MAHADSANID.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anon.

Unrecorded Date
Somali, walaal ha rumeeyssan sheekada ah cid baa imtixaan lagu dab galye oo la riday.
Aniga waxaan aqaan labo qof oo imitixaanka ku pass marki ugu horeeysaba.

Medical school ma sahlana, haadii uu qofka si daacad ah waqti ugu hurin, waxbarashadiisa hoosene uusan dhiisin, ma gulasaneesid.
Marka, ku taala gal waqti badan inaad siiso wabarashada.

There is no short cut to Medical School beleive me!