    Warsame | Unrecorded Date Maryooley horta maxaan sugeynaa oo inoo diidey inaan wax qabsano? Mase og tihiin in 13 urur oo soomaali ah ay kaliya magaalada Oslo kajiraan. Waxaad og tihiin in hebel uu reer hebel yahay heblaayana tahay reer hebel laakiin bulshada aan la joognaa aysan noo arag reeraha aan sheeganayno. Mala socotaan in caruur soomaaliyeed ay inkiraan inay soomaali yihiin marka caruur kale ay weydiiso halkay ka yimaadeen? Maxaad umalaynaysaan inay inooga hagaaga yaan wadankan hadii aynu nahay 13 urur iyo 13 qabiil? fadlan hadii aad hayso wax fikrad ah soo gudbi Ilaah ayaa umaqan bulshada soomaaliyeed ee wadankan ku dhaqan. Asalaamu calkum! |
    zamia | Unrecorded Date to warsame waa ku salaamay tan kale aboowe waa kugu raacsanahay tan Norwey ka jirta ,laakiin yaa wax ka qaban kara hadii dadkii oo dhan saa yihiin . waxaynu haynaa hadal oo marka aan sheegayno aan u egnahay inaan wax qurux badan sheegayno laakiin qof ku dhaqaqa wax ka qabadooda ama wax ka bedelka arimaah waa yar yahay. ka bilow warsame qoskaaga, asxaabtaada iyo qaraabadaada kadib ayaa bulshada wax ka qaban kartaa ma ahah inaan ku aqaan oo aan ka wado ma samaysid laakiin waa sida bulsho lagu hor marin karo. waxaan aragnaa ilmo yaryar oo la barayo reer hebel aa tahay oo ilmaha hebel dhalay isku qabiil baa tihiin taasina waa tan naga reebtay aduunka inaan hebel iyo hebel ku jirnay . hada iyo dan wax dhaqdhaqaq ah ma bilownaa oo ku saabsan isku keenka umada soomaaliyeed ee ku nool norwey. waxaan sugaa waa fikaradaada iyo tan dhamaan umada soomaaliyeed. |
    Warsame | Unrecorded Date To: Zamia Waad salaaman tahay ugu horeyntii. Tan aad itiri oo ah qofku hadii uu wax qabanayo waa inuu kabilaabaa qoyskiisa waa fikrad fiican laakiin walaal arintu hada qoys weyka balaaran tahay oo waa dhib haysta bulshada oo dhan oo noocyo badan. Way wanaan sanaan lahayd hadii qofwalba reerkiisa ka,adkaan lahaa lakiin taasi wey suurtoobi weydey. hada waxaa naga maqan waa tii inaan isku duubni wax uwada qabsano. Waana runtaa oo kuligood dadku markuu hadlayo wuu hadal macaan yahay wax suurtoobaana majiraan. Hada anigu waxaan isku dayaa inaan qof ahaan wixii aan qaban karo qabto laakiin hadii aan bulshadu gacan isiin meel ma gaari doono, Sida dadku ubadan yahayna waxaan isku dayaa inaan bariiskeyga lasoo baxo oo taasina dib ii dhigeyso. Marka zamia xageen kabilownaa wax fikrad ahna mahaysaa waleeleheena maxay nagu kordhin karaan oo fikrad/gacan ah Good luck!!! |
    LADAN | Unrecorded Date ZAMIA WAA KUGU RAACSANAHAY WALAASHIIS. WARSAME 13KA URUR OO AAD SHEEGTAY HAL MID OO KA MARAN QABIIL MA KU JIRAA?! HADII AY JAWAABTA TAHAY MAYA HADEE MAXAABA MEESHA YAALA...... |
    sahra | Unrecorded Date hi gabdhaheena ,ladan and zamia salaan aan idinla dhaafi waayay,and good luck imtixaanadka. to warsame ,sorry bro wax figrada mahayo. peace ,sahra |
    Warsame | Unrecorded Date To: zamia! Is that all? Wax kale oo aan qaban karno majiraan miyaa? waxaan umalaynayey in aad kamid tahay dadka aan daalin ( those who never give up). Qaaruumihii hore markay duloobaan ilaahay wuxuu usoo diri jirey rasuul tusa wadadii ayka habaabeen laakiin WHO DO YOU THINK In Ilaahay usoo diri doono Somalida? Zamia iyo dadkeena kaleba waxay ila tahay inaa nu garow sano in aynu nahay kuwii ilaahay usoo diray bulshadeena ku dhaqan wadankan aynu kunool nahay. Bye and goooooood luck!! |
    zamia | Unrecorded Date to warsame aboowe waa ku salaamay waa iga yaabisay oo ma waxaa naga sugeysay in rasuul nalaka soo dhex saaro kuwaan soomali ku sheeg ah rasuul iska daayee jano ma u malaynayo inay urinayaan xataa markii lagu daro wadaadadooda. aboowe wax kasta oo aad samayso oo dhaqdhaqaaq ah oo umada soomaaliyeed dani ugu jirto waa kugu garab istaagi gaar ahaan dumiska qabiil ku shaqaaysiga iyo horumarka hooyooyinka iyo ubadka soomaaliyeed ,laakiin nasiib xumo hada ma hayo meeshii aan wax ka bilaabi lahayn imtixaanana waa igu taagan yihiin ee waa u soo fekeri arintaa sidii loo bilaabi lahaa. bye zamia |
    Warsame | Unrecorded Date To: Zamia Asalaamu calaykum! Walaal alaha kuu fududeeyo imtixaanadaada! Horta waad ogtahay oo in soomaali qabiil laga joojiyaa waa waxaan suurto gelikarin, laakiin hadey rabaan qabiilkoodo ha haysteene waxaa haboonaan lahayd inay bartaan siday uwada dhaqmi lahaayeen oo ugu heshiin lahaayeen waxa ka dhexeeya. Dadku suu u badan yahay waxay qalad uqaateen micnaha waxa kadhexeeya. ma,aha inay tartamaan oo ayku tartamaan siday ukala sedroonaan lahaayeen beena isaga dhaadhiciyaan inay kala fiican yihiin kala aqli badan yihiin kala qurux badan yihiin. i.w.m. Aniga waxay ila tahay ma,aha waxay aabahay latahay ama adeerkay latahay laakiin ay aniga ila tahay in waxa ka dhexeeyaa uu yahay dhiig, dhaqan, dhul, diin, iyo qadarin bilow aadininimo oo ayka bilaabaan in qof walba naftiisa qadariyo ee uu san qabiilkiisa qadirin. warka hada inaan badiyo loomabaahna raali halayga noqdo. Zamia halagaa warmaqlo markaad diyaar tahay. Bye folks! |
    LilleHamer | Unrecorded Date Aanu fiirino xisaabtan 13urur X 0 (tayo lahayn = 0(ayaanu heleynaa. Warsame Adoo Alle ka baqaya adigu soow kuma xirnid urur? Xaggeedsa adigu mareysaa? Sorry brother xumaan ha iiga qaadan. (markii aan saas leeyahay, qof walba waxaa ku jirta dhowr (ml) oo cudurkan ah, dadka qaarkiina waxaaba laga helayaa sida X, iyo X, iyo kuwa badan inkabadan 500ml. you see? |
    LADAN | Unrecorded Date sahra waa kaa qaaday salaanta, laakiin waxaa jeclaa inaa meesha xoogaa talo ah ku qortid, dhinacaas aad ayaad ugu fiican tahaye JEG MENER VIRKELIG DET. LILLE HAMMER waa kugu raaccsanahay (x.0)=0 qof diidi karo maleh, lakiin ma u badali karnaa x+0=x?!!!!! bye |
    Warsame | Unrecorded Date To: Lillehammer. Asalamacalaykum. Walaalkiis/walaashiis saad u og tahay in dadku cudur qabo intuu doono hale,ekaadee waynu wada aragnay ee maxaynu ka qabanaa. Hadii cudur qof qabto marka hore waxaa lagu dadaalaa sidii uusan usii fidi lahayn kadibna waxaa ayana laraadiyaa simtomska cudurkaas markaasaa waxaa loo sameeyaa daawo joojisa ama yaraysa shaqadiisa. Marka Lillemmarow adoon x. iyo y. wax lamid ah ku raadin cudurkeena waad og tahay oo jaahilnimo. Maxaa lagu daaweeyaa JAAHILNIMO???? |
    Anonymous | Unrecorded Date TO LADAN LADAN WAXAAN KU WAYDIIN LAHAA QOFKAN ABTIRSIIMADA QABIILADA DHAMEEYEY MAA ADIGAA MISE WAA MAYA? By LAADN on Friday, March 10, 2000 - 06:47 pm: NALAYE-AXMED IS NOT QABIIL WAA JILIB. DHULBAHANTE WAAYE QABIILKA, KA DIB MAXAMUUD GARAAD KA DIBNA NAALEEYE AXMED. WAXAAN RAJEEYNAA INAA HESHID IGA RAALI AHOOW WAY ADAG TAHAY IN AY DADKU GARTAAN NAALEEYE-AXMED OO KELIYA(QAAR) |
    SAHRA | Unrecorded Date heey anon bro/sis ,wax kasta oo aad tahay MEESHAAN cidna MAXKAMAD masaarna , so maxay tahay waxaa wado (YAAB BADANAA) really mafahmin waxaa LADAN waydiisay, mana aha inaan difaacayo,meesha uun baan kaga soo hormaray waana fahmi waayay that is all,and i can,t wait inta LADAN kuu soo jawaabayso hasugi waayin ANON PERSON P.S and plz stop TV ga badan aad fiirsanayso bye all sahra |
    DEEQ | Unrecorded Date TO ANONYMOUS Waan fahmay ujedada aad u soo qortay qoraalkaaga sare. Qof walbana way u cadahay ujeetadu kii isagu idhaha iska ridiyaa hayska ridee sida sahra indho cad. Sahra waxaan ku waydiyey adigu ma lawyer ayaad u tahay ladan mise indho adaygkaaga ayaad raga u fuulaysaa. TO ladan Hadii aad qortay qoraalka sare ee abtirsiimada ah Maxaad halkan indha isaga soo ridaysaa oo aad iska dhigaysaa mid aan qabiil aqoon.Waxaa hubaala inaad qabiil tageertid ee indhaha hayska ridin. SOOMALI MEEL WALBA OO AY JOOGAAN MA QABIIL LA. |
    awnoor | Unrecorded Date TO ANONYMOUS WALEE KHABARKII LADAN WAAD SOO HESHAY. WAAD KU MAHAD SANTAHAY. TO LADAN LADANEEY KU MEE? FORSVAR DEG ELLER FINN DEG EN ADVOKAT. NB jeg anbefaler sahra som din advokat. |
    SAHRA | Unrecorded Date hi all to deeq tnks dear inaa noo cadaysay ruuxan ANON inuu RAG yahay ,bro mana fuulin ee just wuxuu qoray baan fahmi waayay still mafahmin UUHHHH MMM (war yaa ii turjuma ) waan iska garanayay inay gabar somaliyeed waxaas soo qorayn (ani waaba yaabaye ragii maxaa ku dhacay ) and deeq i wish inaa indho cad cad leeyahay but tnks faanka aa ifaanisay, TO AWNOOR brother awnoor ,tnks shaqada aad ii raadinaysid i really need some cash but LADAN did,t need advokat , AND WHY WHY WHY anon person waxaas oo waqti ah ugu dhumiyay inuu soo raadiyo waxaan micno samaynay , still WHY WHY , HEEY ANON nin ragaa ilaahay kaa dhigaye noo soo jawaab oo na fahansii and get a name , maxaa isku qarinee hadaadan been sheegayn byee all peace sahra |
    LADAN | Unrecorded Date annon qofkaa sheegaysid aniga waaye oo qoraalka kore qoray, laakiin what's wrong with that?!!!! qof ayaa baafinaayey qofkale, ma xasuusti xataa meeshay ahayd laakiin inaa hadalka qoray waa xasuu sanahay, wuxuu ku qoray qofka meesha inuu qofka uu raadinaayo uu yahay naaleeye axmad, markaas ayaan qoray hadalka uu kor annon ku qoray. waana runtey, qofku markuu qof ku raadinaayo qabiil waa inuu soo hormariyo magac qofkasta garankaro, sida magaca qabiilka EXP.MAJEERTEEN, DHULBAHANTE,ABGAAL, HABARGIDIR ETC,ee aanu oran reermahad, naaleeye axmed, reerjalaf etc, sababtoo ah dadku ma wada garanayaan jilibyada.... Anwar, sahro ineey waraabaha yur ku dhihi taqaan maa u wada weerareeysiin! xaasidnimada iska daaya oo u qira walaashiin dadnimadeeda idinkoo aan dhihin lowyer...bla bla blla.... Jeg trenger ikke å forsvare meg, jeg bare sier sannheten. Det at jeg har kjennskap til klaner og sånt, betyr ikke at jeg er en klanefæn SAHRA TUSEN TAKK SIS! way kuu quuri la'yihiin inaa iska celineeysid. |
    zamia | Unrecorded Date to dhamaan dadka ladan ku dhegan walaalayaal soomaali hadaa nahay qabiil waa wada naqaan oo ma aha wax ina ku cusub ilaahow nay ku karaan qurbe, qabiilkanan sidiisaba waxaa loo soo rogay in la isku garto aqoonsado ee looma soo rogin in wax la isku yeelo oo ay soomaalida maanta ku dhaqanto. haday ladan tiri war qabiil hadaa wax ku raadinaysid kor nooga soo bilow oo markaa dadkaa qabiilka ah ha lasii weydiiyo wax qaldan uma arko to ladan saaxiib soomali waxay iska dhigayaan inay qabiil aqoon laakiin ogow xataa hada hadii ay gabadhu ama wiilku isku qabiil ahayn isma guursadaan oo wey kala cararaan marka heerkaas uu qabiil gaarsiiyey. ilaahay ha tuso wuxuu qabiilka usoo rogay oo dib diinta ha ugu noqdeen waayo sidii loogu talo galay si ka duwan ay u siticmaalayaan |
    SAHRA | Unrecorded Date TO LADAN sis adaa mudan ,sheekadan ay wadaana waxba hawqaadan waa dad muran raba ,hadii dhibaato ay tahay maalintii aad qortay baa laga doodi lahaa ,markii aad saxday oo tiri hadaabad wax sheegaysaan korka soo bilaaba bay qalad ka dhigayaan( bal yay tahay qofka fahmaya haday qayba hoose oo kaliya meesha ku soo qoraan ) hadaabad qabiil qoraysid sida LADAN idin sheegtay QAYBTA WAYN soo qora hadii kale waxba hasoo qorina . and why aad u cayr san waydeen qofkii dadka qabiilka ku raadinayay kaas baa arintaan qusaysaa NOT LADAN , ladan sis waxay kuu cayrsanayaan waxay tahay markay arkaan GABAR SOMALIYEED oowax baratay ama wax garada ayagoo dhan FABIO ay qaadan it is like SHINI MACAAN aragtay and it is cudur nimanka qaarkood ku dhaca markay 30 meeyo gaaraan inay maantoo dhan gabar walaashooda la doodaan ama qaladkeeda WAYNAYSO ku eegaan sida ANON cudurka haaya oo kale markaa abaayo hawbixin just IGNOR way heleen jawaabtoodii , TO ALL INTA MURANKA WADA heey ladan asxaan bay idiinsamaysay oo waa idiin sheegtay say wax u dhaceen oo dhan so, maxay idinka caawisay hada ,still micno masamaynayso waxaad soo qortay ANON sababtoo ah hadaad rabto inaad sheegto qof qabiil ku dhaqma adi iska biloow ,we all know in nimanku yihiin dadka u horeeya ee qabiil ku dhaqma so, markaad aragtaan sista wax garada ha bursanina ee bursada nimankiin meel kasta qabiilka lataagan bye all peace |
    HUSSEUN | Unrecorded Date SHEEGADII WAY QADHAADHAADAY Dadkii soomliyeed waxay uqaybsadeen -mid ay dumarkii ka wadi waydey -mid ay qabiil ka wadi wayday -mid ay ka wadi wayday soomaaliya ragu way ina adoonsan jireen iminkaase ka aargoosan karnaa. Waaryaadheen Wax ma idiin sheega hadii aad haysaan wax muhiima ah oo laga wada hadlo, fadlan badka ha la soo dhigo, hidii ay cay, muran, isceebeen, weerar qof kale tahayna halugu kala tago meesha. Taasi waa iga talo. Raga dumarka ku weeraraaya dumarnimaddoda, oo leh maxay sheegaysaa waa gabadhe, makolbay sheegaysaa wax khayr, kuwaasoowna xishooda ninka nin ahi dumarka ma cayee. Laakiin rayi iswaydaarsi iyo wax isu sheeg waa waxa boga loo furay. Dumaroowna idinkuna xishooda oo ha caytamina, malihi wax baad caydaan ee waa iga xasuus. Yaana loo safan dumar iyo rag wax loogu saftaa meesha mayaalee. Soomali sida ay u dhan tahay waxay ku abtirsidaan qabiil mana xuma. Qabiila intay soomali jirto wuu jirayaa oo lama burburin karo, ceebna maha. Laakiin qabyaalidii ayaa wax burburinaysa oo wax qasaysa oo ubaahan in dadka laga dhaadhiyo inay qabyaalad burbur, baaba iyo dib udhac dal iyo dad uun leedahay. Laakiin oogsoonaada in ay jirtay jirina doonto xili dadka soomaaliyeed ay meel ka soo wada jeedaan. NEVER GIVE UP BRO AND SIS. TO WARSAME Waa lugu salaamay Marka aad leedahay ma ogtihiin inay 13 urur oo kaliya ka jiraan OSLO. Ma waxaad leedahay ku soo dhawaada oo ku soo bira dadkiina aan ku jirin ururadaa. PEACE BRO AND SIS MED VENNLIG HILSEN HUSSEIN |
    WAAYEEL | Unrecorded Date DHALANGADISKA KUDHACAY DUMARKA SOOMAALIYEED EE QURBAHA JOOGA BAL FIIRIRIYA. WAXAAN ARKI JIRAY QOFKII LA'AMAANO RAG IYO DUAMRBA IN UU DHIHI JIRAY HA IFAANIN UMA QALMEE IYO IWM HALKAANA WAABA LOOMAHAD CELINAYAA QOFKII KU AMAANA THANKS,TUSANTAK WAX KA DHACAAYAA KAALAY ARAG?.!!. DADKAASAA CAQLI LAGA SUGAAYAA. WAR MEESHA YAANAN WAQTIGA LA'ISAGA LUMIN NAGU KALAWADA. |
    SAHRA | Unrecorded Date TO HUSSEIN wallal salan kadib , wallal waad ku mahadsan tahay commentska aad soo jeedisay qofkasta oo wax garadana wuu ku qasban yahay inuu qaato, TO ALL AY QUSAYSO REALLY waa nasiib xumo in aan ku hishiin wayno SOAMALI FORUM mana idinka sugayo inaan heshiino ee just af lagaadada joojiya it is MAANGAAB DHAQANKIISII waxa meesha ka socda and TO U WAYEEL anigu ma aqaan waaxaad horay usoo aragtay ee qofkii la amaanaa wuu u qalmaa waana inuu dhahaa WAAD MAHADSAN TAHAY (waa midka aan u qalmin midka dhaha HA IFAANIN UMA QALMEE) GOT IT BRO AND aflagaadada aad soo qortay waxay dadka tusaysaa ADIGA AQLIGAAGA INTUU GAARSAN YAHAY)and WE KNOW INTUU YAHAY,() p.s this topic is like MAQAAYADA JAADKA and I AM really OUT BYEE ALL SAHRA |
    rashka | Unrecorded Date asalaama calaykum to waayeel walaal waa runtaa oo meesha dad caqli usaaxiiba ma joogaan amaanta iyo faanka oo qofku u riyaaqaa waxay ahaan jirtay ceeb dhaqankeenii balse waxaa meesha jooga dadka aad aragtay waa uun dumar ilbaxay iyo hessein oo dhex boodaya meelo badana waad ku arki oo bogagan norway ah maahmaah soomaaliyeed baa odhan jirtay runtii wax dad waayeela la horkeeno maaha laakiin mar hadii hussein iyo dhoocilo ay sheekadu tahay waan oranayaa waxay maahmaahduku saabsanay laxiyo wan nacas ah iyo kuwo yaryar oo ay dhashay waanay wada socdeen waxaanay ahayd sidatan (sabeentan garanay oo waa tay gugii hore dhashay wankan yarna garanay oo sanadkan bay dhashay waar sumalkuna waa xisaabiyaheedii bal kan nacaska ah maxaa daba dhigay sow badhadhooq badhadhooq maaha ) runtii halkaa waxaa ku jira hussein waar bal dhoocilaha garnay oo waa dad mabda leh tolow hussein muxuu doonayaa waad salaamantahay |
    LADAN | Unrecorded Date RUSHKA, uma qalantid minityadayda inaan kugu dhumiyo, waana adi camal waxaan meelna la gaari weeyney. Nin RAGAA isku sheegeysaa, namaadan arag waligaa, namana taqaanid, waxaad u bogi waydey aragtideena markaasaad dhoocila nagu sheegtay RAGANIMO IYO XIKMAD MEESHII UGU DAMBAYSAY OR WHAT?!!! Jeg synes virkelig synd på dem, som står deg nærmest(mor, kone og søstre), hvis det finnes... de er SÅ UHELDIGE!!!!! hal mar aqri waxaa qortay. marka damba oo aa damacdid inaa salaamalaykum ku soo gashid meel, soo baro macneheeda laxyohow::.. |
    SAHRA | Unrecorded Date TO LADAN sis saa horey u sheegtayba hayskaga dhumin xitaa SEC ladan today i became DETACTIVE so, DETACTIVE SAHRA waxay soo heshay wax yaalahaan 1-hadaa aragto hadal laga bilaabo ASLAAMA CALAYKUM (oo ah erey wanaagsan)+dad lacaayo ,looguna danbaysiiyo WAAD SALAAMANTIHIIN OR WAAD SALAAMANTAHAY = SUGE waa SUGE oo isticmaalaya magac kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca , P.S waxaan rabay inaa maqaayadaan ku soo noqonin ee just NEW INFO ayaan idinla dhaafi waayay bye all SAHRA |
    Warsame | Unrecorded Date To: All of you!! Ugu horayntii Asalaamu calaykum! waxaan ahay qofkii bilaabay page kan waxaan ufurayna waxay ahayd in dadka degen Norway ee soomaalida ah aanu isku weydaarsano fikradaheena iskuna dayno sidii aan dadkeena uga caawin lahayn mar xalada xun ee ay kujiraan. laakiin hada waxaa meeshii noqotay meel Ladan,Sahra,rashka bla bla bla... ay sheekadooda ku dhamaystaan. Seecamal yaakhey idinka? Hada waanka samray soomaaliyey in aad wax wada qaybsataan ee bye bye |
    suge | Unrecorded Date asalaama calaykum to warsame sxb warsame waxaan kaag raali galinayaa in page kaagii aad ugu talo gashay sidii loo raadin lahaa xal u helida dhibaatada faraha badan ee haysta bulshadan soomaaliyeed ee degen norway laga dhigo meel caruuri ku haasowdo. dhibkani sxb mid bogan oo qudha haysta maaha waa midcaadi ka ah beelaha norway waayo dumarkan aad tirisay waxay noqdeen(virus bogogan ) marka sxb meel kuwani yaacayaan aqoon iswaydaarsi ma suuro galayo. asalaama calaykum |
    LADAN | Unrecorded Date Hadii lagu dhoho macallinka qob moosaa ku taagan tahay, virus waaye dadka soo maaha. Adaa virus iyo belaayoba ahe bax shaqo yeelo suge kumalohoo, ma suge waaxid |
    ali | Unrecorded Date to:ladan tan ladantu meelkasta way taagan tahay laakiin aniga iga warsuga aniga ayaa soo oganayaa qofka ay tahay iyo nolosheeda waxay qabato,inay caruurtahay baanumalaynayaa,oyo in dhibaato xun laga galay oo uu xumeeyay ninkeedii. |
    Warsame | Unrecorded Date CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA! Waan yaabanahay anigu dadkan aan is aqoon laakiin ku heshiin waayey meel walba maxaa ka wada qaldan? CIDINA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA! |
    qamarji | Unrecorded Date to dhamaan walaal layaal waan idiin salaamy walaal layal waxaan idiin weeydiiyey ma jiraan ilaa iyo hada qof isku dayey in uu wax ka qabtay sheegadan .waxaan ka wadaa cudurka qabiilka |
    mudane | Unrecorded Date Reer norway waala idin salaamay dhamaantiin, salaan kadib waxaan idiin rajaynayaa in aad ku guulaysataan abaabulka muhiimka ah ee aad wadaan kaligiina maahan ee cudurku meelkastuu nagu hayaa, hadaanu nahay reer Holland dhowr magaalo ayaa ka dawoowday inta kalana ilaah ayaan u baryaynaa(AMIIN). magaalada aan daganahay ee Delft mudo sadex sano ah waxaa ka dhisan urur layiraahdo midnimo oo la,isku raacsan yahay qayr ilaah haka siiyee waxaanu helnay odayaal latashta dhalinyaradooda iyo dhalinyaro tixgalisa odayaashooda. hadal badan haan ma buuxshee alaha idiin fududeeyo hawsha culus ee aad ka shanqariseen. |
    Anonymous | Unrecorded Date reer norway oo dhan ma intiina yar baa net ka leh waa la yaabee, indinka lee u badan qolaal walba aan norway ka aqriyo? |
    Leydi | Unrecorded Date Hadal yar iyo howl badan.Maxaa idin diiday inaad urur sameysaan dadkiina wanaaga ka talinaaya? Hadalka intaad iska dhaaftaan sameeya urur halboole u ah 13ka kale.mahad qaasna waxaa iska leh gabdhaha raacsan taladaan. Macsalaama...... |
    kici | Thursday, October 05, 2000 - 06:32 am leydi waad ku mahadsan tahay sida aad u abaartay arinta dhabta ah ee meesha taala laakiin midbaa yara raacin lahaa taladiina dadoow wax badan ayaan u soo taagnaa arintan oo kale waxa looga bixi karaana waa qodobadan soo socda 1)urur in aad sameysaan waa muhiimada koowaad 2)qof masuul ah oo soomaaliyeed ha isdiiwaan galiyo caruur korsasho 3)dowlada ururka ha laga diiwaan galiyo 4)taageero ka raadsada bulsha weynta soomaaliyeed waxaan idin leeyahay allaha idinla garab galo arinta laakiin mid xasuusnaada waxaa horey loo yiri qofkii mowqif leh isla markaana u samra waa gaaraa ku dadaala samirka iyo dhibaatada arinta waa walaalkiin kici oo idin leh held og lykke |
    MCN | Monday, December 25, 2000 - 05:44 am waad sallaaman tihiin. Soomaalida waxay sanadahan dambe noqotay in wax kasta oo laga hadlo, mudo gaaban ka dib aan la isku fahmin. Taas waa dhici kartaa oo ummadaha kale oo dhan way ka dhacdaa, waxaase yaab ah in hadii la kala fikrado duwanaado isla markiiba arinta loo badalo af-lagaado, caay & marin habaabin. Teeda kale arinta laga hadlaayo ma aha wax xataa hadii waqti badan la siiyo fudud, kaba sii daran hadaan si cilmiyaysan oo caqli ku salaysan loo abaarin. Aniga waxaan horay u arkay magaalada Toronto oo arintaan oo kale looga shiray sideed sano ka hor, waxaa shirkaas kasoo qayb galay 33 urur oo sharciyaysan iyo ilaa iyo toban aan wali is diiwaan galin, waana lagu kala tagay. Arintaan ma sahlana ee hadii aad run sheegaysaan cayda iyo kaftanka iska dhaafa ee si ixtiraam leh qof walba fikradiisa ha u soo qorto..... Waxaan u baahan nahay Dumarka oo ah laf dhabarka qoyska. Wadaadada oo na tusa jidka saxda ah, Waayeelka oo ayagana caado iyo dhaqan laga soo xigto iyo dhamaan dhalinyarada oo ah kuwa la rabo inay soomaali ka badalaan(daaweeyaan) cudurkaan aad khatarta u ah...... waa idin sallaamay |
    MAARKE | Tuesday, January 30, 2001 - 08:23 pm HEY every 1. Waan idan salaamay dhamaan tii soomaaliyay. markaan akhriyay wax badan qof walba fikaradiisa dadku waxay u "badan yihiin" dad wanaagsan in yar mooyee. ma xuma dadi hadii ay isugu yimaadaan meel in aan laga waayin dad marin habaabis ah. Hadii aan usoo noqdo sidee SOMALI uga bax daa QABIILKA?, waxaan u maleeynaya in horteen SOMALI is weeydiisay kuna guulaysan wayeen arintaa. Marka a anigu waxaan iga tala ah in arintaa la iska daayo oo aan waqti la isaga lumin. MIDA KALE MEESHAAN BILAA MICNO BABY UFUN TAHAY 4 real sidaa iyo nabad galyo Somaaliyay. hana igu nici ni na waa fikrad (xusuus) meeshu figrad is dhaaf si bay aheed jaaaaaaaw. |
    maxamed | Saturday, February 03, 2001 - 04:31 pm ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI Waxqabadka iyo sideen wax ka yeelnaa qaasatan reer iyo reer hebel ayna noo ogeen dadkan aan la noolnay,iyo 13 kaan urur oo cidwalba ay furatay maxaan ka yeelnaa? Hadaanan qaldanay mowduucu taas ayuu ku bilowday dhamaan dadka firfircoon waa ku mahadsantihiin cidii mowduuca wax ugu dhimanyihiin ku soo dhawow,adigoo na tixgalinaya shaqsiyaadka sheeko isfahmi la waayoo laga soo dhamaan maayo runtii runtii digtaatoornimo maha oo figrado badan oo fiican iyo kuwo gaf ahba waa soo aragnay aan ka sii wadno,ummad islaam ah ayaynu nahay gafka xaga diinta iska ilaaliya,cidna kuma socoto gaar ah oo si guud jawaabna uma baahna ka gudub wixii danbi ahna ilaah hanoo danbi dhaafo isagoo awoodaas leh,waxaan idin farayaa samir qaasatan netka oo samir gaar ah u sii baahan caawa ka hor ma aanan arag halkan,shaqsi ahaan figrado wanaagsan bay u badanyihiin walow qofka markuu wax badan celceliyo laga yaabo in qalad qof ama ujeedo ama eray ama mowduuca oo dhan uu ka galo qalad markaa haloogu samro figradihiisa wanaagsan si ay u yaraato isu jawaabka gaarka ah,qof markii uu mowduucu qasmo dadka kala hagana ha isa soo xilsaaro waan isku dayi lahaa runtii lakiin waqtiga aan siiyo neka ayaa aad u kooban waqtigan xaadirka ah fadlan aan is garabsano,cidina uma maqna ceelna uma qodn. wabilaahi towfiiq. |
    mUJAAHID | Wednesday, March 14, 2001 - 12:08 am waxaan dhammaan magacyadan dumarka u badan kua talinayaa qadiyadan faraha kala baxa waxaan idiin arkaa warsame iyo kuwan magacyada dumarka samaystayba inaad maati ka noqoteen siyaasada dhidibada sii aasanaysay ilaa bilowgii 1980 ee soomaalida markaasay xalin u baahnayd ee maanta waa forseint ee maati ka ahaada qadiyada siyaasadeed ee soomaalida GUUL WAARAYSA SNM IYO USC |
    Mujaahi | Wednesday, March 14, 2001 - 12:14 am dUMARKU WAAN IXTIRAAMAA MARKAA HADALKAYGA HA MOODINA IDINKA EE RAGGAAN LA HADLAYAA WAAYO IDINKU DANBI MAYDUN GALIN |
    LibaaxOslo | Sunday, March 18, 2001 - 11:28 am Cidina uma maqna ceelna uma qodna , walee waa cajaaib. cidi waa noo maqantahay oo illaahay baa noo maqan ceelna waanoo qodan yahay oo waa calankeena , ee walaalayaal yaan la samrin . ok. wooooooooooof wooooooof woooooof by sni |